Day Archives: October 14, 2017

Radio Waaheen

Cuntooyinka Sababa Cudurka Kansarka Ee ay Tahay Inaad Ka Fogaato

Kansarku waa kelmad balaadhan oo loo isticmaalo noocyo badan oo cudurro ah kuwaas oo la xidhiidha unugyo ka mid ah jidhka oo u kora ama u waynaada si xadka ka baxsan, kobcintan ama waynaantan xad dhaafka ah ee unugyadu waxay awood u leedahay inay qabsato ama ay ku baahdo qaybaha kale ee jidhka, waa jira in ka badan 200 oo nooc oo kansar ah oo kala duwan.

Cudurkaan kansarku Allaha inaga hayee wuxuu sanad walba sababaa dhimasho aad u badan malaayiin qof ayaa sanad walba la daweeyaa noocyada kala duwan ee kansarka sida kansarka naasaha, maqaarka, afka, mindhicirrada,  kaadi haysta iyo kansarro kaloo badan.

Calaamadaha lagu garto cudurkaan kansarka waxaa ka mid ah burooyin waa wayn oo cusub oo qofka oo qofka kasoo baxa, dhiig bax aan caadi ahayn, miisaanka qofka oo si bilaa sabab ah hoos ugu dhaca, daal, abateetka oo yaraada, neefta oo qofka ku adkaata, iyo qufac. Inkastoo calaamahaan ay sheegi karaan cudurka kansarka waxay kaloo ay u dhici karaan sababo kale.

Waxaad samayn kartaa tallooyin aad uga hortagi karto cudurka kansarka sida inaad joojiso cabbista sigaarka, inaad ilaaliso miisaanka jidhkaaga, inaad hoos iskaga dhigto welwelka iyo stress-ka badan, hurdo kugu filan oo aad seexato iyo in sidoo kale hab nololeedkaaga ka dhigto mid firfircoon, intaa waxaa dheer inaad cunto cunno caafimaad qabta aad iyo aad ayay muhiim u tahay sidoo kale waa inaad waxyaabaha aad cunto ka saartaa cuntooyinka sababa cudurka kansarka.

Hadalka oo kooban waa kuwaan cuntooyinka sababa cudurka kansarka ee ay tahay inaad ka fogaato:

Radio Waaheen

Raila: “Kenya nabad kama dhici doonto inta doorashada lagu shubanayo”

Hoggaamiyaha mucaaradka ee kenya, Raila Odinga ayaa difaacay go’aankii uu uga baxay tartanka doorashada madaxtinimada.

Raila oo wareysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in uusan doonayn ka qeybgalka doorasho “hannaankeeda lagu sii go’aamiyay ciidda guuleysanaysa”.

Wuxuu intaa ku daray “in aysan Kenya nabad ka sii jiri karin inta ku shubashada doorashada ay socoto.”

Taageerayaashiisa ayaa weli wado dibadbaxyo ay ka dhigayaan Nairobi iyo galbeedka Kenya, ayagoo diidan go’aan lagu mamnuucay isu soo baxyada.

Wararka ka imaanaya dhanka galbeedka Kenya waxay sheegayaan in booliska ay toogteen laba qof oo ka mid ahaa dibadbaxayaasha.

 

Mucaaradka Kenya waxay dalbanayaan in isbedel lagu sameeyo guddiga doorashada oo ay ku eedeynayaan in ay masuul ka ahaayeen qaladkii ka dhacay doorashadii August.

Doorashadaas waxaa wax kama jiraan ku tilmaamtay maxkamadda sare oo sheegtay in qaladaad la sameeyay markii tirinta ay billaabatay.

Raila ayaana hadda diiday in uu ka qeybgalo midda ku celiska ah. taageerayaashiisa ayuu u sheegay in ay dibadbaxaan illaa shaqada laga joojinayo xubno ka mid ah guddiga.

