Day Archives: October 15, 2017

VideosWararka

Kooxda Alshabaab ee Beeraha Gal-gala oo xalay qabsaday Laasqoray

Laasqoray(Waaheen) Kooxda Alshabaab ee fadhigeedu yahay Buuraha Galgala ayaa xalay soo galay gudaha magaaladda Laasqoray, halkaas oo ay muddo badan ku sugnaayeen, balse markii danbe ay isaga baxeen.

Alshabaab ayaa la sheegay inay Lug ku soo galeen, iyadoo tirade ciidankooda lagu sheegay inay gaadhayeen Boqol dagaalyahan.

Kooxda soo gashay Laasqoray ayaa lagu soo waramayaa inay u khudbadeeyeen dadka magaaladda kadib na ay dib ugu noqdeen halkii ay ka yimaadeen.

Wararka qaar ayaa sheegaya inay ka taageen magaaladda Laasqoray Calanka kooxdaasi isla markaana ay si nabadgelyo ah uga baxeen.

VideosWararka

Murrashax Muuse Biixi Cabdi oo Sharraxay Himilada KULMIYE iyo Kaalinta Dhallinyarada ee Horumarka dalka

“Dhalinyarada aqoonta leh xilka saarani waxa weeye  in ay qaataan halku dhiga ah dalkayga maxaan u qabtaa”

 

Hargeysa (Waaheen )- Guddoomiyaha KULMIYE , ahna Murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa sharaxaad ka bixiyay hadafka siyaasadeed ee xisbiga oo uu ku tilmaamay himilo ay ku dhererantahay midnimada qaranka iyo Somaliland oo ka mid noqota dalalka aqoonsiga haysta ee adduunka.

Murrashax Muuse Biixi waxa uu sheegay in Somaliland ay u baahan tahay dhalinyarada aqoonyahanka ah ee ka soo baxay jaamacadaha dalka inay naftooda u huraan qaranka, waxaanu u soo jeediyay in ay fekerkooda iyo aqoontooda ugu midoobaan sidii ay waddanka ugu horumarin lahaayeen.

Guddoomiyuhu waxa uu sidaasi ka sheegay xaflad xisbiga KULMIYE ku soo dhaweeyey dhallinyaro aqoonyahan ah oo ku soo biiray xalay, waxaannu siiyey dardaaran culus oo la xidhiidha horumarinta qaranka Somaliland.

“Waxaynu doonaynaa in aynu hadafkeena isla helno, innagu ka KULMIYE ahaan waxaynu u soconaa waa in aynu qarankeena dhisno, waxaynu u soconaa oo ay himiladeenu ku dhererantahay in aynu gaadhsiino qaranka Somaliland oo adduunku ictiraafo oo aynu ka mid noqono adduunka iyo dawladaha jira iyo in aynu iska reebno oo aynu meel cad ku soo kala hadhno innaga iyo qolyaha Muqdisho ee innaga daba qaylinaya wax ka badan labaatan sanno,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata intaa raaciyey, “Waxa inoo ballan ah in aynu hadafkeena midayno oo dhammaan Somaliland ay noqoto dal wadashaqaysta, is ogol, dalka wada leh, meel u wada jeeda oo lagu dhaato Somaliland ee aan lagu dhaadan reer hebel ama qabiil.”

Murrashax Muuse Biixi waxa uu ka hadlay waajibaadka horyaala dhallinyarada iyo waayeelka reer Somalilnad, waxaannu yidhi “Dhallinyarada xil baa saaran, waayeelkana xil baa saaran, dadka waaweyn xil baa saaran oo waxa weeye dhalinyarada in ay u sheegaan waayihii ay soo mareen iyo khaladaadkii ay soo galeen, si ay uga baydhaan, talo ahaana ay u tilmaamaan halka ay danta qaranku ku jirto. Dhalinyaradana xilka saarani waxa weeye  in ay qaataan halku dhigii ninkii Maraykanka ahaa ee  John F. Kennedy oo ah dalkayga maxaan u qabtaa ee aanad ka bilaabin dalkaygu muxuu ii qabanayaa.”

