Day Archives: October 27, 2017

VideosWararka

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Si Diiran loogu soodhaweeyey Deegaamo Badan Oo Hoosta Gobolka

Bali-gubadle(Waaheen)Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ahna Murashaxa Madaxweyne ee Xisbigaasi Eng faysal Cali Waraabe iyo Wafti Balaadhan oo Uu Hogaaminayo ayaa Maanta safar dheer ku soo marey Deegaamo badan oo hoostaga Gobolka Hawd gaar ahaana kuwa ku Teedsan Xuduudka Somaliland iyo Ethiopia kuwaasi oo si diiran loogu soo dhaweyey

 

VideosWararka

Jamaahiirta Isbadal Doonka Waddani Oo Dhoolatus Balaadhan Ka Sameeyay Gobolada Somaliland Iyo Musharrax Cabdiraxmaan Cirro Ballanqaadyo U Sameeyay Reer Awdal

Boorama/Hargeysa, (Waaheen) – Taageerayaasha Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa isu soo baxyo balaadhan ka sameeyay gobollada iyo degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland. jamaahiirta ku labisan calanka liimiga ah ee xisbiga iyo boodhadh ayaa isu soo baxay fagaareyaasha magaalooyinka waaweyn iyo degmooyinka dalka waxaana kala qayb galay madaxda kala duwan ee xisbiga Waddani. Taageerayaasha jibaysan ee cuddudooda muujinayay ayay madaxdu u jeediyeen khudbado ku saabsan qorshaha horumarineed ee xisbiga Waddani iyo dhibaatooyinka xukumadda Kulmiye dalka dhaxalsiisay.

Guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee Waddani Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde, Maxamed Biixi Yoonis iyo masuuliyiin kale ayaa kumanaan taageerayaasha Waddani ah kala qayb galay fagaaraha beerta xorriyadda Hargeysa oo ay ku dabaal dageen. Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa isna magaalada Burco kaga qayb galay damaashaadka kumanaan taageerayaal ah oo la dhacsan xisbiga Waddani, halka masuuliyiin kale iyo xildhibaano kala qayb galeen isu soo baxa taageerayaasha Waddani ee Ceerigaabo iyo Berbera.

Musharraxa xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo musharraxa madaxweyne xigeenka Dr Maxamed Cali Cabdi ayaa magaalada Boorama kaga qayb galay isu soo bax balaadhan oo ka dhacay fagaaraha Khayridda Boorama. Musharrax Cabdiraxmaan Cirro iyo kuxigeenkiisa ayaa u qushuucay kumanaanka taageere ee camiray khayriyadda Boorama iyo hareeraheeda.

Musharrax xigeen Dr Maxamed Cali Cabdi ayaa si dareen taabad leh ugu mahadceliyay taageerayaashiisa isugu soo baxay khayriyadda Boorama oo uu tilmaamay in ay ka turjumayso sida ay ula dhacsan yihiin isbedel lagu sameeyo talada Somaliland. Maareeyihii hore ee hay’adda Waddooyinka Somaliland iyo afhayeenkii xisbiga Kulmiye ee gobolka Awdal ayaa madasha ka sheegay in ay Waddani ku soo biireen. Siyaasiga Baashe Cali Jaamac, wasiirkii hore ee waxbarashada Faarax Cilmi Geedoole, iyo masuuliyiinta heer gobol ee xisbiga Waddani ayaa ku dheeraaday sida ay reer Awdal uga jawaabeen isbedelka uu rabo xisbiga Waddani waxaanay u mahadceliyeen taageerayaasha. Qaar ka mid ah salaadiinta gobolka iyo suldaanka guud ee Somaliland ayaa bulshada ku boorriyay in ay maalinta doorashada codka la ogaadan xisbiga Waddani si isbedel loogu sameeyo talada Waddanka.

Musharraxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyay bulshada reer Awdal kuna suntay ballanqaadyo iyo dhalliilaha xukumadda Kulmiye “Waxaan u mahadnaqaya shacbiga gobolka Awdal ee dareenkooda muujiyay iyaga oo aan u kala hadhin ee sida midnimada leh, maamuuska iyo milgaha leh ee muuqaalka leh aad iskugu soo baxdeen idinka oo muujinaya dareenkiina, idinka oo ka jawaabaya dareenka shacbiga Somaliland ee isbedel doonka ah. waxaan idiinka mahadnaqaya rabitaankiina oo jawaab u ah wax aad maanta doonaysaan. Waxaan u mahadnaqaya dadka soo qaban qaabiyay munaasibaddan,” Sidaas ayuu yidhi Musharrax Cabdiraxmaan Cirro.

Waxa uu musharrax Cabdiraxmaan Cirro intaasi raaciyay in xukumadda Kulmiye dalka dhibaato weyn dhaxalsiisay “Somaliland cid baa dabada haysa in ay hore u socoto, waxaan ku cambiraya gabay uu tiriyay abwaan Dhoodaan oo ay ka mid ahaayeen ‘Ruqo dabada laga fuushan yahay, ruuxna kicin waaye, raqba waa raggeedii, saw xaalku kuma roona’ dawladnimaddeenii iyo Qarannimadeenii way ruqatay waxaana u sabab ah oo dhulka dhigay xisbiga Kulmiye. Walaalayaal waad ka war haysaan xaalka Somaliland. Kulmiye wuxuu yidhi ‘Somaliland loo siman yahay ma jirto, Somaliland waa jeegaan iyo inta kale ayuu Kulmiye yidhi. Inagu waxaynu doonayna Somaliland la wada leeyahay, Somaliland loo siman yahay, taasi waxay ku imanaysa marka aynu gacmaha is qabsanno,” Sidaas ayuu yidhi Musharrax Cabdiraxmaan Cirro.

Waxa uu intaasi ku daray in xukumadda Kulmiye xaraashtay xoolihii umadda ee danta guud “Waxaad ka war qabtaan in Kulmiye xaraashay wixii umaddu wada lahayd; haddii ay tahay Madaar, Deked, Dhul, hadday tahay iskuul, hadday tahay laymankii booliska iyo haddii ay tahay hanti kale oo maguurto ah, meel bad qabta miyay jirta? Maxaa inoo hadhay? Dadka uun in la iibiyo ayaa hadhay ayaan u malaynaya. Walaalayaal waxaynu u baahan nahay in aynu hambada Somaliland badbaadino, yaynu ka badbaadinayna? Kulmiye ayaynu ka badbaadinayna,” Sidaas ayuu yidhi Musharrax Cabdiraxmaan Cirro.

Geesta Kale Musharrax Cabdiraxmaan Cirro waxa ballanqaadyo u sameeyay bulshada gobolka Awdal “Waxaan kalmad ka odhanaya arrinta saami qaybsiga , maalin dhawayd oo la doodayay waad ka warqabtaan, Muuse wuxuu yidhi ‘Saami qaybsigii waanu dhammaynay’ halkan waxaan ku haya warqaddii tabashada ee ay ku dhammaayeen salaadiinta reer Awdal, garaadooda iyo waxgaradka, waxaan idiin sheegaya wax laga qabto daaye in aan laga soo jawaabin, bal haddaba Muuse ha la wadyiiyo goorta uu dhammeeyay saami qaybsiga. Walaalayaal waxaan rumaysnahay in ay reer Awdal mudan yihiin in laga jawaabo tabashadooda, in laga jawaabo oo waliba wax laga qabto. Waxaan Illaahay ka baryaya in uu inagu simo oo Waddani ku simo oo aniga igu simo waxaan ballanqaadaya cabashada in aan wax ka qabanayo

“Gobolka Awdal waa gobol Qani ah oo u baahan in la kobciyo dhaqaalihiisa, si taas loo sameeyo waxaanu wax ka qaban doona Waddada Jabuuti iyo Boorama, oo kobcin doonto dhaqaalaha iyo isu socodka oo abuuri doonta shaqooyin badan oo dhalinyaradu hesho. Waxaanu wax ka qaban doona Madaarka Boorama oo sahli doona isu socodka. Waxaanu wax ka qaban doona xuduudka Jabuuti iyo Somaliland iyo arrinta Lawyo caddo ee ah cashuurta faraha badan ee laga qaado shacabka. Waxaanu dhimi doona cashuuraha laga qaado dekeddaha gobolka Awdal. Waxaanu kor u qaadi doona tacliinta Somaliland oo Awdal noqon doonto xarunta tayaynta tacliinta Somaliland,” Sidaas ayuu yidhi Musharrax Cabdiraxmaan Cirro.

