Day Archives: October 21, 2017

VideosWararka

Madaxweynaha Somaliland oo ka qaybgalay Xaflada Qalin-jebinta Jaamacada Golis Fara-ceeda Burco Xadhigana ka Jaray Dhismaha Miiska Saraakiisha ee Ciidanka Qaranka Togdheer

Burco(Waaheen)Madaxweynaha Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa gobolada Bariga ayaa maanta magaalada Burco kaga qayb galay munaasibad loo sameeyey arday ka qalin jabisay Jaamacada Golis qaybteeda Togdheer.

Madaxweynaha oo khudbad u jeediyey Ardaydii ka qalinjebisay jaamacada golis ayaa yidhi “Dhammaan marti-sharafta, masuuliyiinta kala duwan, madaxda Jaamacadda, Macalimiinta iyo Ardayda “ASSALAAMU CALAYKUM WA-RAXMATULLAAHI WA-BARAKAATU”.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Ugu horreyn, sharaf weyn bay ii tahay, in aan idin kala soo qayb-galo xafladda qalin jebinta dufcadda 5aad ee Jaamacadda Golis ee Burco. Si gaar ah, waxaan u hambalyeynayaa, Ardayda maanta ka qalin-jebisay kulliyadaha Jaamacadda Golis ee Burco.  Sidoo kale, waxa hambalyo iyo boggaadin mudan, waalidka ku soo tabcay, iyo cid kasta oo gacan ka geysatay, guushan ay Ardaydu gaadheen.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Aniga oo madashan iyo munaasibaddan ka faa’iidaysanaya, waxaan jecelahay, in aan ku boggaadiyo Maamulka, Madaxda iyo Macalimiinta Jaamacadda Golis ee Burco, dedaalka iyo horumarka ay gaadhsiiyeen Jaamacadda, muddadii ay Jaamacaddu ka jirtay Gobolkan Togdheer.  Waxaan qirayaa, in Jaamacadda Golis ee Burco, ay kaalin weyn, oo la mahadiyey ka qaadatay, horumarinta, tayeynta iyo casriyeynta waxbarashada gobolka.

Waxa kale, oo aan qirayaa in Jaamacadda Burco iyo Jaamacadda Golis Burco, ay labaduba horumar weyn ka sameeyeen, dhinaca tayada aqoonta, mudadii aan qarankan Odayga u ahaa. Is-beddelkaa laxaadka leh, waxa sabab u ah, siyaasadda wax-barashada ee aan dalka ku hoggaaminayey, iyo maamulka labada jamacadood, oo ay hormood u yihiin Prof. Saleeban Dirir Cabdi iyo Prof. Cabdi-xakiin Maxamed Cabdillaahi, oo halkan uga mahad-celinayo.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxa xusid mudan, in Ardayda ka bixi jirtay Dugsiyada Sare iyo kuwa Dhexe, ee Gobollada Saaxil, Togdheer, Sool iyo Sanaag, ay ahaan jireen kuwo aad u hooseeya, dhinaca derajada imtixaanaadka shahaadiga ah, marka la bar-bar dhigo Gobollada kale, wixii ka horreeyey 2010-kii.  Xukuumadda Xisbiga Kulmiye, ee aan gadh-wadeenka ka ahay, waxay ku guulaysatay in ay waxbarashada ay kor u qaado, isla markaana ay isa-soo-gaadhsiiso gobolladii kala durug-sanaa. Waxa markhaati ma-doon u ah arrintan, in Gobolka Togdheer uu safka hore kaga jiray, sanadihii u dambeeyey, natiijooyinka imtixaanaadka shahaadiga ah (Dugsiyada Sare iyo Kuwa Dhexe). Ka Sokow, horumarka kala duwan, ee aanu ku soo kordhinay Gobolka Togdheer, waxa kor u kacay tirada iyo tayada waxbarashada kulliyadaha Jaamacadda Burco iyo Jaamacadda Golis Burco.

Duco-qabayaal,

Waxaan idinku guubaabinayaa, in aad ka fogaataan dhaqamada xun, ee aafeeya il-baxnimada iyo horumarka bulshoooyinka caafimaadka qaba, sida: kala-qaybsanaanta, qabyaaladda, tahriibka, dal nacaybka iyo bal-wadaha. Waxa kale, oo aan idinku dhiiri-gelinayaa, in ay-daan waxbarashada ka daalin, oo aad halkaa ka sii wadaan.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Sida aad la socotaan, waxa maanta dalka ka bilaabmay ololihii Doorashada Madaxtooyada. Doorashooyinku, maaha kuwo inagu cusub, ee waxa aynu u leenahay khibrad iyo waayo-aragnimo. Hase-yeeshee, waxa jira da’yar badan, oo aan hore u codayn. Sidaa darteed, waxa waajib inagu ah, in aynu adkayno, nabadgelyada, midnimada iyo wada-jirka ummadda.

