Cisbitaalka ATU-Daryeel Hospital oo Aqoonsi ka Helay Heshiisna la Galay Machadka Weyn ee Eastern Clinical Laboratory ee Caalamiga ah

Hargeysa (Waaheen): Iskaashatadda Shaybaadhadda Caalamiga ah ee Eastern Clinical Laboratory iyo ayaa waxay aqoonsadeen isla markaana heshiis wada shaqayneed la saxeexdeen cisbitaalka Jaamacadda Abaarso Tech ee ATU-Daryeel Hospital iyo shaybaadhka Somlab ee hoos yimaadda.

Warsaxaafaddeed ay qabteen masuuliyiin ka socday cisbitaalka iyo waliba khubaro ka socotay shaybaadhaddan oo ka soo jeeda dalka Ingiriiska, gaar ahaana ka socday qaybtooda ku taala dalka Imaaraadka, ka dib markii ay heshiiska ku kala saxeexdeen cisbitaalka ATU-Daryeel, ayaa ugu horrayn waxa halkaasi ka hadlay Dr. Axmed Xuseen Ciise, Guddoomiyaha Cisbitaalkaas, oo ka warbixiyay muhiimadda uu heshiiskani leeyahay iyo qodobadda ay ku heshiiyeen ururka caalamiga ee Efadah iyo Eastern Clinical Laboratory ee takhasus gaar ah ku leh dhinaca shaybaadhadda caafimaadka, taas oo noqonaysa markii ugu horraysay ee cisbitaal Somaliland ah ay aq oonsadaan isla markaana ay heshiis mid ka mid ah la galaan. Dr. Axmed Xuseen Ciise, oo sharaxaya macnaha uu xanbaarsan yahay aqoonsigan iyo heshiiskaniba ayaa hoosta ka xariiqay in Cisbitaalka ATU-Daryeel Hospital in adeegyo badan oo caafimaad oo dalka dibaddiisa loo doonan jiray lagaga maarmi doono, oo awood u yeelan doono inuu cisbitaalku qabto, kuwaas oo ka mid yahiin baadhitaanadda Kansarka, iyo baadhitaanadda lagu sameeyo dhinaca hida-sideyaasha (DNA).

Dr. Axmed oo arrintan sharaxaya ayaa yidhi: “Awal waxa dhici jirtay marka ay qof kalyahu fadhiistaan, ee loo dirayo India iyo meelaha kalaba, inay shan qof oo ehel yihiin la sii raacin jiray, taasina ay kharash badan iyo culaysba ku ahayd qoysaska bukaanka. Maanta waxa la awoodayaa in halkan lagu baadho qofka la jaadka ah ee kalida u baddeli kara iyadoo safar dheer la galin.”

Dr. Axmed wuxuu intaa raaciyay inay farxad weyn u tahay in adeegyadda noocan oo kale ah dalka lagu soo kordhiyo. Waxaan sheegay in adeegyadda noocan oo kale ah uu isna fulin doono shaybaadhka casriga ah ee Somlab. Dhinaca kale, Dr. Axmed Xuseen Ciise, oo ka hadlayay baadhitaanadda kale ee ay soo kordhiyeen, ayaa xusay in ka mid noqon doonaan noocyadda kansarka ee ay adag tahay inta badan in hore loo ogaado, “Dadkeenu marka uu asiibo xanuunka Kansarku waxa inta badan dhacda in la ogaado wakhti uu jidhka oo dhan ku faafay, oo wax ka qabashadiisuna ay adag tahay, shaybaadhaddan haddii Alle yidhaahdo waxay inoo suurtagalin doonaa in la ogaan karo xanuunkan inta wajiyadda ugu horraysa ku jiro.”

Mr.David Isaac oo ah masuulka u qaabilsan xidhiidhadda caalamiga ah ee Efadah iyo Eastern Clinical Laboratories oo u dhashay dalka Ingiriiska ayaa ugu horrayn ka warbixiyay ujeedadda ururkooddan caalamiga ah ee haatan aqoonsaday Cisibtaalka ATU-Daryeel Hospital. Mr. Isaac wuxuu sheegay inay u garteen in wada shaqaynta iyo aqoonsigaba siiyaan cisbitaalka ATU-Daryeel iyo laabka hoos yimaadda ee Somlab, ka dib markii ay ku qanceen aqoonta mihnad layaasha ka hawlgala iyo waliba qalabka ay adeegsanayaan.

Waxaanu tilmaanay in heshiiskani uu keeni doono in horumar dhinaca caafimaadka ah uu u keeno Somaliland iyo guud ahaan gobolkaba. Intaa wuxuu ku daray, Mr. David in ururkoodani uu yahay mid ku adadag dhinaca tayadda shaybaadhadda la samaynayo, had iyo jeerna dabagal ku haya cisbitaaladda ka tirsan. Mr. David wuxuu sheegay inay had iyo jeer ka caawin doonaan cisbitaalka ATU-Daryeel Hospital in laga taageero sidii ay u samayn lahaayeen baadhitaano kale oo aad u horumarsan, kana mid yihiin kuwa ugu danbeeya ee haatan dunida laga adeegsado. Waxaanu ugu danbayntii sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay heshiiskan, markana ay tahay markii labaad ee Somaliland yimaado, marka laga tago inuu dalka yimid kontameeyaddii qarnigii hore.

Heshiiskan laba geesoodka ee ay wada galeen Cisbitaalka ATU-DARYEEL iyo Ururka Eastern clinical laboratory iyo sidoo kale Shirkadda EFADAH medical consultancy oo iyadna uu fadhigeedu yahay Dalka imaaraadka carabta gaar ahaan ABU-DUBIA ayaa noqonaya mid bulshada reer Somaliland u fududeeya dhanka shaybaadhada kala duwan ee aan wadanka hore uga jirin. Waxay sidoo kale, fursad dhinaca tababaradda ah loo fidin doonaa ardaydda wax ka barata Jaamacadda Abaarso Tech, gaar ahaan dhinaca caafimaadka.

Cisbitaalka ATU-Daryeel ayaa ka mid ah cisbitaaladda dhawaan laga hirgaliyay Somaliland, gaar ahaan magaaladda Hargeisa, kaas oo cisbitaal ay leedahay Jaamacadda Abaarso Tech qaybteeda caafimaadku, isla markaana ay hawlgalaan dhakhaatiir badan oo iskugu jirta ajaanib iyo wadaniyiinba.

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Madaxweynaha Somaliland Oo Shacbiga Burco Kala Qaybgalay Isu-soo Baxa Ololaha Doorashada Madaxtooyada Dardaaran Dhaxal-gal Ahna U Laqimay Kumanaan Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye Ka Mid Ah
KULMIYE oo Maalinta Koowaad ee Ololihiisa Doorashada Ku Daah-furay Mawjado Isu Soo Baxyo ah
Dowladda federaalka oo shir isugu yeedhay Madaxda maamul goboleedyada
Dhismaha Jidka Hormarra Cusbitaalka Adna oo Hakad Ku Yimid Iyo Dawladda Hoose oo aan Wax Tafaasiil ah Ka Bixinin
Madaxweynaha Somaliland oo ka qaybgalay Xaflada Qalin-jebinta Jaamacada Golis Fara-ceeda Burco Xadhigana ka Jaray Dhismaha Miiska Saraakiisha ee Ciidanka Qaranka Togdheer
TACSI:-Murashax Cirro oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Ku Timi Marxuum/Xildhibbaan Xasan Cawaale
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.