Dhinaca kale Kumanaan taageerayaasha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ee ku dhaqan xaafadaha kala duwan ee magaalada Hargeysa ayaa isu soo  bax ay ku muujinayaan taageerada xisbiga Waddani ka dhigay Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Taageerayaashan oo markii dambe isugu soo biyo shubtay xarunta Beerta Xoriyada ee Hargeysa ayaa waxa kala qaybgalay Masuuliyiinta iyo siyaasiyiinta xisbiga Waddani oo uu horkacayey gudoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga Waddani Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, Xoghayaha Xisbiga Waddani, Siyaasi Axmed Xuseen Caydiid, Siyaasi Maxamed Biixi Yoonis, Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac, Siyaasi Ismaaciil Buubaa, Faadumo Siciid, Cabdilaahi Jawaan iyo Siyaasiyiin kale.

Ugu Horayn Cabdiqaadir Jirde oo taageerayaasha xisbiga Waddani ee magaalada Hargeysa khudbad qiimo leh halkaasi uga soo jeediyey ayaa waxa uu yidhi “Ninka doonaya inuu lacag xaaraan ah, lacagtiinii, dilaalkii DP World, saldhigii la iibiyey lacagtiisii ayuu doonayaa in lagu doorto, wuxuu ku darsaday beentaa qaawan in ummadda tacsiyadaysan (xamar) laga been abuuray.

Waxa la yidhi gadhka laga wareen beenta saw kama jeelbeelo, waar beenta ka jeel beela intaasaa beenta ummadda u sheegayseen, waar walaahinaanay soconayn dadku wuu koray, kursiga ayaynu isku haysanaa ee xamar uma tartamayno.

Muuse waxaanu ku leenahay sidaa la tilmaamay Gudoomiyaha Xisbiga iyo Musharaxaba xaaraan ayaad ku fuushay ragbaa lagaaga hiiliyey, xeerkii xisbigaa laguu jabiyey, lacagtaad ku ololaynaysaa waa lacag xaaraan ah waa Dekedii Berbera waa DP World, waa saldhigii, inaadeerow adigoo labadaaba isku darsaday aakhiradaada ka baqoo beenta iska daa, beenta ummadda ka daa.Kursiga been ku fuuli maysid, Kursi aad been ku fuulaysaa Muusow ma jiro, waa la soo jeedaa raganimadaada iyo tamartaada badka la kaalay, anagu been kaa sheegi mayno oo ku odhan mayno xamar buu doonayaa oo ku odhan mayno cid kale ayuu u shaqeeyaa, kuuma quudhno, waanu kaala xishoonaynaa, waar nagala xishood waxaa.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga Waddani, Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde.

Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Siyaasi Maxamed Biixi Yoonis, waxaanu shacabka Somaliland ugu baaqay in aan la kala qabin oo ay ilaashadaan midnimada Somaliland, waxaanu ku eedeeyey xisbiga Kulmiye inuu xoqayo colaadihii sokeeye ee Somaliland soo maray sagaashamaadkii.

Maqaallo

Saldhigga Booliska Ee New Hargeysa: Nolosha Liidata Ee Aan Ku Soo Arkay!