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE waxa uu sheegay in dalka Somaliland u baahanyahay dhallinyarada aqoonyahanka ah oo dalkooda nafta u hura, isagoo arrintaasi ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Dalkeenu wuxuu u baahanyahay aqoonyahan nafta u hura oo aqoonta uu gaarka u leeyahay dalka wax ugu qabta, Jaamacadaha Somaliland gudaheeda ah waxa ugu badan ee lagu barto waxa ka mid ah dhaqaalaha iyo IT-ga, waxaynu u baahanahay dhalinyarada dhaqaalaha taqaana oo ka talo bixisa oo barnaamijyo ku soo bandhigta xaalada dalku ku sugan yahay iyo sidii uu dalku uga bixi lahaa saboolnimada ee uu horumar dhaqaale u gaadhi lahaa. Aqoontaa lagama rabo Suldaanka iyo Caaqilka, waxa laga rabaa aqoonyahanka dhaqaalaha bartay, maaha shaqo ayaa la isiinwaayay oo waan niyad jabayaa, dabadeedna nafta ayaan haligayaa, dhallinyarada loogama baahna, laakiin waxa looga baahanyahay in ay maskaxda tuujiyaan oo ay isu tagaan oo ay keenaan afkaartii dalka lagu horumarin lahaa. Dhalinyarada waxa saaran xilkaas oo ay muruqooda iyo maskaxdooda u huraan dalka.”

Ugu dambayntii,  waxa uu tilmaamay in Somaliland ay horumar ku gaadhi karto dhalinyarada aqoonyahanka ah ee ka soo baxday jaamacadaha dalka oo soo bandhiga afkaar aqoontooda ku dhisan, “Dhallinyarada aqoonyahanka ah ee Jaamacadaha ka soo baxay ee niyad-jabsan, hadday shaydaanka iska naaraan, is urursadaan oo ay xoog noqdaan, dhibaatooyin badan oo jira ayey wax ka qaban kari lahaayeen, cusbitaalka ayey wax ka qaban lahaayeen, dadka ayey isku xidhi lahaayeen, dhallinyarada waxaan leeyahay xilku idinka ayuu idin saaraan yahay,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi Cabdi.

VideosWararka

Magacaabista Guddida Ololaha Gobolka Sanaag ee Xisbiga KULMIYE

Ujeeddo: Magacaabista Guddida Ololaha Gobolka Sanaag ee Xisbiga KULMIYE.

 

Kadib markii aan arkay muhiimadda Guddiyadda Ololaha Gobolladu u leeyihiin habsami-u-socodka iyo hufnaanta maamulka ololaha doorashada ee Xisbiga KULMIYE, waxa loo magacaabay in xubnaha hoos ku qoran ay noqdaan Guddida Ololaha Gobolka Sanaag ee Xisbiga KULMIYE, laga bilaabo maanta oo ay bishu tahay 14 October, 2017. Gobollada dhiman waxa la soo magacaabi doonaa dhawaan.

 

 

Gobolka Sanaag:

 

1.     Ibraahim Carraale Cabdi -Guddoomiye

2.     Cali Baashe Xaaji Maxamuud Shire –Guddoomiye Ku Xigeen

3.     Yuusuf Xasan Faarax

4.     Ibraahim Axmed Maxamuud

5.     Maxamuud Raage Ibraahim

6.     Ilhaan Maxamed Jaamac

7.     Siciid Xusseen Axmed –

8.     Maxamed Yuusuf Rooble

9.     Maxamuud Saalax Cabdi

10.  Maxamed Khaaliif Nuur

11.  Siciid Maxamed Ismaaciil Khaliil

12.  Mustafe Cumar Faarax

 

13.  Maxamed Iidle Cabdulle

14.  Maxamuud Axmed Saalax

15.  Cabdirisaaq Maxamed Cali

16.  Siciid Yaasiin Maxamed

17.  Aamina Cali Yuusuf

18.  Khadiija Maxamuud Yuusuf

19.  Xaliimo Cumar Cali Dheere

20.  Saynab Cali Shire

21.  Dr. Maxamed Axmed Cabdi

22.  Suleymaan Cawad Bukhaari

23.  Khadar Cali Xasan

24.  Kaltuun Khaliif Dubbe

25.  Siciid Maxamed Cismaan

 

 

 Fiiro – gaar ah:  Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee Gobol kasta, waxa uu noqonayaa Xoghayaha Guddida Ololaha ee isla Gobolkaa.

 

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

 

______________________________________________

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE

Email: kulmiyepartychairman@gmail.com