Day Archives: October 24, 2017

VideosWararka

Mac’hadka shaqaalaha dawladda (CSI)oo ay ku qalin jabinayeen 145 arday oo ka mida shaqaalaha dawlada

Hargeysa (Waaheen )  Wasiirka Wasaarada  Madaxtooyadda Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, iyo guddoomiyaha Maxkamada sare ee Somalililand Md. Aadan Xaaji Cali ayaa maanta ka qayb galay munaasibad balaadhan oo ay ku qalin jabinayeen 145 arday oo ka mida shaqaalaha dawlada, kuwaas oo ka baxay Mac’hadka shaqaalaha dawladda (CSI).

Wasiirka Madaxtooyada oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa ka waramay isbadelada Xukuumadda ee dhinaca shaqaalaysiinta da’yarta iyo tayeynta aqoonta shaqaalaha dawaladda, waxaany Wasiirku yidhi “  Farxad weyn ayey noo tahay in aannu saaka halkan idinkala soo qayb galno xafladan qalinjabinta, ee ay ku qalinjabinayaan 145 arday oo ka mida shaqaalaha qaranka, kuwaas oo ka baxay Mac’hadka shaqaalaha dawladda Jamhuuriyadda Somaliland. Ugu horayn waxaan jecelahay inaan halkan hambalyo iyo boggaadin ugu soo jeediyo dhammaan ardayda qalin-jabisay, lab iyo dhedig, hablo iyo wiilalba, waxaan leeyahay hambalyo, waxaad ku guulaysateen qayb weyn oo noloshiina ka mid ah.”

“ Mar labaad waxaan jecelahay halkan inaan hambalyo iyo boggaadin ugu soo jeediyo madaxda, macalimiinta, dheemanka, agaasimaha guud ee mac’hadka shaqaalaha dawladda mudane Guuleed Saleebaan, oo xaqiijiyey himiladii qarankan ee waxbarasho qayb weyn oo ka mid ah, iyagana waxaannu leenahay Ilaahay ha idinka abaal mariyo, waad mahad-san tihiin.”

Wasiir Xaashi ayaa intaas ku daray “ Waxa intaa dheer waxa muddan inaan iyagana hambalyeyno waalidiintii ku soo tabcay ardaydan shaqaalaha ahaa iyo lamaane-yaashood, iyaga oo laga yaabo in qaarkood iyagoo waalidiin ay yihiin inay waxbaranayeen, qofkii waalid  ah lamaanihii ku garab galay waxbarashadaa, intuba waxay mudan yihiin inaynu boggaadino. Guul weyn ayey inoo tahay ummadd ahaan in waxbarashadeena iyo horumarkeeduba uu kor u socdo, Umaddaha dunida ku nool ee ILAHAAY abuuray iyagaa is horumariya, Ilaahay isagaa arintaa qur’aanka ku sheegay oo yidhi “ Ilaahay cidna ma dooriyo ilaayo ay iyagu is dooriyaan.”

Wasiirka Madaxtooyada ayaa sidoo kalena ka hadlay tayada aqoonta shaqalaha dawladda waxaanu yidhi “ Xukuumadda xisbiga KULMIYE ee Madaxweyne Siilaanyo gadh-wadeenka ka yahay mudaddii aanu dalka taladiisa haynay waxba kalamaanu hadhin kobcinta aqoonta iyo waxbarashada dalka, waxa lagayaaba isbadelka dhacay inaan xoog dadka qaarkiis u dareemin, hasayeeshee shaqaalaha dawladdu waa qayb ka mid ah, waxaannu kordhinay oo kor u qaadnay tirada shaqaalaha dawladda.”