Waxa waajib inagu ah, in aan la isku ceebsan, kala duwanaanshaha aragtiyaha siyaasadda, cid-walba waa in lagu ixtiraamaa fikirka iyo aragtida uu aamin-san yahay. Waxaan shacbiga Somaliland, mar labaad ugu celinayaa, in aanay musharixiintu xaq idiinku lahayn, in ay idin dhex-dhigaan colaad iyo ciil-qab. Balse ay xaq idiinku leeyihiin oo keliya, in ay idin weydiistaan cod iyo caawimo.

Ugu dambayn, waxaan shacbiga ugu baaqayaa in ay doorashada ku galaan, nabad iyo deganaansho. Waxa reebban fidmo abuur iyo fad-qalallo.

Guuleysta,,, Guuleysta,,, Guuleysta,,,

Sidoo kale wuxuu madaxweynuhu xadhiga ka jaray dhisme cusub oo loo dhisay ciidanka qaranka, kaas oo laga hirgeliyey xarunta miiska saraakiisha ee gobolka Togdheer.

MaqaalloTacsiVideos

TACSI:-Murashax Cirro oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Ku Timi Marxuum/Xildhibbaan Xasan Cawaale

Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI sida oo kale na ah Murashaxa Madaxweynaha Xisbigaasi Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo ku hadlaaya magaciisa, ka hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo weli ba sida oo kale taageerayaasha Xisbigaasi ee dalka gudahiisa iyo dibaddiisa ba, waxa uu tacsi tiiraanyo leh uu u dirayaa guud ahaan shacabka Somaliland isaga oo ka tacsiyadeynaaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum/Xildhibbaan Xasan Cawaale Caynaan.

Guddoomiye Cirro, wuxu sida oo kale uu tacsi taas la mid ah u dirayaa ehelkii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumku isaga oo ku tilmaamay in uu ahaa shakhsi aad u dadnimo wanaagsan oo ka shaqeyn jiray danta guud iyada oo aad looggu xasuusto baranimadiisii macalimnimo ee Waxbarashada Somaliland oo uu wax soo baray ardey tiro badan, waxa kale oo uu sheegay in mudadii uu ka tirsanaa golaha Wakiilada uu ahaa mudaneyaasha aadka u jeclaa horumarka Somaliland.

Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), waxa ugu dambeyntii uu Alle uga baryey Marxuumkaasi in uu godka u nuuriyo kana waraabiyo naxariistiisii jannatul Fardowsa. Ehelkii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxayna uu Eebe samir iyo iimaan ka siiyo.

Waaxda Warfaafinta WADDANI

Hargeysa, Somaliland 

 

MaqaalloTacsiVideos

TACSI MADAXWEYNE: Marxuum Xasan Cawaale IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, golaha wakiilada, guurtida, bahda waxbarashada, waxgaradka, waayeelka,  haldoorka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum  Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo xalay oo ay  taariikhdu ahayd 21.10.2017 ku geeriyooday dalka Jabuuti oo uu xaalad caafimaad u jiifay maalmahan.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey masuul ka baxay qaranka Somaliland, gaar ahaan bahda waxbarashada iyo siyaasada dalka, waxaanu marxuumku ka mid ahaa dadkii ka qayb qaatay dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii shacbiga Somaliland, isagoo ka mid ahaa aqoonyahankii qalinka iyo tabaashiirta u qaatay inay dalka u soo saaraan jiilal aqoon iyo cilmi ku dhisan, taasi oo uu muddo ku soo jiray markii danbena uu ka mid noqday golaha wakiilada Somaliland ee wakhtigan jooga, balse ay tii Alle u timid Marxuumka.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, golaha wakiilada, guurtida, bahda waxbarashada, waxgaradka, waayeelka,  haldoorka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

    Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 

 

 

MaqaalloTacsiVideos

TACSI GUDDOOMIYAHA kULMIYE: Marxuum Xasan Cawaale Caynaan: IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARKA JSL EE KULMIYE
21 Oct. 2017
TACSI GUDDOOMIYE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Guddoomiyaha Xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada, Golayaasha Baarlamanka iyo guud ahaan shacabka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo ku geeriyooday dalka Jabuuti maanta oo taariikhdu tahay 21/10/2017.