Madaxweyne Kenyatta iyo guddiga doorashada ayaa sheegay in codeynta u dhicidoonto sidii loo qorsheeyay oo ah 26-ka bishan.

Radio Waaheen

Canada oo joojisay su’aalaha xijaabka ee Qaxootiga la waydiiyo

Canada ayaa joojisay isticmaalka warqad ay ku qoran yihiin su’aalo u muuqda in si gaar ah loo waydiiyo muslimiinta tahriibayaasha ah ee dalkaasi galaya.

Waxaa la adeegsan jiray warqad su’aalo adag lagu waydiinayo dadka megengelyo doonka ah ee xuduudda Quebec ka qalaya Canada.

Qaxootiga su’aalahaa la waydiiyo waxay badankooda ka tagaan Mareykanka si ay deganaansho uga helaan Canada.

Waaxda ilaalinta arrimaha bulshada ee Canada ayaa sheegtay in su’aalaha ay yihiin “kuwo aan haboonayn oo khilaafsan shuruucda dowladda”.

In ka badan 13,000 oo qof oo qaxooti ah ayaa si sharcidaro ah ku galay Canada, tan iyo bishii January ee sanadkan, kuwaa oo ka tallaabay xuduudda Quebec.

Qareen u dooda arrimaha qaxootiga, Clifford McCarten, ayaa BBC-da siiyay nuqul ka mid ah warqadda su’aalaha ay ku qoran yihiin.

Su’aalaha qaar waa kuwo aan dhib lahayn oo la xiriira, dalka uu qofka ka soo jeedo, xaaladda caafimaad iyo in saxiib uu ku leeyahay Mareykanka ama Canada.

 

Balse su’aalaha qaar ayaa dhigaya in qofka uu sheego aragtida uu ka haysto ururka la baxay dowladda Islaamka iyo Taliban, iyo fikradda uu ka qabo dumarka aan xirnayn xijaabka ama aan timahooda dadin.

Sidoo kale qofka qaxootiga ah waxaa la waydiinayaa in uu xiriir la leeyahay urur Islaami ah ama xisbi siyaasadeed.

Qofka megengelyo doonka ah waxaa kaloo la su’aalaa in uu ku dhaqmo diintiisa iyo sida joogtada ah ee uu ugu dhaqmo. Aragtida qofka ee xuriyadda diinta iyo sinnaanta dumarka iyo ragga, qayb ayey ka ahaayeen su’alaha.

Afhayeen u hadlay laanta arrimaha bulshada ee federaalka, Ralph Goodale, ayaa sheegay in “isla markiiba ay ka walaaceen warqadaha” ka dib markii ay ogaadeen arrinta, ayna la xiriireen ciidamada xuduudda si loo joojiyo.

Su’aalaha noocaas ah waxaa lagu adeegsanayay xuduudda Quebec oo keli ah. Jawaabaha ay bixiyaan dadka waxaa lagu keydiyaa faylashada booliska qaran.

VideosWararka

Macluumaadka difaaca Australia oo “la xaday”

Macluumaad xasaasi ah oo ku saabsan hannaanka difaaca ee Australia ayaa si aan kala sooc lahayn loo xaday, ka dib markii burcadda internet-ka ay jabsadeen qalabka.

Qiyaastii akhbaar gaaraysa illaa 30GB ayaa laga xaday shirkad dowladda la shaqeyso. Waxaa la xaday macluumaadka diyaarado dagaal oo cusub iyo maraakiibka dagaalka.

Macluumaadka waxay ahaayeen kuwo xasaasi ah oo aan la kala soocin, sida dowladda sheegtay. Lama oga in dowlad un ay qeyb ka tahay dullaanka internet-ka ee lagu qaaday Australia.

Saraakiisha amniga internet-ka Australia ayaa weerarka ugu magacdaray “Alf”, oo ah qof jilaa ah oo qeyb ka ah barnaamij Saabuun oo TV ka baxayay.