Mudane Xaashi ayaa sharaxay xadiga shaqaalaha cusub ee Xukuumadda KULMIYE ay shaqaalaysiisay waxaanu yidhi “ Waxaannu kor u qaadnay tayada shaqaalaha dawladda, hadaad tirada kordhiso oo aanay tayo lahayn, waxba qiimo ma laha, hasayeeshee tayada ayaanu kordhinay, waxaannu shaqaalaha dawaldda ugu nimid 6,915 shaqaale oo mudo 19 sano ah la shaqaaleeyey, waxaannu shaqaalaysiinay 9,416 qof oo shaqaale ah, maanta tirada shaqaalaha dawladda ee diiwaanka hay’adda shaqaalaha ku jiraa waa 16,375 shaqaale, waxay noqonaysaa xadiga u dhexeeya 19 sanno iyo todobadaas sanno %135 ( Boqolkiiba boqol iyo shan iyo sodon) ayaannu shaqaalaha dawladda kor-dhinay waa guul weyn oo qarankan u soo hoyatay.”

VideosWararka

Maxamed Biixi Yoonis Oo Khudbad Uu U Jeediyey Jamaahiirta Xisbiga Waddani Ee Burco Ku Sheegay In Kulmiye Uu Soo Sharaxay Murashax Bulshada Kala Qaybiya Oo Hantida Ummadda Haysta 

Wuxuu Maanta Ku Tashaday Musharixii Kulmiye Inuu Madaxweynihii Meelkasta Geeyo Oo Uu Yidhaahdo Igu Balami, Waar Miyaa La Inagu Balaminayaa Cid? Xorbaynu Nahay, Farteena Ayaynu Ku Codaynaynaa” Siyaasi Maxamed Yoonis 

Burco, (Waaheen) – Siyaasi Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirkii hore ee Arimaha Dibada Somaliland oo ka tirsan hogaanka xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa kumanaan taageerayaasha xisbiga isbadal doonka ah ee Waddani kala qaybgalay isku soo baxa maalintii koowaad ee ololaha xisbigaasi.

Siyaasi Maxamed Biixi Yoonis ayaa xisbiga talada haya ee Kulmiye ku eedeeyey inay soo sharaxeen Musharax bulshada kala qaybiya, isla markaana boobka hantida caan ku ah, waxaanu intaasi ku daray Mr Yoonis in Musharaxa Kulmiye uu ku tashaday in Madaxweynihii qaranka uu meelkasta geeyo oo uu yidhaahdo igu balami.

Maxamed Biixi Yoonis oo la hadlaya dadweynaha magaalada Burco ee taageersan xisbiga Waddani ayaa waxa uu yidhi  “Shacbiga Togdheer, Shacbiga Burco way tashadeen, guushu waa Waddani, waa xisbiga la dagaalamaya qabyaalada, waa xisbiga maanta la dagaalamaya in la idin kala qaybiyo in dib la idiinku xidho qoobad qoobad ma ogolin, in la idin kala qaybiyo ma ogolin, Kulmiye wuxuu ku guulaystay in la idin kala qaybiyo oo Burco uu laba ka dhigo, wuxuu ku guulaystay inuu maanta keeno Murashax ina kala qaybiya.

Walaalayaal waxaanu maanta idiin wadnaa murashax guul keenay oo idin midaynaya oo aan idin kala firdhinayn oo isku kiin ururinaya.

Waxaad ogtihiin in dadkeenii oo abaaroobay oo caydhoobay oo abaartu soo barakicisay ay maantana Kulmiye hantidii ummadda boobayaan oon u aaba yeelayn oo hantidiinii la boobay ilaa xabaalihii ayaa la qaatay.

Wuxuu maanta ku tashaday musharixii Kulmiye inuu Madaxweynihii meelkasta geeyo oo uu yidhaahdo igu balami, waar miyaa la inagu balaminayaa cid? Waa maya, xorbaynu nahay, farteena ayaynu ku codaynaynaa, wuxuu awal odhan jiray hebel iga reeba, waad la socoteen anigu waxaan ahaa ninkii la tartamayey ninkii laga boobay waad ogaydeen 14 Wasiir oo cududii ugu weynayd ah ayaanu maalin cad kaga baxnay, xaq-daraanu kaga baxnay, cadaalad daro jirtay ayaanu uga baxnay, dimuqraadiyadii oo laga talaabsaday ayaanu uga baxnay. Maanta waataa guushii ugu balaadhnayd wadna ee ku soo biiray xisbiga Waddani, waanagaa Waddani nimid een loo kala hadhin eed ogaateen Waddani wuxuu yahay.