Marxuum Xasan Cawaale Caynaan waxa uu ka mid ahaa xildhibaannada Golaha Wakiillada ee laga soo doortay xisbigii UDUB sannadkii 2005, isagoo waqtigana ka mid ahaa mudanayaasha la midoobay xisbiga KULMIYE, waxaannu ahaa aqoonyahan ku soo tabcay oo waxbaray dhallinyaro badan oo reer Somaliland.

Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, ehelka iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska warbaahinta xisbiga KULMIYE

VideosWararka

Ololihii Doorashada Madaxtooyadda ee Sadexda Xisbi oo saaka si rasmi ah uga bilaabmay Hargeysa iyo UCID oo saaka u leh dabaal-dega

Hargeysa(Waaheen) Ololihii Doorashada Madaxtooyadda Somaliland ayaa saaka oo ay bishu tahay 21/10/2017, si rasmi ah uga bilaabmay guud ahaan gayiga Somaliland.

Ololaha saaka waxa lagu Daah-furay Xisbiga UCID oo leh kaltanka koowaad, halka Kulmiye iyo Wadani ay yeelan doonaan maalmaha ku xiga.

Waxa saaka laga dareemayaa Goboladda iyo Degmooyinka Dalka Dabaal-dega iyo Ololaha Xisbiga UCID.

Ololaha Sadexda Xisbi ayaa socon doona 21 cisho, iyadoo Doorashada Madaxtinimaddu Somaliland ka qabsoomi doonto 13 bisha November.

VideosWararka

Madaxweynaha Somaliland Oo Goob-joog U Ahaa Heshiis Taariikhi Ah Oo Dhex Maray Somaliland Iyo Khaatumo, Waxaanu Madaxweynuhu Khudbad Ka Jeediyey Madashii Kulanku Ka Dhacay Oo ahayd Caynaba Iyo Nuxurka Heshiiska Ka Soo Baxay Shirka

Madaxweynaha JSL iyo Hogaamiyaha Khaatumo Oo Maanta Si Rasmi Ah U Kala Saxeexaday Heshiis Nuxurkiisu Ahaa Kamid Noqoshada Khaatumo ee Somaliland

Caynaba(Waaheen)Magaalada Caynaba ee xarunta gobolka saraar waxa maanta lagu soo gabo-gabeeyay wadahadaladii u socday dawladda somaliland iyo khaatumo, wadahadalaadaasi oo socday labadii sanno ee u danbeeyay taasi oo ka dhalatay gogoshii nabadeed ee madaxweynaha Jamhuuriyadda somaliland u fidiyay dadka deegaanada Sool, Sanaag bari iyo Buuhoodle.

Wadahadaladani oo si weyn labadii sano ee u danbeeyay  uga socday dalalka imaaradka, jabuuti,  itoobiya iyo Somaliland gudaheeda ayaa maanta kusoo gaba-gaboobay Caynaba.  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo hogaamiyaha khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh oo si wada jira u saxeexay heshiiska ay gaadheen labada dhinac ayaa waxa hadalka qaatay Prof: galaydh oo si weyn u sheegay inuu ku faraxsan yahay heshiiska maanta lagu kala saxeexday caynaba, waxa uu sheegay Galaydh in dastuurka Somaliland oo la furaa yahay dawladda kaliya ee reer Sool, iyo Sanaag bari isagoo ballan qaaday inuu heshiiskaasi sida uu yahay uu u fulin doono.

Shirkaasi muhiimka ah ee ay Somaliland iyo Khaatumo ku kala saxeexdeen magaalada Caynaba galabta 20/20/2017, ayuu madaxweynaha qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ka jeediyey khudbadan: “Madaxda-dhaqanka, Madaxda Khaatumo, Madaxda Dawladda, Madaxda Xisbiyada Qaranka iyo Marti-sharafta kale, ee madashan fadhida, dhammaantiin, waxaan idiin soo gudbinayaa salaan Xambaarsan Nabadgelyo iyo Naxariis Eebe “Asalaamu Calaykum Wa Raxmatullaahi Wa Barakaatuhu”

