Rugta Ganacsiga iyo hay’adda SMEF oo Ganacsatada u qabtay Tababar kor loogu qaadayo Aqoonta ay u leeyihiin Dhoofinta Ganacsiyadooda.

0
67

Hargeysa(Waaheen) Rugta ganacsiga Somaliland oo kaashanaysa hay’adda SMEF ayaa maanta magaaladda Hargeysa uga furtay ganacsatada kala duwan ee Dabaqada dhexe iyo Hoose Tababar ku saabsan qaabka ay wax u Dhoofiyaan.

Tababarkan oo socon doona muddo shan cisho ah waxa ka sooq ayb galay ganacsato kala duwan oo ka kala socday goboladda Dalka, isla markaana isugu jiray kuwa wax soo saar iyo kuwa wax dhoofiya.

Madaxa hay’adda SMEF George Wagai oo ka hadlay furitaankii Tababarka ayaa ganacsatada Somaliland ku amaanay qaababka ay u maareeyaan Ganacsigooda, waxaanu sheegay dadka reer Somaliland inay yihiin kuwo ku tiirsan xirfadda ganacsiga.

George, waxa uu ganacsatada u sheegay inay maalin kasta isbedelo ku yimaadaan Nidaamka ganacsiga, sidaas daraadeed loo baahan yahay inay la jaan-qaadaan si aanay u khasaarin ama si ay u horumariyaan ganacsigooda.

Wasiirka wasaaradda Ganacsiga Somaliland Cumar Shuceyb Maxamed, oo furay Tababrka ayaa tilmaamay muhiimadda u tababarkani u leeyahay ganacsatada Somaliland, waxaanu ku booriyey inay ka faa’iidaystaan maadaama Ganacsigu laf-dhabar u yahay dhaqaalaha Somaliland.

Wasiir Cumar Shacayb, waxa uu Ganacsatada kula taliyey in la badiyo wax soo saarka si aynu dunida wax ugu dhoofin karno, isla markaana u heli karno lacago adag oo wax ka qabta Sicirka sarrifka, maadaama Somaliland ay tahay dal inta badan 95% wax la soo daga.

Guddoomiyey ku-xigeenka Rugta Ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid oo ka hadlay ayaa isna sheegay Rugta Ganacsigu inay la kaashatay tababarkan hay’adda SMEF, isla markaana ujeedada ugu weyni tahay sidii ay u horumarin lahaayeen aqoonta gaacsatada Somaliland u leedahay xidhiidhka dibeda, taasoo uu tilmaamay inay wax badan ka tari karto macaamilka ay Somaliland la leedahay ganacsatada kale ee dibeda.

X Aadan Baradho, oo ku hadlay Afka ganacsatada ka soo qayb gashay tababarkan ayaa soo dhaweeyey, waxaanu ku dheeraaday dhibaatadda ganacsatada Somaliland ka haysata wax dhoofinta, isagoo ka dayriyey in uu gaabaabsi yahay Xoolihii aynu ku tiirsanayn ee la dhoofin jiray.

X Aadan waxa uu ganacsatada Somaliland iyo bulshadaba ku dhaliilay wax soo saar la’aanta, isagoo is bar bar dhig ku sameeyey qaabkii ay dadka Somalida ahi barrigii hore wax ula soo bixi jireen ee aanay ugu tiirsanayn wax dibadeed iyo qaabka maanta noloshii ugu xidhnaatay dibed, isagoo sheegay haddaan laga tashan inay iman doonto maalin adag oo ay dunidu inaga xidhanto wax aynu cunnana wayno.

X Aadan waxa kale oo uu ka hadlay baahida loo qabo in la horumariyo Aqoonta ganacsiga oo uu sheegay in loo baahan yahay in tababaro noocan oo kale la badiyo, gaar ahaana kuwa xirfadda wax soo saarka si Ganacsatada Somaliland Suuq gayn uga hei karto Dunida.