TACSI MADAXWEYNE: IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo Isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi tiraanyo leh u dirayaa, labada golle barlamaan ee Guurtida, iyo wakiilada, sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi u dirayaa waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Maxamuud Cabdilaahi Qaalib Diir-qadhaadhoo ku geeriyooday dalka Itoobiya Maanta oo ay taariikhdu ahayd 04/10/2017.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey tiir ka baxay shacbiga Somaliland, mudana ka mid ahaa golaha guurtida, kana soo shaqeeyey nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Golayaasha Wakiilada, Guurtida, waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Tacsi taa la mid ah waxa uu madaxweynuhu u dirayaa wasiiru-dawlaha Kalluumaysiga Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Mahdi Cismaan Buuri oo ay walaashii Marxuuma Saynab Cismaan Buuri ku geeriyootay maanta oo ay taariikhdu ahayd 04/10/2017 magaalada Hargeysa. Waxaanu madaxweynuhu marxuumada Alle uga baryayaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo qoyskii iyo eheladii ay ka baxdayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

    Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Filed in: Articles, Videos

You might like:

Madaxweynaha Somaliland Oo Shacbiga Burco Kala Qaybgalay Isu-soo Baxa Ololaha Doorashada Madaxtooyada Dardaaran Dhaxal-gal Ahna U Laqimay Kumanaan Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye Ka Mid Ah
KULMIYE oo Maalinta Koowaad ee Ololihiisa Doorashada Ku Daah-furay Mawjado Isu Soo Baxyo ah
Dowladda federaalka oo shir isugu yeedhay Madaxda maamul goboleedyada
Dhismaha Jidka Hormarra Cusbitaalka Adna oo Hakad Ku Yimid Iyo Dawladda Hoose oo aan Wax Tafaasiil ah Ka Bixinin
Madaxweynaha Somaliland oo ka qaybgalay Xaflada Qalin-jebinta Jaamacada Golis Fara-ceeda Burco Xadhigana ka Jaray Dhismaha Miiska Saraakiisha ee Ciidanka Qaranka Togdheer
TACSI:-Murashax Cirro oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Ku Timi Marxuum/Xildhibbaan Xasan Cawaale
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.