Somaliland: Guddoomiyaha Degmadda Allay-baday oo Qoysaska Aroos dhigta Habeenkii  ku soo rogay saddex Milyan oo Ganaax ah

0
167

Dadweynaha oo Codsaday Ganaaxan markii Diiqadu dhibtay Dadka Danayrta Ah

Gabilay(Waaheen) guddoomiyaha degmadda Allay-baday ayaa Amar ku soo rogay Qoys kasta oo doonaya inay Aroostaan, waxaanu amray in Meherka iyo Duco lagu af-meero dhismaha Qoysaska Deegaankaas oo la iska dhaafo Aroosyadda Habeenkii la qabsado.

Guddoomiyaha Degmadda Allay-baday ayaa lagu soo waramayaa in uu Qoys kasta oo Aroos dhigta wakhti Habeenimo ah ku Ganaaxa lacag gaadhaysa Saddex Milyan oo shilling Somaliland ah, kaasoo qoys kastaa ku khasban yahay in uu bixiyo.

Qof ka soo jeeda deegaanka Allay-baday oo u kuur galay arrintan ayaa Waaheen u xaqiijiyey in booqasho uu toddobaadkan ku tagay deegaanka Allay-baday uu kula kulmay Qoysas Aroosyo qabsaday in lagu Ganaaxay Amarada Guddoomiyaha degmaddu ku soo rogay.

Qofka deegaanka ka soo jeeda ayaa sheegay in uu la kulmay Qoysaskaas qaarkood, isla markaana loo sheegay illaa tobaneeyo Qoys oo ganaaxani ku dhacay, kuwaas oo sheegay Amarka Guddoomiyaha inaan hore loogu sheegin, balse ay talaabadani lagu khasbay inay fuliyaan.

Aroosyadda Tuulayaasha ama magaalooyinka ka baxsan Caasimadaha goboladda ayaa inta badan waxa Aroosyada loo qabsadaa qaabkii Dhaqanka ahaa ee Habeenkii la isku soo guddi jiray, dabadeed la qabsan jiray Ciyaaraha kala duwan ee Dhaqanka ama kuwa Casriga ah.

Sidoo kale, waxa Caado u ah Dadka deegaamadaasi ku Dhaqan inay Aroosyadda u dhisaan qaab casri ah, iyadoo ay gaabaabsi kaga jiraan caadooyinkii hore sida dhismaha Aqal Somaligii iyo Dadabtii lagu caweyn jiray, hase yeeshee imika la dhiso guryo Jiingado ah iyo qalab magaalo, taasoo dadka deegaanadaasi ku soo kordhisa kharash farabadan oo aanay awoodi Karin.

Warar kale ayaa sheegaya Ganaaxan inay codsadeen dadweynaha Deegaankaas oo ay dhib badani kaga timi Nidaamka loo soo Diiqo Aroosyadda, gaar ahaan dadka danyarta ah oo iska bixin kari waayey wixii ay ku celin lahaayeen.

Dadweynaha ayaa la sheegay inay Maxkamaddaha Dalka ka soo Ansaxsadeen ganaaxan oo ah Heshiis la isla qaatay.

Sida ay doontaba ha ahaatee, sida uu sheegayo qofka warkan Waaheen siiyey illaa hada lama garanayo waxa uu u cuskanayo Guddoomiyaha Allay-baday Ganaaxan, hase yeeshee waxa laga warinayaa in uu ku tilmaamay in uu doonayo in uu wax kaga bedelo qaabka imika loogu qabsado deegaankaasi Aroosyadda.