Murashaxa Xisbiga WADDANI oo la kulmay Raysal Wasaaraaha Dalka Itoobiya..

Murashaxa Xisbiga WADDANI oo la kulmay Raysal Wasaaraaha Dalka Itoobiya..

Addis ababa(Waaheen) Musharaxa Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa la kulmay Raysal Wasaaraha Dalka Itoobiya, kaasoo uu ka helay Martiqaad rasmi ah.

Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani ayaa kulankaas masuuliyiinta Wadani iyo Raysal Wasaaraha ka soo saaray war-saxaafadeedkan:-

Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo socdaal ku tagay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa shalay kulan la yeeshay Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn Iyo Wasiirka Arimaha Dibada dalkaasi Dr Workneh Gebeyehu.
Weftiga Gudoomiyaha Xisbiga Waddani, ahna Murashaxa Madaxweyne ee xisbigaasi ayaa markii uu ka soo dagay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Addis Ababa si Baratakool sare ah lagu soo dhaweeyey weftiga.
Waxaanu ugu horayn Weftiga Murashax Cabdiraxmaan Ciro uu kulan la yeesheen Wasiirka Arimaha Dibada Ethiopia Dr Workneh Gebeyehu, kulankaasi oo labada dhinac ay kaga wada-hadleen xidhiidhka saaxiibtinimo ee labada dal ee Somaliland iyo Ethiopia, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka caalamiga ah ee diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya labada dal loona sii xoojin lahaa.
Sidoo kale Weftiga Murashax xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa kulan ay ku wehelinayeen Hogaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, Xoghayaha Arimaha Dibada ee Xisbiga Waddani Dr Maxamed Cismaan Fadal, Wasiirkii hore ee arimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Xoghayaha Murashaxa Baashe, waxay Xafiiskiisa kulan kula qaateen Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn.
Waxaana kulankaasi oo saacado qaatay qodobadii ay kaga wadahadleen labada dhinac ugu muhiimsanaa;-
• Sii xoojinta iyo kor u qaadka xidhiidhka labada Waddan ee Somaliland iyo Itoobiya.
• Sii xoojinta iyo fududuaynta isku socodka Ganacsiga labada dal.
• Sidii labada dal ay u sii adkayn lahaayeen amaanka iyo nabadgalyada.

 

 

 

 

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Madaxweynaha Somaliland Oo Shacbiga Burco Kala Qaybgalay Isu-soo Baxa Ololaha Doorashada Madaxtooyada Dardaaran Dhaxal-gal Ahna U Laqimay Kumanaan Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye Ka Mid Ah
KULMIYE oo Maalinta Koowaad ee Ololihiisa Doorashada Ku Daah-furay Mawjado Isu Soo Baxyo ah
Dowladda federaalka oo shir isugu yeedhay Madaxda maamul goboleedyada
Dhismaha Jidka Hormarra Cusbitaalka Adna oo Hakad Ku Yimid Iyo Dawladda Hoose oo aan Wax Tafaasiil ah Ka Bixinin
Madaxweynaha Somaliland oo ka qaybgalay Xaflada Qalin-jebinta Jaamacada Golis Fara-ceeda Burco Xadhigana ka Jaray Dhismaha Miiska Saraakiisha ee Ciidanka Qaranka Togdheer
TACSI:-Murashax Cirro oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Ku Timi Marxuum/Xildhibbaan Xasan Cawaale
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.