Day Archives: October 26, 2017

Maqaallo

Waa Kuma Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe Shiine ) Badhasaabkii Hore Maroodi Jeex

Waxa Maqaalkan Kooban Aan Qalinka Ugu Qaatay In Aan Xuso Shaqsiyan Cida Uu Yahay Mustafe Shiine Badhasaabka Hore Maroodi Jeex Iyo In Ay Dhalinyarada Imika Siyaasada Gelaysaa Ay Ku Daydaan Oo Ay Maraan Dhabada Uu Maray Si Aad Hadafkaaga Ugu Rumayso Somalida Dhibta Ugu Weyn Ee Haysta Waxa Weeye In Ayna Qirin Shaqsigeeda Oo Aanay Dhiiri Gelin Taasu Waa Ta Keentay In Somaliland Ka Kori Weydo Nidaamka Reeraysiga Oo Hoy Iyo Gabaad U Noqday Jaahilka Oo Ku Gabado Hadaba Hadaan U Daadego Muhiimada An Qalinka Ugu Qaatay In Aan Maanta Ku Suureeyo Kuna Xuso Mustafe Cabdi Ciise Shiine Waa Dhalinyaradii Ugu Garaadka Iyo Fahanka Badnayd Ee Soo Marta Saxaafada Somaliland Mustafe Shiine Waxa Uu ShAqada La Bilaabay Aabahay Oo Sida Uu Mustafe Shiine Aniga Ii Sheegay Ahaa mACALINKII sanadki 1991 Wargeyskii Xorriyo Ee Hargeisa Ka Soo Bixi Jiray Hadaba Aniga Oo Doonaya Shaqsiyan Cida Uu Yahay Mustafe Shiine Ayaan Waydiiyay Abdilaahi Adan Omar Wayab Waxa Ii Sheegay In Uu Ahaa Shaqsiyada Dedaal Badan Oo jecel In Uu Shaqadiisa Siday Tahay U Guto Jecelna In Uu Dadka Dhegaysto Si Uu Cilmi Uu Kororsado Sida Uu Sheegay Mustafe Shiine Marka Jaraaidka La Dhameeyo La Rawaxo Waxa Uu Habeenkii Oo Dhan Akhri Jiray Wargeys Waxa Maqaal La Qoray Si Uu Ugu Faaidaysto Taasuna Waxay Ku Tusaysaa Sida Ay Maskaxdiisu Ugu Furan Tahay In Mar Walba Wax Barto .

Anigoo Ku Daba Jira Baadhistaa Mustafe Waxa Ee Sheegay In Siyaasiyiinta Somaliland Kuwaada Ugu Adkaa Waayadaa Ilaa Imika Uu Maqaal Ka Qoray Farshaxamaysay Oo Gubtay Siyaasigaa Weliba Uu Aamini Waayay In Mustafe Shiine Ka Qoray Taasu Waa Geedigiisa Horumar Ee Saxaafada Ka Sameeyay Ilaa Uu Ka Gaadhay Heerka Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Solja Taasu Waxay Ku Timi Dedaalkiisa Xoogana Weligiina Laguma Sheegin Jileec Shaqo Inta Badan Warbaahintu Waa Shaqooyinka Ugu Adag Ee La Qabto Walow Xiligaas Ay Ka Adkaydba Oo Aanay Guud Ahaanba Jirin Waxa Gadiidi Ah Iyo Qalab Fiican Tahay Taasu Waxay Tusaale Uu Tahay In Cida Ka Soo Baxdaa Ay Tahay Hawl Kar Mustafe Shiine Qolya Ku Dhaliila In Uu Leeyahay Wahsi Shaqo Waa Been Waa Ninka Shaqadaas Ka Shaqayn Jiray Habada ahadaan Guntii Iyo Geba Gabadii Qoraalkaygan Aan Isugu Soo Biyo Shubto Mustafe Shiine Waxa Salaanka Siyaasadeed Ka Soo Koray Xiliyadii Madaxweyne Rayaale Oo Uu Ahaa Madaxa Wargeyskii Maandeeq Ilaa Uu Soo Maray Mareeye Ku Xigeenka Madbacada Ilaa Heer Badhasaabnimo Taasu Waxay Ka Dhigan Tahay In Mudo Shan Degreeto Madaxweyne Ku Soo Baxday Magaciisa Taasna Waxa Kaga Mid Noqday Golaha Siyaasadeed Hadaba Anigoo Qoraalkaygan Yar Aan Ku Soo Koobi Karayn Waxyaabaha Wanaagsan Ee Uu Qabtay Waxaan Halkan Ugu Hibaynayaa Mustafe Abdi Isse Shiine Oo Maanta Xilka Badhasaab Nimo Laga Qaaday Isagoo Isaguna Kaga Dareen Celiyay In Uu Si Niyad Sami Ah Ugu Wareejin Doono Taasu Waxay Ku Tusaysaa Bisilkiisa Siyasadeed Taas Oo Yartahay Siyaasi Dhalinyar Ah Deganaanta Mustafe Shiine Kale Leh