Weerarka wuxuu bilowday bishii July ee sanadkii la soo dhaafay, laakiin dowladda Australia waxay ogaatay bishii November ee 2016-kii.

Burcadda weerarka qaaday illaa iyo hadda lama garanayo.

“Wuxuu noqon karaa mid ka mid ah burcadda internet-ka ee kala duwan,” ayuu yiri wasiirka difaaca Australia Christopher Pyne oo la hadlay TV-ga ABC.

“Wuxuu noqon karaa dal ama burcad aan dal ku xirneyn. Wuxuu noqon karaa qof u shaqeeya shirkado kale.”

Mr Pyne wuxuu tilmaamay in xatooyada aysan halis ku ahayn amniga Australia.

VideosWararka

6-dii dal ee saxiixday heshiiskii Nukliyeerka Iiraan oo Trump ka soo horjeestay

Dhammaan lixdii dal ee kale ee saxiixay heshiiska nukliyeerka ee Iiraan ayaa sheegay inay ka go’an tahay meelmarinta heshiiskaas, walow uu Madaxweyne Trump sheegay inuusan qadarin doonin heshiiskaasi.

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in uu diyaar u yahay inuu hakiyo dhaqangalka ka mid ahaanshihii Mareykanka ee heshiiska Nukliyeerka ee Iiraan, taas oo horseedday cambaarayn ka timid quwadaha kale ee caalamka ee heshiiskaasi saxiixay.

Madaxweynaha Mareykanka Donald TrumpLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionMadaxweynaha Mareykanka Donald Trump

Trump ayaa sheegay in Tehraan ay dhowr jeer ku xadgudubtay heshiiskii 2015-kii ee lagu xakamaynayay barnaamijkeeda Nukliyeerka.

Waxa uu sheegay inuusan heshiiska durbadiiba meesha ka saarayn balse uu kala saqeyn doono Congress-ka in dib u habeyn lagu sameeyo khaladaadka heshiiskaasi ku jira.

Madaxweynaha Iiraan, Xasan Ruuxaani, ayaa su’aal galiyay in Madaxweyne Trump ay u suuroobayso inuu kaligii uu meesha ka saaro heshiis Tehraan aanay la saxiixan Mareykanka oo kaliya balse ay qeyb ka ahaayeen Britain, Ruushka, Faransiiska, Shiinaha iyo Jarmalka.

Madaxweynaha Iiraan, Xasan RuuxaaniLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionMadaxweynaha Iiraan, Xasan Ruuxaani

Madaxa siyaasadda dibadda ee Midowga Yurub, Federica Mogherini, ayaa sheegtay in soo afjaridda heshiiskan aanay hal madaxweyne gacanta ugu jirin.

Ruushka ayaa ku dhaleeceeyay Madaxweynaha Mareykanka inuu adeegsanayo hadallo daandaansi iyo cabsigelin ah.

Israa’iil iyo Sacuudi Carabiya oo labaduba ay Iiran cadaw u tahay ayaa ammaanay go’aanka Madaxweyne Trump.

VideosWararka

Xarunta Baaralaamka Somaliland Oo Xoghayaha Golaha Wakiiladu Ka Mamnuucay Inay Warbaahintu Gasho

Hargeysa(Waaheen )Xarunta Labada gole qaran waa wakiilada iyo guurtida ee oo mudooyinkii u danbeeyey warbaahintu adkayd in ay gasho taasi oo uu amarka ay warbaahintu dibad jooga kaga tahay uu bixiyey xoghayaha golaha wakiilada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle hadaba waxaanu idiin soo bandhigaynaa muxuu sharciga saxaafadu ka qabaa goob noocani ah in warbaahinta laga mamnuuco iyo siday tahay wada shaqaynta qalafsan ee uu la soo baxay xoghayaha golaha wakiiladu.