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Milgo iyo Maamuus weyn bay ii tahay, in aan maanta ka soo qayb-galo munaasibaddan taariikhiga ah, ee lagu soo af-jarayo, khilaafkii dheeraa ee u dhexeeyey Somaliland iyo Khaatumo. Sharaf weyn bay ii tahay, Madaxweyne ahaan,  in aan maanta ku guulaysanno, xal u helidda khilaafkaa, dhaawaca ku ahaa midnimada iyo wada-jirka Umada Somaliland. Dhinaca kale, waa Eebe Mahaddii, in aanu, aniga iyo saaxiibkay Prof. Cali Khaliif Galaydh, oo aanu wadaagno, sooyaal taariikheed oo dheer, aanu bogsiinnay boogihii iyo nabaradii labada dhinac, isla markaana aanu maanta isku mabda iyo mawqif siyaasadeed nahay.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

 

Xal-u-helidda khilaafka ina soo dhex-galay, wuxuu ahaa mas’uuliyad umad ahaan ina saaran, si gaar ahna, wuxuu ahaa xil noo saaran labadayada Oday, ee jaalka ah. Tan iyo intii, Qarankan Jamhuuriyadda Somaliland, dib loo yag-leelay, waxa jiray tabashooyin iyo saluug, ay tirsanayeen beelaha deegaanada Gobolka Sool, Xaysimo, Buuhoodle iyo Sanaag Bari. Nasiib darro, ma dhicin in si rasmi ah, marnaba khilaafaadkaa,  loogu xalliyo hab-dhaqan ama mid siyaasadeed toona.

Hogaamiye ahaan, markii aan haaneeday hogaanka dalka, bilowgiiba, waxaan ku baaqay wada-hadal iyo gogol nabadeed.  Xukuumaddaydu, waxay xoog saartay, dardar-gelinta siyaasad ku dhisan nabadayn, wada-hadallo iyo dib-u-heshiisiin. Mudadii labada sanno, ee u dambaysay, waxaanu agaasinay shir doceedyo gaar-gaar ah, oo aanu ku marti-qaadnay Madaxda Dhaqanka iyo Kuwa Siyaasadda, ee deegaanadaa Gobolka Sool. Shirarkaas goos-gooska ah, ee kala du-duwanaa, ugamaanu jeedin in aanu ku qaybino, ama ku kala qo-qobno wax-garadka bulshada ku dhaqan deegaanada kor ku xusan.

Hase-yeeshee, waxay ujeedadu ahayd, in ay u noqdaan gogol xaadh, shir-weyne balaadhan oo ay ku wada xaajoodaan Somaliland iyo Wax-garadka deegaanada Sool, Xaysimo iyo Buuhoodle. Waxa mudan, in aan si gaara u xuso Shirweynihii Magaalada Adhi-cadeeye, iyo Kii Awr-boogays, ku dhex-maray Xukuumadda Somaliland, iyo Beelaha Maxamuud Bari, Hijiinle iyo Cabdiraxmaan Harti. Waxaan jecelahay, in aan halkan ka bogaadiyo, Garaadadii, Cuqaashii, Wax-garadkii iyo hal-doorkii, ka-qayb-qaatay qabsoomida shirkaa, iyo meel marinta go’aamadii ka soo baxay. Sidaa darteed, waxaanu dhawri doonaa, dhammaan heshiisyadii is-kaashiga, iyo wax-wada qabsiga ahaa, ee dhex-maray labadayada dhinac. Waxa waajib ku ah, hogaamiyaha i bedeli doona dhawaan, inuu dhaqan-geliyo go’aamada Shirkii Awr-boogays.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxaan soo dhaweynayaa, midnimada iyo heshiiska maanta aanu kala saxeexanayno, maamulka iyo madaxda khaatumo, kaasoo Shacbiga Somaliland u hor-seedaya; Horumar, iskaashi iyo isku-duubni. Waxaannu fulin doonaa heshiiskan, ka kooban Saddex iyo Tobanka Qodob, isla markaana, waxa waajib ku ah, hogaamiyaha i bedeli doona, dhaqan-gelinta go’aamada heshiiskani uu xambaarsan yahay.

Waxaan kula dardaarmayaa, kuna adkaynayaa Madaxweynaha aan xilka ku wareejin doono, 13-ka bisha December, 2017-ka, in uu mudnaan siiyo, dib-u-dhiska iyo horumarka deegaanada Gobollada Sool, Buhoodle, Xaysimo iyo Sanaag Bari. Sidoo kale, waxaaan kula talinayaa in uu qaban-qaabiyo shir-weynihii guud ee baaqday. Midnimada iyo Wada-jirka Umada Somaliland, waa mid leh muhiimad weyn, oo aan marnaba, mad-madow la gelin Karin.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Laba ILAAH Baa u Daawo Qaaday, Labana Iyagaa Daawo Qaatay”. Haddaba, waxaan leeyahay, umadda Somaliland, ILAAHAY ayaa u daawo qaaday, oo waa kuwo wadaaga dal, dad, daaq, deegaan, debci, diin iyo dhaqan guun ah.

 

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Si loo xaqiijiyo, isla markaana loo xoojiyo Midnimada Shacbi-weynaha Somaliland: Waxaan aamin-sanahay, in la qayb-sado, hawsha, halabadda iyo hantida Qarankan, Curdinka ah. Waxaan aamin-sanahay, in Beelaha iyo Bulshada Somaliland yihiin, kuwo siman oo leh xaq, xuquuq iyo xurmo isku mid ah. Waxaan aamin-sanahay, in cadaaladdu tahay, waxa keliya ee ay umadi ku walaaloobi karto, ama jiritaankeedu uu ku waari karo.

Walaalayaal,

Waxaan gar u arkaa, in ay jid iyo daw tahay, in dhib iyo dheef la wadaago. Waxaan gar u arkaa, in wixii qal-damay la saxo. Waxaan gar u arkaa, in la dheeli tiro awood qaybsiga talada dalka. Waxaan gar u arkaa, in la idinka tiro, tabashada iyo turxaan kasta oo aad tirsanaysaan. Waxaan xal u arkaa, in loo baahan-yahay in dib u eegis lagu sameeyo, Saami-qaybsiga Kuraasta Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland, uu yeelan doono, mustaqbalka. Walaalayaal, mar labaad ayaan ku celinayaa, oo waxaan leeyahay, ma nihin, dad kala tagi kara, mana nihin dad kala tashan kara, ee waxaynu nahay dad isku dan, iyo isku dal ah. Waxaynu nahay, dad ka dhigan Sakaaradii la yidhi “Laba Tun, oo la kala qalo ma leh”.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxaan kula dardaarmayaa, Bulshada Somaliland in ay wada-tashadaan, oo isku-tashadaan, isla markaana ay adkeeyaan nabada, midnimada, kalsoonida iyo is-aaminka dhexdooda. Ugu dambayn, waxaan hambalyeynayaa, Xubnaha Guddidii Wada-hadalka, laba geesoodka ahayd, ee ka kala socotay Jamhuuriyadda Somaliland iyo Khaatumo, kuwaas oo bud-dhig u ah guushan.   Sidoo kale, waxaan bogaadinayaa, Dr. Cali Khaliif Galaydh, oo muujiyey geesinimo iyo go’aan

adayg, si uu u mideeyo dadka iyo dalka Somaliland”.

Waxaan ILAAHAY ka baryayaa inuu dhammaanteen inoo dembi dhaafo,

Waxaan ILAAHAY ka baryayaa, inuu tacabka, talada iyo tawfiiqda inoo Hagaajiyo,

Waxaan ILAAHAY ka baryayaa, inuu Boggeena iyo Beerkeena, Burcad isu-mariyo,

Waxaan ILAAHAY ka baryayaa inuu tubta toosan, inagu hanuuniyo,

ALLAHAYOW, Aamiin,   Aamiin,     Aamiin

 

 

Gunaanadkii shirkana Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa akhriyey nuxurka heshiiska Jamhuuriyadda Somaliland iyo Khaatumo, waxaanu yidhi“ Waxa weeyi nuxurku :-

In la helo cadaalad iyo sinaan iyo nabad ku wadada noolaansho.

in la wada ilaaliyo jiritaanka iyo madax banaanida Somaliland.

in khilaaf kasta oo jira lagu dhameeyo wada hadal iyo jid nabadeed.

in la adkeeyo midnimada iyo nabad ku wada noolaanshaha.

In dastuurka dib loo furo si loo sugo awood qaybsi ku dhisan cadaalada iyo Sinaan guddi joogto ahna arrinkaas loo saaro.

In dawladda Somaliland, ururada samafalka iyo hay’adaha jimciyada quruumaha ka dhaxaysa ka hawl galaan sidii mashaariic horumarineed looga samayn lahaa gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle.

In ciidamada hubaysan ee Khaatumo la qarameeyo oo wadanku yeesho ciidan qaran oo suga xuduudihiisa, jirintaankiisa iyo danahiisa.

 

 

MaqaalloVideos

“Nimcada Nabadgelyada waxa garta dadka aan haysan”: Khudbada Sh Maxamed Cumar Dirir

“Dadku markay yihiin Alle yaqaan iimaan leh, oo Ilaahay SW ka edebsaday, amniga ay doonaan ayey helayaan..” Sheekh Maxamed Sh. Cumar Dirir.

Hargeysa- (Waaheen) Sheekh Maxamed Sh Cumar Dirir ayaa shaaca ka qaaday in dadku marka ay Ilaahay SW adeecaan, nabadgelyo helaan, hadii ay caasi noqdaana nabadgelyo darro haleeli doonto

Sheekh Dirir oo khudbadii maanta kaga hadlay nimcada nabadgelyada iyo sida loo ilaashanayo ayaa sheegay in nimcadaa garanayaan dadka aan haysan, ee dagaalo ku dhaceen ama qaxaysa, ee dalkoodii iyo duunyadoodiiba waaya, waxaanu yidhi,

“Nimcada nabadgelyada waxa garta dadka aan haysan , ee dagaalo ku dhaceen ama qaxaysa, ee dalkoodii iyo duunyadoodiiba waaya. Dadkaa ayaa dareemi kara qiimaha ay leedahay.

Islaamku qiimo weyn ayuu siiyey, miisaan weyna wuu saaray, si dhab ahna wuu u qiimeeyey nimacada nabadgelyada ayuu sheegay Sheekh Dirir, waxaanu yidhi,

“Islaamku qiimo weyn ayuu siiyey, miisaan weyna wuu saaray, si dhab ahna wuu u qiimeeyey nimcada nabadgelyada. Waan ka tacsiyadeynayaa walaalaheena reer Muqdisho dhibaatadii ku dhacday, iyagoo dhaawac weyn ka soo gaadhay nimcada ama ka haysto.

Ha moodina dhibaatooyinka dhacaya ee Muslimka meel ay joogaanba ka dhacaya, ama kuwa aad ehel tihiin iyo jaarkiina ku dhacaya, inuu kaa maqan yahay, macnaha islaamku si can ah ayuu u fikiraa, ayuu sheegay Sheekh Dirir, waxaanu yidhi,

“Qofka Muslimka ah si caalami ah ayuu u fikiraa, walaalkaaga Afrikada dhexe lagu gawracayo ama ka Arakaan lagu gawracayo ama ka Muqisho, Ciraaq, Shaam lagu gawracay waa isugu keen mid, dhibka midkood soo gaadha, adiga wuu ku gaadhay, dadkuna way isku wada xidhan yihiin.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay in qoys deganaa masaafo saddex boqol oo mitir gurri u jira masaajidka Rusheeya nin iyo xaaskiisi socdaal ku tageen Muqdisho khamiistii ama Jimcahii hore, waxaanu raaciyey,

“Qoyskaasi waxay u tageen Muqdisho inay ka qeybgalaan in qof ehelkooda oo ku dhintay tacsidiisa ka qeybgalaan, labadiiba qaraxii ayey ku dhinteen, sagaal caruur ah oo ay ka tageena agteena ayey joogaan. Dadku ma kala maqna sidaa ayey iskugu xidhan yihiin.

Nimcada nabadgelyada Ilaahay SW waxuu ugu mano sheegtay ummadii Islaamka ee  nabi Maxamed NNKH horkacayey ayuu sheegay Sheekh Maxamed, isagoo yidhi,

“Ilaahay waxuu yidhi, ‘waxaad xusuusataan nabi Maxamed NNKH iyo asxaabtiisa, markaad Makka joogteen, ee tamarta yaraydeen, ee la idin dhibayee, la idin tun-jilaycsanayey Ilaahii idiin hiiliyey.

Marka qofku nabadgelyo, caafimaad iyo arsaaqdiisa haysto, noloshii aduunyada wax ka maqan ma jirto ayuu sheegay Sheekh Maxamed, isagoo yidhi,

“Marka qofku nabadgelyo, caafimaad iyo arsaaqdiisa haysto, noloshii aduunyada wax ka maqan ma jirto. Nebi Maxamed NNKH ayaa tilmaamay, ‘Bulsho-yahay kina nabadqaba, ee reerkiisa la jooga, ee jidhkisuna u caafimaad qabo, waxuu cunayey maalintaana haysta, aduunyadii wax ka maqani ma jiraan.’ Waa qiimayn uu Rasuulku NNKH saaray nolosha asaasiyaadkeeda, iyadoo Nabadgelyada loo horaysiiyey.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay in Nabadgelyadu tahay natiijada iimaanka, waxaanu yidhi,

