Day Archives: October 25, 2017

VideosWararka

Murrashax Muuse Biixi oo Weedho Kulul ku Ganay Dhiggiisa WADDANI, Bulshadana u soo Bandhigay Xidhiidhka uu Leeyahay Xamar

Burco (Waaheen )- Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa jawaab adag hadallo milgaha ka baxsan oo hoggaanka xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI dhawaan kasoo yeedhay, waxaannu dhiig-bax Somaliland soo gaadhay ku tilmaamay hambalyooyin xisbiga WADDANI dhawaan looga soo diray magaalo-madaxda dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya.

Murrashax Muuse Biixi oo maanta hadal dheer u jeediyey kumanaan tageerayaal xisbiga KULMIYE ah oo isugu soo baxay barxadda Khayriyadda magaalada Burco, ayaa oof-wareen iyo bahdilaad lagu sameeyey qaranka Somaliland iyo taariikhdii dheerayd ee halka ku tilmaamay bogaadinta iyo taageerada aan gabbashada lahayn ee WADDANI looga muujiyey magaalada Xamar ee dalka Soomaaliya, isaga oo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Waxa la yaab leh oo aan la filayinin waxa mujaahidiintii Koosaar lahaa ee Lixle lahaa ee Aadan Shiine lahaa ee Xasan Yoonis lahaa ee Axmed Dhagax lahaa ee Cabdillaahi Suufi lahaa ee Aadan Saleebaan lahaa maanta godka qabanmaayaan marka aynu maqalno xisbi Somaliland ah oo doonaya inuu dalka xukumo ayaa Xamar laga taageerayaa oo xaflado loogu qabanayaa, raggaas dalka u dhintayna luxudkay lasoo kacayaan, muxuuse noqonayaa halgankii ay ku shahiideen marka xisbi Somaliland jooga Xamar laga taageerayo.”

Md. Muuse Biixi waxa uu caddeeyey in bulshada reer Somaliland horeba meel isaga dhigeen talada Xamar, isla markaana aan maanta dalka lagu aamini karin siyaasi Xamar loo fadhiyo oo laga taageerayo, “Ma geyno oo Xamar oo taladeeda ma aqbalno, waxba nagama dhexeeyaan, wixii na dhexyaallayna kamaanu bogsan oo noomay garaabin, qarannadimadayadana way diidan tahay ee ninka looga talinayaana isaga ayey u taalla oo shacabka reer Somaliland baana xukumi doona, dalka ku aaminimayno ninka Xamar looga soo talinayo ee laga hambalyeynayo,” ayuu yidhi guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

Waxa kaloo uu ka hadlay doorkii taariikhiga ahaa ee xisbiga KULMIYE iyo hoggaankiisu ku lahaayeen in guddoomiyaha WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ka badbaado weerarro siyaasadeed oo kaga yimi xukuumaddii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, isaga oo shaaciyey in xataa taageerayaal KULMIYE ahi naftooda u waayeen arrintaas, waxaannu yidhi, “Ragga abaal-laaweyaasha ah ee maanta KULMIYE wax ka sheegayaa miyey ilaaween maalintii Baarlamaanka la qufulay ee Cirro Guddoomiyaha ahaa,  Samaale-na ku-xigeenka ahaa markii ay mucaaradka iyo dawladdu is qabteen mudaharaadkii Burco iyo Hargeysa ka dhacay saddex qof baa u dhintay in Cirro qufulka laga jabiyo, KULMIYE ayeyna dadkaasi ahaayeen, maalintaas WADDANI ma jirin, xisbigii dhiigga u hurayna KULMIYE ayuu ahaa, saddex nin baa ku dhintay, lixna way ku dhaawacmeen, maanta miyaanu ka xishoonaynin inuu KULMIYE wax ka sheego.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa raaciyey, “Cirro inuu siyaasadda ka mid noqdo oo uu kursiga Guddoomiyaha ku fadhiisto KULMIYE ayaa gacanta ugu weyn ku lahaa oo 28-kii xildhibaan baa is garab taagay oo Siilaanyo iyo raggii xisbiga xukumayey baa is garabtaagay, markii ay Boolisku doonayeen inay xoog ku soo saaraan ee ninkii wasiiru-daakhiliga ahaa ee maanta  garab socdaa doonayey inuu Cirro karbaasho oo uu dhengad la dhaco aniga iyo Siilaanyo ayaa iskaga gudubnay, markhaatina way leedahay inuu kii maalintaa ulaynayey ee qabta lahaa uu garab socdo oo uu ammaano, Cirro-na uu taas ku raaxaysto madaxnimo maaha, taariikhdana siddeeda ayaa loo raacaa, qofkuna haddii uu taariikhda been ka sheego hoggaamiye ma noqon karo, wax aanad lahayn inaad ku faantaana waa nacasnimo iyo kalsooni-darro, xisbiga KULMIYE iyo madaxdiisuna ma geyaan inay been sheegaan ama xaqa ka gabbadaan, intaas midna ma geyno.”

Murrashax Muuse Biixi Cabdi waxa su’aal geliyey ammin-taariikheedda Guddoomiye Cirro laga gelin karo geeddi-socodkii Somaliland soo martay muddadii ay jirtay, isaga oo shacabka uga digay inay masiirkooda ku aaminaan nin taladiisu Xamar taallo, “Dalka halgan baa loo soo maray, nabadayn baa loo soo maray oo intaas oo dhib ah baa loo soo maraye, bal ninka maanta WADDANI madaxda ka ahi maalin ha sheegto, maalintii Baarlamaanka lagu xidhay KULMIYE ayaa ka jabiyey, maalintii la dooranayey KULMIYE ayaa difaacay oo Siilaanyo ayaa dhengaddi lagu waday isu dhigay, markaasuu askarigii xishooday, xataa maalintaas madaxa kor umuu qaadi karaynin oo iga daa muu odhan karaynin, ninka talada isu sharraxayaa waa inuu maalin sheegtaa oo wax lagu soo qaadaaye maaha inuu ummaddu wixii ay u halgantay la majaro-habaabiyo, nin Soomaaliya laga taageerayna dalka lagu aamini maayo, Somaliland-na aqbali mayso, annaguna aqbali mayno oo codkeena ayeynu ku joojinaynaa, Xamar-na mar labaad nalooga talin maayeen yaan la isu dhuumanin,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Md. Muuse Biixi Cabdi.

