Day Archives: October 29, 2017

VideosWararka

Kulmiye: Laanta Birmingham oo soo Sagootiyey Muraaqibiintii ugu danbeeyey ee u imanayey Hawlaha Doorashada Madaxtooyadda ee 2017-ka  

Birmingham(Waaheen) Xaflad ay soo abaabuleen madaxda xisbiga KULMIYE Birminham UK  ayaa xalay 28/10/2017 lagu qabtay Magaaladda Birmingham oo ahayd casho sharaf iyo Sagootin loo Sameynaayey Mas’uuliyiinta iyo Muraaqibiyiintii ugu danbeeyey ee Dalka u Imanaaya Ka Qeyb-qaadashada Hawlaha Doorashada ee Xisbiga Kulmiye.

sidoo kale Xafladda ayaa ahayd mid iyadana loogu Fooladey-naayey laguna soo dhaweynaayey  Siyaasiyiin, Wax-garad , Haldoor, Dhallinyaro iyo Haween oo ahaa taageerayaal baaxad weyn oo ka soo jeeday Xisbiga New-Ucid ee Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo ka soo guuray Xisbiga UCID . kuwaasi oo ay ka mid ahayeen .

  1. Rashiid Xasan Shire . Gud Wacyigelinta Xisbiga Ucid UK
  2. Cabdi Mowliid Nuur . Gud Maamulka Lacagta Xisbiga Ucid UK.
  3. Caasha Cali Beyr. Gudoomiyihii Garabka Haweenka Ucid UK.
  4. Farduus Saleebaan Xubin Xisbiga Ucid.
  5. Layla Salebaan , Xubin Xisbiga Ucid.

 

Siyaasiyiintan iyo taageerayaashan cusub ee ku soo biiray Xisbiga Kulmiye, ayaa waxa ay dhammaantood ba sheegeen. inay ay cod iyo cudud-ba iminka la garab-taagan yihiin Xisbul-Xaakimka Kulmiye.

Dhinaca kale xafladda Xisbiga Kulmiye laantiisa Birmingham ee Ingiriiska ay sameyeen ayaa ahayd diyaar garowgii ugu danbeeyey ee ku aadan dhinaca Doorashada ka dhacaysa Somaliland iyo weli ba ka qeyb-qaadashada ololaha Doorashada ee la filaayo in uu dhawaan 13 Nov-2017 ka dhacdo dalka, iyaddoo ay goob-joog ka ahayeen hormadii ugu danbeysay ee ka qeyb-galaysa hawlaha doorashada Xisbiga Kumiye Birmingham u soo dirtay Somaliland.

Waxaana xaflad lagu ambabaxinaayey hormadan oo ka koobaneyd in ka badan sodon ruux oo taageerayaal u ah Xisbiga Kulmiye laantiisa Birmingham . isla mar ahaantaana ka qeyb-qaadan-doona hawlaha Xisbul xaakimka Kulmiye ee dalka gudahiisa iyo goboladda kala duwan.  oo xalay ka dhacday Magaaladda Birmingham, iyadda ay halkaasi goob-joog ka ahaayeen madaxda Laanta B.ham ee Ingiriiska  iyo weli-ba  tageerayaasha Kulmiye magaaladda Birmingham ee Ingiriiska.

Xafladdan ayaa mas’uuliyiintii iyo muraaqibiyiintii u soo amabaxaayey dalka, waxa looggu soo guntay weedho iskugu jiray dardaaran iyo weli-ba sidoo kale dhiiri-gelin ay uga dan lahaayeen siddii ay u sii dar-dar gelin lahaayeen hawlaha Xisbiga Kulmiye goboladda dalka. iyada oo sida oo kale na ay kooxdani dalka ku sugnaan doonto illaa inta doorashadu ka dhacayso,

Geesta kale Gudoomiyaha garabka haweenka Kulmiye Birmingham Uk : Farduus Maxamed Bootaan .Odayaasha Musdanbeedka Kulmiye B.ham : Prof Siciid Fisigis. Oday Axmed Bidaar. Siyaasi Axmed Salebaan . Gudoomiye Ku-xigeenka Kulmiye B,Ham Fariid Diiriye Nuur . Gudoomiyaha wacyi-gelinta Kulmiye .

Siyaasi Cabdi Jaquur iyo Gudoomiyaha Kulmiye Birmingham Md. Maxamuud Xirsi Duduu oo hadalka soo khatimay ayaa waxay tageerayaasha Xisbiga laantiisa B.ham kula dardaarmeen in ay laban-laabaan wada shaqaynta Xisbiga dhexdiisa, waxaana ay fareen dhamaan laanta iyo Taageerayaasha Xisbiga Magaaladda Birmingham. In ay hawshii Xisbiga Kulmiye ay sideeda u socoto iyo Si ka-sii-badan.

Xafladda sagootinta u ahayd  Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye B.ham Uk iyo Waftigiisa , waxaana ay ku soo geba-gabowday Jawi aad u Qurux  badan.

Weftiga Kulmiye Birmingham Iyo Kuwa kale oo ka socda laamaha kale Uk dhamaantood waxaa isku hogaaminaaya Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye Uk Md Xariir Xirsi Adar oo iyagu magalooyinka kala duwan ingiriiska kala socda , ahna Kooxdii ugu danbeysay oo campaignka doorashada ka qayb-geli doonta . waxaanay ku soo beegan yihiin dalka  Maalinta Isniinta Berito ah 30/10/17 saacadda 10:30 A.M .

 

soo dhaweynta weftigaasi iyo diyaar-garowgaba ayaa laga dareemayaa dalkii. iyagoo ay u imaan doonaan doorashada ka hor. si ay uga qeyb-qaataan hawlaha Xisbiga Kulmiye iyo ololahiisa-ba.

DAAWO, Sawirada Xafladdii ka dhacay Birmingham dalka Ingiriiska.

Adan Yusuf Elmi.

Birmingham/Uk.