SAMATAR ABDILAHI WAYAB

CEO AND FOUNDER XORRIYA ONLINE NEWS

HARGEISA ,SOMALILAND

Maqaallo

Maxaa lagu xasuusan doonaa Xukuumada kulmiye Legacy

Saddex arimood ayaan ku soo kobayaa Sooyaalka Kulmiye ama (Legacy)ga

1- Boob xad dhaaf ah waa ta loogu bixiyey Murdiso
2- Musuq maasuq ( Corruption).international agency yadu inooguyedhaan Corrupt land
3- Sicir barar aan la xakamayen karin
4- Qabyaalad oo aad moodo inay xadhkaha goosatay

Wakhtigii ay lawaregeen hogaanka dalka xukumaadu Somaliland waxay lahayd tiro aqalo ama dhismayaal gaadhaya 1053. Hada waxaa ka taagan wax ka yar 200 oo Guri. Wixii ingriisk ka tacabiray, afweyne ka xishooday, Gigaal xurmeeyey, Ina Riyaale yara gujiyey ayey Murdiyeen hadda waxay marayaan inay iskuuladii iibshaan.

Waad ogtihiin inay dekadii berbera qarka u saran tahay inay xidhanto. Waxa nagu maqaal ah in wiishyadii wax lagu dejinayey ay wada xumadeen, xabad keliya aa shaqeysa, lacagta yare e ka soo baxdana waxaa toos loo saraa FLY Dubai halkii lagu ridi lahaa Central Banka Somaliland. DP Word ayaa farta laga saaray Naaskii keliya ee Somalilandu u Irmanaa, waxa xasuus mudan in aan dib u jaleecno sidii xaraanta ahayd ee loo baxshay.
Waxa ku tartamayey. Barooli, MSC ( Midtrainian Shipping Group) Chinese and Ethiopian isu jira. Word Bank ayaa lacag $300,000.00 siiyey MTPS
( Rotterdam ) oo ah shirkadaha dekedaha ku xeel dheer hawshaasna khibrada u leh taladay bixiyeen waxaa laga door biday laaluush la qaatay, masiirkii umadana halkaas ayaa lagu baabiiyey, taladii ay bixiyeena u noqotay hal bacaad lagu lisay

Sicir bararku wuxuu ahaa maalintii ay hogaankadalka qabteen 5500 maanta wuxuu kor u dhaafay 10…waxa ugu way ee sarifku u degi laayahay waa
1- Lacagtan la soo daabacanayo waa in la jojiyaa
2- Lacagtan adage e maalin walba inagaga baxaysa sida Jaadka oo la joojiyo
3- Lacagta wadanka oo la Isticmaalo Shilinka Somaliland
4- In la kordhiyo wax soo saarka khayraadka wadanka si aan u helno lacag adag iyo Qaar kale oo badan
Shicibka Somaliland waxa lagu qiyaasay ilaa 3.8 million waxa dhalin yaro ah 1.6 million. Dhalinyartaas waxa bilaa camal ah 70%. Deraasad maalin dhawayd lagu soo ban dhigay shir aan ka qayb galay Khartoum (Youth un employment In Somaliland) waxa lagu soo bandhigayin xitaa shaqooyinka ardeyda lagu siiyo Qabyaalad… oo Ardeygii aan ka dhalan reer power leh ama aanu hor socon suldaan libaax ahi aanu shaqo heleyn.

Waxaan ku soo meraayaa kulmiye wuxuu Somaliland kaga tegay intaas aan soo sheegnay iyo waliba, wadankii oo bur bur ku dhow, waxaan aragnaa Khaatumo land Awdal Land…. Madaxwayne Riyaale khudbadisii ugu danbeysay wuxuu yidhi waxaan idinku wareejiyey dad isku duuban iyo dal dhan….. ha la idiinku yimaado,
Shicibkii Somaliland ee is lahaa waxydun Cabi hadhuubka hashii Maandeeq ee loo halgamay..Rajadoodii waxay noqotay hal bacaad lagu lisay

Abdihakim Haji Saeed

Radio Waaheen

Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada JSL, Md. Maxamed Muuse Abees Oo Beeniyey Warar Laga Baahiyey Oo Sheegaya Inuu Iska casilay Xilkii Uu Qaranka U Hayey.

Hargeysa(Waaheen)wasiiru-dawlaha oo arrintaasi beeniyey ayaa yidhi”waxa aan shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo Taageerayaashayda u sheegayaa in aanan haba-yaraatee aanay jirin meel aan ku shaaciyey in aan iska casilsay xilkii aan qaranka u hayey ee uu I igmaday madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxanan u sheegayaa kuwa waxaasi faafinaya inay dadka khalkhalka ka daayaan oo ay dhawraan milkaha saxaafada iyo ka masuuliyiinta, wax aniga igu keliya in aan iscasilaana ma jiraan waxan u shaqaynayaa qarankayga iyo xisbiga aan ka midka ahay ee Kulmiye, mana ahi qof caadaystay inuu kolba meel ka soo muuqdo mana ahi kuwa diga-rogashada badan ee maalinba meel ka soo muuqda, balse waxan ka mid ahay jiridaha waa weyn ee xukuumadda iyo xisbiga kulmiye.

Waxanan kula dardaarmayaa kuwa fidmo wadayaasha ah inay ka dheeraadaan wararka aan salka iyo raadka lahayn ee la beenin karo ama la soo qaban karo raadkooda”.

Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada JSL

Mudane Maxamed Muuse Abees

VideosWararka

Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo si rasmi ah u magacaabay Toddobada xubnood ee maamuli doona  Hab-dhaqanka Xeerka Anshaxa Saxaafadda

Hargeysa(Waaheen) Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay toddoba xubnood oo Saxaafadda ku maamuli doona Xeerka Anshaxa Saxaafadda ee Doorashada 2017-ka.

Guddoomiyaha guddida Doorashada Somaliland C/qaadir Iimaan Warsame ayaa xubnaha maamuli doona Xeerka Aanshaxa Saxaafadda u kala diray magacaabistooda, waxaanu Nuqulka Komishanka ka soo baxay u dhignaa sidan:-

Ujeeddo: Magacaabis Guddi

Mudanayaal;

Komishanka Doorashooyinku isaga ka duulaya xeerka Anshaxa Saxaafadda Doorashada Madaxtooyadda ee 2017, waxa uu si xushmad iyo qadarin leh idiin la socodsiinayaa in la idiin magacaabay Guddida ilaalinta Xeerka Hab-dhaqanka Saxaafadda ee muddada doorashada Madaxtooyadda ee 2017.

