Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo magacaabay guddida Ololaha Xisbiga Kulmiye ee Gabilay

0
250

Hargeysa(Waaheen) Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa magacaabay Guddida Ololaha Xisbiga Kulmiye ee Goblka Gabilay, kuwaas oo dhan afar iyo labaatan xubnood.

Ujeeddo: Magacaabista Guddida Ololaha Gobolka Gabiley Xisbiga KULMIYE.

Kadib markii aan arkay muhiimadda Guddiyadda Ololaha Gobolladu u leeyihiin habsami-u-socodka iyo hufnaanta maamulka ololaha doorashada ee Xisbiga KULMIYE, waxa loo magacaabay in xubnaha hoos ku qoran ay noqdaan Guddida Ololaha Gobolka Gabiley ee Xisbiga KULMIYE, laga bilaabo maanta oo ay bishu tahay 8 October, 2017. Gobollada dhiman waxa la soo magacaabi doonaa dhawaan.

Gobolka Gabiley:

1. Dr. Cabdiweli Sh. Cabdillaahi Suufi – Guddoomiye

2. Kaamil Muuse Geedi – Guddoomiye Ku Xigeen

3. Axmed Maxamuud Shirwac

4. Mukhtaar Jibriil Muuse

5. Axmed Cali Dable

6. Maxamed Axmed Aw Cabdi Xabiib

7. Bedri Muuse Cumar

8. Khadar Baaruud Cumar

9. Cali Sh. Maxamed Cabdi

10. Xaliimo Mooge Cali

11. Axmed Muxumed Cumar

12. Cabdiwaasic Maxamed Yuusuf

13. Maxamed Axmed Geelle

14. Cabdi Cumar Diiriye

15. Cabdirisaaq Aw Muuse Xasan

16. Guuleed Cabdi Cabdillaahi

17. Isaxaaq Sh. Axmed Sh. Muxumed

18. Cabdi Daa’uud Cismaan

19. Saado Cabdi Kooshin

20. Sucaad Cabdi Muxumed

21. Deeqa Aw Muuse Rooble

22. Haweeya Cabdi Kaahin

23. Muna Mawliid Warsame

24. Safiya Cali Aw Axmed

Fiiro – gaar ah: Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee Gobol kasta, waxa uu noqonayaa Xoghayaha Guddida Ololaha ee isla Gobolkaa.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi