Nin la cararay Xaaska Sarkaal sare oo ka tirsan Boko Haram

Maxamed waxaa lagu qasbay in uu u dagaalamo kooxda Boko Haram balse markii danbe ayaa waxa u suuragashay in uu koooxda ka soo baxsado.

Maxamed ayaa waxa la kulmay wariye ka tirsan BBC oo uu uga sheekeeyay sida ay ugu suuragashay in uu ka soo goosto Boko Haram.

Waxa uu sheegay in xaaska mid ka mid ah abaanduulayaasha Boko Haram ay ku qancisay in ay isla baxsadaan.

Maxamed waxa uu Boko Haram ku biiray saddex sano ka hor isaga oo ku sugnaa magaalada uu ka soo jeedo ee Banki.

Waxa uu magaaladaasi ku lahaa dukaan yar oo lagu iibiyo lugana hagaamiyo taleefoonada gacanta.

 

Maxamed ayaa waxaa u yimid kooxda Boko Haram oo isku dayay in ay ku qasbaan in uu ku soo biiro balse wuu ku gacan seyray wuxuuna u cararay magaalo kale oo ku taalla xuduuda Cameroon.

 

Balse nin ay saaxibo ahaayeen ayaa ku qanciyay in uu dib ugu soo laabto magaalada Banki si uu ganacsigiisa u sii wato waxaana loo balanqaaday in wax waliba ay caadi ahaan doonaan.

Markii uu Maxamed dib u laabtay ayaa saaxibkii wuxuu ku qasbay in uu ku biiro kooxda Boko Haram.

“Wuxuu igu qasbay in aan qaado qorigiisa,” ayuu yiri.

“Waan ogaa in uu ka tirsanaa Boko Haram. Ma doonayn in aan ku biiro balse ma jirin wado kale oo ii furnayd, waan ogaa in uu i dilayo haddii aan diido,” ayuu yiri Maxamed.

Wuxuu sheegay in ay weerari jireen tuulooyiinka balse isaga uu ka soo horjeeday arrintaa naftiisana u baqay.

“Waxaan ku wareegi jirnay tuulooyiinka, waxaan ka soo afduubaynay haweenka si aan u guursano.” ayuu yiri.

Maxamed ayaa sheegay in marki hore ee uu ku biirayay kooxda, ciidamada la siin jiray mushaar, markii danbe ee laga saaray magaalooyiin badan ay lacagtaasi dhamaatay.

Ninkan ayaa markii danbe loo magacaabay in uu ilaalo gaar ah u noqdo mid ka mid ah abaanduulayaasha sarsare ee Boko Haram, wuxuuna aad u dhexgalay arrimaha hoose ee Boko Haram.

Wuxuu sheegay in uusan aqoon halka ay ka imanaysay lacagta ay kooxda haysto.

Wariyaha BBC ee la kulmay ayuu u sheegay in uusan waligii la kulmin hogaamiyaha Boko Haram, Abubaker Shekau.

Maxamed ayaa markale loo xilsaaray in uu ilaalo ka noqdo bahyarta abaandulaha Caisha oo aan ahayn magceeda saxda ah.

Sidey ku soo baxsadeen

Maxamed iyo Caisha oo imika ku sugan saldhig ay leeyihiin militariga Naajeeriya, waxay ka sheekeeyeen sida ay ku soo baxsadeen.

Caisha ayaa sheegtay in abaanduulaha uu baray isticmaalka hubka iyo sida wax loo toogto.

“Saygeyga wuu ogaa in aan doonayo in aan baxsado, waana taa sabab uu ilaaladiisa ugu sheegay in ay i ilaaliyaan meel waliba oo aan aado,” ayay tiri.

Balse Caisha ayaa wax ka duwan raggii ilaalin jiray ku aragtay maxamed, waxayna sheegtay in uu ahaa nin wanaagsan oo naxariis badan.

Waxa ay ka dib go’aansatay in ay ku qanciso in ay baxsadaan.

 

Waxa ay bilaabeen in ay qorsheeyaan sidii ay u baxsan lahaayeen balse Maxamed ayaa si aad ah u baqayay.

Wuxuu maxamed aaminsanaa in haddii ay isu dhiibaan militariga ay la kulmi doonaan ciqaab adag.

Hase yeeshee Caisha ayaa BBC laanta Hausa ka dhagaysatay in cafis loo fidinayo dadka ka soo goosta Boko Haram.

Waxa xilli habeen ah la arkay Caisha iyo Maxamed oo kulmaya, wuxuuna abaanduulaha ka shakiyay in uu xiriir ka dhaxeeyo. Wuxuu amray in labadoodaba gacmaha loogu xiro xarig adag.

Laakiin Caisha waxaa u suuragashay in xarigii gacmaha uga xirnaa uu dabco ayna iska furto, ka dib waxay xarigii ka furtay Maxamed wayna baxsadeen.

“Aad Ayaan u garanayay dhulka waxaan soo dhex marnay keymaha”, ayuu yiri Maxamed.

Waxa ay ugu danbayntii soo gaareen goob ay jid-gooyo u taallay militariga Nigeria, wayna isu dhiibeen ciidamada.

Tan iyo intii ay ciidamada isu soo dhiibeen, waxay sheegeen in si wanaagsan loola dhaqmay.

 

Filed in: Radio Waaheen, Waaheen News

You might like:

Wariye Jimcaale Dayib oo Maalintii 5aad Sifo Sharci daro ah ugu Xidhan Maayarka Gabiley
Xarunta Xuquuqal Insaanka oo soo saartay warbixinteeda sanad laha ah ee xaaladda xuquuqal insaanka Somaliland  
Gud Ku xigeenkii Xisbiga Waddani Ee Gobalka Saaxil Oo La xidhay
Daawo: Madaxweyne Siilaanyo Oo Xadhiga ka Jaray library Loogu Magacdaray
Ciraaq oo ku dhawaaqday in la soo af jaray dagaalkii “Dawladda Islaamka”
Lubnaan: Dalalka Carabta haka fekeraan cunaqabateyno ka dhan ah Mareykanka
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.