Saldhigga New Hargeysa waxa uu ka kooban yahay lix qol oo raggu galaan iyo qol ay dumarku galaan. Waa xarunta ugu faya-dhawrka liidata Somaliland. Ciqaabta ka dhalata xorriyad-ka-qaadista waxa toban laab ka waxyeello badan hadimada ay sababayso nadaafad-xumadu. Toddobadaas qol waxa mararka qaarkood lagu daabulaa in ka badan boqol qof. Cidhiidhiga, buux-dhaafka iyo badnaanta maxaabiista awgeed waxa adkaata in la helo meel la jiifsado. Hawo-qaadashada ayaa liidata, qol walba waxa u bannaan wax taako ka yar oo cuntada iyo biyaha looga geliyo. Maadaama oo dadku badan waxa qasab ah in kulaylku xadhkaha goosto. Dhididkii ka dareeray madaxayga ayaa hoos u dhaafay xundhurtayda.

Tiro-badnida maxaabiista waxa marag u ah in maalmaha qaarkood 43 ama 26 maxbuus subax qudha loo wada qaado maxkamadda. Buuqa iyo sawaxanka dadka sida xad-dhaafka ah qolku loogu cabbeeyay awgeed, dirqi ayaad il iyo baal isugu keenaysaa. Boqollaakaas waxa loo hayaa laba foosto oo biyo ah: cabitaan iyo maydhashaba, haddii ay maxaabiistu laastaan biyaha waxa lagu ganaaxaa harraad, uskag, weyso la’aan iyo istijo la’aan.

 

Qolka la igu xidhay iyo makhsin walba waxa dhex yaalla caagado lagu kaajo, heerka guddaafnimada waxa uu ka gaadhay mid aan la sheegi karin, maxaa qashin tuulan! Haash, garaabo, caagado iyo qudhun ayaa goglan. Marka ay dadka booqashada u soo socdaa albaabka ka soo galaan ayay sanka is-qabtaan “uf, meesha kaadi baa ka uraysa. Akhas, meeshu qadhmuunaa” ayay yidhaahdaan.

 

Intaas waxa ka sii daran dulinnada kala geddisan ee injirta, kaneecada, dukhaanka iyo takfida oo wehel kuu noqonaya. Malaha ilays habeenkii wax lagu arko, waxa la daaraa shamac muddo kooban shaqaynaya oo dema, maxaabiista ayaa qaba qarashkiisa. Haddii uu shamaco kaa demo waxa kugu soo degaya kumannaan kutaan/dukhaan, injir, kaneeco iyo kadeed-wade ah. Cayayaanku waa ay kaa hagaagaan, waxa lagu odhanayaa“dukhaanku waa askari loo qoondeeyay dhibta maxaabiista”. Waxa hawsan marag ka ahaa Shooki Madoobe-yare oo ahaa maxbuus nala xidhnaa, in aan markhaati uga dhigo hadimadan ayuu codsaday waayadii ay albaabbadu nalagu wada qufulay.

 

Marka aad caagad ku taleejido waxa qasab ah in kaadidu kugu duusho, sidaas awgeedna waxa aad noqonaysaa nijaas. Maxaabiista laba jeer oo keliya ayaa suuliga loo sii daayaa. Haddii ay calooshu ku xanuunto waxa aad saxarada ku soo ridaysaa ‘bac’ kaddibna xaarka moorka ah oo afka maxaabiista loo yaqaanno ‘fiishtaanka’ waxa aad ka soo tuuraysaa daaqadda. Maalmihii aan caagadaha ku kaaji jiray oo dhanna waa aan gebagebaysan jiray marka aan tukanayo. Haa, ma nin uu duulduul gaadhay ayaa weyso lagu waajibiyay?

 

Halka ugu daran ee ay indhaha, maskaxda iyo sankuba ka didayaan waa suuliga. Waxa ku yaalla afar god oo buuxa, inta ay saxaradi xadka dhaaftay ayaa ay dibadda u soo baxday. Malaha biyo musqulaha lagu galo, haddii aad hal mirir ku jirto waxa aad ka baqaysaa in aad xanuunno ka qaaddo. Xilliyada qaar waxa lagu xaajo gutaa albaabka laga gelayo, malaha wax lagu xidho ee afar iyo labaatanka saacadoodba wuu furan yahay, qofka bannaanka maraya ayaa arka qofka fadhiya baytal-mayga silica ah.