“Dadku marka yihiin dad Alle yaqaan ah oo iimaan leh, oo Ilaahay SW ka edebsaday, amniga ay doonaan ayey helayaan, laakiin hadii aanay iimaan lahayn, ilbaxnimo iyo awood kasta ha sheegtaane, ma helayaan amniga. Dunida meelaha loogu cabsi badan yahay waa Maraykanka oo dadku xagiisa eegayaan, taasina waa iimaan la’aanta. Ilaahay SW ayaa yidhi, ‘dadka Ilaahay rumeeyey, een dulmi la iman waxay helaan nabadgelyo”

Sababo nimcada nabadgelyadu ku sugnaato ayaa jira ayuu sheegay Sheekh Maxamed, waxaanu yidhi isagoo ka hadlaya,

“In Ilaahay la adeeco waa sababaha lagu helo nabadgelyada, oo dadku aanay Ilaahay SW caasiyin ama kuwo ka firdhaday oo falaagoobay noqon, ee kuwo adeecaya oo ka talloqaata doqdaan. Ilaahay SW waxuu tusaale innagu siiyey dad nabadgelyadii ay haysteen ku waayey markii ay adeeci waayeen, “magaalo iska degenayd, oo xasiloonayd oo arsaaqadeeda meel walba ka heli jirtay, marka ayey Ilaahay SW nimcooyinkiisii ayey diideen (nimcadii diinta), markaa ayuu Ilaahay SW dhadhansiiyey hugii cabsida iyo gaajada” hadii ay timaado diin la’aan cabsi, gaajo iyo qaxootinimo way imanayaan. La soco qeyb labaad insha alaah.

 

Mohamoud Ali Walaaleye
Tell. 00-252-63-4001235
Freelance Reporter
http://www.funca.info/
Hargeisa- Somaliland
MaqaalloVideos

Ku foolle: Muwaadiniinta Reer Somaliland gude iyo debed ba.

Casar-dheere wanaagsan, idil ahaantiiba waa Cabdinaasir oo idinka soo bariidinaya Hargeysa. Wanaagsan ammin kasta oo farriintani idin soo gaadho. Dhambaalkani wuxu si gaar ah ugu wajahan yahay dadyowga reer Somaliland ee gudaha dalka jooga iyo kuwa debedda jira ba.

Somaliland xilli aad u xasaasi ah ayay ku jirtaa, degmo aan wanaagsanayn xagga ammaankana waa ku taal. Qaranku waa curdin, saxaafadduna dabarka ayay goosatay xorriyad awgeed. Xilli doorasho ayaan ku jirnaa dadka ololeyaasha siyaasadda hor kacayaa shacabka ma jahayn, ereyo badan oo xanaf leh ayay hawada isku mariyaan. Dadku inta badan ma fahansana waxa aan wada leenahay iyo waxa kala leenahay. Qarannimada waan wada leenahay, dadkuna axsaabta way ku kala jiraan. Ragga hoggaanka ku loolamayaa dhammaantood waa gayaan in ay majaraha dalka qabtaan, dooddooda ugu adagna waa anigaa kaaga habboon dalka iyo mayee anigaa kaaga habboon. Saddexdu ba dalka way u soo shaqeeyeen, hawshoodu haba kala badnaatee.

