Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo si rasmi ah u magacaabay Toddobada xubnood ee maamuli doona  Hab-dhaqanka Xeerka Anshaxa Saxaafadda

0
117

Hargeysa(Waaheen) Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay toddoba xubnood oo Saxaafadda ku maamuli doona Xeerka Anshaxa Saxaafadda ee Doorashada 2017-ka.

Guddoomiyaha guddida Doorashada Somaliland C/qaadir Iimaan Warsame ayaa xubnaha maamuli doona Xeerka Aanshaxa Saxaafadda u kala diray magacaabistooda, waxaanu Nuqulka Komishanka ka soo baxay u dhignaa sidan:-

Ujeeddo: Magacaabis Guddi

Mudanayaal;

Komishanka Doorashooyinku isaga ka duulaya xeerka Anshaxa Saxaafadda Doorashada Madaxtooyadda ee 2017, waxa uu si xushmad iyo qadarin leh idiin la socodsiinayaa in la idiin magacaabay Guddida ilaalinta Xeerka Hab-dhaqanka Saxaafadda ee muddada doorashada Madaxtooyadda ee 2017.

Guddidu waxa ay xilkoodu noqon doonaa la socodka hab-dhaqanka saxaafada gaarka loo leeyahay iyo ta dawlada ee muddada doorashada, iyaga oo raacaya Xeerka Anshaxa Saxaafadda. Waxa ay sidoo kale la socon doonaan hanaanka saxaafadda dawladdu u hirgeliso shaxda qoondaynta ololaha xisbiyada ee Komishanku u dajiyay warbaahinta dawlada, waxaanay warbixintooda usoo gudbin doonaan Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

Guddidu waxa ay ku hawl-gali doonaan oo xarun u noqon doonta xafiiska Ururka Saxafiyiinta ee SOLJA.

Waxaanu mar labaad idinka rajaynaynaa shaqo wanaagsan.

Xubnaha Guddida Hab-dhaqanka Anshaxa:

  1. Xuseen Cali Nuur
  2. Axmed Cali Garas (Maqaloocshe)
  3. Yaasmiin Axmed Yuusuf
  4. Salma C/raxmaan Sheekh
  5. C/xakiin Maxamed Cabdi
  6. Mawliid Maxamed Karaani
  7. Maxamed Xasan Cali Waji.

Shaqada xubnaha la magacaabay ayaa noqonaysa sidan:-

GUDDIDA ILAALINTA XEERKA HAB-DHAQANKA SAXAAFADDA:

 

  1. Saxeexayaasha Xeerkan Hab-dhaqan waxa ay isku raaceen in la abuuro GuddidaIlaalinta Xeerka Hab-dhaqanka Saxaafadda ee Muddada Doorashada Madaxtooyada 2017, si loo dhaqangesho Xeerkan Hab-dhaqan ee saxaafadda, loona abuuro guddi kormeerta si loo hubiyo fulintiisa loona gudbiyo bulshada iyo dhinacyaddaba in ay raacaan.
  2. Guddida Ilaalinta Xeerka Hab-dhaqanka Saxaafadu waxa ay ka kooban tahay 7 xubnood, oo ah aqoonyahano reer Somaliland oo ka kala iman doona:
  3. Laba wakiil oo ay soo magacaabaan Ururka Saxafiyiinta ee SOLJA;
  4. Laba wakiil oo uu soo magacaabo Wasiirka Wasaaradda Warfaafintu;
  5. Hal wakiil oo ka socda ururka Saxafiyiinta Dumarka ee WIJA;
  6. Laba xubnood oo uu Komishanku ka soo magacaabo qareenadda iyo aqoonyahanka dalka;
  7. Komishanku marka uu helo magacaabista xubnaha sare ku xusan, isla markaana hubiyo in ay yihiin dad ku sifoobay dhex-dhexaadnimo, oo buuxiyay shuruudaha u dejisan, waxa uu si rasmi ah u shaacin doonaa magacaabista Guddida.
  8. Haddii xubin Guddida loo magacaabay uu Komishanku ku qanci waayo, iyaga oo sababaynaya waxa uu ka dalban doonaa cidda soo magacooday in ay sida ugu dhakhsaha badan usoo bedelato, isla markaana waafaqdo shuruudaha u yaala.