 

Halkaas ayaa ay ragga iyo dumarku u kaltami jireen oo marba qolo loo hormeeyaa. Askariga ku ilaalinayaa waxa uu istaagayaa albaabka meel uu kaa arkayo, qofku xitaa ma qarsan karo cawradiisii uu xaqa u lahaa in uu asturo. Waxa ka dhalan kara xanuunno galaafta nolosha askarta iyo shacabka. Ma maqlayseen beryahan xanuun Eboola la odhan jiray? Waxa uu ka dhalanayaa nadaafad-xumada ka jirta Saldhigga Xaafaddayda New Hargeysa. Dhawaan ayaa haweenka loo sameeyay musqul gaar ah. Maqaallo hore oo aan ka baahiyay saldhigga New Hargeysa iyo saxa-darradiisa awgeed waxa la buufiyay qolalka, haddana weyd iyo wacdiba habeen baa lagu seexdaaye, bartiisii iyo meel ka liidata ayuu ku noqday.

 

Ciidanka Boolisku waxa ay il-duufeen in ay sameeyaan dad faya-dhawrka ka shaqeeya, oo hagaajiya meelaha mahuraanka u ah. Tani iyaga dhib kuma hayso, waxa ay askartu leeyihiin laba suuli oo gaar ah. Waa meel u baahan in la tuso Haayadaha ka shaqeeya Caafimaadka adduunka iyo damiirka nool ee rejada ka leh dadka iyo dadka Somaliland.

 

Wax yaab ah in nadaafadda xerada ay ka shaqeeyaan carruur kaba-caseeye (baalashleyaal) ah oo dibadda xoog lagaga soo ururiyo aroorta hore. Inta qasab lagu hawl-geliyo ayaa dhawr kun loo taagaa, waa addoonsi aan indhahayga ku arkay. Askartu waxa ay xerada xaadhaa marka ay maqlaan waxa imanaya Haayadaha Xuquuqal-insaanka, Saraakiisha Booliska iyo cid ay ka baqanayaan oo kale. Waxa aan arkayay wiil lagu qasbay in uu biyaha dhaamiyo oo gudaha la dhigay, ma qori-caaradii ayaa ummadda lagu adeegsanayaa?. Markii uu diiday in uu qabto shaqadaas aan dawga loogu lahaynna gudaha ayaa la dhigay, annaga ayaa ka ergaynnay in la sii daayo. Soo-jeedintaasna waa nalaga guddoomay/yeelay.

 

Shan cisho bannaanka ayaan fadhiyay, afar dharaaroodna waxa aan ku xidhnaa qol loo dhisay kaydka buugaagta oo aan sinaba ugu habboonayn in xabsi laga dhigo ama aadame lagu xareeyo, kuwo kalena waxa ay bilo iyo sannado ku xidhnaayeen dhismeyaal ahaa suuliyo/musqul, inta godkii la awday ayaa muwaaddiniin lagu cabbeeyay. Rugtii Kutubta Hargeysa ee garaadka lagu kobcin jiray Somaliland u geddiday goob dadka lagu ganaaxo. Halkii caqliga lagu korinayay ayaa ummadda lagu ciqaabaa.

 

Walaw ay ganacsatada deegaanku isku dayeen in ay iskood u qurxiyaan dhiska, waxa horjoogsaday Cabdillaahi Fadal Iimaan oo falkaas u arkaya mashruuc aanay isaga waxba ugu jirin. “Wuxuu ka biya-diiday in la fuliyo qorshe aanu maaliyaadda ku baxaysa wax ka dhex qadhaabsan karin” ayuu yidhi askari saacadaha dambe afka furtay.

 

Habeennadii aan ka yaabay sida xaalkeedu yahay ayaan ku maaweelooday:

 

Samatare waddaniyaad

Seellada xabsiga iyo

Saldhiggii taxaabteen

 

Suuligu ma hoygiyo

Halka uunku seexdaa?

Haddii aan la sarakaco

Inaan suugga weyn rido

Ma sun baad u aragteen?

Sufuudhiyo qadhmuunkuu

Sanku urinta diidaa

Ma siraad la’aanbaa?