Guddidu waxa ay xilkoodu noqon doonaa la socodka hab-dhaqanka saxaafada gaarka loo leeyahay iyo ta dawlada ee muddada doorashada, iyaga oo raacaya Xeerka Anshaxa Saxaafadda. Waxa ay sidoo kale la socon doonaan hanaanka saxaafadda dawladdu u hirgeliso shaxda qoondaynta ololaha xisbiyada ee Komishanku u dajiyay warbaahinta dawlada, waxaanay warbixintooda usoo gudbin doonaan Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

Guddidu waxa ay ku hawl-gali doonaan oo xarun u noqon doonta xafiiska Ururka Saxafiyiinta ee SOLJA.

Waxaanu mar labaad idinka rajaynaynaa shaqo wanaagsan.

Xubnaha Guddida Hab-dhaqanka Anshaxa:

  1. Xuseen Cali Nuur
  2. Axmed Cali Garas (Maqaloocshe)
  3. Yaasmiin Axmed Yuusuf
  4. Salma C/raxmaan Sheekh
  5. C/xakiin Maxamed Cabdi
  6. Mawliid Maxamed Karaani
  7. Maxamed Xasan Cali Waji.

Shaqada xubnaha la magacaabay ayaa noqonaysa sidan:-

GUDDIDA ILAALINTA XEERKA HAB-DHAQANKA SAXAAFADDA:

 

  1. Saxeexayaasha Xeerkan Hab-dhaqan waxa ay isku raaceen in la abuuro GuddidaIlaalinta Xeerka Hab-dhaqanka Saxaafadda ee Muddada Doorashada Madaxtooyada 2017, si loo dhaqangesho Xeerkan Hab-dhaqan ee saxaafadda, loona abuuro guddi kormeerta si loo hubiyo fulintiisa loona gudbiyo bulshada iyo dhinacyaddaba in ay raacaan.
  2. Guddida Ilaalinta Xeerka Hab-dhaqanka Saxaafadu waxa ay ka kooban tahay 7 xubnood, oo ah aqoonyahano reer Somaliland oo ka kala iman doona:
  3. Laba wakiil oo ay soo magacaabaan Ururka Saxafiyiinta ee SOLJA;
  4. Laba wakiil oo uu soo magacaabo Wasiirka Wasaaradda Warfaafintu;
  5. Hal wakiil oo ka socda ururka Saxafiyiinta Dumarka ee WIJA;
  6. Laba xubnood oo uu Komishanku ka soo magacaabo qareenadda iyo aqoonyahanka dalka;
  7. Komishanku marka uu helo magacaabista xubnaha sare ku xusan, isla markaana hubiyo in ay yihiin dad ku sifoobay dhex-dhexaadnimo, oo buuxiyay shuruudaha u dejisan, waxa uu si rasmi ah u shaacin doonaa magacaabista Guddida.
  8. Haddii xubin Guddida loo magacaabay uu Komishanku ku qanci waayo, iyaga oo sababaynaya waxa uu ka dalban doonaa cidda soo magacooday in ay sida ugu dhakhsaha badan usoo bedelato, isla markaana waafaqdo shuruudaha u yaala.

 

  1. Xubnaha Guddida Ilaalinta Xeerka Hab-dhaqanka Saxaafaddu waa in ay ku sifoobaan dhex-dhexaadnimo, daacadnimo, hufnaan, isla markaana waa in aanay xubin firfircoon ka ahayn xisbiyada tartamaya;

 

