Ciidamada Somaliya ee Afgooye oo iska difaacay weerar Al-shabaab Ku qaaday

0
93

Afgooye (Waaheen) -Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar culus ku qaaday saldhig ciidamada dawladdu ay ku lahaayeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in weerarka markii hore uu ku bilaawday madaafiicda garabaha laga rido, waxaana labada dhinac markii dambe isu adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka ayaa socday muddo kooban, waxaana ciidamada Somalia ee la weeraray fadhiisinkooda la sheegay in ay iska caabiyeen.

Weerarkan ayaa imanaya xili ciidamada Somalia isku diyaarinayaan dagaal ka dhan ah Al-shabaab sida ay ku dhawaaqeen madaxda ugu sareysa dalkaasi.