Arrimahan ayaan qof ahaan ku talin lahaa;
1. Qofku ciddii aragti ahaan xisbi kale taageersan yaanu u arkin cadow iyo qof xun.
2. Ololaha si akhlaaq wanaag iyo dhawrsanaani ku jirto inaan u maamulanaa waa wanaagsan tahay, haweenka iyo dhallinyarta aadka u da’da yar xil gaar ah baa innaga saaran, is dhex galkooda iyo in ay daaqadaha qoorta kala soo baxaan oo dadka caayaan xisbinimada iyo Qarannimada ba uma wanaagsana.
3. Balwadaha yaan axsaabtu dhiiri-gelin oo dad cusub la barin balwada xilliga ololuhu waa xilliga da’ yartu balwadaha ugu badan bartaan.
4. Gadhwadeennada ama hoggaanka xisbiyadu akhlaaq wanaag iyo dhowrsoonaan badan ha muujiyaan sababtoo ah taageereyaashu iyaga ayay eeganayaan.
5. Ammaanka si wada jir ah aan u ilaashanno oo waan ka warqabnaa wixii walaalaheen Koonfurta ku dhacaye aan yar iyo weyn ciidanka la shaqaynno.
6. Wixii wanaagsan ee Somaliland ka dhaca ee dhiiri-gelinaya hannaanka dumuqraadiga ah waa in aan aad u buunbuunninaa oo qofkasta afkii uu ku qori karo ku qoro si wanaagga waddankeena ka jiraa dunida u wada gaadho.
7. Ololuhu waa wakhti kooban oo dhammaan doona dadku yay isku seegin wax aan waxba ahayn.
8. Saxaafaddu doorkan samaha ha ka shaqayso, haddii naxli iyo xumaan la naaxnaaxiyaa wax tarayaan qajeel ayaan ka soo shaqaynay.
9. Tudhaale ayuu waddanku innooga baahan yahay.
10. Waddankeennu dawladaha Africa ugu dumuqraadisan ayuu ka mid yahay, shacabkeennuna waa xor. Taasi ayaa u baahan in aan ku baanno oo dunida gaadhsiino mucaarid iyo muxaafid ba.
11. Wanaagga iyo samaha xisbiga aad taageerto adiga oo aan cid kale ugu sii istaagin ayaad sheegi kartaa.

Anigu Cabdinaasir ahaan, waxa aan ballan qaadayaa in aan intaa ololuhu socdo wanaagga iyo isku soo dhoweynta ka shaqeeyo, Qarankana wax wanaagsan ka gudbiyo qoraal ahaan. Axsaabtu way ii siman yihiin, goortan midna dhalliili maayo, kii wanaag sameeyana waan sheegi doonaa. Muhiimadduna waa Qaranka oo guulaysto.

RABBI GALLADDII

MaqaalloVideos

Maxaa loo dhaariyay weriyeyaasha?

Dooddii xalay (19-10-2017) dhex martay musharraxiinta saddex xisbi qaran ee Somaliland ee u tartamaya madaxtinnimada dalka waxa iiga muuqatay arrin ugub ah oo aanan warbaahinta horay ugu arag hase ahaatee dooddan  aan ku dhex arkay.

Waxa cusub ee iiga muuqday ayaa ah in weriyeyaashii doodda daadihinaayay la dhaariyay si kor loogu qaado kalsoonida dadka doodaya ay ku qabaan suxufiyiinta doodda u qaybin doonna. Taasna waxay u muuqatay mid muujinaysa in weriyeyaasha doodda xidhiidhinaayay aan kalsooni lagu qabin hase ahaatee markii la dhaariyay dhaarta la aamminay ee aan iyaga la aamminsanayn (Wallow iyagu sidii laga doonayay ay u qabteen doodda).

Warbaahintu waxay ku shaqaysaa dhex-dhexaadnimo iyo dheellitirnaan mana jirto adduunka inta ogaalkay ah meel lagu dhaariyo ruux weriye ah oo qaaday masuuliyadda wayn ee weriyenimada. Sharciga saxaafadduna ma qabo in weriyeha la dhaariyo.

Haddaba, maxaa ka dhalan kara arrintan?

Arrintan waxay horseedi kartaa in weriye kasta oo dood u qabanaya dhinacyo iska soo horjeeda la dhaarin doonno taasna waxay ka hor imanaysaa xorriyadda weriyeyaasha iyo warbaahinta.

Kooxda doodda soo qaban-qaabisay dadka uma sheegin sababta keentay in la dhaariyo weriyeyaasha maadaama warbaahinta tiirkeedu koowaad uu yahay runta iyo dhex-dhexaadnimada isla markaana aanay sharci ahayn in weriyaha ka dhaariyo.

Waan u cudur daari karnaa dadka doodda soo qaban-qaabiyay haddii aanay ahayn dad aqoontoodu tahay mid warbaahineed oo waxa la odhan karaa halkaas way il-duufeen.

Ugu dambeyntii, ma dafirayo in dhalinyaro dedaashay iyo dad is xil-qaamay ay qabteen wax wanaagsan oo u baahan ku dayasho haddana maadaama aan ahayn weriye waxa ii cuntami wayday arrintaas gefka ku ah warbaahinta iyo weriyeyaasha waana sababta keentay in aan sheekadan idinla wadaago.

Mahadsanidiin.

 

Khaalid Foodhaadhi
Reporter: Saab TV
Hargeysa, Somaliland.

Khaalidfoodhaadhi@gmail.com

Mobile: +252634012548
Thank you.

1 2
Page 1 of 2