 

MaqaalloVideos

Somaliland Maanta Uma Baahna Hogaamiye Qori sita ee waxay u baahan tahay Hogaamiye Qalin Sita. W/Q: Xasan Mataan Faarax Xirsi,Gudoomiyaha Waddani Germany

Somaliland maanta uma baahna hogaamiye qori sita ee waxay u baahan tahay , hogaamiye qalin sita oo ka saari kara marxaladan adag ee ay ku jirto iyo dibudhaca balaadhan ee dhaqan dhaqaale iyo horuumar la,aanta, iyo Aafooyinka ayka midka yihiin ,
Musuq-maasaqa , Maamul xumada, Qabyaalada iyo kala Qoqobka bulshada, Sixir bararka iyo qiimo dhaca shilinka Somaliland ee Galaaftay noloshii danyarta,
Weliba ay u dheertahay Caafimaad-darada, Biyo la,aanta, Waxbarasho la,aanta, Shaqo la,aanta, Iyo weliba qorshe la,aanta Abaaraha sanadkiiba laba goor soo noq-noqda iyo sidoo kale rajo la,aanta iyo quusta ay bulshadu kajoogto in Qarankani Citiraaf kahelo Beesha Caalamka.

Hadaba inagoo og siyaasad xumida Xukuumada Kulmiye ee Arimaha Dibeda iyo Godoonka maalinba-maalinta kadanbaysa dalkani sii gelayo iyo xidhiidhka dalalka deriska ee siixumaanaya.

Waa inaan bulshada Somaliland kuwii  Xaaladaa adag ee aynu kor kusoo xusnay dalkan iyo dadkiisa geliyey in aanay markale dib ugu cumaamadin iyagoo Qabiil , Caadifad, Nin Jeclaysi, Reer-nimo iyo Shilimo lasiiyo wax ku dooranaya.

Waa inaan qofku dantiisa khaaska iyo tareerkoodu halkay uga muuqato aanu eegin ee uu danta caamka ah iyo danta qaranku halkay kujirto eego  oo marxalada adag ee dalku kujiro qiimeeyo waxna ku doorto.

Wabilaahi tawfiiq.

Gudoomiyaha Germany ee
Xisbiga Waddani
Hassan Mataan

VideosWararka

Hargeysa: Nin u dhashay Shiinaha oo lagu qabtay isagoo Doolar Foojari ah samaynaya

Hargeysa(Waaheen) Ciidanka baadhista danbiyadda Hargeysa ayaa baadhis ku wada nin dhalashadiisu tahay Shiine, kaasoo wararka aanu ka helaynaa sheegayaan in la qabtay isagoo samaynaya Lacag Doolar ah.

Wararka hordhaca ah ee Waaheen heshay ayaa sheegaya in la qabtay isagoo markaas saaka oo kaliya daabacay lacag gaadhaysa afartan kun oo Doolar ($40,000) oo Foojari ah.

Ninka Shiinaha ah ayaa wararku sheegayaan inay qabteen shaqaale ka shaqaynayey Hotel uu daganaa, kuwaas oo Booliiska ku wargaliyey mashruuca uu ninkani waday oo ahayd in uu lacagtaas Daabaco si uu dadka ugu dhaco.

Danbiyadda ay galaan dadka Ajaanibta ah ayaa ku soo badanaya Somaliland, waxaana dadka samaynaya qaarkood ay xidhiidh la leeyihiin dad reer Somaliland ah oo isugu jira kuwo masuuliyiin ah iyo kuwo lacag helidu ula gashay gacansiinta danbiilayaasha.

Wixii war ah ee ka soo kordha kala soco Waaheen oo wali baadi goobaysa xaqiiqada dheeraadka ah ee Warkan.

VideosWararka

Shacabka Somaliland oo Maalinta Labaad ee Ololaha KULMIYE ka Markhaati-kacay Baaxadda Ballaadhan ee Taageerada Xisbiga

Murrashax Muuse Biixi oo ka qaybgalay dhoolla-tus dhul-gariir ah oo bulshada reer Burco ku muujisay taageerada ay KULMIYE + Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo ka hillaacay Saylac + Dabbaaldegga ismuujinta degmooyinka caasimadda iyo guud ahaan gobollada waddanka

Hargeysa (Waaheen)- Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa bannaanbaxyo baaxad leh oo taageerada xisbiga KULMIYE ah ku muujiyey maalinta labaad ee ololaha doorashada xisbul-xaakimka oo laga sameeyey guud ahaan gobollada iyo degmooyinka waddanka oo dhan.

Kumanaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee 21 degmo doorasho ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa isu-soo-baxyo waawayn oo ay ku cabirayaan taageeradooda ay u hayaan xisbiga KULMIYE isugu soo baxay fagaarayaasha magaalo madaxda lixda gobol iyo degmooyinka ka jira dalka.

