Day Archives: October 19, 2017

VideosWararka

Sool: Madaxweyne Axmed Siilaaanyo Oo Mashaariic La Hirgaliyey Xadhiga Ka Jaray Kuwo Kalana Dhagax Dhigay

“ Sharaf weyn ayey ii tahay in aan maanta halkan imaado oo aan ka soo qayb galo xafladan aynu ku furayno cisbitaalka gobolka Sool iyo dugsiga sare ee Laascaanood ee boodhinka ah.” Madaxweynaha JSL.

Laascaanoood (Waaheen ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo oo hoggaaminayey wefti ballaadhan oo Xukuumadda ka tirsan, ayaa maanta [19/10/2017] xadhiga ka jaray mashaariic horumarineed oo laga hir galiyey gobolka Sool.

Madaxweynaha ayaa furay cisbitaalka guud ee gobolka Sool, oo laga hir-galiyey in ka badan 11 mashruuc, sidoo kalena waxa madaxweynuhu uu xadhiga ka jaray dugsiga sare ee boodhinka Laas-caanood oo isna dib u dhis ballaadhan lagu sameeyey.

Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigiisa oo maanta gaadhay magaalo Madaxda gobolka Sool ee Laascaanood, iyaga oo ka soo safray magaalo madaxda gobolka Saaxil ee Berbera, waxa madaxweynaha iyo weftiisa soo dhawayn ballaadhan ay kala kulmeen dadweynaha Somaliland ee ku dhaqan deegaamada u dhaxeeya goboladaasi.

Weftiga ayaa waxa caleemo qoyan, calanka Somaliland iyo astaanka xisbul xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ku qaabilay dadweynaha degmooyinka  Yagoori iyo Adhi-cadeeyey, iyaga oo Madaxweyne Axmed Madaxweyne Siilaanyo uu dadweynahaasi fagaare kala hadlay ugana mahad-naqay soo dhawaynta diiran ee ay kala kulmeen.

Mashaariicda Madaxweynuhu maanta furay ayaa waxa loo qabtay munaasibad lagu daah-furayey oo ka dhacday xarunta dugsida tababarka Kalkaaliyeyaasha caafimaadka, munaasibadaasi oo ay ka qayb galeen masuuliyiin tiro badan, ayaa waxa ka hadlay Maayarka Laas-caanood Mudane Cabdicasiis Xuseen Taarwale, waxaanu yidhi “Madaxweyne waxaanu ku leenahay ku soo dhawoow degmada Laascaanood, waa nabad, waa barqaaqo,  wax dhibaato ahi kama jiraan, aad iyo aad ayey xaaladu u wacan tahay, Madaxweyne waxaanu kaaga mahad-naqaynaa mudadii aad xilka haysay, waxa ay xukuumadda aad gadhawadeenka ka tahay ay ka hir-galisay, degmadan oo ah 13KM oo wado ah iyo buundo magaalada labadeeda daraf isku xidha, oo markii hore wakhtiga roobka dhibaato badan lagu qabay, wadooyinkaas mid ka mid ahna magaca Madaxweynaha ayaanu u bixin doonaa, guud ahaan gobolka Sool iyo magaalada Laas-caanood waxa ay xukuumaddu ka qabatay maaha wax la qarin karo.”

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale oo ka mid ah madax dhaqameedka gobolka soo waxaanu yidhi “Waxaan halkan ku soo dhawaynayaa ugana mahad celinayaa waxqabadkiisa Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, waxaan leeyahay Madaxweyne waxaad ka tagaysaa dhaxal, taariikh ayaad gashay, dhammaan shacabka gobolkuna waxa ay ku gudoonsiinayaan shahaadooyin, Ingiriiskii iyo maanta gobolka caafimaadkiisa iyo waxbarashadiisa wax waxqabad ah oo u dhaxeeyey ma jiraan, waxaad aad qabatay waxa ay u cad yihiin sida cadeeda.”

Guddoomiyaha gobolka Sool Khayre Dirir ayaa isaguna halkaasi ka hadlay waxaanu yidhi “ Mudane madaxweyne cisbitaalka waxa la dhisay 1946-kii, maanta waxa aynu joognaa 2017-kii, mudada intaa le’eg, waxa aad tahay masuulkii ugu horeeyey ee nasiib u yeesha inuu cibitaalka Laascaanood dib u habayn iyo casriyeyn ku sameeyo, waana abaal aad gashay shacbi weynaha Somaliland gaar ahaana reer Sool. mudane Madaxweyne iskuulka boodhinka waxa la dhisay 1962-kii isna waa markiii ugu horaysay ee dib loo dhiso adiga iyo xisbigaaga KULMIYE waxaad noqoteen cidii u horaysay ee dib u dhis ku samaysa, shacabka reer Laascaanood way ka dharagsan yihiin cidii wax u qabatay, intii aad talada haysay is badal muuqda ayaa gobolkan ka hirgalay.”

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Dr. Salaabaan Ciise Axmed ayaa isna halkaasi ka hadlay waxaanu yidhi “Waxa farxad weyn noo ah in aannu maanta ka soo qayb galno, goob-joogna ka ahaano furitaankii iyo xadhiga ka jaristii cisbitaalka guud ee magaalada Laascaanood oo ah cisbitaal gobol iyo Iskuulkii boodhinka ahaa oo ah dugsi sare, waa laba mashruuc oo waaweyn oo lacag badani ku baxday, barnaamijka la yidhaa SDF ee sanduuqa horumarinta Somaliland ayaa hirgaliyey.”

