Day Archives: October 31, 2017

SiyaasadaVideosWararka

Wacdaraha isu soo Baxyada Taageerayaasha KULMIYE ee Dalka Maalintiisa Afraad oo u Quusgooyey Mucaaradka

Shacabka Gobolka Saaxil oo dhoolla-tuskii ugu ballaadhnaa ku qaabilay Murrashaxa Madaxweynaha + dadweynaha reer Hargeysa oo cuddudooda soo bandhigay iyo baaxadda taageerayaasha isugu soo baxay gobollada Somaliland maalinta afraad ee ololaha KULMIYE

Hargeysa (Waaheen )- Taageerayaasha xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ayaa isu soo baxyo wacdaro ah ku soo bandhigay gobollada iyo degmooyinka dalka maanta oo ah maalintii afraad ee ololaha xisbiga KULMIYE ee doorashada madaxtooyada ee qorshaysan 13-ka bisha November 2017.

Kumanaan iyo kumanaan ka mid ah shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ee ku dhaqan guud ahaan magaalooyinka gobollada iyo degmooyinka dalka, ayaa isu-soo-baxyo indhaha soo jiitay oo ay ku muujiyeen baaxadda taageerada ay u hayaan xisbiga KULMIYE ku soo bandhigay fagaarayaasha kala duwan ee loogu talogalay in shacabka lagala hadlo, waxaanna mahrajaannada ugu waawayn ee taageerayaasha KULMIYE ka dhaceen dhammaan magaalo caasimeedyada gobollada dalka iyo guud ahaan xarumaha degmo doorashooyinka kala duwan.

Isu-soo-bax lagu tilmaamay inuu ahaa xudunta wacdaraha ololaha maalinta afraad ee KULMIYE oo ay ku dabbaaldegeen shacabwaynaha ku dhaqan magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil, waxa kala qaybgalay Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo.

Xubno siyaasiyiin iyo aqoonyahan bulshada dhexdeeda miisaan ku leh oo ay ka mid yihiin; Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, Cabdillaahi Maxamed Ducaale, Xuseen Cali Ducaale (Cawil), Cali Xoor-xoor, Cali Maxamed Warancadde, Wasiirka Khaarajiga Dr. Sacad Cali Shire, xildhibaan Siciid Cartan, xildhibaan Maxamuud Xaaji Cilmi Dable, xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obaama), Marwo Rooda Axmed Yaasiin, Guddoomiyaha Guddida ololaha ee Gobolka Saaxil Md. Cabdilaahi Abokor iyo xubno kale oo fagaaraha khayriyada Berbera kala hadlay dadweynaha ayaa uga mahadceliyey sida qiimaha badan ee ilbaxnimadu ku dheehantahay ee iyagu isku duuban ay bannaanka u soo dhigeen taageerada aan la qiyaasi karin ee ay la barbartaagan yihiin xisbiga iyo murrashaxiintiisa Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka.

“Reer Berberow waxaad joogtaan magaaladii xuddunta u ahayd dhaqaalaha Somaliland, halkanna (KULMIYE) mustaqbal weyn baa yaalla, ballankeenuna waa bisha soo socota 13-keeda oo aad safka si wacan u gasho, codkaagana aad dhiibato, KULMIYE-na uu soo baxo oo uu Muuse Madaxweyne inoo noqdo.” Sidaa waxa yidhi Prof. Axmed Ismaaciil Samatar.

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo khudbad kooban u jeediyey shacabka reer Berbera, ayaa uga mahadnaqay taageerada ay KULMIYE u muujiyeen, waxaannu xusay in horumarinta dalka iyo caddaaladdu gun-dhig u yihiin tiirarka xisbiga KULMIYE, waxaannu yidhi, “Waa noo guddoon cuddudaas iyo taageeradaasi, Berbera iyo Saaxil-na cid la dardaarayo maaha, waxaana aynu ku wadasoconaa oo aynu xisbi u nahay inaynu dalkeena dhisanno, diinteena wada ilaashano oo aynu dadkeena hore u marino, waa inoo caddaalad, xaqsoornimo iyo Somaliland oo hore u marta.”

Dhinaca kale, shacabka ku dhaqan caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa mar kale soo bandhigay cuddudooda taageerada ay u hayaan xisbiga KULMIYE oo maanta taageerayaashiisu isu soo baxyo miisaan leh ka sameeyeen guud ahaan gobollada iyo degmooyinka dalka maalintii afraad ee ololaha xisbiga.

Kumanaan qof oo ka mid ah dadweynaha taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee degmooyinka magaalada Hargeysa oo isu soo baxa maalinta afraad ee xisbiga isugu yimi fagaaraha beerta Xorriyadda, ayaa si laxaadleh u muujiyey miisaanka iyo cudduda aan la loodin karin ee xisbul-xaakimku ku haysto Gobolka Maroodi-jeex, waxaanna dabbaaldegga ismuujinta kala qaybgalay Madaxweyne-ku-xigeenka, ahna murashaxa isla jagadaas mar labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirro ka tirsan xukuumadda, masuuliyiin iyo saraakiil ka mid ah xisbiga, guddiga ololaha xisbiga ee Gobolka Maroodi-jeex iyo madax kale oo badan.

Masuuliyiin ka tirsan xisbiga iyo wasiirro xukuumadda ka mid ah oo fagaaraha Beerta kala hadlay reer Hargeysa, ayaa ku bogaadiyey dadweynaha reer Hargeysa sida hagar la’aanta ah ee ay u barbartaagan yihiin xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa uu hoggaamiye Madaxweynaha Qaranka Md. Axmed Siilaayo oo ay ka warrameen waxqabadka ballaadhan ee uu ka hirgeliyey dalka muddadii uu xilka hayey.

Ugu dambayntii, Madaxweyne-ku-xigeenka, ahna murashaxa isla jagadaas mar labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo khudbad ka jeediyey fagaaraha beerta Xorriyada Hargeysa, ayaa si faahfaahsan uga warramay waxyaabaha ummadda reer Somaliland ku dooranayso xisbiga KULMIYE mar labaad oo isugu jira waxqabadka ballaadhan ee uu fuliyey muddadii uu talada hayey, miisaanka iyo waayo-aragnimada murrashaxiintiisa u tartamaysa hoggaaminta waddanka iyo qorshaha cusub ee xisbigu doonayo inuu ku maamulo dalka.

“Waxaannu hortiinna idiinka ballanqaadaynaa in aannu wax hagaajin doono nidaamka waxqaybsiga oo aannu dhisi doono Somaliland wadajirkeeda iyo wax-wada lahaanshaheeda in khayraadka dalka wixii yimaada loo sinnaado xag dhaqaale iyo xaq shaqaba waxaannu ballanqaadaynaa in aannu caddaalad ku maamuli doono, in garsoorka oo aannu wax badan ka qabanay oo dib u hagaajin badan aannu ku samaynay in aannu sii adkayn doono oo adeegga maxkamadaha loo dhaadhicin doono ilaa heer degmo iyo tuulo, in amniga aynu aad u sii xoojin doono,” ayuu yidhi Md. Saylici.

Waxa kaloo uu jawaab ka bixiyey xubno ka mid ah xisbiga WADDANI oo ay ka soo yeedheen hadallo naxli ah oo halis ku ah qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland, waxaannu yidhi, “Waxa ayaan-darro ah in odayaal waawayn ama siyaasiyiin waawayn oo xisbiga WADDANI taageersani inay yidhaahdaan haddii aannu annagu heliwayno doorashada waanu ka tashanaynaa dalka, taasi waa nasiib-darro, tartan baa socda, garina laba nin kama wada qosliso, haddii la tartamo nin uun baa guulaysta, markaa ninka maanta leh haddii la i dooranwaayo dalka waan ka tashanayaa miyaan ka yeelnaa? Maaha wax laga yeelayo.”

Geesta kale, isu soo baxyo waawayn oo xisbiga KULMIYE lagu taageerayo ayey sameeyeen shacabka ku dhaqan magaalooyinka dalka sida Burco, Boorama, Ceerigaabo, Laascaanood, Caynaba, Gabiley, Balligubadle iyo guud ahaan degmooyinka hoos yimaada gobollada dalka oo dhan oo dhigay wacdaro u quus-gooyey mucaaradka.

VideosWararka

Abaar cusub oo saamaysay barriga Somaliland iyo Xoolo Dhaqato durtaba u soo Hayaantay Gabilay iyo Awdal

Kalabaydh(Waaheen) dadkii ka soo barakacay abaartii ku dhufatay deegaanada Barriga Somaliland, ayaa markale walaac ka qaba inay Abaartii ku soo noqoto, waxaana meelaha qaarkood lagu soo waramayaa inay Biyo la’aan iyo Baad la’aani ka taagan tahay.

Wariyayaal ka tirsan Waaheen oo toddobaadkan la kulmay dadka deegaanka Kalabaydh ayey u sheegeen in gaadiid iyo Xoolo ka soo Hayaamay barriga Somaliland ku soo guureen Beerahoodii, isla markaana ay dageen dhulkii ay ku Samatabaxeen Abaartii dhaweyd.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay bilow yihiin dadkan durtaba ka soo cararay Abaarta, waxaanay intaa ku dareen inay maalin walba la kulmaan reero kale oo cusub oo soo deagaya, kuwaas oo u sheegay sababta ay usoo guureen inay tahay saamayn kale oo ka dhalan karta Abaar ku dhufata deegaankoodii maadaama aanu Roobkii Dayr tu helin Barriga Somaliland xilligii la filayey.

Dadka Gabilay iyo Awdal ayey sanadkan Dalagii Beeruhu si weyn ugu baxeen, waxaana durtaba la gooyey Caleentii iyo Calafkii ka baxay, halkaas oo ay Sooryo uga bilaabeen dadka ku soo qaxay cawskii iyo Biyihii ay heleebn Roobkii ugu danbeeyey.

Illaa hada wali si rasmi ah looma dareemayo Qaxootigan cusub, hase yeeshee Reer Kalabaydh waxa ay sheegeen inay isa soo tarayso dhibta haysata dadkaasi, waxaanay ku baaqeen in laga diyaar garoobo saamaynta arrintani ku keeni karto dadka soo barakacaya iyo kuwa ay ku soo Guurayaanba.

Guddidii ka soo kabashada Abaaraha ee dhaqaalah u ururisay dadkii ku soo barakacay Abaartii dhaweyd ayaan illaa hada wax talaabo ah qaadin, wallow taageero badan ay meelo kala duwan ka heleen dadkii Barakacayaasha ahaa.

VideosWararka

Badda Berbera oo lagu qabtay 39 nin iyo Sagaal Doonyood oo ay wateen iyo ciidanka ilaalada xeebaha oo Heegan ugu jira kuwo kale oo soo socda oo looga shakisan yahay Weerar

Berbera(Waaheen) ciidanka ilaalada xeebaha Somalilnad ayaa qabtay 39 nin iyo sagaal doonyood oo ay wateen, waxaanay ku xidhan yihiin saldhiga ciidankaasi ku leeyahay Berbera.

Wararka hordhaca ah ee Waaheen heshay ayaa sheegaya in ciidanku Heegan k\ugu jiro qab qabashada Doonyo kale oo la saadaalinayo inaya saaran yihiin ku dhawaad laba boqol oo nin.

Warka ayaa sheegaya Raggan iyo Doonyahani inay ka soo kicitimeen Koonfurta Somaliya, ujeeddoodana illaa hada lama garanayo, wallow ilo wareedka warkan na siiyey uu ku sheegay inay Ruqsad ka haystaan wasaaradda Kalluumaysiga oo ay kalluumaysto yihiin.

Hadana wararka ka soo baxaya qabashada nimankan ayaa sheegaya in looga shakisan yahay Doonyaha qaarkood in Hub saaran yahay, isla markaana laga cabsi qabo inay maleegayaan weeraro qorshaysan, wallow baadhid lagu wado Raggan la hayo.

Wararka kale ee dheeraadka ah ee ka soo baxaya Berbera ayaa sheegaya inay raga la qab qabtay qaarkood ay Damiinteen Wasiirka Kalluumaysiga iyo Taliyaha Ciidanka ilaaladda Xeebuhu, kuwaas oo lagu arkay magaaladda dhexdeeda.

Xilligan kala guurka ah ayaa waxa walaac laga qabaa in si fudud loogu soo dhex dhu8uman karo Somaliland, isla markaana laga fulin karo falal lagu wiiqi karo Amniga, gaar ahaan badda iyo barriga ba maadaama dayac badani ka muuqdo Dekedda Berbera oo wakhtigan ku jirta xaalad kala guur ah, isla markaana maamulka baddweynta aan la garanayn cida u xilsaaran.

Maamulka Dekedda Berbera ayey xukuumadda Somaliland ku wareejisay dalka Imaaraadka, hase yeeshee maamulka Baddweynta Berbera ayaan la garanayn cida masuuliyadeeda leh, maadaama aanay wasaaradda Kaluumaysigu wax shaqo ah ku lahayn ilaalinteeda.

Toddobaadkan ayey ahayd markii Maraakiibta shisheeyey ku soo daadiyeen Sun aan la garan oo u eeg Daamur, taasoo dadkii ku dabaalanayey xeebta Batalaale arkeen, isla markaana dadkii ku jiray Baddu ka soo yaaceen Suntaasi markii ay jidhkooda ku dhegtay.

SiyaasadaVideosWararka

Shacabka Hargeysa oo Mar kale soo Bandhigay Cuddudooda Taageerada KULMIYE Maalintii Afraad ee Ololihiisa

Hargeysa (Waaheen)- Shacabka ku dhaqan caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa mar kale soo bandhigay cuddudooda taageerada ay u hayaan xisbiga KULMIYE oo maanta taageerayaashiisu isu soo baxyo miisaan leh ka sameeyeen guud ahaan gobollada iyo degmooyinka dalka maalintii afraad ee ololaha xisbiga.

????????????????????????????????????

Kumanaan qof oo ka mid ah dadweynaha taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee degmooyinka magaalada Hargeysa oo isu soo baxa maalinta afraad ee xisbiga isugu yimi fagaaraha beerta Xorriyadda, ayaa si laxaadleh u muujiyey miisaanka iyo cudduda aan la loodin karin ee xisbul-xaakimku ku haysto Gobolka Maroodi-jeex, waxaanna dabbaaldegga ismuujinta kala qaybgalay Madaxweyne-ku-xigeenka, ahna murashaxa isla jagadaas mar labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirro ka tirsan xukuumadda, masuuliyiin iyo saraakiil ka mid ah xisbiga, guddiga ololaha xisbiga ee Gobolka Maroodi-jeex iyo madax kale oo badan.

Guddoomiyaha Guddiga Ololaha Gobolka Maroodijeex ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Kijaandhe, Guddoomyaha xisbiga ee Gobolka Maroodi-jeex Md. Maxamed Iid Dhimbiil, Maayar-ku-xigeenka caasimadda Hargeysa Md. Cabdicasiis Maxamed Cagowayne oo khudbado ka jeediyey fagaaraha beerta Xorriyadda, ayaa si wayn ugu mahadceliyey shacabka caasimadda Hargeysa ee isugu soo baxay muujinta taageerada xisbiga KULMIYE, waxaanay kula dardaarmeen inay halkaa ka sii wadaan muujinta taageerada Gobolka Maroodijeex iyo cidday la jirto.

Wasiirrada Wasaaradaha Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, Duulista Md. Farxaan Aadan Haybe, Qorshaynta Md. Maxamed Ibraahim (Qaybo-tire) iyo Xannaanada Xoolaha Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo weliba Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa iyaguna ku bogaadiyey dadweynaha reer Hargeysa sida hagar la’aanta ah ee ay u barbartaagan yihiin xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa uu hoggaamiye Madaxweynaha Qaranka Md. Axmed Siilaayo oo ay ka warrameen waxqabadka ballaadhan ee uu ka hirgeliyey dalka muddadii uu xilka hayey.

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Dheere, ayaa isna tilmaamay isu-soo-baxa taageerayaasha KULMIYE ee Hargeysa ka sameeyaan Hargeysa uu markhaati u yahay heerka miisaanka iyo cududda uu xisbigu ku leeyahay Gobolka Maroodi-jeex.

Ugu dambayntii, Madaxweyne-ku-xigeenka, ahna murashaxa isla jagadaas mar labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo khudbad ka jeediyey fagaaraha beerta Xorriyada Hargeysa, ayaa si faahfaahsan uga warramay waxyaabaha ummadda reer Somaliland ku dooranayso xisbiga KULMIYE mar labaad oo isugu jira waxqabadka ballaadhan ee uu fuliyey muddadii uu talada hayey, miisaanka iyo waayo-aragnimada murrashaxiintiisa u tartamaysa hoggaaminta waddanka iyo qorshaha cusub ee xisbigu doonayo inuu ku maamulo dalka.

“Waxaannu hortiinna idiinka ballanqaadaynaa in aannu wax hagaajin doono nidaamka waxqaybsiga oo aannu dhisi doono Somaliland wadajirkeeda iyo wax-wada lahaanshaheeda in khayraadka dalka wixii yimaada loo sinnaado xag dhaqaale iyo xaq shaqaba waxaannu ballanqaadaynaa in aannu caddaalad ku maamuli doono, in garsoorka oo aannu wax badan ka qabanay oo dib u hagaajin badan aannu ku samaynay in aannu sii adkayn doono oo adeegga maxkamadaha loo dhaadhicin doono ilaa heer degmo iyo tuulo, in amniga aynu aad u sii xoojin doono,” ayuu yidhi Md. Saylici.

Waxa kaloo uu jawaab ka bixiyey xubno ka mid ah xisbiga WADDANI oo ay ka soo yeedheen hadallo naxli ah oo halis ku ah qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland, waxaannu yidhi, “Waxa ayaan-darro ah in odayaal waawayn ama siyaasiyiin waawayn oo xisbiga WADDANI taageersani inay yidhaahdaan haddii aannu annagu heliwayno doorashada waanu ka tashanaynaa dalka, taasi waa nasiib-darro, tartan baa socda, garina laba nin kama wada qosliso, haddii la tartamo nin uun baa guulaysta, markaa ninka maanta leh haddii la i dooranwaayo dalka waan ka tashanayaa miyaan ka yeelnaa? Maaha wax laga yeelayo.”

VideosWararka

Xisbiga UCID Oo Maalintiisii 4aad Ololaha Doorashadda Goboladda Somaliland Ka Sameeyey Iyo Khudbadiihii Murashaxiinta UCID Ee Fagaaraha Beerta Xoriyadda Hargeysa Ay Bulshadda Kula Hadleen

“Cirro Kursi Ayaan Saaray Kursigiina Wuu Xumeeyey, Waxaan Leeyahay Waa Lagu Arkay Waa Lagu Tijaabiyey 12 Sanno Ayaad Kursiga Haysay , Waad Seexatay Waad Hamaansatay , Waad Feedhtanay” Murashax Eng. Faysal Cali Waraabe

Hargeysa(Waaheen) Xisbiga Mucaaridka ee UCID oo shalay ay ku beegneyd maalintiisii 4aad ee ololaha doorashadda madaxtooyadda ee dalka ka socda Saddexda Xisbi qaran ee Kulmiye, Waddani iyo UCID  mudada 21-ka maalmood ah ay maalintirsiga ugu jiraan Kaambeynkooda, ayaa   dhamaan 6-da gobol iyo Degmooyinka hoos yimaada ka Jamhuuriyadda Somaliland isku soo baxyo ay taageerayaashiisu barxaddaha fagaarayaasha magaalooyinka ku sameeyeen.

Xisbiga Caddaaladda iyio Daryeelka ee Mucaaridka  UCID, ayaa guud ahaan Somaliland ka sameeyey maalintiisii 4aad ee ololaha doorashadda Madaxtooyadda Somaliland, waxaana Shalay Murashaxiinta doorashadda Madaxtooyadda iyo Madaxda ugu saraysa Xisbiga UCID oo ay ka mid ahaayeen Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka ee Xisbiga Mucaaridka UCID Pro Axmed Cabdi Muuse (Abyan), Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaridka UCID Eng. Faysal Cali Waraabe , Xoghaye ku xigeenka Guud ee Xisbiga Mucaaridka UCID Cabdinaasir Yuusuf Qodox, Guddoomiyaha Kaambeynka ee Xisbiga Mucaaridka UCID En.g Axmed Guuleed Xirsi, Guddoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex, Xoghayayaasha Warfaafinta iyo Xidhiidhka Goboladda iyo Degnooyinka, Guddoomiyayaasha Heer Qaran ee Dhalinyarta iyo Haweenka Xisbiga UCID, ay  Kumanaan taageerayaasha Xisbiga UCID ah kagala qaybgaleen isku soo baxa ololaha doorashadda oo ka qabsoomay  Beerta Xoriyadda ee Caasimadda Hargeysa halkaasi oo ay soo buux dhaafiyey taageerayashu, waxaana  halkaasi khudbado kala duwan uga jeediyey taageerayashooda isla markaana waxay fariimo adag uga diray Madaxda labada Xisbi ee dhigooda Kulmiye iyo Waddani oo ay uga digeen inay ka joojiyaan arimo fasahaad ah oo ay ololaha doorashadda ay bulshadda cod kaga doonayaan.

Guddoomiyaha Kaambeynka ee Xisbiga Mucaaridka UCID En.g Axmed Guuleed Xirsi oo ugu horeyn fagaaraha beerta Xoriyadda ee Caasimadda Hargeysa kula hadlaayey Kumanaanka taageerayaasha Xisbiga UCID ee soo buux dhaafiyey halkaasi waxa uu yidhi “Dhamaan Taageerayaasha reer Somaliland ee goboladda dalka ku debeel degaaya waanu u mahadcelinaynaa, Barnaamijka wax qabadka Siyaasadda ee Xisbiga UCID waa in aanu daryeelo dadka naafadda ah, waa in aynu daryeelo caruurteena yar yar , waa in aynu daryeelo haweenka, waxaasi oo dhami waxay ka mid yihiin macnaha kelmadda xisbiga Caddaaladad iyo daryeelka ee UCID, runtiina labada kalemaddood ee caddaaladda iyo daryeelka hadii aynu nidhaahno aynu maanta oo dhan sharaxno maanta oo dhan ka gudbi meyno, marka waxaan shacabka reer Somaliland meel ay joogaanba ugu bushaareynayaa in labada kelmaddood ay yihiin kuwa qeexaaya barnaamijka waxqabadka ee Murashaxa iyo murashax ku xigeenka Xisbiga UCID yihiin kuwa qeexaaya”

Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka ee Xisbiga Mucaaridka UCID Pro Axmed Cabdi Muuse (Abyan) oo isaguna Beerta Xoriyadda Hargeysa Taageerayaasha Xisbiga UCID kula hadlaayey waxa uu yidhi “Xisbiyadda waxa looga baahan yahay in aynu nabadgelyadda ilaalino, Somaliland waxay haysato maanta waxa ugu qaalisani waa nabadgelyadda wax kasta oo kale Ictiraaf la’aan , faqri, shaqo la’aan baahday ,musuq maasuq iyo eex , waxaasi oo dhan oo jira hadana waanu noo lahay, waynu soconaa oo noloshu way socota, laakiin nabadgelyo daro hal maalin loo ma adkaysan karo, labada xisbi ee kale siday wax ku wadaan, hadii sida lagu gaadho oo loogu tago maalinta doorashadda ee codbixinta ee 13-ka Nomber dalka ka dhici doonta dee ma saadaalin karo waxa dhici kara, Xisbiyadda kale iyo taageerayaashooda waxaan leeyahay nabadgelyadda ilaaliya dhaqanka wanaagsan ee aynu ku socono yaan la xumeyn ee doorasho amni ku dhacda ayaa inoo wada dan ah ee aynu nabadgelyadda iyo habsami u socodka doorashaddeena ilaalino oo wada ilaashano dhamaanteen reer Somaliland hadii aynu nahay”

Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaridka UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo ugu dambeyntii Kulmanaanka Taageerayaasha Xisbiga UCID Beerta Xoriyadda ee Caasimadda Hargeysa Khudbad uga jeediyey waxa uu yidhi “Walaalayaal anigu waxaan u imid dalkan in aan dad idinka dhigo oo aan Somaliland soo celiyo oo sharaftii Somaliland aan soo celino, qaranimaddeenii soo celino nay la ictiraafo  halkaynu dunidda kaga jiray la soo noqono, aynu dhisno waddan la yidhaahdo Somaliland Greate, in aynu mar kale dhisno Somaliland oo ah Jamhuuriyad xoogan oo ku dhisan caddaalad iyo sinaan oo nidaam leh oo sharci ku dhisan in aanu keeno ayaanu dooneynaa Ishaalaahu tacaala, Cabdiraxmaan Cirro muxu inagu darsaday ee uu maanta doonayaa Kursi ayaan aadyar saaray, kursigiina wuu xumeeyey, qofku waa in uu umadda wax gashadda, laakiin reer ayaan wataa iyo Jeegaan ayaan abuuray iyo Giraan ayaan abuuray dalka lagu ma xukumo walaalayaal, waa lagu arkay waa lagu tijaabiyey 12 sanno ayaad kursiga haysay , waad seexatay waad hamaansatay , waad feedhtanay…, Muuse Biixi-na waxaan leeyahay walaal Muusoow Jaaniskaagii maaha maanta, jaaniskaagii wuxu ahaa maalintii dalka la xoreeyey ee SNM waddanka qabsatay ee anaguna aanu iska shaqaysaneynay ee aanu dibadda iska joognay inay maalintaasi dalka maamusho ayey ahayd, waydinkii maamuli kari waayey waydinkii isqabsaday waatii cigaal la keenay waakii Cigaal dalka dejiyey, Rikoodhkaagu Muusoow waxaan leeyahay intii dalka la xoreeyey ka dib waa Siiroo”

 

Ugu dambeyntii Madaxda heer gobo lee Xisbiga UCID, ay fagaarayaal kala hadleen taageerayaasha magaalooyinka Awdal, Laascaanood, Ceerigaabo, Burco, Baligubaddle, Sallaxlley, Ceel-Afweyn iyo guud ahaan deegaanadda kala duwan ee dalka ayey taageerayaasha xisbiga UCID isku soo baxyo ay ku muujinayaan taageeradda ay xisbigooda la garabtaagan yihiin doorashadda madaxtooyadda magaalooyinka iyo tuulooyinka dalka ku sameeyeen, iyada oo ay khudbado kala duwan u jeediyeen madaxda iyo masuuliyiinta heer gobol iyo heer degmo ee Xisbiga UCID kuwaasi oo dhaliilo u jeediyey qaabka ay ololaha doorashadda u galayaan Xisbiyadda Kulmiye iyo Waddani oo ay ugu baaqeen inay anshaxa doorashooyinka dhawraan iyaga oo bulshadda reer Somaliland madaxda UCID ugu baaqday inay codkooda ugu hiiliyaan xisbiga caddaaladda iyo daryeelka ee UCID oo ay hoosta ka xariiqeen mid u taagan midnimadda qaranka Somaliland ee UCID iyo sinaanta bulshadda Somaliland in uu yahay xisbigu.

MaqaalloVideos

Talo-bixin ku socota Komishanka Doorashooyinka Qaranka

Ku : Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL.

Ujeedo: Talo soo Jeedin Muhiim ah

Komishanka Doorashooyinka qaranku Masuuliyad badan oo Ku dhisan Banyaalnimo (Transparent) ha iska saaraan Natiijada Codadka Doorashada 13ka Dec 2017 ka dhacaysa Dalka, hana Ku soo baxdo waqtiga ugu yar ee lagu baahin karo.

Mar kasta oo Natiijada  doorashadu saacad dib ugu dhacdo waa saacad kasta oo musuq maasuq iyo wax is daba marini Ku dhici karto.

Sidaynu wada ognahay sharciguna dhigayo Maalinta Doorashadu qabsoonto isla marka Codayntu dhamaato 6:00 Pm (Fiidnimo ) ee lagu daro waqtiga yar ee inta safka Ku jirta loo shaqaynayo isla waqtigaas waxa LA bilaabaa tirinta codadka oo ilaa ugu danbayn 10:00 pm soo geba gebowda goob walbana codkeeda waqtigaas LA hayo.