Burco way baahan tahay, Burco waxay u baahantahay horumar, waxay u baahantahay dhaqaale, waxay u baahantahay shaqo abuur, waxay u baahantahay duruuftaa adag ee aad ku jirtaan in la idinka maamuuso, waxay u baahantahay in wax loo qabto, horumar ayay u baahantahay Burco, waxaanu idiin balanqaadaynaa inaanu horumarkiina keeno, inaanu jidadkiina dhisno, inaanu iskuuladiina samayno, inaanu caafimaad idiin samayno.

Waxaanu leenahay Burco waa halkii dhalinaysay Ictiraafka umadda, waa halkii nabada Somaliland ku dhalatay, waa halkii Somaliland maalintii aynu ka goosanay Somalia isugu nimid.” Ayuu yidhi Siyaasi Maxamed Biixi Yoonis.

VideosWararka

Muniir Axmed Cigaal Oo Isku Soo Baxa Taageerayaasha Waddani Ku Tilmaamay Kacdoon Shacbigu Ku Doonayo Isbadal Siyaasadeed Oo Dalka Ka Dhaca


VideosWararka

Musharax Ciro Oo Boqolaal Kun Oo Taageerayaashiisa Caasimada Ah U Sheegay In Sicir-Bararka Dhaqaale-yahanada Kulmiye U Taag-La’yihiin Aanu U Taag Heli Doonin Hogaamiye Milatari Ahi

“Walaalayaal Maanta Ma’ahayn In Kulmiye Cod Idiin Soo Doonto, Waxay Ahayd Inuu Wajiga Maro Ku Duubto Oo Uu Khajilaad La Dhuunto Laakiin Waxay Ogyihiin Inaynu Nahay Mujtamac Hab Qabiil U Dhisan Oo Ilawshiyo Dhow” Musharax Cabdiraxmaan Ciro

“Hargeysaay Aniga Midbaad Ii Tahay, Caasimadii Dalkaad Ii Tahay, Codkiina Oo Midaysan Baan Doonayaa” Musharax Cabdiraxmaan Ciro

Hargeysa, (Waaheen) – Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga Isbadal doonka ah ee Waddani, Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ayaa maalintii koowaad ee ololaha doorashada xisbiga Waddani kala qaybgalay boqolaal kun oo qof oo ku dhaqan xaafadaha kala duwan ee magaalada Hargeysa.

Musharax Cabdiraxmaan Ciro oo khudbad taariikhi ah u jeediyey shacabka Caasimada ee isugu soo baxay Fagaaraha Beerta Xoriyada Hargeysa oo tiro badni awgeed uu fagaarahaasi qaadi waayey taageerayaasha xisbiga Waddani.

Musharax Cabdiraxmaan Ciro ayaa xaalada dalku marayo kaga waramay khudbadiisa waxaanu xusay in dalkani uu u baahan yahay isbadal xukuumad shacab ah oo ka saarta xaalada uu ku sugan yahay, waxaanu Musharaxu khudbadiisa uu ku bilaabay oo uu yidhi “Waxaan idiinka mahadcelinayaa inaad taagan tihiin saacado badan una dulqaadateen inaad cadceeda taagan tihiin. Waxaan doonayaa inaan maanta la hadlo shacbiga caasimada Somaliland, waxaan fariin u dirayaa shacbiga Somaliland aqlabiyada iyo bulsho weynta isbadal doonka ah ee maanta dalka meelkasta banaanada u taagan muujinta dareenkooda.

