Day Archives: November 1, 2017

VideosWararka

Madaxweynaha Somaliland Oo Xafiiskiisa Warbixin Kaga Dhagaystay Todobada Xubnood Ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka Dardaaran Iyo Ducana Isugu Daray.

Hargeysa(Waaheen)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalilandm mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa saaka xafiiskiisa ku qaabilay todobada xubnood ee komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland, xubnaha komishanka oo madaxweynaha ugu yimi sidii ay warbixin uga siin lahaayeen qaabka ay ilaa hada u socoto u diyaar garawga doorshooyinka Somaliland oo ay ka hadhsan tahay wax ka yar 12 maalmood.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku bogaadiyay xubnaha komishanka dadaalka dheer ee ay ugu jiraan inay waajibkooda gutaan isagoo madaxweynuhu ugu duceeyay in ILLAAHAY ku asturo hawshaas baaxada leh ee ay qaranka u hayaan maalmaha koobanina uga hadhay.

Guddoomiyaha komishanka doorashooyinka qaranka Cabdiqaadir Imaan Warsame oo warbaahinta uga war bixiyay kulanka ay saaka la qaateen madaxweynaha ayaa yidhi “waxaanu maanta oo ay bishu tahay 01-Novembar-2017, waxaanu madaxweynaha ugu nimi salaan sharaf iyo inuu noogu soo duceeyo hawsha baaxada leh ee aanu gudo galayno, waxaanu madaxweynaha iyo xukuumadiisaba uga mahad naqaynaa mudadii aanu xafiiska joognay tacabkii uu na galiyay iyo gacantii uu nasiiyay, waxa kale oo aanu madaxweynaha uga mahadcelinay sidii uu u qaadatay inuu lacagta doorashada wada bixiyo kadib markii deeq bixiyayaashu nagu yidhaahdeen mahayo lacag aanu idinku caawino, go’aan dhiiran ayuu ahaa, waxaanu halkan uga mahad celinaynaa shacab weynaha reer Somaliland meel kasta oo ay joogaanba sidii ay amarada komishanka u qaadanayeen iyo sidii ay ugu soo jeedeen in qarankan doorashooyinkiisu aanay is taagin, waxa kale oo aanu u mahadcelinaynaa qolada deeq bixiyayaasha oo aad inoo caawiyay, waxa kale oo aanu u mahad celinaynaa saddexda xisbi qaran, waxaanu leenahay saddexda guddomiye waad mahadsan tihiin, waxaynu soo marnay diiwaangelin casri ah oo ALLE inagu guuleeyay, waxa kale oo aynu galnay kaadh qaybintii, maanta waxaanu u ambabaxaynaa 6da gobol ee dalka, sanaaduuqdii doorashaduna maanta ayay meel kasta tagayaan,

Guddomiyaha komishanka ayaa shacabka reer Somaliland ka codsaday inay kalooni buuxda siiyaan xubnaha komishanka “waxaanu  halkan fariin u diraynaa shacabka reer somaliland inay kalsooni buuxda ku qabaan doorashada soo socota, inay kalsooni buuxda ku qabaan 7-komishanka ahi inay daacad yihiin, diyaarna u yihiin inay qabtaan doorasho xor iyo xalaal ah oo cadaalad ku dhisan, kalsoonidaas waxaanu ka codsanaynaa axsaabta iyo shacabka, waanu dhaaranay markii aanu xafiiskan imanaynay cadaalad ayaanu ku dhaaranay cadaaladiina waanu wadnaa”ayuu yidhi Guddomiyaha Koomishanku.

 

VideosWararka

Madaxweynaha Oo Isugu Yeedhay Madax-dhaqameedka, Ganacsatada, Iyo Culimada Dalka, Kulan Dardaaran Ahna La Qaatay Iyadoo Khudbado Muhiimana Laysku Dhaafsaday Madasha.