Burco

Bulsho-weynta ku dhaqan xarunta gobolka Togdheer ee Burco oo dhoolla-tuskii ugu ballaadhnaa ku muujisay taageerada laxaadka leh ee ay u hayso xisbul-xaakimka KULMIYE iyo murrashaxiintiisa maalinta labaad ee kaltanka ololaha madaxtinimada ee xibsiga KULMIYE, ayaa maanta si ballaadhan buux-dhaafiyey xarunta Khayriyadda ee magaaladaasi, iyaga oo lulaya astaanta xisbiga KULMIYE, isla markaana qaybo jidhkooda ah kusoo xardhay astaamaha uu xisbigani caanka ku yahay, waxaana isu soo baxyadan kala qaybgalay Guddoomiyaha xibsiga KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, xubno wasiirro ah, xildhibaaanno, maamulka xukuumadda iyo xisbiga u qaabilsan gobolka iyo guddida oloolaha ee gobolka Togdheer.

Isu soo baxan oo si weyn looga dareemay guud ahaanba magaalada Burco, isla markaana ay taageerayaasha oo gaadiidkooda wataa socod dheer kusoo mareen waddooyinka kala duwan ee magaalada, ayaa isugu soo biyo shubtay xarunta Khayriyadda iyaga oo gelbinaya murrashax Muuse Biixi Cabdi oo fuushan faras shaaximan, waxaana sawaxan iyo mushxarad kusoo dhaweeyey kumanaan taageerayaal ah oo ku sugnaa Khayriyadda.

Xubno isugu jira wasiirro, xildhibaanno, siyaasiyiin, haween iyo haldoor magac iyo maamuus ku leh gobolka Togdheer oo hadallo u jeediyey shacab-weynaha reer Burco ee taageeda u muujiyey xisbiga KULMIYE, ayaa si isku mid ah u sheegay inay Burco tahay madal uu si gaar ah xisbiga KULMIYE ugu xisaabtamo, isla markaana laga saadaaliyo guusha KULMIYE, waxana ay u mahadnaqeen taageerayaasha sida xamaasadda leh u muujiyey kalsoonida ay KULMIYE Iyo hoggaankiisa ku qabaan.

Guddoomiyaha guddida ololaha gobolka Togdheer Md. Jaamac Xaaji Axmed oo ugu horrayn hadal kooban u jeediyey taageerayaasha KULMIYE ee reer Burco, ayaa tilmaamay in isu soo baxani marag u yahay sida bulshadu ula dhacsan tahay hoggaaminta KULMIYE, isla markaana ay shacabku weli harraad daran u qabaan inuu KULMIYE hoggaanka dalka mar kale kusoo laabto si uu u dhammasytiro qabyooyinka tirada yar ee ku jira waxqabadka la mahadiyey ee uu muujiyey, “Waxaynu dooranaynaa mujaahid qiimo ku leh dalka iyo dadka, xisbi Xamar looga dabbaalgedayona codkeena siin mayno, waad ogaydeen in dorraad xisbiga WADDANI looga dabbaageldayey halkii aynu ku hoobanay oo Xamar ah, yeelinamayno inaynu Xamar ku noqono,” ayuu yidhi.

Xubno kale oo ay kamid yihiin guddoomiyaha gobolka Togdheer ee xisbiga KULMIYE Md. Xasan Mataan, wasiirrada wasaaradaha Hawlaha guud, Md. Xasan Cali Maxamed (Cali Marreexaan), Qorshaynta, Md. Maxamed Ibraahim Qabyo, Warfaafinta Md. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Caddaani, wasiiru-dawlaha Caafimaadka Md. Maxamuud Jaamac Galaal, xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, siyaasi Cabdirashiid Xasan Mataan, Siyaasi Cabdicasiis Maxamed Samaale,haween iyo haldoor kale oo reer Togdheer oo halkaas ka hadlay, ayaa si ballaadhan u bogaadiyey isu soo baxyada indhaha bulshada soo jiitay ee ay reer Burco ku taageereen xisbiga KULMIYE, waxana ay digniin u direen xisbiyada Mucaaridka ee u hollanaya inay talada dalka ku guulaystaan.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo bulshadu sawaxan ku soo dhaweysay, ayaa markii uu uu cod-baahiyaha holladay si mug leh ugu mahadceliyey shacabka reer Burco, waxaana uu shaaciyey inay Burco tahay Hooyadii KULMIYE, isla markaana xudduntii xisbiga tahay.

Murrashax Muuse Biixi Cabdi waxa uu si cad u sheegay inay xisbi ahaan faan u tahay wixii ay bulshada u qabteen muddadii ay talada dalka hayeen, isla markaana uu xisbigu ku joogo dariiqii u jeexay Madaxweyne Axmed Siilaany oo isagu ah bud-dhigaha xisbiga KULMIYE, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Xisbiga KULMIYE toddobadii sano ee uu dalka xukumayey wixii uu qabtay waanu ku faanaynaa umadduna way ogtahay, Axmed Siilaanyo-na halgankii uu qaranka usoo galay iyo waddadii uu jeexay kontankii sanadood ayaanu soo wadaynaa dhammaystirkeeda, waddadii uu jeexay aasaasaha KULMIYE la raacayaa oo la fulinayaa, wixii hawlo qabyo ahna waa la qabyo tirayaa, waxana ay maraynaa waddo aan la inaga leexinaynin.”

Hargeysa:

Gobolka Maroodi-jeex oo xisbiga KULMIYE si ka duwan maalintii koowaad ee ololaha u sameeyey ololihiisa maalinta labaad, ayaa taageerayaasha xisbigu ku dabbaaldegeen degmooyinka kala duwan ee ay ku dhaqan yihiin.