  1. Xubnaha Guddidu waa in aanay noqon mulkiilayaasha rugaha saxaafada, iyo tafatirayaashooda isla markaana waa in aanay xil ka haynin hay’adaha warbaahineed ee ay ka tirsan yihiin mid dawladeed iyo mid madax banaan ba..
  2. Xubnaha Guddidu waxa ay iska dhex dooran doonaan Guddoomiye, Guddomiye ku-xigeen iyo Xoghaye;
  3. Xubnaha Guddidu waxa ay noqon doonaan shakhsiyaad dhexdhexaad ah, khibrad leh si ay u hubiyaan in Xeerka Anshaxa la fuliyo cabashooyinka la baadho una daabacaan natiijadooda.
  4. Guddidu waxa ay iskood u kuurgeli doonaan qaabka ay u shaqayso saxaafada dawladda iyo mida gaarka loo leeyahay ba waqtiga doorashada waxana ay warbixinta gungaadhkooda siin doonaan Komishanka Doorashooyinka todobaad kasta hal mar, ama kolba sida loogu baahdo inta uu socdo ololaha doorashadu.
  5. Guddidu waxa ay si joogto ah xog ku saabsan sida dhinacyadu ugu dhaqmeen XeerkaAnshaxa u siin doontaa Komishanka Doorashooyinka.
  6. Guddidu waxa ay yeelan doontaa xafiis ay hawshooda iyo kulamadooda ku qabsadaan, isla markaana u saamaxaya xil-gudashadooda;
  7. Guddidu waxa ay kulmi doonaan doorashada ka hor iyo doorashada kadib si ay u hubiyaan in kormeerkoodu u noqdo mid dheeli tiran oo dhexdhexaad ah si loo wanaajiyo xidhiidhka u dhaxeeya, dawlada, saxaafadda iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo in ay tallo-bixin siiyaan.
  8. Guddidu waxa ay talo-bixin ka gaysan doonaan habka loo suurtogelin karo doodaha khuseeya in si firfircoon loo adeegsado Xeerka Saxaafadda, Xeerkan Anshaxa taas oo ay ku jiraan qodobada baahinta khuseeya.
  9. Guddidu waxa ay talo-bixin ka gaysan doonaan qaabka loo xakamaynayo war-baahinta xisbiyadda u gaarka ah, sida bogooda internetka iyo warbaahinta bulshada (social media), muddada ololaha doorashda iyo ku-dhawaaqista natiijadda doorashda.
  10. Saxafiga ama rugta saxaafadeed ee ku gefta qodobada Xeerkan, waxa ay guddidu ka dalban doontaa in ay iskood u saxaan,
  11. Guddidu waxa ay soo saari doontaa bulshadana usoo bandhigi doontaa warbixinta todobaad leh ah, oo ku saabsan sida saxaafadu ugu dhaqantay Xeerkan Anshaxa muddada doorashooyinka, iyaga oo magac dhabi kara saxaafada ama rugaha saxaafadeed ee ku gafa Xeerka Anshaxa.
  12. cid kasta oo ku gefka Qodobadda Xeerkan Anshaxa, isna sixi wayda marka sidaa ay ka dalbado cida ka cabanaysa ama Guddidu, talaabadda ku haboon ee laga qaadayo waxa loo raaci doonaa Xeerka Saxaafadda (Xeer Lr. 27/2004), iyo xeerarka kale ee dhaqan galka ah.
VideosWararka

Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi Oo Maanta Bilaabay Ololihii Ugu Adkaa Ee Doorashada Socdaalnay Ku Maray Gobolada  Marooxdi-jeex Iyo Gabiley

Hargeysa(Waaheen) Wefti balaadhan oo uu hogaaminyo Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama) oo ay qeyb ka ahaayeen  Xildhibaan Cabdirakiim Aw Cali Shabeel oo ka tirsan golaha Wakiilada Somaliland islamarkaana  kamida Xisbul Xaakimka Talada Waddanka Haya ee Kulmiye iyo xubno qurba joog ah , Cuqaal, Salaadiin iyo waxgarad   ayaa Socdaal Deeganada Abaarso, Laalays, Dhaboolaq iyo Gegmada Gabiley, halkaasi oo wafitga si diiran loogu soo dhaweeyey, waftiga uu hogaaminayo Xildhibaanku waxa  qeyb ka ahaa Baanbowda oo ahaa wax ku cusub Ololaha Doorashada wakhtigan.