Hargeysa(Waaheen)kulanka muhiima oo madaxweynuhu maanta isugu yeedhay Madax-dhaqameedka, Ganacsatada, iyo Culimada Dalka ayaa ka qabsoomay qasriga madaxtooyada, waxaanu kulankaasi ahaa mid dardaaran iyo baraarujin isugu jira oo uu madaxweynuhu kula dardaarmayey masuuliyiintaasi inay qayb ka noqdaan in dalka ay ka qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ah oo ay ku kala calaf qaadaan asxaabta qaranka ee ku tartamaya doorashada ay inaga xigto maalmaha koobani, waxaanu madaxweynuhu khudbad ka jeediyey kulankaasi waxaanu yidhi “ Madax-dhaqameedka, Ganacsatada, iyo Culimada Dalka, dhammaan waxaan idiin soo gudbinayaa salaan xambaarsan hilow, niyad-sami, nabad-gelyo iyo naxariis Eebe, “ASSALAMU CALAYKUM WA RAXMATULLAAHI WA BARAKAATU”.

Duco-qabayaal,

Milgo iyo maamuus weyn bay ii tahay, in aan maanta idinku martiqaado Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland. Sida aad ka war-haysaan, muddo ka yar laba toddobaad, ayaa inaga xigta, qabsoomidda Doorashada Madaxtooyada Dalka.

Ugu horreyn, waxa waajib inagu ah, in aynu Allaheena weyn u mahad-naqno. Mar labaad, waxaan jecelahay, in aan idiinka mahadceliyo, kaalinta weyn ee aad mar kasta kaga jirtaan guud ahaan horumarka, wada-jirka ummadda iyo adkaynta amniga qaranka. Sidoo kale, waxaan idinku bogaadinaya, waayeelkiinan ka kooban Madax-dhaqameed, Culimo, iyo Ganacsato, doorkii lama ilaawaanka ahaa, ee aad ka soo qaadateen taaba-gelintii Doorashooyinkii dalka ka tis-qaaday, sannadihii 2003-dii, 2005-tii, 2010-kii iyo 2012-kii.

Mudanayaal,

Ujeedada aan kulankan idiinku yeedhay, waxa uu daaran-yahay, in aan idinku guubaabiyo, in aad nagala shaqaysaan wacyi-gelinta iyo midnimada bulshada.  Xilligan Xaasaasiga ah, waxa loo baahan yahay, in aynu iska kaashanno,  yareynta xanafta iyo xiisadaha ka dhalan kara xafiiltanka siyaasadda. Waxa Odayaal ahaan, dhammaanteen inala gudboon, in aynu ka hor tagno, in ummadda la dhex-dhigo cunfi, ciil-qab iyo cadaawad siyaasadeed, taasoo u hor-seedi karta qo-qob iyo kala-qaybsanaan, raad xun ku reebta mustaqbalka noloshooda.

Ummad ahaan, waxa maanta ina saaran xil culus iyo masuuliyad wadareed. Waxa hubaal ah, in aynaan kaga gudbi karin xaaladdan nin toocsi, tafaraaruq iyo talo xumo. Qaran gob ahi, wuxuu kaga gudbaa duruufaha adag, ee la xidhiidha doorashooyinka, dulqaad, degenaansho, danta guud oo laga hor mariyo ta gaar ahaaneed, bisayl, iskaashi, midnimo iyo wada-jir. Duco-qabayaal, waa in aynu, dhinac uga soo wada jeesanno, cid kasta oo abuuraysa xasilooni darro iyo xiisad colaadeed. Waxa waajib ku ah, muwaadiniinta Somaliland iyo Waayeelka hortayda fadhiya, in ay gacan siiyaan ciidammada qaranka ee ku hawlan, adkaynta nabadgelyada iyo sugidda amniga qaranka.

Mudanayaal,

Aniga oo munaasibaddan ka faa’iidaysanaya, waxaan leeyahay Xisbiyada Qaranka, dalkani wuxuu ku nabad iyo caano-maalay, hab-dhaqan ku dhisan tudhaale, talo-wadaag, tawfiiq iyo isu-tanaasul. Murti Soomaaliyeed ayaa tidhaahda “Caado La Gooyaa, Cadho Alle Ayey Leedahay”. Sidaa darteed, waxa waajib ku ah, Musharixiinta u tartamaysa hanashada hogaanka dalka, in ay dhawraan xurmada iyo xuquuqda ay leeyihiin, dadka ay codka ka doonayaan. Sidoo kale, waxaan ku adkaynayaa, in ay u hogaan-samaan go’aamada Guddida Doorashooyinka, Xeerarka, Shuruucda, iyo Nidaamka Doorashada u dejisan.