 

Dulinnada siqaayiyo

Injir suudalaysiyo

Kutaan dhiigga siibtiyo

Takfi sararta nuugtana

Saaxiib ma noqoteen?

 

Saxadana dhan laga dayo

Sagxaddaa u heego ah

Sikhraan iyo ma tuug baan

Sabo kula caweeyaa?

 

Anigoon sagsaag noqon

Saldhig iyo dar baa jeel

Sabo fiican moodee

Wakhtiyadu sirgacanaa!

 

La soco qaybaha dambe idanka Alle

Siciid Maxamuud Gahayr

saedmgahair@hotmail.com

 

 

VideosWararka

Taageerayaasha Xisbiga WADDANI Oo Magaalada Burco Ku Soo Bandhigay Wacdaro Dhul-gariir Ah Oo U Quus-gooyay Xisbiyadda Kale

Burco (Waaheen)-Kumanaan taageerayaasha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ah ayaa dhoolatusyo ballaadhan ka sameeyay guud ahaan gobollada iyo degmooyinka Somaliland maalintii labaad ee xisbigoodu u lahaa ololaha doorashada madaxtooyada.

Taageerayaasha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa wacdaro aan hore loo arag oo muujinaya taageerada baaxada leh ee uu xisbigu ku leeyahay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer isugu soo baxay.

Mawjado taageerayaal ah oo ay hor-kacayaan mas’uuliyiinta sare sare ee xisbigga is bedel doon ka ah ee WADDANI ayaa socod lug ah ku soo maray waddooyinka waaweyn ee magaalada Burco oo ay dhoolatusyo ka dhigayeen.

Hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, Xildhibaan Maxamed Yuusuf Waabeeye, kaaliyaha warbaahinta ee murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga WADDANI Muniir Axmed Cigaal, xoghayaha xidhiidhka carabta iyo dawladaha islaamka ee xisbiga WADDANI Ambasaddor Axmed Aadan Dagaal (Axmed Safiina) masuuliyiin sarsare oo xisbiga ah, Salaadiin, siyaasiyiin iyo waxgarad kale ayaa taageerayaasha xisbigooda kala qayb-galay isu soo baxyadaasi.

Hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa dadweynaha reer Burco uga mahadceliyay taageerada Dhoolatuska ah ee ay u muujiyeen xisbiga is bedel doonka ah ee WADDANI, waxaanu ka hadlay hadalo deel-qaaf ah oo ka soo yeedhay Murrashaxa madaxwenaha ee xisbiga KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, waxaanu sheegay in hadaladna ka soo yeedhay guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ay caddayn u yihiin guul-darrada xisbigooda.

VideosWararka

Madaxweyne Siilaanyo oo xilkii ka qaaday guddoomiyihii Gobolka Maroodi-jeex, masuul cusub na u magacaabay

Hargeysa(Waaheen) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo xilkii ka qaaday Mustafe Shiine Badhasaabkii gobolka Maroodi-jeex, una magacaabay Boos Mire Maxamed oo ahaan jiray Wasiirudawlihii Maaliyadda.

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XILQ/249/1-5169/102017 uu xilka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex.

Xilka Qaadis

Ku: Mudane, Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe Shiine),

Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Maroodi-jeex Hargeysa

Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hargeysa

Ujeeddo: Xil-ka Qaadis

Mudane,

Waxaan aad kuugu mahadinayaa muddadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejiso xilka aad haysay Mudane, Boos Mire Maxamed, oo aan xilka Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Jamhuuriyadda Somaliland u magacaabay.

Sidoo kale, waxaan Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, oo ay warqadani ogaysiin ugu socoto, farayaa in uu labada masuul u kala wareejiyo xilka Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Guddoomiyeyaasha Gobolladu u leeyihiin Dhismaha Qaranka;

Markuu Aqoonsaday: In baahi loo qabo buuxinta jagada Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Boos Mire Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

 

VideosWararka

Jamaahiirta Isbadal Doonka Waddani Oo Dhoolatus Balaadhan Ka Sameeyay Gobolada Somaliland Iyo Musharrax Cabdiraxmaan Cirro Ballanqaadyo U Sameeyay Reer Awdal