Shanta degmo ee waawayn ee ay ka kooban tahay caasimadda Somaliland ee Hargeysa ee kala ah; Axmed Dhagax, Maxamuud Haybe, Gacan-libaax, 26 June iyo Ibraahim Koodbuur, ayaa dadweynaha ku dhaqani bannaanbaxyo ay ku muujinayaan heerka baaxadda ballaadhan ee taageeradooda xisbiga KULMIYE ah ay ku soo bandhigeen fagaarayaasha iyo garoomada ku yaala degmo walba.

Masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan KULMIYE, guddiga ololaha Gobolka Maroodi-jeex, wasiirro, xildhibaanno iyo saraakiil kale, ayaa kala qaybgalay shacabka degmooyinka Hargeysa ee isugu soo baxay fagaarayaasha kala duwan, kuwaas oo khubado kala duwan oo hambalyo, dhiirrigelin xog-warran siyaasadda xisbiga ah u jeediyey.

Boorama:

Fagaaraha Khayriyada magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal waxa cuddudooda taageerada xisbiga KULMIYE ku muujiyey kumanaan qof oo ka mid ah taageerayaasha xisbiga ee ku nool halkaasi.

Madax kala duwan oo uu hoggaaminayo Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Md. Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, Wasiirro kala duwan oo ka tirsan xukuumadda, masuuliyiin iyo saraakiil ka mid ah xisbiga KULMIYE oo uu ku jiro Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen iyo madax kale, ayaa shacabka reer Boorama kala hadlay fagaaraha Khayriyada, waxaanay ku dhiirrigeliyeen inay sidaa u sii wadaan ololaha nadiifta ah ee aan wax xajiin ah lahayn ee ay caanka ku noqdeen reer KULMIYE, isla markaana ay maanka ku hayaan in maalinta codbixinta uu qof waliba ku hubsado codkiisa inuu siiyo murrashaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici).

Saylac:

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna murrashaxa xisbiga KULMIYE ee jagadaasi mar labaad Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo ololaha xisbiga u jooga gobollada galbeedka Somaliland, ayaa maalinta labaad ee ololaha xisbiga ku gaalaa-bixiyey degmooyinka hoosyimaada Gobolka Salal.

Murrashax Cabdiraxmaan Saylici oo ay wehelinayaan masuuliyiin kala duwan oo ka kala tirsan xukuumadda iyo xisbiga, ayaa ololaha doorashada wejiga labaad ee kaltan KULMIYE ka bilaabay magaalada Saylac ee xarunta Gobolka Salal, halkaas oo uu u hoyday xalay. Intaa kadibna waxa uu socdaal ku maray deegaamo kala duwan oo ka mid ah gobolkaasi oo uu kala kulmay taageero ballaadhan oo ay ku qaabileen dadweynaha ku dhaqan.

Sidoo kale, degaammada kala duwan ee Gobollada Sanaag, Sool, Saraar, Buuhoodle, Oodweyne, Hawd, Saaxil iyo Gabiley ayaa shacabka ku kala dhaqani ay taageero indho daraaran ah ku soo bandhigeen fagaarayaasha ku kala yaal magaalooyinkooda, iyadoo masuuliyiin badan oo xisbiga KULMIYE ahi kala qaybgaleen, isla markaana uga jeediyeen khubado muhiim ah.

 

MaqaalloVideos

Yeynaan isku Colaysan kala Duwanaanshaha Afkaarta Xisbiyada

Qaranka  Jamhuuriyada Somaliland waa hanti ay leeyihiin shacabka Ku nooli waxaana waajib inaga wada saaran yahay inaynu wadajir u ilaashano, talaabo kasta oo  aynu ku korinayno korna ugu qaadayno  nabada, horumarka iyo Dimuqraadiyadana waa inaynu  hirgelintiisa wax walba ka horaysiinaa.

Taageerayaasha Xisbiyada qaranku ha isu dulqaateen mudadan kooban ee ay ina soo kala jiidanayaan ee ololaha lagu jiro, Xisbiyadu Xaq inooguma laha inaynu ku kala fogaano, Ku colowno, ku dhaawacano, ama dhiigeenu ku qubto , xaq inooguma laha inaynu u soo jeedno habeen iyo maalin, u jidiin qalalo una jajabno, ma aha inaynu gar iyo gar daroba kursiga saaro xisbiga aynu taageersanahay.

Ma jiro reer iyo qabiil si gaar ah u sharaxani oo hadduu dhaco reerkii dhacay, waxa sharaxani waa shakhsiyaad aan reer iyo raastoona soo xulin ee iyagu halkaas is keenay sharci iyo sharci daro Kay ugu suurowdayba.

Waxay xaq inoogu leeyihiin inaynu codka siino cidaynu u aragno inay qaranka u qumantahay Cidii guuleysta ee shacabku doortaana LA Hambalyeeyo oo LA garab istaago.

Bulshada Qiimaha badan ee reer Somaliland waxaan kale oo jecelahay  inaan Ku dhiiri geliyo inay ka dheeraadaan waxa qaranimadeena waxyeelaya ee Cadawgu u maleegayo, iyaguna aanay qayb ka noqon wixii inakala fogaynaya.

Guul iyo Gobonimo Ayaan inoo rajaynayaa in shaa Allah.