Gallad Eebaa Leh, Guulna Somaliland baa Leh

 

Allaheen Tubta Toosan ha inagu hanuuniyo,

Allaheen bash-bash iyo barwaaqo, baradeena haka yeelo,

Allaheen boggeena iyo beerkeena, burcad ha isu-mariyo,

 

VideosWararka

“ Murrashaxiintu Waxa Ay Xaq U Leeyihiin Inay Dadka Cod Waydiistaan, Xaq Uma Laha Inay Dadka Dhex-dhigaan Colaad Iyo Ciil-Qab, Najiitadana Marka Guddidu Ay Soo Saarto Nin Waliba Waa Ku Khasban Yahay Inuu Aqbalo” Wasiirka Madaxtooyada JSL.

Hargeysa  (Waaheen ) Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Md, Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ka hadlay ujeedada kulan uu maanta Madaxweynaha Somaliland la yeeshay xubno isugu jiray Salaadiin, Ganacsato iyo Culimo-awdiin.
Kulanka oo maanta ka qaybsoomay xarunta Madaxtooyada ayaa waxa laga wada hadlnay arrimaha geedi socodka doorashooyinka, Wasiirka Madaxtooyada oo kulankaasi khudbad ka jeediyey ayaa sidoo kalena ka hadlay sida ay xukuumad ahaan ugu diyaar garoobeen doorashooyinka waxaanu yidhi “ Ugu horayn waxaan jecelahay in aannu halkan ugu mahad-celino, madax-dhaqameedka kala duwan ee Salaadiinta leh, culimada iyo ganacsatada madashan fadhida,  ee Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ku soo marti-qaaday kulankan ajiibitaanka iyo ka soo qayb galka waannu idinku boggaadinaynaa, waana idiinka mahad-naqaynaa.”
Wasiir Xaashi oo ka hadlay ujeedada kulankaasi ayaa yidhi “ Ujeedada ugu weyn ee kulankan waxa uu salka ku haysaa waxa inooga hadhay doorashadii Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland wakhti kooban oo maalo yar, inaynu isu dardaaran lahaano waa laga maarmaan, Madaxweynuhu wuxuu u arkay inay dan weyni ku jirto in aynnu u balanno hawlaha inala dariska ah, doorashooyinku maaha wax ummadda Somaliland ku cusub, waa wax khibrad iyo waayo aragnimo badan aynnu leenahay. Ummaddani waa ummad bisil oo qaran madax banaan ahayd muddo dhawr iyo labaatan sanadood ah, daruufo adag soo martay, waxay soo martay kala qayb sanaan, waxay soo martay maalmo qadhaadh, waxay soo martay xili meel walba wiil qori haystaa maamusho madax ka yahay oo uu ku tacadiyo xuquuqda muwaadiniinta kale, waxaa ina soo maray waxaynu kaga baxnay ILAAHAY ayaa ku galad leh, qadar EEBBE iyo inaga oo isku tashanay, dadaalkaas nabadda ee aynnu maanta hayno iyo tacabkaas maaha wax caqliyo dibadeed inoo soo waarideen, maaha wax beesha caalamku ay aduun ku bixisay, waa wax ka yimid caqligeena, maalkeena, muruqeena iyo maskaxdeena, waxa gundhig u ahaa Madax-dhaqameedka, ganacsatada, culimo-awdiinka iyo dadkii qaranka hoggaaminayey ee kala dambeeyey, waynu isku tashaynay waxbaynu noqonay.”
Mudane Maxamuud Xaashi ayaa intaasi ku daray “ Madaxweynaha iyo kaaliyeyaashiisa hadaanu nahay anagu werwer ma qabno, Ummaddan noloshooda iyo nabadd-galyadooda werwer iyo dayro kama qabno maanta, umaddana cabsi galin mayno, balse waanu kalsooni galinaynaa, waxaannu far waaweyn ku dhigaynaa in ummaddan nabadgalyadeeda, xasiloonidooda iyo deganaanshahoodu ay mu’damin yihiin, oo ay tahay wax aan la taaban karin, umaddan waxa waajib ku ah inay dhinac uga soo wada jeedsato cid kasta oo qalalaase iyo kala qo’qob wada, doorashada waa la loolaymayaa, sadex xisbi ayaa loolamaya, muwaadiniinta Somaliland waxa ay xaq u leeyihiin in mid waliba uu u codeeyo halkii uu doorto ama dan bido.”
“ Murrashaxiintu waxa ay xaq u leeyihiin inay dadka cod waydiistaan, xaq uma laha inay dadka dhex-dhigaan colaad, cadaawad iyo ciil-qab, kala qaybin iyo wax la mid ah, doorashooyin ayaa la soo maray, najiitadana marka guddida garsoorka gacanta ku haysaa ay soo saarto nin waliba waa ku khasban yahay. Axmed Siilaanyo oo ah Madaxweynaha maanta amba baxayaa Sideetan cod ayuu kaga tagay 2003-dii, far waaweyna ayaa lagu dhigayaa xeer ayey ummaddan u tahay, musharraxiinta bedelaysa iyo hoggaamiyaha bedelaya, kuwa maanta tartamaya inuu ku jiro ka bedeli doona Ilaahay ogyahay, xeerkaas ayaa u yaala, waxa u yaala ninkii doorashadaas laga helaa inuu hambalyeeyo.”
Wasiirka Madaxtooyada oo hadalkiisa sii wada ayaa yidhi “ Xilku waa qayb-san yahay guddida garsooraysaa maaha Madaxweynaha iyo Xukuumadda, waxaba laga yaabaa in anaga dhinac nala xisaabiyo, anaggu garsoor kama nihin, Axmed Siilaanyo iyo kaaliyeyaashiisu garsoor doorashada kama aha, doorashada  waxa ka garsooraya guddida doorashooyinka qaranka, dhammaan waxa la xidhiidha oo dhan iyaga ayaa maamulaya, ammniga qaranka waxa maamula Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalialnd, Komishanka doorashooyinka iyo cid kale midna ma maamulo. Madaxweynaha Qaranku ummadda waa hoggaamiyeheedii markuu maamulaya hawlaha qaranka Ummadda waa u dhex, si cadaalad iyo sinaan leh ayuu ku maamulayaa, far waaweyn ayaannu iyadana ku dhigaynaa, siyaasada markay noqoto dhex maaha dambina kama raaco, xaq sharci ayuu u leeyahay, xisbi ayuu oday u ahaa ee inuu taageero, laakiin laba shay mid walba dhex ayuu ka yahay maamulka ammaniga qaranka waa ka dhex dhinac u dheeliyi maayo, dhinacna ugu shaqayn maayo, ragga u shaqaynaya ee gacan yare-yaasha u ahna iskagama kaayo khaladana markaanu waxa ummadda hayno ee aannu dhexda nahay iyo markaanu dhinacaha nahay.”
“ Waxa saaka kulanka nuxurkiisu daaran yahay maadaama oo ay hadhay wakhti yar inaynu talo midaysan ka yeelano arrimahaas oo dhan in aynnu ka hor tagno wax kasta oo carqaladaynaya doorashada geedi socodkeeda, wax kasta oo umadddan khalkhal galinaya xasiloonida iyo deganaanshaha ay haystaan, doorashaduna waa tartan furan oo nadiif ah oo xalaal ah.” 
SiyaasadaVideosWararka

“Xisbiga Cayda badsadaa waa Xisbiga dhacaya, Dadkuna Waxay U Codaynayaan KULMIYE oo Hadal Wanaagsan ku Tartamaya”

“Ciyaartuna Gabo-Gabiyo Waxay Joogtaa Gamtii, Halkay Ku Gudhaysay Tallo, Gafkana Xeer Baa Ka Yaal, Ninkii Ku Kacaa Xad-Gudub Wuxuu Galayaa Ofsaydh (Offside), Alloow Garinsii Nin Moog”Cabdicasiis M. Samaale

Hargeysa (Waaheen) – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, Xilligana ka mid ah Masuuliyiinta Miisaanka leh ee Xisbul-xaakimka KULMIYE, ayaa shalay dadweynaha reer Hargeysa khudbad dheer uga jeediyey fagaaraha beerta xorriyadda.

