Wasiirka Maaliyadda Oo Ka Qaybgashay Munaasibad Loo Sameeyay Cisbitaal Laga Hirgelinayo Degmadda Daara-Salaam

Hargeisa (Warsugan) – Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa shalay ka qaybgashay munaasibada loo sameeyay bilowga Cisbitaal laga hirgalinayo degmada Daara-salaam ee gobolka maroodi-jeex.

Marwo Samsam Cabdi Aadan oo halkaasi ka jeedisay khudbad kooban ayaa sheegtay in cisbitaalkani dhismihiisa la bilaabaya wax ka tari doono baahiyaha loo qabay cusbitaal laga hirgeliyo degmada Daarsalaam, kaas oo hore loo calaamadiyey balse dhismihiisa si rasmi ah loo bilaabay shalay. Ugu horayn Wasiirka Maaliyada marwo Samsam Cabdi Aadan oo xafladaasi ka hadashay waxay tidhi “Waxaanu u mahadnaqaynaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo runtii aad iyo aad iskugu taxalujiya meelkasta oo Somaliland ah in horumar la gaadhsiiyo, waynu u ducaynayna madaxweynaheena.

Waxa weeyaan waa midhihiisii midhahan aynu ku shaqaynayna, sanad iyo todoba bilood baan u malaynaya intaad sugayseen reer Daara-salaam Cisbitaalka la idiinku balanqaaday, maantu ilaahay qadaray inuu runtii noqdo oo la inoo keeno qoladii dhisaysay ee shirkada Barre Constaction iyo dhisaynkii cusbitaalba.

Waxaa kale oo aan u mahadnaqayna hay’adda Samsam Foundation, maaha markii kowaad waa boqol jeer intay halkan timid, marka insha allaah marku inoo hirgalo inaguna hareeraha ayaynu ka qaban wixii baahiyihiisa kale oo waynu isla eegi insha allaah”

Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha shirkada Barre Constraction Maxamed Xuseen Barre waxanu yidhi “Cisbitaalkan cabirkiisu waxa u noqonaya 70mitir, 75mitir iyo 50mtr, waa cisbitaalkii shanaad ee hay’ada aanu u dhisno ee Wadanka aanu ka dhisno, kii u dambeeyay Caynabo ayuu ahaa.

Runtii bilicda magaalada iyo adeega labadaba wax fiican buu ka tari doona, dhismihiisu waxa loogu talo galay inuu lix bilood qaato iyo laba bilood oo danbe oo hay’adu qalabayn doonto”

Sidoo kale wakiilka hay’ada Samsam Foundation Maxamed Cagaweyne oo halkaasi ka hadlay waxa hadalkiisa ka mida ahaa “ Waxaan aad ugu mahadnaqayaa odayaasha Cumar Boobe iyo odayaasha deegaanka oo iyaguna gacan weyn naga siiyay iyo bogcada la noogu talo galay ee cisbitaalka inaanu ka dhisno, waxananu ka rajaynayna in waditaankiisa, dhamaystirkiisa iyo ka shaqaysiintiisana sida aad noo garab joogi doontaan”.

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay maamulka degmada Daara-salaam iyo xubno deegaanka ka mid ah oo u mahadceliyay madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wasiirka maaliyada marwo Samsam Cabdi Aadan oo ay tilmaameen inay u hagar baxeen horumarinta degmada waxyaabaha laga hirgelinayo iyo waxqabadyada kolba inta ku soo hagaagta degmo ahaan.

Filed in: Radio Waaheen

You might like:

Suldaanka Guud ee Beelaha ARAB oo Hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay
Hambalyada Dunida ee Madaxweynaha Cusub ee Somaliland iyo Warbixinnaha Warbaahinta Caalamka ee Natiijadii Doorashada
Daawo: Boqorada Iyo Salaadiinta Gabiley Oo U Hambalyeeyay Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland Loo Doortay
Daaowo: Gudigii Ololaha Gobolka Gabiley Ee Kulmiye Oo Hambalyo u Diray M. Muuse Biixi
Daawo: Hadalkii u Horeeyey Ee Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi
Madaxweyne Siilaanyo Oo Hambalyo u diray Madaxweyanah Cusub ee la doortay
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.