Arrimaha BulshadaVideosWararka

Guddoomiyaha Guurtidda oo bulshada ugu baaqay inay Nabadgelyo ku Codeeyaan

Guddoomiyaha Guurtidda oo bulshada ugu baaqay inay Nabadgelyo ku Codeeyaan

 

“Natiijada Doorashada Saddex Musharax Nina Laga Bari Maayo “ Saleebaan

Hargeysa(Waaheen) Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Somaliland ayaa ka hadlay qaabka ugu haboon ee lagaga bixi karo Doorashada Madaxtinada, waxaanu dadweynaha iyo Siyaasiyiintaba ugu baaqay in la ilaaliyo Nabadgelyadda iyo Nidaama Dooashada

Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay in sadexda murashax midna laga baryeyn inay ku qancaan natiijada ka soo baxda doorashada.

Guddoomiyaha ayaa sidan ku sheegay wareysi uu siiyey Bulsho Tv ayaa bulshada ugu baaqay in nabadgalyo lagu galo doorashada.

Gudoomiyaha oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Aynu nabadgalyo ku galno doorashada oo yaanay xisaabi ina hor ordin codkana aynu cod xalaala bixino oo nin walawba ninkaad doonto u codee”

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Natiijada waa inay aqbalaan oo ka baryi mayno”.

Waaheen Media
the authorWaaheen Media