Boqorada Ingiriiska oo Diiday Safiirkii Soomaaliya u magacawday UK

0
265

London (Waaheen) –  Safirikii Somalia u fadhiyey magaalo dalka Ingiriiska C/raxmaan Yuusuf Caynta ayaa iska casilay xilkii uu dalkaasi u hayey ee safiirnimo.

Warbaahinta ayaa heshay warbixin ku saabsan inuu Cabdiraxmaan Ceyne oo iska casilay Xilkii Safiirnimo ee dalka Ingiriiska, waxa uuna warqaddiisa iscasilaadda u diray Wasaaradda arrimaha Dibadda, Xafiiska Ra’iisal wasaaraha iyo Ka Madaxweynaha.

Sababta uu uga tagay xilkiisa ayuu ku sheegay arrin isaga gaar u ah mana jirto faahfaahin intaas ka badan oo uu bixiyey Cabdiraxmaan Caynte.

C/raxmaan Caynte oo horey usoo noqday Wasiirkii Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ee Soomaaliya ayaa Bishii June ee sanadkan Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu u magacaabay Safiirka Soomaaliya ee UK.

Ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in sababaha iscasilaada Ceynte ay salka ku heyso in aan laga soo aqbalin magacaabidiisa, waxaana hadii la aqbali lahaa waraaqadiisa aqoonsiga ka guddoomi laheyd Boqorada UK.

Sidoo kale Mr Ceynte ayaa la sheegay in markii horeba aanu ku qanacsaneyn xilka Safiirka UK, waxaana uu raadinayay Safiirka Soomaaliya ee Kenya, balse ma aanu ku guuleysan.