Waxaynu kale oo Ka war haynaa in komishanka iyo xisbiyaduba u habaysan yihiin
1. Heer Qaran
2. Heer Gobol
3. Heer Degmo

4. Heer goobeed

Maadaama ay goobtu tahay halka ugu horaysa ee Natiijada codadku ka soo baxayso.

Maadaama aynu joogno waqti tiknoolajiyadeed, oo dadkuna dhamaan Ku xidhan yihiin.

Waxaan u soo jeedin lahaa komishanka Doorashooyinka qaranka qodobadan hoos Ku qpran:-

1. In goob kasta marka codka LA dhameeyo lagu dhawaaqo iska goobta wajahada goobtana lagu dhejiyo warqada saxeexan ee Natiijada finalka ah ee goobta ka soo baxay.

2. In sanaaduuqda degmada Ku soo xaroonaya si online ah ay marba sanduuqa yimaada codkooda Ku daraan warqada saxeexan ee goobtana lagu upload gareeyaan.

3. In degmo waliba Ku dhawaaqdo natiijada codadka Ku soo xarooday iyo sida loo kala helay markay sanaaduuqdu Ku soo wada xaroodaan isla Maalinta Ku xigta maalintay doorashadu dhacday 14 Nov 2017.

4. Komishanka Xaruntiisa dhexena 48 Saacadood gudohood ay Ku soo saaraan Natiijada Guud ee Hordhaca ah.

5. Waa inay komishanku ka dheeraadaan  talaabo kasta oo madmadow iyo wax isdaba Marin keeni kara.

Suleiman Abdisataar Dubad (Samotaliye)
Hargeysa Somaliland
Cabdisitaar@hotmail.com
VideosWararka

Murashax Cirro oo Berbera Kula Dabbaal-degay Taageerayaasha Xisbiga WADDANI oo Muujiyey Cudud Taageero oo Xooggan Kana Hadlay Weerarkii Gurigiisa

Berbera(Waaheen) Musharraxa Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi(Cirro) iyo wefti balaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil. Kumanaan taageerayaal xamaasadaysan ah ayaa musharraxa kaga horyimid duleedka Berbera kuwaas oo ku dabaal degay jidadka magaalada markii dambena madaxdu khudbado ugu jeedisay fagaaraha Berbera oo ay isugu yimaadeen kumanaan jamaahiirta Waddani ah oo ku labisan calanka liimiga ah iyo sawirrada musharrax Cabdiraxmaan Cirro iyo kuxigeenkiisa Dr Maxamed Cali.

Masuuliyiinta gobolka Saaxil ee xisbiga Waddani iyo jamaahiirta liimiga ah ayaa si diirran u soo dhaweeyay weftiga musharrax Cabdiraxmaan Cirro. Taageerayaasha ayaa gaadiidka kala duwan oo ay ka mid yihiin baabuurta waaweyn ee xamuulku waxay ku dhexmareen jidadka Berbera. Waxa sidoo kale jidadka la lugeeyay Musharraxa Waddani. Masuuliyiinta Gobolka ayaa balaadhan ugu mahadceliyay isu soo baxa balaadhan ee ay reer Berbera ku taageereen isbedelka xisbiga Waddani ku hoggaaminayo.

Agaasimihii wasaaradda Diinta iyo awqaafta Sheekh Saleebaan Siciid Cali ayaa sheegay in uu olole laxaad leh u galayo dhisidda musharrax Cabdiraxmaan Cirro “Nimanka yuhuudda la yidha dhaqan ayay lahaayeen, dhaqanka ay lahaayeen waxa weeye qofka Diintooda ka baxa waxay odhan ‘jireen waxba muu ahayn’ Iyaga oo dhaqankaas leh waxa ka soo islaamay ninkii ugu weyna oo la odhan jiray Cabdillaahi Binu Salaam. Cabdillaahi wuu qarsaday Islaamnimadiisa waxaanu Nabiga CSW ku yidhi inta aanad u sheegin in aan islaamay bal horta waydii Yuhuudda muxuu Cabdillaahi dhexdiina ka ahaa? Waxay yidhaahdeen waa nin Madax ah waliba nin madax noo ahaa ayaa dhalay, markaas ayuu ku yidhi bal haddii uu Islaamo ka warrama? Waxay yidhaahdeen ‘waa cadceedda oo galbeed ka soo baxda’ kadib Cabdillaahi ayaa ashahaatay waxaanay isla markiiba yidhaahdeen waa kii noogu sharka badna kii noogu sharka badnaana wuu dhalay. Maanta muuqaalka aanu leenahay, saamaynta aan gobolka Saaxil ku leeyahay ma bedelayo gelitaanka aan Waddani galay, iyaguna(Kulmiye) samayn maayaan in ay yidhaahdan markii aan Kulmiye ahaa in ay yidhaahdan Sheekh Saleebaan mar haddii uu halkaas joogo waa olole yahan Sheekh Saleebaan haddii uu ka taggana bisad noqon maayo sidii aan libaaxa u ahaa ayuun baan libaax u noqonaya,” Sidaas ayuu yidhi Sheekh Saleebaan.

Maayarkii hore ee Berbera Cabdalle Maxamed Sandheere ayaa isna sheegay in ajar loo qorayo qofka Kulmiye u diida codka. Waxa uu sheegay in sababtu tahay Kulmiye oo xalaashaday xaaraanta iyo musuqmaasuqa Illaahay Xarrimay. Waxa uu bulshada gobolka Saaxil iyo magaalada Berbera ku boorriyay in ay taageeraan isbedelka lagu samaynayo hoggaanka Waddanka.