Ka hor intii aanu Waftigu ka anba bixin Gudaha Caasimadda Hargeysa waxa uu isu soo baxyadii Ololaha kala qeyb galay Degmooyinka 26-Jun iyo  Axmed Dhagax oo, waxaana uu Fagaarayaasha Garoonka Xawaadle iyo Garoonka Kubada Cagta ee Hargeysa Stadium kala hadlay kumaan qof oo kamida taageerayasha Xisbiga Kulmiye ee muujinayey cududooda taageero,  waxaana uu ku booriyey inay ilaaliyaan nabad gelyada waddanka si loo gaadho doorasho xor ah oo xalaal ah, sidoo kale Xildhibaan Obama waxa uu Taageerayaasha ugu baaqay inay codkooda mideeyaan islamarkaana ay u codeeyaan Xisbigooda si loo sii anba qaado horumarka dalka.

Xildhibaan Obama oo arrimahaasi ka hadlaya ayaa yidhi  “Waxaan Idin Xasuusinayaa waxaynu dooranaynaa  13-ka November waxaad donaysaan , waxaad doonaysaan waa maxay? Waa  Muuse Biixi Cabdi saw maaha? Xaafadani maxay doonaysaa? Waxay doonaysaa Somaliland oo dhamina doonaysaa Muuse Biixi Cabdi “  ayuu yidhi xildhibaan Obama

Xildhibaan Cabdikariim Aw Cali Shabeel oo isaguna halkaasi bulshada kala hadlay ayaa yidhi “ waxaa laydinka doonayaa inaydaan dayicin kaadhka codaynta waayo waxa weeye waxa codka lagu kala helayaa waa kaadhka, waxaa kale oo aanu idin faraynaa inaan ilaalino dhaqanka wanaagsan, sida aynu ognahay dhaqanku waa waxa qofku quruxda iyo qiimaha ku leeyahay”  sidaa waxaa yidhi Xildhibaan Shabeel

 

Waftiga Xildhibaanku Hogaaminayey  ayaa gaadhay Deegaanada Dhaboolaq, Abaarso, Gabiley iyo Laalays, waxaana uu dhammaanba deegaanadaasi kala kulmay soo dhaweyn diiran, waxaana khud bado ka jeediyey  guud ahaan deegaanadaa kala duwan ee uu waftigiisu booqday, waxaana uu xildhibaanku markasta shacabka kula dardaarmayey inay nabad gelyada ilaaliyaan, isagoo hoosta ka xariiqay inay sida midaysan ugu codeeyaan Musharaxiinta Xisbiga Kulmiye  Md: Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici.

Isku soo wada duuduuboo  Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama) ayaa bilaabay Ololihii ugu adkaa uguna miisaanka cuslaa Doorashada Madaxtooyada isagoo Faraaha Siyaasada kusoo kordhiyey  Ciyaaraha Baandoyda oo wakhtigiisa qeyb ka ahaa

 

VideosWararka

Madaxweyne Siilaanyo oo magacaabay Maareeyaha Hay’adda Maalgashiga iyo Wakiilka Somaliland ee Ireland

Hargeysa(Waaheen) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa magacaabay laba xil oo kala ah Maareeyaha Hay’adda Maalgashiga iyo Wakiilka Somaliland ee Ireland.

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-5157/102017 uu ku magacaabay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Maalgashiga Somaliland iyo Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiyidoona Dalka Ireland.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:                    Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda ay Hay’adda Maalgashigu u leedahay kor u qaaddida koboca dhaqaalaha iyo horumarinta Qaranka;

Markuu Arkay:                    In baahi loo qabo magacaabidda jagada Maareeyaha Guud ee Hay’adda Maalgashiga Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu La Tashaday:       Madaxda ay khusayso;

Markuu Ka Fiirsaday:                   Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay:                       In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Cismaan Maxamed Jaamac Badmaax, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Guud ee Hay’adda Maalgashiga Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:                    Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda Wakiillada Somaliland u fadhiya dalalka dibaddu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                    In baahi loo qabo magacaabidda jagada Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Ireland;

Markuu Ka Fiirsaday:       Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay:           In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Aadan Jaamac (Dheri), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Ireland.

ALLAA MAHAD LEH

  Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL