“Waxaan Ogahay In Muuse Biixi Wadanka Meel Ka Sii Fiican Halkuu Siilaanyo Gaadhsiiyey Uu Gaadhsiin Doono Insha Allah….. Deegaanka Iyo Beesha Aan Ka Soo Jeedaana …… ”.

0
159

Wasiirka Qorshaynta Somaliland Qabyo-tire

Hargeysa (Waaheen)- Wasiirka wasaaradda Qorshaynta Somaliland Maxamed Ibraahim Aadan (Qabyo-tire) ayaa sheegay in Muuse Biixi yahay masuulka horumarka madaxweyne Siilaanyo dalka gaadhsiiyey sii wadi kara.

Wasiirka ayaa sidan ku sheegay wareysi uu siiyey telefishanka Eryal, waxaanu wasiirku yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya, “Waxaanu saaxiib dhaw oo gacan saar ah nahay  Muuse Biixi Cabdi, waxaan  ogahay in wadanka iyo dalka meel ka sii fiican halkuu Siilaanyo gaadhsiiyey uu gaadhsiin doono Insha Allah”.

Wasiirka oo ka jawaabayey su’aal ahayd in la is odhan karo inaanu taageero u hayn Xisbiga Kulmiye maadaama oo siyaasiyiin badan oo ay isku beel yihiin tageen Xisbiga Waddani, waxa uu ku jawaabay “Taasi waa dacaayadaha Xisbiga Waddani wado oo ololaha ayaa wajiyo badan oo ma noqon karayo calan la sito iyo sacab la garaaco ee iyo in dadka loo qudbadeeyo oo ololaha waxa ka mid ah in buun buunin iyo tashuush lagu furo, taasina horaan u sheegoo cangaraarac lug uma dhutiyo deegaanka iyo beesha aan ka soo jeedaana wax qof wax u yeedhiyo ama qof markuu tago wax u noqdo maaha”.