Siyaasiyiinta kala ah Maxamed Biixi Yoonis wasiirkii arrimaha dibada xukumadda Siilaanyo, wasiirkii arrimaha gudaha xukumadodii Riyaale Ismaaciil Aadan Cismaan(Ismaaciil Yare) Abiib Diiriye Nuur oo xilal ka soo qabtay xukumaddii Somaliland dhammaantood ah siyaasiyiin miisaan ku leh beesha Musharrax Muuse Biixi Cabdi ayaa bulshada reer Saaxil u sheegay in aanu jirin waajib qabyaaladeed ama tolnimo oo ku kallifaya in ay Muuse u codeeyaan maaddaama iyaga oo ay isku hayb yihiinba ku qanci waayeen hoggaamintiisa. Waxa ay bulshada ka wacdiyeen qabyaaladda kuna boorriyeen in ay taageeraan musharrax Cabdiraxmaan Cirro oo ay u arkaan hoggaan dalka iyo dadkaba wax tar u leh.

Musharraaxa Madaxweynaha Waddani Cabdiraxmaan Cirro ayaa si weyn ugu mahadceliyay reer Berbera kana hadlay baahiyaha gobolka Saaxil “Berbera waxyaabo badan bay caan ku ahayd; waxay caan ku ahayd dekedda, Madaarka, waxay caan ku ahayd haamo iyo warshado. Waxay ahayd magaalada Kaliya ee biyaha khasabaddaha laga cabo lahayd muddo dheer. Waxay ahayd xarunta ilaha dhaqaalaha Somaliland laakiin, maanta intiiba way hurdaan oo ma shaqaynayaan. Madaarkii ma shaqaynayo, warshadihii ma shaqaynayaan, dekeddii sideedii uma shaqaynayso, haamihiina waad ka war haysaan. Dhulkii Berbera maanta golaha degaanku ma bixiyo ee waxa laga bixiya Madaxtooyada, maayarku waxba ma bixiyo ee wuu iska fadhiya Ayaan filaya meesha. Waxaa la igu yidhi ilaa 50km waa la bixiyay marka magaalada dhinac walba laga eego. Dhulkii loogu talo galay in uu kayd u noqdo haammaha, dekedda iyo madaarka intiiba waa la bixiyay. Intaasiba waxaanu leenahay waa sharci darro. Go’aanka xisbiga Waddani waxa weeye hantida umadda ee aan ku bixin sifo sharci ah dib baa loo eegaya waxaana lagu soo celinaya gacanta shacabka,” Sidaas ayuu yidhi musharrax Cabdiraxmaan Cirro.

Musharraxa xisbiga Waddani waxa uu sheegay in 1960s Hargeysa iyo Berbera isleekaayeen laakiin, Berbera u kori wayday laba arrimood oo kala ah biyo la’aan iyo laydh la’aan. Waxa uu tilmaamay in meelaha kulul sida magaalo xeebeedda Berbera u baahan yihiin biyo iyo laydh ku filan laakiin, la’aanta labadaasi Berbera ka reebtay magaalooyinkii la faca ahaa ama ka dambe dhismay. Waxa uu sheegay in caafimaadka iyo waxbarashada Berbera tahay mid aad u liidata.  Musharraxa ayaa bulshada gobolka  Saaxil u ballan qaaday in xisbigiisu wax ka qaban doono dhibaatooyinka haysta maaddaama oo uu wax ku soo bartay kana helay codkii ugu badna xilligii laga doortay 2005.

Musharrax Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sheegay in ay dhawaan ra’isal wasaaraha Itoobiya ka wada hadleen sidii dekedda Berbera loog dhigi lahaa mid casri ah “Barigii dhawayd ee aanu kulanay ra’isal wasaaraha Itoobiya waanu ka wada hadalnay sidii Berbera looga dhigi lahaa deked Caalami ah. Insha Allah deked caalami ah ayaanu ka dhigayna oo u adeegta gobolka gaar ahaanna Itoobiya, Waddo iska daaye Tareen ayaanu keenayna tareen. Xisbi ahaan waanu soo dhawaynayna maalgashiga laakiin, waa in aanu suuq madow noqon ee uu noqdo mid baarlamaanku og yahay oo shacabku ogyahay. Dhammaan heshiisyadii xukumadda Kulmiye gashay dib baanu u eegayna,” Sidaas ayuu yidhi Musharrax Cabdiraxmaan Cirro.

Geesta Kale musharrax Cabdiraxmaan Cirro waxa uu bulshada Somaliland siiba taageerayaashiisa u diray farriin nabad galyo kadib weerarkii gurigiisa lagu qaaday “Waxaan isleeyahay Kulmiye wuu niyad jabay, wuu quustay, sidaa awgeed wuu rafanaya. Waxaad ka war qabtaan in maalin dhawayd la isku dayay in xarunta Waddani ee Hargaysa la gubo oo taayirro ololaya lagu tuuray. Waxaad ka war qabtaan in gurigayga la weeraray, waxaad ka war qabtaan in bannaan bixii u dambeeyay Hargeysa lagu burburiyay in ka badan 40 gaadhi, waxaad ka war qabtaan in magaalada Oog la yidha Kulmiye 8 hablood oo Waddani ah ku dilay oo ay dhakhtarka Burco yaallaan, Hargeysa qaar baa midiyo la galiyay, intaas oo calan ayaa laga goostay xafiisyada Waddani laakiin, ma rabno in aynu Kulmiye oo kale noqono. Waxaan idinkula dardaarmaya in aynu nabadda ka shaqayno, dardaarankeenu waa nabad waa nabad waa nabad, waa dulqaad waa dulqaad. Waxaynu u diyaar garoobayna codaynta oo codka ayaynu ku kala baxayna, waxyaabaha dhacaya na cabsi gelin maayan, waxaanu u tudhayna dalka iyo dadka, waxaanu ilaalinayna in la isku dhaco, waxaanu hubna in aanu doorashada helayno,” Sidaas ayuu yidhi musharrax Cabdiraxmaan Cirro oo sheegay in dunidu indhaha ku hayso doorashada Somaliland ficil iyo qawlba sidaas awgeedna loo baahan yahay tartan xalaal ah.