Xeerka Saxaafadda(Xeer No. 27/2004) Qodobka 30aadWaajibinta la shaqaynta saxaafadda Waxa uu dhigayaa  (‘’Saraakiisha Dawladda waxa waajib ku ah, inay la shaqeeyaan oo gacan siiyaan saxaafadda, si ay hore ugu mariyaan mabaadiida sheegaysa xaqa dadweynuhu u leeyahay  warhelidda’’). Geesta Kale Xubinta  III  XUQUUQDA HELITAANKA WARARKA Qodobka 8aad Awooda Helitaanka & Fidinta Wararka waxa uu dhigayaa (‘’  Suxufigu wuxuu xaq u leeyahay inuu dawladda ka helo wixii dhokomenti ah ee la xidhiidha hawlihiisa’’).

  Dhamaan qodobadaasi kor ku xusan waa kuwo xaq u siinaya in uu suxufigu helo war si uu u gudbiyo geesta kale xarunta Baarlamaanka oo ay joogaan 164(Boqol Lixdan iyo afar) xildhibaan oo ay soo doorteen bulashadu kuwaasi oo iskugu jira Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtida kuwaasi oo dhamaan tood ah sameeyayaal wareed oo matala bulshadii laga soo doortay waxa soo baxaysa in uu xoghayaha goluhu muquuninayo in bulshadu la socoto xildhibanadii soo doortay.

 Tan iyo wakhtigii la doortay Gudoomiyaha cusub ee Golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax waxa muuqata in ay is badashay hanaanka iyo hawlaha ka socoda golaha Baaralaamka gaar ahaan golaha wakiilada, wakhtigii la dooranayey gudoomiye ku xigeenka kowaad oo dhamaan saxaafadu kala kulantay tacadiyo badan askarta golaha iyo maamulka golaha wakiilada hadaana waxaan wax weyn iska badalin in la fuliyo awaamiir uu sheegay gudoomiyaha cusub ee golaha wakiiladu oo sheegay in warbaahintu sidii caadiga ahayd u soo gali doonto golaha.

 

VideosWararka

Deg Deg: Arday lagu laayay iskuul ku yaal Kenya

Shan arday iyo nin waardiye ah ayaa toogasho lagu dilay iskuul ku yaal meel u dhaw xadka Kenya ay la wadaagto South Sudan.

Warbaahinta maxalliga ah ee Kenya ayaa ku warramaysa in weerrarka ardayda iyo ninkaas lagu dilay uu dhacay arooryadii hore ee saaka.

Ma ay cadda cidda weerrarkan ka dambaysay iyo sababtaba.

Maqaallo

Jeegaantu Waa Gunnimo Siyaasadeed Iyo Gumaysi Cusub.