Cabdicasiis Samaale oo ay Wehelinayeen Masuuliyiin uu ka mid yahay Axmed Muumin Seed, ayaa Socod dheer iyagu markiii hore ka soo bilaabey xaafadda shacabka ee magaalada Hargeysa, kuwaas iyagoo lugaynay gaadhey beerta xorriyadda caasimadda oo ay ku sugnaayeen boqollaal ka mid ah taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxaanu markaa ka dib Mr. Samaale uu mid mid u salaamay taageerayaasha KULMIYE, isagoo sidoo kalena mid mid ugu dhiiri-geliyey inay sii kordhiyaan taageeradooda KULMIYE, si KULMIYE uu doorashada ugu guuleysto doorashada madaxtooyada ee dalka ka dhacaysa 13-ka bishan November, 2017-ka.

Cabdicasiis Samaale oo markaasi ka dib, fagaaraha beerta xorriyadda ka jeediyey khudbad dheer oo uu ku ladhay gabayga gurmad ee abwaan Gaarriye, ayaa yidhi “Waxaanu doonaynaa in KULMIYE mar kale guuleysto, Xisbiyada kalena waxaanu leenahay Tartan baa inagga dhexeeya ee is-caayi mayno, isna ceebayn mayno, kii soo baxaana waa kii kale..”

Cabdicasiis Maxamed Samaale oo u duur-xulaya Xisbiyada Mucaaradka ah, ayaa sheegay in Xisbiga Cayda badsadaa dhacayo, “KULMIYE Hadal wanaagsan ayuu ku tartamayaa, Walaaleyaal Xisbiga Cayda badsadaa waa Xisbiga dhacaya, Xisbiga KULMIYE waa Xisbi Guuleysanaya”. Waxaanu intaasi raaciyey isagoo farriin toos ah u diraya siyaasiyiinta xilalka ka soo qabtay xukuumadda ee xisbiyada mucaaradka ah dhexdooda ka soo caytama, kaas oo ugu soo halqabsaday gabayo uu lahaa Alle ha u naxariistee Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye), waxaanu yidhi “Gunbaa haan laga unkaa, duqbaa geel loo tumaa, gawbaan baan ka aqaan durbaan, waxaa geed lala kacaa gankaad tahay eray la da’a ah, gaftana bashar baad u tahee, hadaad ka garawdo khalad gob-bay  tahay caadadeed, golxoo dhami maaha dhalan, marbay gad kaleeto tahay, dabnahoo ku gariira iyo gangadda waxa keenta been’. Marka la tartamayo ee qof wayn oo masuul ahaan jiray uu cay ummadda horteeda intuu isa soo taago uu cay uun bilaabo oo aad mararka qaarkood arkayso inuu marganayo markaa caydaas uu ku marganayaa wax loo baahan yahay maaha, Waayo? cidna in la caayo maaha, cod-baad doonaysaa sow maaha? qofka codka bixinayaa waa xor oo sanduuq ayuu codkiisa ku ridayaa maalinta doorashada, oo cidna aanay arkayn ee ay isaga iyo ILAAHAY tahay, Innaguna waxaynu ugu ridaynaa KULMIYE. Markale waxa uu yidhi marxuum Gaariye hadduu geeraar wax taro maxaan galin dhexe onkoday, maxaan goohay oo talamay, adoo gabalkaagu dumay maxaan gudcur baajiyoo u daaray cadceed gayiga, maxaan galab oogay shamac, halkay ku go’aysay talo, waa 13-ka November saw maaha dadwaynoow, waxa kale oo uu yidhi marxuum Gaariye ciyaartuna gabo-gabiyo waxay joogtaa gamtii, halkay ku gudhaysay tallo, gafkana xeer baa ka yaal, ninkii ku kacaa xad-gudub wuxuu galayaa ofsaydh (offside), Alloow garinsii nin moog”.

1 2
Page 2 of 2