MaqaalloVideos

Waa Maxay Casharka  Shacabka Somaliland ka Baran Karaan Masiibada Dhimasho & Dhaawac ee  Soomaaliya.

Ilaahay naxariistiisa jannada haka waraabiyo intii ku dhimatay, intii ku dhaawacantayna caafimaad degdeg ah ha siiyo, qaraxii iyo masiibadii ka dambaysay ee shalay ka dhacday caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Laba usbuuc ka dib, waxa mar kale dhacay masiibo Ilaahay laga magangalo, kuwii ka dambeeyeyna la weydiisto inuu ciqaabkeeda aduunka degdeg uga muujiyo, intaanay gaadhin xisaabteeda aakhiro, intaan ka toobad keenin, dilkii loo geystay dad ka baddan labaatan, halka dhaawaca lagu sheegayo ilaa afartan, masiibadii ka dhacday Hudheelka Naasa-Hablood 2 ee Muqddisho. Ilaahay haka dul qaado ummada Soomaaliya ee cadowgu sida arxan-darada dhiigooda u daadinayee wakhti walba, innagana (Somaliland) Ilaahay waxaan weydiisanaynaa inuu sharkooda innaga Ilaaliyo, isagaa awoodee, Aamiin.

Xadiis Nebigeenii Maxamed CSW ayaa macnahiisu ahaa, “Qofkaan ka fikirin arrimaha Islaamka, Innaga Mid Maaha,” taasoo laga fahmayo in ummada Islaaamku jidh keliya tahay, oo hadii xubin ka mid ah xanuun haleelo, jidhka intiisa kalena dareemayo, sidii Xadiska kale sheegayey, loona baahan yahay, isla markaana waajib tahay in dhibaato kastoo ka dhacda, Ilaahay haka wada Ilaaliyee ummad Islaam ah meeshay doonto dunida haka noolaatee, xil ka saaran yahay qof kastoo Muslim ah inuu la dareen noqdo, kana murugoodo, isla markaana waxuu u tari karo, af, gacan iyo niyadba la wadaago.

Haddanu soo aragnay, halista maalin walba haysata shacabka dalka jaarkeena ee Soomaaliya, innaguna dhankeena u heelan nahay inaynu la qeybsano murugada, kuna taageerno waxaynu awoodno, ma jirtaa cashar aynu ka baran karno, loona baahan yahay bulshada Somaliland gaar ahaan iyo guud ahaan ummada Islaamku inay kaga jawaabaan.

Waxaan qabaa in jawaabteedu tahay HAA. Talaabooyinka mudan innaynu qaadnana waxa u horeeya in qof kastoo innaga mid ah ka fogaado dembi noocuu doono ha noqdee, khayrkiina uga digo, taasoo hadii la waayo ummadii ku sifowda ciqaabka Eebe halis u tahay, sida Ilaahay Quraanka tusaale inoogu sheegay Aayad macnaheedu ahaa, ‘ka cabsada fitno qaarkiin sameeyaan, oo ciqaabka ka dhasha wada saamayn doono ummada,” sidaa darteed, waa in qof walba afkiisa iyo gacantiisa ummadu ka nabadgashaa, ummaduna wadajir isaga ilaalisaa kuwa dunuub ama xumaan dhexdooda ka samaynaya, haddaay tahay af, gacan ama niyad ka nacaan, si aanay u saamayn ciqaabka ka dhasha, (Weliba wakhtigan xasaaasiga ee ololayaasha doorashadu socdo, waa in waalidiintu iyo guud ahaan ummada Somaliland u dareen yeeshaan ficilada ubadka qaarkood wiilal iyo gabdho samaynayaan, oo si weyn looga dheregsan yahay inay ka baxsan tahay dhaqanka iyo asluubta suuban ee diinteena islaamka, hadii laga gaabiyana su’aasheedu sugayso maalin dambe qof kastoo ka gaabiya iyo waalidiinta gaar ahaan, ciqaabteedana halis loo yahay aduunyada, Ilaaahay dariiqa xaqa dhamaanteen ha inna waafajiyee. Aayad quraanka ayaa Ilahay inoogu sheegay, “Ma Jirto dhibaato dad ku dhacda, Ilaa waa sababta dunuub ay galeen, oo qaarkoodna laga dhaafay).

Ta labaad nimcooyinka Ilaahay bixiyo marka Islaamnimada laga yimaado waxa u horeeya Nabadgelyada, taasoo loo baahan yahay, waajibna ka saaran yahay ummada Somaliland inay fiiro gaar ah u yeeshaan adkaynteeda iyo ilaashashada xasiloonida iyo nabadgelyada ay ku caano-maaleen, lana yimaadaan sababtay ugu sii negaan lahaayeen ama xadhigii nimcada dabar uga dhigi lahaayeen oo ah Mahadnaqeeda, (Inay Ilaahay uga mahadceliyaan nabadgelyada uu siiyey, weydiistaana inuu u siyaadiyo.)

Ugu dambayn, waxaan kula dardaarmi lahaa qof kastoo reer Somaliland ah, inuu ku dhaqmo, inta kalena u dardaarmo, xadiis nebigeena CSW ayaa macnahiisu ahaa “Qofkii Ilaahay iyo Rasuulkiisa Rumeeyoow, Kheyr ku Hadal ama Iska Aamus.” Ilayn diinteenu waa nasteexee, Ilaahay dhamaanteen ha inna waafajiyee, dhibaato dhamaanteedna mid muuqata iyo ta qarsoon Jinka iyo Insigana innaga ilaaliyo, innaga iyo ummada Islaamka dhamaantood, isagaa Awoodee, Aamiin.

 

Mohamoud Ali Walaaleye
Tell. 00-252-63-4001235
Freelance Reporter

http://www.funca.info/
Hargeisa- Somaliland

 

1 2
Page 1 of 2