Samataliye Cabdisitaar Dubad
Hargeysa Somaliland

Cabdisitaar@hotmail.com

Arrimaha BulshadaVideosWararka

Bulshada Reer Burco oo Dhoolla-tus Dhul-gariir ah Ku Muujisay Taageerada ay KULMIYE u hayso+Sawirro Qaybta labaad

Burco(Warbaahinta Xisbiga KULMIYE)-Bulsho-weynta ku dhaqan xarunta gobolka Togdheer ee Burco, ayaa dhoolla-tuskii ugu ballaadhnaa ku muujisay taageerada laxaadka leh ee ay u hayso xisbul-xaakimka KULMIYE iyo murrashaxiintiisa.
Taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee magaalada Burco oo cududooda soo bandhigay maalinta labaad ee kaltanka ololaha madaxtinimada ee xibsiga KULMIYE, ayaa maanta si ballaadhan usoo buux-dhaafiyey xarunta Khayriyadda ee magaalada, iyaga oo lulaya astaanta xisbiga KULMIYE, isla markaana qaybo jidhkooda ah kusoo xardhay astaamaha uu xisbigani caanka ku yahay, waxana isu soo baxyadan kala qaybgalay guddoomiyaha xibsiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, xubno wasiirro ah, xildhibaaanno, maamulka xukuumadda iyo xisbiga u qaabilsan gobolka iyo guddida oloolaha ee gobolka Togdheer.

 

Isu soo baxyadan oo si weyn looga dareemay guud ahaanba magaalada Burco, islamarkaana ay taageerayaasha oo gaadiidkooda wataa socod dheer kusoo mareen waddooyinka kala duwan ee magaalada, ayaa isugu soo biyo shubtay xarunta Khayriyadda iyaga oo gelbinaya murrashax Muuse Biixi Cabdi oo geenyo shaaximan dusha ka saaran, waxana sawaxan iyo mushxarad kusoo dhaweeyey Kumanaan taageerayaal ah oo Khayriyadda kusoo sugnaa, iyaga oo halkaasna laga jeediyey hadallo loogu mahadnaqayo taageerayaasha, isla markaana lagu bogaadinayo sida ay ay muujiyeen cududda ay KULMIYE u hayaan.

Xubno isugu jira wasiirro, xildhibaanno, siyaasiyiin, haween iyo haldoor magac iyo maamuus ku leh gobolka Togdheer oo hadallo u jeediyey shacab-weynaha reer Burco ee taageeda u muujiyey xisbiga KULMIYE, ayaa si isku mid ah u sheegay inay Burco tahay madal uu si gaar ah xisbiga KULMIYE ugu xisaabtamo, isla markaana laga saadaaliyo guusha KULMIYE, waxana ay u mahadnaqeen taageerayaasha sida xamaasadda leh u muujiyey kalsoonida ay KULMIYE Iyo hoggaankiisa ku qabaan.

Guddoomiyaha guddida ololaha gobolka Togdheer Md. Jaamac Xaaji Axmed oo ugu horrayn hadal kooban u jeediyey taageerayaasha KULMIYE ee reer Burco, ayaa tilmaamay in isu soo baxani marag u yahay sida bulshadu ula dhacsan tahay hoggaaminta KULMIYE, isla markaana ay shacabku weli harraad daran u qabaan inuu KULMIYE hoggaanka dalka mar kale kusoo laabto si uu u dhammasytiro qabyooyinka tirada yar ee ku jira waxqabadka la mahadiyey ee uu muujiyey, isaga oo si cad u sheegay inaanay bulshadu dooran doonin xisbiyo xiiso u qaba dawladda Xamar, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “waxaynu dooranaynaa mujaahid qiimo ku leh dalka iyo dadka, xisbi Xamar looga dabbaalgedayona codkeena siin mayno, waad ogaydeen in dorraad xisbiga WADDANI looga dabbaageldayey halkii aynu ku hoobanay oo Xamar ah, yeelinamayno inaynu Xamar ku noqono.”

Xubno kale oo ay kamid yihiin guddoomiyaha gobolka Togdheer ee xisbiga KULMIYE Md. Xasan Mataan, wasiirrada wasaaradaha Hawlaha guud, Md. Xasan Cali Maxamed (Cali Marreexaan), Qorshaynta, Md. Maxamed Ibraahim Qabyo, Warfaafinta Md. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Caddaani, wasiiru-dawlaha Caafimaadka Md. Maxamuud Jaamac Galaal, xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, siyaasi Cabdirashiid Xasan Mataan, Siyaasi Cabdicasiis Maxamed Samaale,haween iyo haldoor kale oo reer Togdheer oo halkaas ka hadlay, ayaa si ballaadhan u bogaadiyey isu soo baxyada indhaha bulshada soo jiitay ee ay reer Burco ku taageereen xisbiga KULMIYE, waxana ay digniin u direen xisbiyada Mucaaridka ee u hollanaya inay talada dalka ku guulaystaan.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo bulshadu sawaxan kusoo dhaweysay, ayaa markii uu uu cod-baahiyaha holladay si mug leh ugu mahadceliyey shacabka reer Burco, waxana uu shaaciyey inay Burco tahay Hooyadii KULMIYE, isla markaana xudduntii xisbiga tahay.

Murrashax Muuse Biixi Cabdi waxa uu si cad u sheegay inay xisbi ahaan faan u tahay wixii ay bulshada u qabteen muddadii ay talada dalka hayeen, isla markaana uu xisbigu ku joogo dariiqii u jeexay Madaxweyne Axmed Siilaany oo isagu ah bud-dhigaha xisbiga KULMIYE, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Xisbiga KULMIYE toddobadii sano ee uu dalka xukumayey wixii uu qabtay waanu ku faanaynaa umadduna way ogtahay, Axmed Siilaanyo-na halgankii uu qaranka usoo galay iyo waddadii uu jeexay kontankii sanadood ayaanu soo wadaynaa dhammaystirkeeda, waddadii uu jeexay aasaasaha KULMIYE la raacayaa oo la fulinayaa, wixii hawlo qabyo ahna waa la qabyo tirayaa, waxana ay maraynaa waddo aan la inaga leexinaynin.”

Guddoomiyuhu waxa uu bogaadinta xisbiga KULMIYE looga soo diray magaalada Xamar ee dalka aynu jaarka nahay ku tilmaamay mid oof-wareen iyo dhiig-bax ku ah halgankii hubaysnaa ee dalkan lagu xoreeyey, isla markaana ay magac xumo ku tahay mujaahidiintii dalka usoo halgamay, “Waxa la yaableh oo aan la filayinin waxa mujaahidiintii koosaar lahaa, ee Lixle lahaa ee Aadan Shiine lahaa, ee Xasan Yoonis lahaa ee Axmed Dhagax Lahaa ee Cabdilaahi Suufi lahaa ee Aadan Saleebaan Lahaa maanta godka qaban maayaan marka aynu maqalno xisbi Somaliland ah oo doonaya inuu dalka xukumo, ayaa Xamar laga taageerayaa oo xaflado loogu qabanayaa, raggaas dalka u dhintayna luxudkay lasoo kacayaan, muxuuse noqonayaa halgankii ay ku shahiideen marka xisbi Somaliland jooga Xamar laga taageerayo,” ayuu yidhi murrashax Muuse Biixi Cabdi.

Murrashax Muuse Biixi Cabdi Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray, “Ma geyno oo Xamar taladeeda ma aqbalno,waxba nagama dhexeeyaan, wixii na dhex yaallayna kamaanu bogsan oo noomay garaabin, qarannadimadayadana way diidan tahaye ninka looga talinayana isaga ayey u taalla oo shacabka reer Somaliland baana xukumi doona, Dalka ku aamini mayno ninka Xamar looga soo talinayo ee laga hambalyeynayo.”

VideosWararka

DAGAALKA DAWLAD DOON IYO DAWLAD DOON KAL KAAL DAWLAD DIID IYO DAWLAD DIID KALKAAL SHABAAB IYO SHABAAB KAL KAAL

Waxaynu ahayn dal leh nidaam iyo kala danbayn oo muuqaal iyo magacba ku leh caalamka.waxaynu ahayn dal iyo dad lagu xisaabtamo oo wax ka xaliya dhibaatooyinka caalamka ka dhaci jiray.Dawlado badan ayaynu ka qayb qaadanay xoriyad gaarsiintooda,nabadayn tooda iyo taakulayn dhaqaale intaba.Waxaas oo dhan waxaa sabab u ahaa waxaynu ahayn ee ahaa DAWLAD. Laga soo bilaabo 1991dii markii aynu gacmaheena ku ridnay dawladeenii oo burburinay,ayaa waxaynu galay nidaam la aan iyo dagaalo sokeeye oo soomaaliya ku hoobatay nasiib daro.wax kalana ma ahayn ee waa meeshii waxaa ka baxay DAWLAD NIMADII.

Hadii dal waayo dawlad nimo waxaa ku dhaca jabwayn iyo baa ba xoogleh.Soomaaliya ahaan hada waa aragnay khibradaan oo laynooga sheekayn maayo waa fahanay macnaha kadanbeeya hadii la waayo DAWLAD.Maha dawladnimadu wax laga maarmi karo nolosha aadamaha dadkuna uuma noolaan karo sida xayawaanka duurjoogta ah oo kale.sidaas ayaa illaahay usoo dajiyay diin iyo nidaam ah ismaamul DAWLAD NIMO lamana ogola diiniyan DAWLAD LA AAN. Sayidinaa Cumar bin khidaab allaah haka raali noqdee waxa uu yiri Hadaana sayidinaa cali ku khaldaynin”Maalin muslimiintu DAWLAD LA AAN ahaadaan waxaa ka khayrbadan 50 sanadood oo ay dawlad xumi haysato” Adeer cawaan qaawan unbaa diida dawladnimo waayo hade waa cawaan magaranayo.

DAWLAD DIID waa ina ayo? yaa dhalay? xagee kayimid? waa in aan fahanaa.Markii dawladii dhexe lawaayay ee ay burburtay waxaa fawdadii iyo dagaaladii sokeeye ka faa iidaystay koox yar oo jabsaday bakhaaradii hubka dawladii soomaaliyeed,kadibna la wareegay ilwalba oo dhaqaale yiilay.waxay ku habsadeen wasaaradihii dalka,iyo dhismo walba oo dawladu lahayd sida iskooladii,isbitaaladii,xeryihii ciidamada,waxba maysan dhaafin kuli. dhanka kalana waxay qabsadeen guryihii ooisugu jira kuwo ay dadkii lahaa ku laayeen,iyo kuwo dadkii isagoo nabad qaba ka kaxayba.ninba ninkii uu ka xoogbadnaa xiligaa waa gumaaday.

Musiibada iyo balaayada la arkay intaa kuma ekaan ee caasimadii MOGDISHO inta laga bogtay dad iyo maal wixii yiilay nag laga dhigay ayaa hadana goboladii la aaday  koonfur iyo gobolada dhexaba wixii dad iyo maal halkaa yiilay ayaa hadana cagta la mariyay wax la dhaco iyo wax la dilo laga dhigay.hayeeshee meelaha qaarkood mar danbe ayaa lays a baabulay oo layska dhacshay.Laakiin gobolada koonfureed sida shabeelada hoose iyo banaadir dhib waynbaa ka jira illaahada.Dadkani waxay heleen lacag xaaran ah oo xad dhaaf ah waxayna ugu yeeraan qaarkood ganaacsi mana aha.dadkani waa kuwo tiro yar oo kasoo dhex baxay dagaaladaas sokeeye iyo burburkii oo helay meel aan dawlad ka jirin.lacagaha iyo hantida xaaranta ah ee ay haystaan iyo cabsi ah godobtay galeen in laga jarayo ayaa keentay in ay noqdaan kuwo ka dagaalama in dalku yeesho nidaam iyo dawlad nimo.  Halkaan weeye meesha uu kadhashay DAWLAD DIID.

