Daawo: Xildhibaan Nacnac Oo Iminka Iska Casilay Kulmiye Kuna Biiray Waddani

0
190

Hargeysa(Waaheen) Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada isla markaana ahaa tiir dhexaadka xisbiga Kulmiye ilaa markii la aas aasay waxaa uu maanta si rasmi ah u shaaciyey in gabi ahaanba uu xisbigaasi macaa salaameeyey.

Xildhibaan oo qaar ka mid ah warbaahinta kula Hadley wadada Baligubadle waxaa uu faah faahiyey sababta uu Kulmiye iskaga tagay , waxaana uu carabka ku dhuftey In musharaxa madaxweyne ee xisbigaasi Muuse Biixi uu kula coloobey waxaad saxiib la tahay madaxweyne Siilanyo . Sidoo kale xildhibaanka ayaa si rasmi ah u shaaciyey in uu ku biiray xisbiga Waddani oo uu ku sifeeyey in danta Somaliland ku ku jirto , waxaana uu isbarbar dhig ku sameeyey Musharaxiinta Cabdiraxmaan Ciro iyo Muuse Biixi oo uu ku kala sifeeyey in Dhulka iyo cirku inta ay isku jiraan ay isku jiraan