Gabagabadii munaasibadaasi ayaa waxa ka hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, waxaanu yidhi “ Sharaf weyn ayey ii tahay in aan maanta halkan imaado oo aan ka soo qayb galo xafladan aynu ku furayno cisbitaalka gobolka Sool iyo dugsiga sare ee Laascaanood ee boodhinka ah, in aynu mashaariic waaweyn dalka ka hirgalinaa waa waajib ina saaran, wixii aanu ka qaban karnana waanu ka qabanaynaa, wixii aanu ka qaban karaynayna waanu ka qabanay, Insha Alaahu waxaan  Ilaahay ka rajaynayaa inuu inagu guuleeyo mashaariicdaasi, meel wanaagsan inoo mariyo.” ayuu yidhi Madaxweynaha JSL.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa xarunta cisbitaalka guud ee magaalada Lascaanood barxadiisa hore ka dhagax dhigay riig-biyood wax badan ka tari doona baahida biyood ee cisbitaalka iyo guud ahaan magaalada Laascaanood.

Wararka

DALADA SONSAF OO BILOWDAY TIRADA MURAAQIBIINTA EE KA SHAQAYN DOONA DOORASHADA SOMALILAND

Hargeisa (Waaheen):- Ururka aan dowloliga ahayn ee (Somaliland Non State Actors forum) SONSA ayaa markii ugu horaysay bilaabay tirada uga qayb galintaanta doorasahda fooda inagu soo haysa.

Daladan oo ay hoos yimadaan ururada aan dowliga ahayn ee ka shaqeeya Somaliland ayaa waxa ay wakhtiyadan oo kale ka hawlgalaan sidii ay doorashada dalka ka dhacaysa ulla shaqayn lahayeen

Hada waxa maamahii ugu dambeeya si wayn loogu sii qulqulayay xarunta (Somaliland Non State Actors forum) SONSAF oo bilowday xubanaha ugu qayb galidoona xarumaha ay doorasahdu ka dhici doonto.

isla markaana waxa xafiiska dalada SONSAF la soo xidhiidhay muwaadiniin reer Somaliland ah oo u baahan inay ka mid noqdaan shaqaalaha uga qayb galidoona maalinta doorashada dalka jamuuriyada Somaliland.

Hadaba shuruuadaha looga baahan yahay qofka doonaya inuu ka mid noqdo shaqaalaha daladan maalinta doorashada ayaa waxa looga baahan yahay in uu yahay muwaadin reer Somaliland isla markaana uu sito kaadhka aqoonsiga iyo ka doorashada.

Waxana ay ka reebayaan kaadka doorasahda ama codbixinta oo ay kala hadhayaan ilaa inta doorashadu dhacayso.

Waxana ay cabsi wayn ku abuurtay dhalinyarada iska diwaan galiyay xafiiska dalada (Somaliland Non State Actors forum) SONSAF oo u dhiibay card kooda cod bixinta.

Mana jirto tiro cayiman oo ay dalada sonsaf soo saartay oo sheegaysa tirade rasmiga ah ee ay qaadanayaa shaqooyinka ay u qaban doonaan

Sidoo kale arintani ayaa noqonaysa mid luminaysa xuquuqda muwaadin kastaba uu xaq u leeyahay oo ah in uu wax dooran karo waxna diidi karo islamarkaan aanay cidi ku qasbayn agatidiisa ka wajahan doorasahda.

Arintani ayaa u muuqata mid siyaasadeed isla markaan xidhiid la yeelan karta axsaabta xisbiyada qaranka jamuuriyada Somaliland sida ka muuqadata qorshaha ay ku hagayaan ama ku xulanayaan xubnaha uga qayb galidoona goobaha doorashadu ay ka dhacayso ee dalada SONSAF maamuli doonto.

Kumana jirto shuruudaha looga bahan yahay qofka daladan ka mid noqonaya wakhtiga doorasadaha inay ku qimeeyaan xirfadiisa aqooneed ee uu leeyahay nooc kasta oo ay tahay.

Madaama oo ay doorashadani ay ka duwan tahay doorashooyinkii hore ee dalka ka dhacay waxana doorashadani loo isticmaalayaa nidaamka niknolajiyada casriga ah ee dunidu isticmaasho.

Waana markii ugu horaysay ee dawlada jamuuriyada Somaliland ku gasho doorasho nidaamka computer ada isku xidhan ama wada shaqaynaya si hanaanka cod bixintu u fududaato sidoo kalena ay u yaraato khaladaadka ku yimada codbixiyayaasha doorashada jsl.

Laakiin waxa lagu kala saarayaa degmooyinka ay ka kala yimadeen oo ay ku tixgalinayaa sidii loo kala hor yimiday ama codsiyada loogu kala hor keenay.

Hadaba si aan arintani waxa uga waydiino madax sare ee dalada (Somaliland Non State Actors forum) SONSAF ayaa aanay noo suurto galin madaama oo aan isku daynay inaan la xidhiidhno ama booqano xaruntooda si aan wax uga waydiino.