 

 

 

VideosWararka

Madaxweynaha Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafti Ballaadhan Oo Ka Socday Hay’adda Nabadda ee Dalka Yemen

Hargaysa(Waaheen)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafti sarre oo ka socday hay’adda nabadda iyo isdhex-galka bulshada ee dalka yemen, waftigani ayaa madaxweynaha Somaliland, uga yimid sidii wanaagsanayd ee ay xukuumadda iyo shacbiga Somaliland usoo dhaweeyeen qaxoontigii ka yimi dalka yemen ee soo gaadhay Somaliland, waxaanay madxweynaha gudoonsiyeen shahaado sharaf ay ugu magac dareen shahaadada nabadda iyo horumarinta iskaashiga dunida.

 

Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u jooga dalka Yemen Amb. Cali Maxamed Axmed ayaa sheegay in waftigani si weyn ugu faraxsanyihiin qaabilaada wanaagsan ee ay kala kulmeen madaxwayne, Axmed Maxamed Silaanyo waxaanu yidhi  “Waxay waftigani ugu yimaadeen Madaxweynaha inay uga mahad celiyaan sidii wanaagsanayd ee Jamhuuriyadda Somaliland u soo dhawaysay qaxoontiga yemen ka soo bara-kacay, waxaanay madaxweynaha siiyeen shahaado sharaf la yidhaahdo shahaadada nabadda iyo soo dhawaynta, aad baanay ugu farxeen sidii wacnayd ee aynu u qaabilnay dadkaasi yemeniyiinta ah mudadii ay halkan joogeen, iyagoo ku tilmaamay in aanay dareemayn inay meel kale joogaan waxaanay u arkayeen dad dalkoodii oo kale jooga, taas ayay ugu yimaadeen madaxewynaha” ayuu yidhi safiirka Somaliland u fadhiya Yemen.

 

Dhinaca kale Guddomiyaha hay’adda Nabadda iyo horumarinta bulshada ee dalka Yemen ahna hogaamiyaha watay waftigani ayaa si weyn ugu mahadceliyay madaxweynaha JSL sida wanaagsan ee uu u soo dhaweeyay qaxoontigii tiradda badnaa ee ka soo jeeday dalkooda isagoo sheegay in ay Yemeni ay abaal weyn u hayso Somaliland waxaanu yidhi ““ Xaqiiqdii waxaannu madaxweynaha sharafta leh ugu mahad-naqnay sida wanaagsan ee lanoo marti sooray iyo qalbiga wanaagsan ee uu nagu qaabilay, sidoo kale waxaanu u mahad naqaynaa Xukuumadda iyo shacbiga Somaliland daryeelka iyo sharafta aannu kala kulanay, taasina maaha wax ku cusub shacbiga Somaliland balse waxa jira xidhiidh dheer oo hore, kaas oo isku kaayo xidha, oo ah xidhiidh walaalnimo, xidhiidh jaar-nimo, iyo xidhiidhka qoys kaliya ayaa naga dhaxeeya annaga iyo Somaliland.

 

Waxaannu ka mahadnaqaynaa taageerada Xukuumadda Somaliland ay siiso jaaliyada Yemen, hadii aannu nahay hay’ada Jacaylka iyo nabadda bulshadda, waxaanu  Jamhuuriyadda Somaliland u aragnaa dal  nabad iyo jacayl ku dhisan, waxaanu Madaxweynaha sharafta leh, Allaah ha xafidee gudoonsiinay shahaadada nabadda iyo Jacaylka, taas oo salka ku haysa dadaalkiisa iyo go’aamadiisa bini-aadamnimo ee uu qaatay gaar ahaan dadka Yemaniyiinta ah. Markii ay dalal badani albaabadooda ay xidheen wakhtigii colaadii iyo dagaalkii Yemen ka dhacday, Somaliland waxa ay ahayd xudunta dalalkii na qaabilay, waxaanay ahayd dalkii koowaad, sida Jamhuuriyadda Jabuuti oo kale”.

 

Ugu danbayntii waftigani ayaa Madaxweynaha guddonsiiyay shahaado sharaf ay sheegeen inuu madaxwaynuhu ku mutaysatay qaabiladii quruxda badnayd ee uu u fidiyay dadka qaxoontiga ah ee reer yemeneed.

VideosWararka

Xeebta Batalaale oo aan saaka lagu dabaalan karayn Daamur badda qarqiyey darteed

Dadkii Badda galay oo jidhkooda uu ka buuxsamay wax madow u sun u eg

Batalaale(Waaheen) Xeebta Batalaale ayey maanta dadkii ku dabaashay kala kulmeen waxaan hore loogu arag oo ah Daamur jidhka dadka ku dhagaya oo aan kaa go’ayn isla markaana saamayn ku yeeshay dadkii aan ka war hay nee badda markii hore galay.

Lama garanayo Daamurkani waxa uu yahay, iyo meel uu ka yimi toona, hase yeeshee dadkii saaka galay ee dhacdadan la kulmay, waxay ku mashquulsan yihiin wixii ay iskaga maydhi lahaayeen, iyadoo wax kasta oo ay ku da’yeen aanu goynayn.

Jidhka qofka ayuu meel walba ka galayaa daamurkan badda Batalaale saaka lagu arkay, waxaanu saamayn ku yeeshay dadweynihii usoo dabaal tagay oo ka baqaya badqabka Daamurkan hadduu uu jidhkooda taabto.

Dadweynihii u soo dabaal tagay ayaa cabsi ka qaaday Daamurkan ku dhagay jidhka dadkii ka horeeyey, waxaanay dul tuban yihiin xeeliga badda oo ay kaga sheekaysanayaan waxa uu yahay waxan u Eg Daamurka ee badda qariyey.

Dadka qaar ayaa ku sheegaya in ay waxani yihiin Saliid laga yaabo in maraakiibta Reer Galbeedka ee Badda joogta ku daadisay, ama ba kuwa badda mara, hase yeeshee waa wax ka adag Saliida Injiinada.

Dadka qaarkood ayaa ku tilmaamaya Daamur ku soo caaryey badda oo ka dhashay gaadiidka badda mara ee qaada Daamurka oo wax noqday, isla markaana Daamurkani ka daatay.

Isku soo wada duuboo illaa hada ma jiro qof garanaya Daamurkan badda saaka ku daatay, mana jiraan masuuliyiin ka war haysa oo ka war bixiya dhacdadan.

 

VideosWararka

Wasaaradda Duulista Somaliland oo ku Guulaysatay Rikibaada Qalab Casri ah oo Lagula Soconayo Sadaasha Hawada Dalka

“Waxaan u mahadcelinayaa urur goboleedka IGAD oo qalabkan qiimaha weyn ku kacay inoo keenay” Wasiirka Duulista Somaliland

Hargaysa(Waaheen ) Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland ayaa ku guulaysatay rikibaada qalab casri ah oo lagula socon doono Saadaasha Hawada Dalka.

Qalabkan oo ah qalab casriya oo ku xidhiidhsan Satellite ka ayaa dabooli doona baahi ka jirtay hawl galada hawada Dalka iyo la socoshada cimilada si talooyin wasaaraddu uga bixiso wixii la xidhiidhi cimilada Dalka.

Munaasibad kooban oo ay daah furka hawl galkanlagu  guulaystay u qabatay wasaaraddu ayaa waxaa  ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland Farxaan Aadan Haybe, Eng. John oo ka socday urur goboleedka IGAD iyo Agaasimaha Waaxda Saadaasha ee Wasaaradda Duulista iyo Hawada C/rashiid Cali Xadi.

Wasiirka ayaa faahfaahin ka bixiyey qalabkan waxaanu sidoo kale u mahadceliyey Urur Goboleedka IGAD oo ka caawiyey sidii hawshani u guulaysan lahayd, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya:- “ILAAHEY-baa mahad leh waana guul weyn oo Somaliland u soo hoyatay inaynu halkan ku rikibno qalab Saadaasha hawada wax weyn inooga tari doona oo suurtogalinaya inaynu la socono xaaladaha hawadeena iyo wixii la hal maala oo aynu aad ugu baahnayn oo waa aynu ognahay duruufaha abaareed iyo wadci ee ina soo maray, waxaananu dedaal badan u galnay ka wasaarad ahaan inaanu suurtogalino sifo kasta oo aanu ku heli karayno qalab Sateliteka ku xidhan oo suurtogaliya inaynu sida caalamka la socono hawadeena oo aynu ka caawin karno dadka reer guuraaga ah iyo dadka magaalooyinka iyo dhulka daaqsimeedka si loola socdo, waxaanu barnaamijkani inoo suurtogalinayaa inuu hawshaasi inaga caawiyo inaanu xog ka helno oo Settelite ku inoo sahlo”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi:- “Waxaan u mahadcelinayaa urur goboleedka IGAD, kuwaasi oo qalabkan oo qiimo weyn ku kacay inoo keenay waxaan kale oo aan u mahadcelinayaa Eng. John oo isaguna rikibaada qalabkan u yimid dalka iyo C/rashiid oo ICAO ka socda qaybteeda saadaasha hawada, waxaanay labadooduba gacan balaadhan ka gaysteen sidii hawshani u suurto gali lahayd, maantana qalabkii waa uu shaqaynayaa tijaabadii u horeysay waanu samaynay , waxaananu Mustaqbalka Insha Allah rajaynaynaa inay noqoto hay’ad madax banaan ama wakaalad, taasi oo wasaaradda lafteeda hoos timaada maadaama oo ay ahmiyad gaar ah leedahay waana talaabo hore loo qaaday oo ay ku guulaysatay xukuumadda xisbiga Kulmiye, kaliya kama caawinayso duruufaha cimilo, sidoo kale waxa ay ka caawinaysaa haddii badaha oo kale wax ku soo fool leeyihiin, duufaano iyo roobab meelaha qaarkood siyaado ku ah oo da’aya, taasi oo fududanaysa in dadka xog la siiyo, waxa kale oo ka mid ah in meelaha abaar looga baqayo lafteeda xog laga helo oo xogtaasi la helo oo dadka meelahaasi degan la sii siin karo xog ah in dhulkaasi abaartu ku badan tahay oo ay muhiim tahay in xaga kale loo guuro, waxa kale oo xog laga siin karaa dhismayaasha oo xog laga siin karo habka dabayshu u dhacdo oo lagu salayn karo habka loo dhisayo iyo dabaysha khatarta ku ah haddii uu yahay dabaqyo badan oo isa saaran, xog badan oo dalkani u baahnaa oo markii hore uu la’aa ayuu inoo suurto galinayaa barnaamijkani, waana markii u horeysay ee Somaliland lagu rikibo, waxa kale oo uu ka caawinayaa Telefishanada inay helaan xogta dhabta ah ee saadaasha hawada ee Somaliland, taasina barnaamij ayaanu u samaynaynaa aanu heshiis ku wada galno warfaafinta oo ay xogtaasi telefishanadu helaan si toos ah oo ay heli karaan xogta maalin kasta iyo daqiiqad kasta oo ku sabsan hawada Somaliland siday u dhacayso, waxaanan mar labaad u mahadcelinayaa urur goboleedka IGAD, waxaanay hawshani ka mid noqon doontaa qaybo badan oo soo kordhinay.