Waa maalintii sadexaad ee ololaha doorashooyinka madaxtinimada dalka, maanta oo Isniin ah waxay kow u tahay banaan baxyada badbaadada qaranka, waxay kow u tahay shacabka rajo doonka ah, waxay kow u tahay maalmaha inooga hadhay doorashada, waxay kow u tahay dib u soo noolaynta ididiilada dalka, waxay kow u tahay bahweynta isbadal doonka ee xisbiga rajada shacbiga ku midoobay.

Cod dheer waxaan ugu baaqayaa shacbiga Somaliland, waxaan leeyahay maanta waa dharaar aad kala dooranaysaan mustaqbal iyo meel la’aan, waa dharaar aynu hiil u doonayno qaran inawada deeqa, waa dharaar aynu ka hiilin doono qoqobka iyo kala qaybinta codka la idinkaga doono.

Waxaan dib idiin xusuusinayaa balanqaadyadii Kulmiye ee buray xagay ka baxday waxbarashadii bilaashka ahayd sidee maanta yahay adeegyada caafimaadku, dayaca ciidamadu heerka uu gaadhay musuqmaasuqa xadka goostay, ictiraafka rubuc qarniga aad naawilayseen ee iridaha loo laabay, waxaan idin xusuusinayaa sicir bararka iyo aafada maanta socota ee dhaqaale-yahanada Kulmiye u taagla’yihiin inaanu hogaamiye milatari ahina taag iyo tamar midna u haynin.

Waxaan idin xusuusinaya hantida ummadda ee la xaraashay iyo dulaynta loo geystay nidaamka dawladnimo, waxaan ayaan daro ah in baqaha Kulmiye cabsi ku kiday shacbiga doorashada, kuna kalifay kala qaybinta shacbiga. Hargeysaay aniga midbaad ii tahay, caasimadii dalkaad ii tahay, codkiina oo midaysan baan doonayaa. Codkiina ugu hiiliya xisbiga Rajada shacabka ee isbadal doonka Waddani. Walaalayaal bal aynu eegno dhibaatooyinka waaweyn ee ina haysta oo isugu jira kuwo Kulmiye abuuray iyo kuwo hore u jiray oo Kulmiye xalin kari waayey ugana sii daray. Dhibaatooyinkaa oo xalintoodu u baahan tahay sanado badan oo shaqo ah waxay isugu jiraan kuwo caasimada Hargeysa gaar u ah, iyadoo wadanka intiisa kale uu la qabo.

Walaalayaal aniga oo arkaya inaad milic taagan tihiin, hadana milicda waxa ka sii kulul duruufaha gacan ku samayska ah ee dawladdnimada xumaatay ka dhashay ee aynu la noolnahay.

Arinteenu maanta maaha doorasho saddex qof oo la kala dooranayo laakiin waa doorasho la kala dooranayo isbadal iyo in wadanku ku sii jiro xaalada uu ku jiro, waa hiil loo hiilinayo midnimada iyo isku duubnida ummadda guud ahaan oo laga hiilinayo falsafada Kulmiye ee laba gacmood isku dhiib ama qori isku dhiib.

Walaalayaal maanta ma’ahayn in Kulmiye cod idiin soo doonto waxay ahayd inuu wajiga maro ku duubto oo uu khajilaad la dhuunto laakiin waxay ogyihiin inaynu nahay mujtamac hab qabiil u dhisan oo ilawshiyo dhow, waxay isku dayayaan inay indho sarcaad idiin dhigaan oo beenta idiinku soo celceliyaan. Waxa tusaale idiinku filan sidii uu Waddanku ahaa todoba sano ka hor, bal waxaad dib u xasuusataa halka ay joogtay todoba sano ka hor midnimadeenu, halka ay joogtay dawladdnimadeenu, rajadeena ictiraafka iyo maanta halka ay marayso, sicirbararka, Musuqmaasuqa iyo kala qoqobka dadweynuhu.” Ayuu yidhi Musharax Ciro.