Siyaasada jeegaantu waxay  xalaal tahay  marka ay laba siyaasi oo kasoo kala jeeda laba beelood oo deegaan ahaan kala fogi ay  isku bahaystaan dano siyaasdeed oo ka dhaxayn kara labadooda  beelood. Laakinse jeegaantu waxay xaaraan  noqonaysaa marka ay laba Madax-dhaqameed  oo deegaan ahaan kala fogi ay isku gacan qaadaan xulafaysi  siyaasdeed oo ku lidi ah beelaha kale ee la deegaanka ah.
  Tusaale ahaan, Jeegaantii USP ee ay wada  dhiseen  Garaad Cali Garaad Jaamc iyo Xaaji Ibrahim Nuur ee  1958, waxay ahayd xulafaysi siyaasadeed oo xalaal ah “ legitimate “ . Waxay iska kaashadeen beelaha Isaaq oo isku bahaystay labadii xisbi ee SNL iyo NUF.  Ujeedada hagaagsan  ee USP waxay ahayd la-dagaalanka gumaysigii  Ingriiska. Markii danbe waxay la bahoobeen SNL  oo ay isku hadaf ahaayeen, waxaana loo bixiyay SNL/USP. Waxay si  wadajir ah  ugu guulaysteen  xoraynta Somaliland.
Jeegaanta  cusub ee  ka hilaacday  Somaliland ee labada Madax-dhaqameed isku gacan qaadeen Burco   Oktoober 8th  waxa lagu tilmaami  karaa Gunnimo Siyaasadeed, waxaanay dhali kartaa  Gumaysi-cusub haddii ay beelaha kale aqbalaan. Jeegaanta Cusubi  waxay lidi ku tahay  distoorka Somaliland, waxay dhawacaysa hanaankii dimuqraadiyda , wada tashigii ummadda, wada nolaanshahi bulshada, wadajirkii shacabka iyo jiritaankii  qaranimadda Somaliland. Waxa soo abaabulay  Xisbigga Kulmiye  waxaana maal geliyay ganacsato waawayn . Shacbiga Somaliland, waa shacbi xoolo-dhaqata oo dhaqankoodu ku salaysanyahay  dimuqraadiyad “ Pastoral democracy “. Waa shacab aan weli kala adkaan oo aan is-gumaysan, mana dhici karto in maanta lays muquuniyo.
 Wuxuu yidhi Saahid Qamaan :
Rag waxaan ku maamuli aqaan  ama  ku maamuusi,
Masaa in aanu nahay oy tolnimo meerto noo tahaye,
Masallaha ninkaan ii dhigayn midig ma taabsiyo,
Ninkii  aniga iga maarmi kara uma muraad yeesho,
Walee Sidii koran xiniiyaha la muday uma maluugnaado.
Qalinka :Drs Hoodo Yusuf, London,UK.
yhoodo@yahoo.com
VideosWararka

Culimo awdiinka Hargeisa oo khudbadii Jimcaha kaga Hadlay Doorashooyinka

Hargeysa (Waaheen) :- Somaliland waxa dhawaan looga dareeri doonaa Doorashadda Madaxtooyadda Somaliland, taas oo ay ku tartami doonaan Murashaxiinta Xisbiyadda Waddani, Kulmiye iyo UCID.

Doorashaddan oo si weyn isha loogu hayo isla markaana ay ku gedaaman tahay Cabsi laga dareemay dhaqdhaqaaqyadda siyaasadeed ee Saddexdan Xisbi, ayaa haddana waxa barbar socota soo shaac baxa qabyaaladda Iyada oo fagaareyaasha kala duwan la isku weydaarsanayo tar sheegasho.

 

 

baraha ay bulshadu ku kulanto, fagaareyaasha siyaasadeed iyo magaalooyinka waaweyn ee dalka ayaa si weyn looga dareemayaa qaawanaanta qabyaaladda oo la soo baxday uun doorashooyinkan 2017-ka.

madax dhaqameedka Murashaxiinta ku loolamaya kursiga madaxtooyadda ayaa noqday kuwo si qaawan ugu ololaynaya murashaxiinta soo bandhigay barnaamijkooda siyaasadeed iyada oo ay ahayd in ay iib geeyaan barnaamijyadooda siyaasadeed.

hadaba iyada oo ay maanta ahayd maalin jimce ah ayaa qaar ka mid ah culimaa’udiinka Magaaladda Hargeysa waxa ay si weyn uga hadleen dhibaatadda ay keeni karto qabyaaladdu.

waxa ay si toos ah u soo qaateen murashaxiinta loomaya qaarkood oo ay madax dhaqameedkoodu ololaha uga horeeyeen axsaabta siyaasadda kuwaas oo la baadi doonaya kursiga ugu sareeya dalka sidii ugu fadhiisan lahaa markan murashaxa la reerka ahi.

waxa ay culimaddu baaq u direen bulshadda oo ay fareen in ay dhagaha ka furaystaan baaqyadda qabyaaladaysan ee ka soo burqanaya madaxda kala duwan ee siyaasadda iyo madax dhaqameedka.

1 2
Page 1 of 2