DAWLAD DIID shaqadii maha qabiilkii iyo qofkii madaxweyne dalka ka noqda isagu ma doonayo dawlad shaqaysa waayo cadaw buu u arkaa halis ku ah isaga.Laakiin dawladii iska aruursata shilimaan sida tii hada u danbaysay ee XASAN SHEEKH way rabaan. waxay diidayaan dawlad xoog leh oo dhab ah oo shaqaysa oo soomaaliya hesho.dadkani waa dad yar oo helay dhaqaalo inta kalana guumaysanaya sidana ku haysta masalaxadooda oo waa ku qanacsan yihiin.DAWLADIID aabihii iyo hooyadii ma cafinayo iska dhaaf qabiil iyo saaxiib iyo dal iyo diin waxaa adaa sheegaya.waa cadaw ah shaydaan dadka iyo dalkana halis ku ah.

DAWLADIID waxaa xiriir uu laleeyahay cidkasta oo dalkaan lugoynaysa sida maafiyo shisheeye oo beera daroogada iyo shabaab oo ay u hayaan lacagahooda dhamaan oo ay isla shaqaystaan.Hadaba DAWLAD DIID waxa uu kaalmeeyaa oo la shaqeeyaa shabaab iyo cadawga shisheeye.Waxaa soobaxay koox cusub oo hada gacan saar la yeelatay DAWLAD DIID iyaga waxaa layiraahdaa DAWLAD DIID kalkaal waana Maamul goboleedyada dhismay waxay iska kaashadeen in la diido dawlad waayo maamul goboleedyadu waxay haystaan xukun iyo dad geed ay ku xirteen oo gumaystaan sida DAWLAD DIID.Maamul goboleed yadu madoonayaan soomaaliya oo hesha dawlad dhexe oo xoog leh oo dalkoo dhan ka talisa! waxay ka jecel yihiin in ay dadka ku sii haystaan qaab qabiil iyo kala qaybin iyagoo dhawrkan nin ay dantooda u arkaan kursigaa ay haystaan iyo lacagtaa ay guranayaan ama dakad haka helaan ama kaalmo shisheeye ama canshuur intaba. inay halan madaxwayne sidaa uuga ahaadaan ayay rabaan mana doonayaan dawladnimo.

Hada DAWLAD DIID kalkaal cabsi baa gashay waa is aruursaday si shacabka soomaaliyeed ee goboladu ugu sii jiraan xukunkooda ayay u midoobeen oo dadka loo adoonsado sababtoo ah dantooda kursi iyo dhaqaale.waxay ku xiran yihiin cadaw kasta oo dilaya soomaali oo baa bi inaya sida carabaha oo kale.iyagu waa dawlad diid kalkaal.Laakiin DALAD DIID KAL KAAL hada rajaa jirta ah in uu toobad keenayo toobadunu waa furan tahay marwalba marka waxay sheegeen inay dawladooda adeecayaan sida sharcigu yahay isla markaana ka qayb qaadanayaan sifaynta cadawga soomaaliyeed ee dadkeenii xasuuqay. Hadaba haday sidan yeelaan waxba ku falimayno in aan kurka ka guro waa soo dhawaynaynaa waana sidii laga rabay. bini aadmiga markay xumaanta ka soo noqdaan is daba qabtaan waa lasoo dhaweeyaa.

SHABAAB IYO SHABAAB KAL KAAL waxay sidoo kale ka faa iidaysteen dawlad la aantii inagu dhacday,waxay inoogu soo gabadeen diin baan wadnaa kadibna waxay gumaadeen shacabkeenii.waxay beereen daroogo waxay la shaqaysteen DAWLAD DIID waxay hogaaminayaan cadaw shisheeye iyo carab shaydaan.dadkii soomaaliyeed ayay diintoodii qaaliga ahayd ka saareen heer ay maanta gaar siiyeen in diintii laga cararo oo la sharaysto.dad qalato iyo ibliis abahood weeye.waa qoom seegaya labada daaroodba.dadlkeenii iyo dadkeeniiba waa baa basheen.waxaa jira SHABAAB KAL KAAL oo ah kuwa hoosta ku haysta ee qarinaya,kuwa u haya lacagaha,kuwa dajiya guryahooda iyo hoteeladooda ee qarinaya.shabaab iyo shabaab kal kaal waxay lamid yihiin dawlad diid iyo dawlad diid kal kaal oo waxay isaga mid yihiin IN AYSAN DALKA KA DHALAN DAWLAD SHAQAYSA OO XOOG LEH.

DAWLAD DOON waa dawlada hada inoo jirta ee uu madaxwayne ka yahay FARMAAJO raysal wasaarana ka yahay KHAYRE waxa ka go an in ay dalka ku soo dabaalaan amaan iyo kala danbayn gacan bir ahna ku qabtaan.markii amaan la helo ayaa waxaa imanaya hormar dhaqaale iyo waxbarasho iyo shaqo abuur.Nabad hadaysan jirin wax hor mar ah oo jirikaraa majirayo.uugu horayn waa amaan.Dawaladu waxay dhistay ciidan waxayna u diyaar garoowday dagaal lagu sifaynayo shabaab iyo cidkastoo diidan dawladnimada soomaaliya.

DAWLAD DOON KALKAAL waa shacabka soomaaliyeed ee xalaal miiradka ah ee doonaya amaan iyo nidaam iyo dawlad nimo oo raba in ay difaacdaan diintooda,dalkooda, iyo dadkooda. waa shacab raba sharaf iyo nolol in ay ku helaan dalkooda oo diyaar u ah inay difaacdaan DAWLADOODA.shacabku ma doonayaan cidkasta oo hagar galinaysa oo hagar daamaynaysa in soomaaliya luga heeda ku istaagto oo hesho dawlad dhexe oo awood leh oo dalka oo dhan maamusha fadhida caasimada umada soomaaliyeed ee MOGDISHO xukunkana ugudbisa dalkoo dhan.shacabku waxa uu diyaar u yahay in uu nafta huro u dhinto difaaca dawlad nimada soomaaliyeed mana rabaan shacabku dawlad daciif ah oo tabar daran iyo dal fowdo ah oo ay u taliyaan dawlad diid iyo shabaab iskaa shanaya.

DAWLAD DIID IYO DAWLADIID KAL KAAL,SHABAAB IYO SHABAAB KAL KAAL,maha qabiil gaara iyo gobol gaara haba lagu kala badnaado dhab ahaan balse waxaa weeye dadkeenii soomaaliyeed oo iimaankii beelay oo aduunyo dhaaf saday diintii,dadkii,dalkii oo raba in soomaali dabar go do oo dhamaato qofna ka harin. waa soomaali cadaw ah oo inoo naxaynin.cadawkasta oo shisheeye ah oo ina dilayana waa la shaqaynayaan.Maanta waxay caasimadeenii iyo dadkeenii ku sameeyeen maha mid aan uga harayno waana dabar jaraynaa iyaga iyo cidkastoo aan ka dareeno inay wanaag u hayso cadawgaas.waa la dagaalamaynaa maha arinku waxaa weeye waa dabar jaraynaa nin ka reebi mayno.dagaalku waa soomaaliya oo is difaacaysa garatay cadawgeeda dhabta ah.waa dagaal sifaynta ehelu naarka dhiigeena cabaya.cid hor istaagi kartaa majirto dawladeena soomaaliyeed maanta waa isku duubanahay waana guulaysanaynaa oo sharaf iyo amaan ku noolaanaynaa caruurteenuna wax inoo baranayaan  hooyooyin keenuna nabad ku seexanayaan dalkooda.waa is xoreeynaynaa anagoo ah soomaali wadaniyiin ah.DAWLAD DOON IYO DAWLAD DOON KALKAAL AYAA LEH GUUSHA.

Qofkii lagu ogaado in uu qariyay qof shabaab ah ama dawladiid ah macnaheedu waxa uu yahay waa isku danbi waana tiirka maha xabsi maxaayeelay hadaan xabsi geeyno oo ku xukuno xabsi daa in saw kolkaa cunto inagama rabo!!Adeer dil weeye xalku shaydaan xabsi ku dhaqalayn maayo cid aad rajo ka qabto aa xabsi la geeystaa. Fiiri ma nihin dad naxariis xun imisa jeer ayaa madax waynaheenu uugu baaqay war walaalayaaloow waxaa tihiin wiilasheenii noo imaada hana laynina waxaan nahay walaalihiin iyo aabayaalkiin iyo hooyooyinkiine hana gumaadina noo kaalaya cafis baa tihiin nabada qaata oo ay dhag jalaq u siin? nabad waa diideen waa cadaw yaab leh!! hadana ninkii isa soo dhiiba waa qaabilaynaa albaabku waa idiin furan yahay. laakiin cidaan isa soo dhiibin hal qof ka reebi mayno aan aragno cidii aan xabadu karayn.

VideosWararka

Madaxweyne Siilaanyo oo guddoomiye ku-xigeen cusub u magacaabay gobolka Sanaag

Hargeysa(Waaheen) Madaxaweyne Siilaanyo ayaa maanta u magacaabay gobolka Sanaag Guddoomiye ku-xigeen cusub kadib markii uu iscasilay ku-xigeenkii hore.

Xafiiska Af-hayeenka Iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL

Taariikh: 25/10/2017

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadeedu tahayJSL/M/XERM/249-5160/102017 uu ku magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sanaag.

 

Madaxweynuhu:-

 

Markuu Arkay:                    Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Arkay:                    Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda ay Guddoomiyeyaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

 

Markuu Aqoonsaday:        In baahi loo qabo buuxinta jagada Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Ka Fiirsaday:       Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

 

Markuu Ku Qancay:           In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

 

Wuxuu go’aansaday

 

In Mudane, Ismaaciil Cabdi Xasan (Fara-dheere), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

 Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

 

VideosWararka

Hargeysa: Ololaha Doorashada Kulmiye oo saaka sababay Dhawaaca shan ka mid ah Dhalinyarada Taageersan

Cisbitaalka Hargeysa oo lagu Daweynayo Dhalinayaradaas oo dhaawacyo culus soo gaadheen qaarkood

Hargeysa(Waaheen) shan qof oo ka mid ah Dhalinayaro taageersan xisbiga Kulmiye ayaa saaka dhaawacyo kala duwan ka soo gaadheen ololihii xisbiga Kulmiye ee Hargeysa, waxaana lagu daweynayaa Cisbitaalka Guud ee Hargeysa.

Qof goob jooge ah oo ku sugan qaybta gargaarka deg deg ah ayaa Waaheen u xaqiijisay inay arkaysay Dhalinyarada dhaawacyado soo gaadheen oo la keenay cisbitaalka si loo dhayo nabarada soo gaadhay

Dhaawacyada dhalinyarada soo gaadhay ayuu qof ku sheegay inay ahaayeen kuwo ka dhashay Tooriyo la galiyey Dhalinyaradaasi xilli ay ku guda jireen Ololaha Xisbiga oo maanta ku beegan kaltoonkoodi labaad ee mudada loo qoondeeyey Ololaha saddexda Xisbi.

Illaa hada Xisbiga Kulmiye kamuu hadal dhacdadan.

1 2
Page 1 of 2