 

  1. Xubnaha Guddida Ilaalinta Xeerka Hab-dhaqanka Saxaafaddu waa in ay ku sifoobaan dhex-dhexaadnimo, daacadnimo, hufnaan, isla markaana waa in aanay xubin firfircoon ka ahayn xisbiyada tartamaya;

 

  1. Xubnaha Guddidu waa in aanay noqon mulkiilayaasha rugaha saxaafada, iyo tafatirayaashooda isla markaana waa in aanay xil ka haynin hay’adaha warbaahineed ee ay ka tirsan yihiin mid dawladeed iyo mid madax banaan ba..
  2. Xubnaha Guddidu waxa ay iska dhex dooran doonaan Guddoomiye, Guddomiye ku-xigeen iyo Xoghaye;
  3. Xubnaha Guddidu waxa ay noqon doonaan shakhsiyaad dhexdhexaad ah, khibrad leh si ay u hubiyaan in Xeerka Anshaxa la fuliyo cabashooyinka la baadho una daabacaan natiijadooda.
  4. Guddidu waxa ay iskood u kuurgeli doonaan qaabka ay u shaqayso saxaafada dawladda iyo mida gaarka loo leeyahay ba waqtiga doorashada waxana ay warbixinta gungaadhkooda siin doonaan Komishanka Doorashooyinka todobaad kasta hal mar, ama kolba sida loogu baahdo inta uu socdo ololaha doorashadu.
  5. Guddidu waxa ay si joogto ah xog ku saabsan sida dhinacyadu ugu dhaqmeen XeerkaAnshaxa u siin doontaa Komishanka Doorashooyinka.
  6. Guddidu waxa ay yeelan doontaa xafiis ay hawshooda iyo kulamadooda ku qabsadaan, isla markaana u saamaxaya xil-gudashadooda;
  7. Guddidu waxa ay kulmi doonaan doorashada ka hor iyo doorashada kadib si ay u hubiyaan in kormeerkoodu u noqdo mid dheeli tiran oo dhexdhexaad ah si loo wanaajiyo xidhiidhka u dhaxeeya, dawlada, saxaafadda iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo in ay tallo-bixin siiyaan.
  8. Guddidu waxa ay talo-bixin ka gaysan doonaan habka loo suurtogelin karo doodaha khuseeya in si firfircoon loo adeegsado Xeerka Saxaafadda, Xeerkan Anshaxa taas oo ay ku jiraan qodobada baahinta khuseeya.
  9. Guddidu waxa ay talo-bixin ka gaysan doonaan qaabka loo xakamaynayo war-baahinta xisbiyadda u gaarka ah, sida bogooda internetka iyo warbaahinta bulshada (social media), muddada ololaha doorashda iyo ku-dhawaaqista natiijadda doorashda.
  10. Saxafiga ama rugta saxaafadeed ee ku gefta qodobada Xeerkan, waxa ay guddidu ka dalban doontaa in ay iskood u saxaan,
  11. Guddidu waxa ay soo saari doontaa bulshadana usoo bandhigi doontaa warbixinta todobaad leh ah, oo ku saabsan sida saxaafadu ugu dhaqantay Xeerkan Anshaxa muddada doorashooyinka, iyaga oo magac dhabi kara saxaafada ama rugaha saxaafadeed ee ku gafa Xeerka Anshaxa.
  12. cid kasta oo ku gefka Qodobadda Xeerkan Anshaxa, isna sixi wayda marka sidaa ay ka dalbado cida ka cabanaysa ama Guddidu, talaabadda ku haboon ee laga qaadayo waxa loo raaci doonaa Xeerka Saxaafadda (Xeer Lr. 27/2004), iyo xeerarka kale ee dhaqan galka ah.