Guddida Cadaaladda oo shaqada ka Eriday Garsoorayaal iyo Xeer ilaaliyayaal

0
44

 

Waxa ku jira kuwii lagu Eedeeyey inay siyaasadda ku milmeen

Hargeysa(Waaheen) Guddida Baadhida iyo Kormeerka ee ka tirsan guddida Cadaaladda Somaliland ayaa goboladda ku soo maray Kormeer ay ku samaynayeen cabashada Dadweynaha ee Dalka, waxaanay ku soo oogaadeen warbixin dhamaystiran oo saamaysay Garsoorayaal iyo Xeer ilaaliyayaal.

Guddida Cadaaladdaa ayaa warbixinta guddidaas iyadoo tixraacaysa waxay shaqadii cadaaladda ka Eriday Saddex Garsoore iyo Hal xeer ilaaliye, kuwaas oo ay qaarkood ka mid ahaayeen kuwo loo soo jeediyey inay ku milmeen Siyaasadda iyo Ololaha Xisbiyadda.

Halka Guddida Cadaaladdu Isku bedel ku samaysay Afar Xeer ilaaliye iyo laba Garsoore, kuwaas oo ay guddida Dabagalka iyo Kormeerku ku soo ogaatay cabashooyin laga muujiyey hawl maalmeedkooda shaqo.

Sidoo kale, Guddida Cadaaladda Somaliland waxa ay Digniin ujeedisay Hal Garsoore iyo Hal Xeer ilaaliye, kuwaas oo qayb ka noqday Xisbiyadda Siyaasadda, Digniintaas oo ah mid kama danbays ah.

Talaabadda guddida Cadaaladda ayaa noqonaysa tii ugu horaysay ee laga qaado shaqaalaha Dawladda eek u milma Axsaabta Siyaasadda.

Erigan, Isku shaandhayntan iyo Digniinahan Guddida Cadaaladda ayaa saamaysay inta badan garsoorayaal iyo Xeer ilaaliyaal ka hawl gala Goboladda Dalka.