Agaasimaha waaxda Cimilada C/rashiid Cali Xadi ee Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland oo isna halkaasi ka hadlay ayaa faahfahin ka bixiyey faa’iidada uu qalabkani leeyahay, waxaau yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya:-  “Qalabkan aad halkan la keenay waxa uu qayb ka yahay Mashruuca Mesa oo ah mashruuc ay wadamada Afrika oo dhan ay ku bahoobeen oo ah sidii Cimilada loola socon lahaa, isla markaana qalabkan loogu talo galay sidii Cimilada Somaliland loola socon lahaa, mashruucaasina waxa runtii naga gar gaar oo gacan xoog leh naga siiyey ururk IGAD oo aanu la’aantii mashruucaasi midho dhaleen, si kale hadaan u dhigo waxa Somaliland gaadhay maanta inay kaligeed garan karto cimiladeeda oo ay la socon karto hawadeeda oo ay maamuli karto, waana guul ILAAHEY loogu mahadiyo, waxaana si gaar ah ugu mahadnaqaynaa oo gacan xoog ah naga siiyey Mr. John oo ka socda ICAO iyo C/rashiid oo ka socda hay’adda ICOA”

Sarkaal ka socda IGAD Mr. John Asayo ayaa isna Dawladda  Somaliland iyo Urur Goboleedka  IGAD ugu mahadceliyey suurtogalinta qalabkan casriga, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:- “Waxaan jecelahay inaan uga mahadceliyo dawladda Somaliland sida wanaagsan ee ay noo garab istaagtay si ay hawshani noogu suurto gasho, waxaanu qalabkan cusub hirgaliyaaa sidii loola socon lahaa Hawada dalka, waxaanan rajaynayaa in sida ugu wanaagsan loogu isticmaali doono, waxaanan doonayaa inaan halkan uga mahadceliyo masuuliyiinta IGAD ee suurto galiyey inaan hawshan qabano iyo wasiirka duulista oo isaguna gacan nagu siiyey”.

C/rashiid Cumar Jaamac oo ka socday hay’adda ICAO ayaa sheegay in qalabkan cusub faa’iido u leeyahay Dalka, isla markaana faahfaahiyey sida loo adeegsanayo, isaga oo tilmaamay inuu wax badan inaga caawin doono, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Qalabkan waxa uu inaga caawinayaa cimilada iyo sidii loola socon lahaa”.

VideosWararka

Madaxweyne Siilaanyo oo isku bedelay Badhasaabada Hawd iyo Saraar, La-taliye Arrimaha Dhaqanka iyo Is-dhegalka na Magacawday

Hargeysa(Waaheen) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa isku bedelay labadii Badhasaab ee Goboladda Hawd iyo Saraar, isla markaana magacawday La-taliye cusub oo kala talin doona Arrimaha Dhaqanka iyo Isdhexgalka.

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-5177/102017 uu isku bedel ku sameeyey laba Guddoomiyaha Gobol, kuna magacaabay La-taliye Madaxweyne.

 

Madaxweynuhu:-

 

 

 

Markuu Arkay:                    Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Arkay:                    Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda ay Guddoomiyayaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

 

Markuu Aqoonsaday:        In baahi loo qabo in isku beddel lagu sameeyo jagooyinkan hoos ku xusan;

 

Markuu Ka Fiirsaday:       Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

 

Markuu Ku Qancay:           In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

 

Wuxuu go’aansaday in laga bilaabo taariikhda Xeerkan

 

In Mudane, Ibraahim X. Xasan Cali, uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Saraar ee Jamhuuriyadda Somaliland. (hore Gobolka Hawd )

 

In Mudane, Cali Maxamed Faarax, uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Hawd ee Jamhuuriyadda Somaliland. (hore Gobolka Saraar )

 

Magacaabida La-taliye Madaxweyne

 

Madaxweynuhu:-

 

Markuu Arkay:                    Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda ay La-taliyeyaasha Madaxweynuhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

 

Markuu Arkay:                    In baahi loo qabo magacaabidda jagada La Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhaqanka iyo Is-dhexgalka Bulshada;

 

Markuu Ka Fiirsaday:       Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

 

Markuu ku Qancay:           In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

 

Wuxuu go’aansaday

 

In Mudane, Maxamed Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhaqanka iyo Is-dhexgalka Bulshada.

 

 

 

ALLAA MAHAD LEH

      Axmed Maxamed Silanyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

 

VideosWararka

“Muuse Wuxuu Ahaa Wasiirkii Daakhiliga Ee Madaxweyne Cigaal, Wuxuu Ahaa Raggii Colaadihii Gobolkan Yaalay Dhameeyey.” Wasiir Maxamuud Xaashi.

Boorama (Waaheen ) Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Md, Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegay in Murrashaxa xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi uu dalka Somaliland ku leeyahay taariikh dahabi ah, isla markaana aan laga been sheegi karin.

Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa sidoo kalena murashaxiinta xisbiga Wadddani ku hal xidhaaleeyey inay soo bandhigaan taariikh hawl qabad oo ay dalka ku leeyahiin

Mudane Maxamuud Xaashi ayaa arrimahaasi kaga hadlay khubad uu ka jeediyey khayriyada magaalada, Boorama halkaas oo ay isugu yimaadeen kumanaan ka mida taageeryaasha Xisbiga KULMIYE, oo ay kaga qayb qaadanayeen ole-olaha doorashada, waxaanu hadladii Wasiirk Xaashi ka mid ahaa “ Taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee fagaaraha Boorama isugu soo baxay, dhammaantood waxaannu leenahay Asalaamu Calaykum Wa raxmatulaahi wa barakaatuhuu. Hadalku waa iska kooban yahay, Awdal iyo Kulmiye iskuma cusba, Awdal iyo Kulmiye miyey isku cusub yihiin? Waxa isku cusub waa la yaqaanaa, waa la yaqaanaa, reer Awdal iyo Waddani way isku cusub yihiin, laakiin Kulmiye iskuma cusba, todoba sanno ayuu dalka xukumayey, horumar ayuu Awdal ka sameeyey, nabaddii iyo dhibaaatooyinkii yaalay ayaannu xalinay, miyey maanta xabadi ka dhacaysaa Awdal?, Somaliland miyey xabadi ka dhacaysaa?, Beenaale markhaatigiisa ayuu fogeeyaa, horumarkii Madaxweyne Daahir Rayaale halkan ka hirgaliyey iyo dalkaba waanu sii horumarinay, Nabaddii ay sameeyeena waannu sii wadnay, colaadihii ayaannu ka dhexqaadnay, waxaannu xidhnay kuwii jid-gooyooyinka galay, ayaa Kulmiye xidhay oo taageerayaashooda ahaa, oo maanta jeel ku jira, soo maaha?”

