Murashax Cirro oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Ku Timi  Taageerayaal Ka Tirsan Xisbiga WADDANI oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday

0
201

Murashaxa Madaxweynaha xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo ku hadlaaya magaciisa, ka hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada haweenka iyo dhallinyarta iyo weli ba taageerayaasha Xisbiga WADDANI, ayaa waxa uu shacabka Somaliland ka tacsiyadeynayaa geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Alle ha u naxariistee saddex dhallinyar ah oo ka mid ahaa taageerayaasha Xisbiga WADDANI oo dhawaan shil baabuur ugu geeriyooday jidka u dhaxeeya Sheekh iyo magaalada Burco.

Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), waxa sida oo kale uu tacsi taas la mid ah gaadhsiinayaa ehelkii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ay ka baxeen Marxuumiintaasi isaga oo tilmamay in ay ka mid ahaayeen taageerayaasha Xisbiga WADDANI sida oo kale na ay ahaayeen dad aad u wanaagsan oo dhallinyaro ah.

Guddoomiye Cirro, wuxu Marxuumiintaas Alle uga baryeyaa in uu godka u nuuriyo sida oo kale na uu ka waraabiyo naxariistiisii jannatul Fardowsa, Ehelkii, qaraabaddii iyo asxaabtii ay ka baxeen uu Eebe Samir iyo iimaan ka siiyo.  Amiin Amiin

 

INNAA-LILLAAHI WA-INNA ILEYHI RAAJICUUN

Waaxda Warfaafinta Xisbiga WADDANI

Hargeysa, Somaliland