“ Waxaannu leenahay murashaxiiinta xisbiga Kulmiye iyo reer Awdal-na iskuma cusba, miyey isku cusub yihiin?, waxa isku cusub murrashaxiinta xisbiga Waddani iyo reer Awdal, Muuse Biixi iyo Awdal iskuma cusba, beenay waa run ayeynu leeynahay, Beenay waa run, Muuse Biixi ragga la tartamaya waa ka badsaday Awdal, Camuud ayuu dugsigii sare ka dhiganayey afar sannadood, geed geed iyo guri ayuu u yaqaanaa, way is yaqaanaan dhigiisa iyo faciisa oo dhan, malaa dhalinyarada ayuunbay isku cusub yihiin. Dhalinyaradana goormay is barteen?, Muuse wuxuu ahaa wasiirkii daakhiliga ee Madaxweyne Cigaal, wuxuu ahaa raggii colaadihii gobolkan yaalay dhameeyey, ragbaa taariikhda been ka sheegaya, wuxuu laba bilood jiifay Gaarisa, dhibaatadii Xeebta oo dhan wasiirkii madaxweyne Cigaal u xaliyey ayuu ahaa, markaa waxa aynnu leenahay laba bilood ayuu halkaana garowga ku cunayey, afar bilood ayuu jiifay magaalada aynnu joogno shir beeleedkii ka socday, oo uu ahaa raggii ka xalinayey qaabkii qaran madax-banaan loo dhisi lahaa, Gabiley ayuu bil fadhiyey isaga oo mushkilada Ceel-bardaale xalinaya, Muuse Muusahaa weeye, waala yaqaana Muuse, reer Awdalna waa yaqaanaa.”

Wasiir Maxamuud ayaa intaasi ku daray “ Cabdiraxmaan Saylici wuxuu ahaa xubin gollaha deegaanka Boorame, wuxuu ahaa muwaadin halkan ku koray, wuxuu ahaa nabaddii iyo horumarkii nin ka soo shaqeeyey, halkee ayey ka soo shaqeeyeen Maxamed Cali iyo Cabdiraxmaan Maxmed Cabdilaahi (Cirro)? Xagee ayey Awdal ku leeyihiin? Hala soo baxeen maalin, car maalin hala soo baxeen, Awdal maalin ha kala soo baxeen, Sool ha kala soo baxeen, Sanaag ha kala soo baxeen, waar ninka wax khalda ayaa wax wanaajiya, ninka colaada yaqaan ayaa nabad dhisa, waxaannu leenahay Awdal soo Kulmiye maah,?, miyey Kulmiye ku hoogtay, soo Kulmiye kumay badhaadhin, Balanteenu waa Kulmiye.”

VideosWararka

Taageerayaasha KULMIYE ee Somaliland oo Isu-soo-baxyo Taariikhi ah ka Dhigay Gobollada iyo Degmooyinka Dalka

Bandhiggii Boorama ee Murrashax Muuse Biixi goob-joogga u ahaa + taageerada cuslayd ee Balligubadle + Mowjadihii isu-soo-baxyada reer Gabiley 

Boorama (Waaheen)- Taageerayaasha xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ayaa maanta isu-soo-baxyo taariikhi ah ka dhigay guud ahaan gobollada iyo degmooyinka dalka maalinta saddexaad ee kaltanka ololaha xisbiga.

Kumanaan taageerayaasha xisbiga KULMYE ah oo ku kala nool lixda gobol iyo degmooyinka kala duwan, ayaa dhammaan fagaarayaasha magaalooyinkooda ku soo bandhigay cuddudooda taageero ee ay u hayaan xisbiga KULMIYE murrashaxiintiisa iyo siday diyaarka ugu yihiin inay codkooda ugu doortaan madaxtinimada waddanka doorashada qorshaysan 13-ka bisha soo socota ee November.

Shacabwaynaha ku dhaqan caasimadda gobolka Awdal ee Boorama, ayaa mowjado iyo hirar taageero ah ku soo bandhigay fagaaraha Khayriyada magaaladaasi oo uu goob-joog ku ahaa murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo madax iyo saraakiil kale oo ay ka mid yihiin; Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Md. Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, Wasiirrada Wasaaradaha Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, Xidhiidhka Goleyaasha Md. Axmed Xaaji Daahir Cilmi, Hawlaha Guud Md. Cali Xasan Maxamed (Cali Marreexaan), Xannaanada Xoolaha Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse, xildhibaanno iyo siyaasiyiin ay ka mid yihiin; Cali Maxamed Waran-cadde, Wasiirkii hore Khaarajiga xukuumaddii UDUB Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale, Wasiirkii hore ee Maaliyadda Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil), Axmed Muumin Seed, Cabdirashiid Xasan Mataan iyo xubno kale oo magac iyo maamuus ku leh bulshada reer Somaliland, iyadoo taageerayaashan oo lulayey calanka astaanta xisbiga KULMIYE, qaarna dhar iyo hu ka dhigteen, halka kuwa kalena ka qaybo jidhkooda ka mid ah ku soo sharraxeen astaamaha xisbiga, waxaanna taageerayaashan oo koox koox u wada socday ay subaxii hore isugu tageen barxadda khayriyada iyagoo muujinaya inay ka go’antahay codkooda iyo cududdoodaba inay la garabgalaan xisbiga iyo murrashaxiintiisaba.

Guddoomiyaha Guddida Ololaha Gobolka Awdal Md. Axmed Xaaji Daahir Cilmi, ayaa bulshada Awdal ku guubaabiyey inay u diyaargaroobaan maalinta doorashada oo waqti kooban ka hadhsan yahay, waxaannu ku adkeeyey inay codkooda ku hubsadaan xisbiga KULMIYE.

Siyaasiyiin bulshada magac ku leh oo ay kamid yihiin Cali Maxamed Waran-cadde, Cabdilaahi Maxamed Ducaale, Cawil Cali Ducaale, Axmed Muumin Seed, Maxamed Abiib iyo Cabdirashiid Xasan Mataan oo iyaguna goobta ka hadlay, ayaa si ballaadhan ugu mahadnaqay shacabka reer Awdal, waxaanay sheegeen in loo baahan in iyada oo la isku duuban yahay gacmaha la isu qabsado sidii cod iyo cudud wada socda loogu garab geli lahaa murrashaxiinta KULMIYE.

Wasiirrada Wasaaradaha Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Xannaanada Xoolaha Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, ayaa iyaguna ku dheeraaday waxqabadka uu KULMIYE ka hirgeliyey dalka, waxaanay sheegeen in bulshada Somaliland ku dhaqan oo dhammi ka simantahay ku qanacsanaanta horumarka xukuumadda KULMIYE ka hirgelisay dhammaanba gobollada iyo degmooyinka dalka, iyaga oo si gaar ah carrabka ugu ballaadhiyey waddada isku xidha Dila iyo Boorama oo xisbiga KULMIYE hirgeliyey.

Salaadiin ay kamid yihiin Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal iyo Ibraahim Jaamac Samatar oo hadal u jeediyey bulshoweynta reer Awdal, ayaa sharraxay horumarka uu xisbiga KULMIYE gaadhsiiyey gobolka Awdal, waxana ay bulshada ku guubaabiyeen inay codkooda si midaysan ugu hibeeyaan murrashaxiinta KULMIYE si loo dhammaystiro qabyooyinka tirada yar ee ku jira guulaha xukuumadda KULMIYE ku tallaabsatay.

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee aqalka Wakiillada Md. Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo khudbad u jeediyey shacabka reer Awdal, ayaa si mugleh u sharraxay dedaalka uu xisbiga KULMIYE u galay horumarka gobolka Awdal iyo sidii ay bulshada reer Awdal qayb libaax uga heli lahaayeen xilalka muhiimka ah ee qaranka, waxaannu farta ku fiiqay inuu KULMIYE yahay xisbiga keliya ee xilka iska saaray sidii reer Awdal ula jaan qaadi lahaayeen horumarka kala duwan ee dalka ka hirgalay, waxaannu yidhi, “Waxaan ahaa raggii madaxweynaha ku bilaabay wasiirrada aan magacowda reer Awadal kuma filna 12-wasiir buu reer Awdal gaadhsiiyey, dawladdii ka horraysay ee madaxweyne Daahir Rayaale-na intaas oo kale ayeynu ku lahayn, maalintii aynu ku bilownay kordhi ilaa maantana waxbuu ku kordhinayey, anigaana u dambeeyey maalintii lagu tartamayey guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Muuse Biixi wuxuu yidhi reer Hargeysa isma sharraxi karaane reer Awdal baa leh, xisbiga KULMIYE-na waakaas waxa aynu ka cabanayno ka jawaabaya.”

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inay xisbi ahaan aqbalayaan inay wax weyn ka qabtaan baahiyaha muhiimka ah ee gobolka Awdal, isaga oo si gaar ah u ballan qaaday inay KULMIYE ahaan samayn doonaan waddada Boorama iyo Lawyo-caddo isku xidha, waxaannu yidhi, “Farriinta aad na faraysaan oo ay ka mid yihiin in la helo dawlad dalkeeda horumarisa, in la helo sinnaan iyo caddaalad, in aqoonta la horumariyo dhallintanna shaqo la’aanta laga saaro, reer Booramana waxa dan u ah in waddada isku xidha Lawyo-caddo iyo Boorama, waddadaasna intii aan noolaa waan marayey, dhibta ay leedahayna waan aqaanaa oo Soddon sanno ayaan marayey, waxase aannu idiin ballanqaadaynaa inaanu waddaas samayno, mana aha inaanu cod idinkaga doonayno ee qarankaa u baahan oo inuu dalku isku xidhmo, dhinaca waddooyinka iyo is aaminaadda ayaanu xisbiga ku hoggaaminaynaa.”

Dhinaca kale, kumanaan ka mid ah shacabka Gobolka Gabiley, ayaa isu-soo-baxyo ballaadhan oo indhaha soo jiitay, si cadna u soo bandhigay cududdada taageeradooda KULMIYE ku qaabilay weftiga Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo galinkii dambe ee maanta soo gaadhay halkaasi.

Taageerayaal xad-dhaaf ah oo aan tiradooda la qiyaasi karin oo ku lebbisanaa calanka xisbiga KULMIYE, ayaa isugu soo baxay jidadka magaalada Gabiley, Kala-baydh, Arabsiyo iyo Abaarso si ay u caddeeyaan heerka taageeradooda KULMIYE iyo murrashaxiintiisa.

Khayriyada magaalada Gabiley oo taageerayaasha xisbiga iyo madaxdu isugu tageen, ayaa khudbado muhiim ah looga jeediyey shacabka reer Gabiley oo looga mahadceliyey sida ay u muujiyeen taageeradooda xisbul-xaakimka.

Dhinaca kale, Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ahna murrashaxa isla jagadaasi mar labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa ololaha doorashada xisbiga kaga qaybgalay deegaannada Gobolka Hawd iyo deegaamo kale oo hoosyimaada Gobolka Madoorid-jeex.

Md. Cabdiraxmaan Saylici waxa magaalada Balligubadle ee xarunta Gobolka Awdal si wayn oo aan kala hadh lahayn ugu soo dhaweeyey shacabka ku nool halkaasi, kuwaas oo iyagoo muujinaya taageerada baaxadda leh ee ay u hayaan xisbul-xaakimka iyo murrashaxiintiisa qaabilay Madaxweyne-ku-xigeenka iyo madaxda wehelinaysa, isla markaana waxay u ballanqaadeen inay hiil iyo hooba la barbartaagan yihiin.

Intaas kadibna Madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu socdaal dheer ku maray degmooyinka Sallaxlay iyo Sabo-wanaag iyo deegaamada hoosyimaada, kuwaas oo uu shacabka ku dhaqan kala qaybgalay dabbaaldegga iyo ololaha xisbiga KULMIYE.

VideosWararka

Ex. Wasiir  Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo Sharraxay Kartida iyo Awoodda Hoggaamineed ee Murrashax Muuse Biixi

Boorama (Waaheen )- Wasiirkii hore ee xukuumaddii UDUB ee Madaxweyne Daahir Rayaale u qaabilsanaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda Md. Cabdilaahi Maxamed Ducaale, ayaa markii ugu horraysay si farshaxannimo leh u sharraxay kartida iyo awoodda hoggaamineed ee murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi.

Siyaasi Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo maanta ka hadlay madal ay taageerayaasha KULMIYE ee magaalada Boorama dhoolla-tusyo isu-soo-baxyo ah ku muujiyeen, ayaa sheegay inuu aqoon durugsan u leeyahay Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, isla markaana waqtiyo adag soo wada qaateen.

Md. Cabdilaahi Maxamed Ducaale, waxa uu sheegay inuu murrashax Muuse Biixi yahay shakhsi la tijaabiyey waqti adag, isla markaana uu yahay waayo-arag xilkas ah, waxaannu yidhi, “Anigu Muuse Biixi waan garanayaa, waayo geed hoostii baanu wada seexanay oo dagaal baanu soo wadagalnay, hoggaannimadiisana waxaan ku qirayaa markii Balli-gubadle ay SNM-tu isugu tagtay ee nin waliba xukunkii u soo qooqay wuxuu ahaa shirguddoonkii shirkaas, maalintaasaanna anigu caddaaladdiisa ogaaday, ninkanina wuu soo gaadiiday, caalamkana askar badan baa soo xukuntay oo taasi maaha wax lagu wadahadlo.”

Siyaasiga ruug-caddaaga ah ee Cabdilaahi Ducaale waxa uu bulshada farta ugu fiiqay in axsaabta mucaaradka ah qaarkood ay xagga dambe u fadhiyaan siyaasiyiin Somaliland in badan dagaal kula jiray, halka ay KULMIYE hormood u yihiin siyaasiyiin taariikhda Somaliland iyo halgankaba baal dahab ah kaga qorani, “Raggii lahaa Somaliland ma jirto ayaa ku dhex xuub-siibtay qaar kamid ah axsaabta qaranka oo xagga dambe u fadhiya, laakiin halkan (KULMIYE) waxaan ogahay rag ibnu xalaal ah oo aan qarannimada ku aamini karo, anigana qabyaalad iguma xamanaysaan oo Boorama ayaaba la ii tirin jiray,” ayuu yidhi Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale.

Waxa kaloo uu caddeeyey in Guddoomiye Muuse Biixi iyo siyaasiyiinta kale ee la safani yihiin qaar dalka caddaalad u keeni kara, “Ninkaas (Muuse Biixi) iyo raggiisu caddaalad way keenayaane yaan wax shuruud ah lagu xidhin,” ayuu yidhi.

Wasiir Cukuse oo Jawaab Cad ka Bixiyey Hadallo Naxli Xambaarsan oo Kasoo Yeedhay Murrashaxa WADDANI

Boorama ( )- Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa jawaab waafi ah ka bixiyey hadallo milgaha ka baxsan oo dhawaan kasoo yeedhay Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), kuwaas oo bulshada dhexdeeda ka abuurayey isku dhacyo iyo naxli horleh.

Wasiir Cukuse oo ka hadlay fagaaraha khayriyada magaalada Boorama oo ay isugu soo baxeen taageerayaasha KULMIYE maanta, ayaa nasiib-darro ku tilmaamay hadallo naxli badani ku jiray oo uu murrashaxa WADDANI u jeediyey reer Boorama, waxaannu isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Xisbiga WADDANI shalay halkanuu (Boorama) yimi oo wuxuu idiinka sheekeeyey rabshado iyo aflegaaddo warqad laga akhriyayo, anigana aflegaaddo warqad laga akhriyayo tii Guddoomiye Cirro ayaa iigu horraysay, nin xanaaqsan uun baa aflegaadoon jiray, laakiin aflegaaddo laga soo shiray oo warqado laga akhriyo taasaa iigu horraysay.”

Md. Cukuse waxa uu caddeeyey in bulshada reer Somaliland oo dhammi waqti hore iska laab-xaadheen utumihii soo kala dhexmaray, cidda waqtigan naxligaas soo noolaysaana ay tahay cid guudldarraysatay, “Dalkeena muddadii 27-ka sanadood ee uu jiray meel aan dagaal sokeeye ka dhicini ma jirto waase laga heshiiyey oo waa la ilaaway, laakiin ninka maanta xoqayaa waa nin aan waxba haysanin,” ayuu yidhi Cabdilaahi Cukuse.

Wasiir Cabdilaahi Cukuse waxa uu su’aal geliyey doorkii uu murrashaxa WADDANI ku lahaa qaranka Somaliland horrayso iyo dambayso midnaba, isaga oo tilmaamay in taariikhda keliya ee Guddoomiye Cirro leeyahay tahay dagaalkii uu ku qaaday ku-xigeenkii Wakiillada Baashe Maxamed Faarax, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Anigu intaasba waan soo taagnaa oo weriye ayaan ahaan jiray, taariikh badanna waan hayaa, haddii ay doonayaan Muuse waa kuma, Muuse wuxuu kamid yahay kuwii nabadda soo dhisay min Boorama ilaa Ceerigaabo wixii la dhisay ninkii wax kasoo dhisay, laakiin ninka ay tartamayaan (Cabdiraxmaan Cirro) qalad iyo sax midna muu gelin, laakiin haddii laga tegi waayo beri buu Baashe Feedhay baan xasuusnahay, waxaanse leeyahay taasna waa lagaa saamaxaye aflegaadada iska daayoo wixii aad hayso ee aad dadka u qabanayso la kaalay.”

VideosWararka

Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE oo ka Digay in Ololaha Doorashada laga Dhigo Rabshado iyo Isku Dhacyo

Boorama (Waaheen )- Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka digay in ololaha axsaabta siyaasadda ee loogu diyaargaroobayo doorashada madaxtinimada u qorshaysan 13-ka bisha soo socota ee November laga dhigo kuwo rabshado iyo isku dhacyo ku dhexmaraan qaybaha bulshada Somaliland ee nabadda ah.

Murrashax Muuse Biixi oo fagaaraha Khayriyada Boorama khudbad dhinacyo badan taabanaysa uga jeediyey kumanaan taageerayaasha xisbiga ee ku dhaqan xarunta Gobolka Awdal maanta, waxa uu cambaareeyey oo uu ku tilmaamay badownimo dhallinyaro weerar u gaysatay guriga murrashaxa Madaxweynaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Cirro iyo kuwo kale oo burburiyey xafiisyadii xisbiga KULMIYE ee bariga Hargeysa.

Ugu horreyn waxa uu si wayn ugu mahadceliyey shacabka reer Boorama oo taageero baaxad leh ugu muujiyey fagaaraha khayriyada, isla markaana waxa uu sheegay inuu qaatay farriimaha shacabku farayaan.

“Waxaan u mahadnaqayaa taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee Bari iyo Galbeedba isaga kala yimi ee i taageeraya. Maanta halkan aad isugu timaadeen iyo cadceedan aad taagan yihiin iyo dadaalka waxaad u muujiseen farriinta aad na faraysaan waan qaadanay, farriinta aad na faraysaan waa maxay? Farriintiina waxa ka mid ah in la helo sinnaan iyo caddaalad Somaliland oo dhan, waxa ka mida in aqoonta hore loo mariyo, dhallinyarada shaqo la’aanta laga saaro,” ayuu yidhi, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata intaa raaciyey, “Reer Boorama waxa u gaara Waddada isku xidha Lawyo-cado iyo Boorama, intii aan noolaa nooshayda waan marayey waddadaas, Lawyo-cado, Caasha-cada, Feedha-wayn, Xariirad meel aniga iyo hooyaday gaadhi aannu nagula jabin oo aanan maalmo fadhiyin ma jirto, dhibta ay leedahay baabuurta waxa ku dhacana waan aqaana, soddon sanno ayaan marayey ilaa iyo carruurnimadeydii maskaxdayda way ku sawiran tahay, waxaan idiin ballanqaadayaa inaan waddadaas idiin sameeyo. Maaha reer Booramow cod ayaan idinkaga doonayaa ee qaranka ayaa u baahan, dhibaatada ay leedahay ayaan garanayaa, waxaana wanaagsan inay ummaddu isku xidhanto.”

“Haddii Ilaahay yidhaahdo qorshahayagu waxa uu yahay waddada Saylac ka soo bilaabanta ee Boorama marta inay Ceerigaabo marto oo ay Badhana u gudubto, inay isku xidhmaan dhinaca waddooyinku, dhinaca is-aaminaada, taas ayaan xisbiga KULMIYE ku hoggaaminaynaa oo farriintiina ka muuqata. Waxa kale oo fariintiina ka mida Boorama waa magaalo Buuraleya oo xadku wuu ku dhowyahay khayraadku xagga badda ayuu ka xigaa intaas oo waddo ayaa ka dhaadhacda buuraha waa khasab in Boorama loo furo waddooyinka xeebta, taasi waxay ku xidhan tahay wadajirkeena. Marka aynu bilowno inaynu qodano macdan dhammaanteen waa inaynu gacmaha is-qabsano, maaha mid la isku dhacayo, maaha mid la boobayo waxaynu ku shaqaynaynaa dawlad daacadnimo ah.”

Md. Muuse Biixi waxa uu xusay in gobollada galbeed ee dalka ay masuuliyad wayni saaran tahay xilligan doorashada, “Xil ayaa ina saaran oo maanta tijaabo ayaan ku jirnaa haddii aynu nahay Somaliland Gobollada Galbeedka xil ayaa inna saaran, xilku waxa weeye laba murrashax oo Madaxweyne iyo Madaxweyne-ku-xigeen ah ayaa Gabilay iyo Boorama ah, Somaliland oo dhan waxay eegaysaa sidaynu wax u maamulno, waxa uu xilku sii saaran yahay reer Boorama, waayo aqoontii ayaad sheegateen oo ilbaxnimadii ayaad qaadateen, Somaliland ayaa halkan lagu aasaasay, Calanka Somaliland waxa sameeyay Cabdalle oo halkan gurigiisu yahay, Heesta astaanta qarankana waxa sameeyey Abwaan Xasan Sheekh Muumin,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi.

Waxa kaloo uu shacabka reer Boorama ee kala taageersan xisbiyada siyaasadda ku ammaanay ilbaxnimo ay dheeraadeen dhigooda Hargeysa oo isku dhacyo iyo rabshado ka dhigay ololaha doorashada, waxaannu ka digay in arrintaasi sii socoto.

Isagoo arrimahaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Boorama waxay hoggaamisaa il-baxnimada dalka inaad ilbaxnimada hoggaamisaan oo aad ka soo jeedaan Saylac iyo xadaariyadii fogayd ayaan idiin sheegayaa, xalay markii aan Hargeysa ka soo baxaynay waxay dhallinyaradii reer Hargeysa sameeyeen wax fool-xun. Shirka intaas le’eg ayaad isugu timaadeen oo kii Waddani ahaa iyo kii KULMIYE ahaa idinka oo walaalo ah ayaad fagaaraha isugu soo baxdeen. “Dhallinyaradii Hargeysa waxay sameeyeen ceeb fool-xun oo waxay shiideen Guddoomiyaha xisbiga WADDANI aqalkiisa waa badownimo oo waanu diidanahay oo waanu ka soo horjeedna oo aqbalimayno.

“Xalay aad ayey isku shiideen dhinaca Bariga Hargeysa oo xafiisyadii KULMIYE ayey shiideen, waxaasina waa ceeb iyo badownimo, dimuqraadiyadu sidaas maaha, idinka ayaan idinku bogaadinaynaa fagaarahan maanta aad isugu soo baxdeen, kuwa Hargeysa cashar ayaad u dhigteen,” ayuu yidhi.