Day Archives: September 27, 2017

VideosWararka

Khasaare Ka Dhashay Isku Dhac Dhex Maray Ciidamada Amaanka Iyo Dad Shacabka Ah Magaalada Boorama

Boorama(Waaheen):-khasaare Dhaawac ayaa ka dhashay ka dib markii ay isku dhaceen ciidamada amaanka iyo dad shacab ah magaalada boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Iska hor imaadka ciidamada iyo dadka shacabka ah ayaa keenay inay dhaawacmeen laba qof oo rayid ah iyo hal askari. Sida ay sheegayaan Wararka ka soo baxaya Magaalada Boorama Muranka dhul laysku haysto oo ku yaala magaalada Boorama ayaa keenay inay isku dhacaan ciidamada amaanka iyo qoys dagan goobta lagu haysto.

Agaasimaha cusbitaalka Boorama Dr. Ismaaciil ayaa Warbaahintau sheegay  in dhakhtarka la keenay dhaawaca sadexdaas qof isla markaana aanay jirin wax kale oo soo gaadhay.

VideosWararka

Dawlada Itoobiya Oo Somaliland Ku Eedaysay Inay Si Qasab Ah Ku Baro Kicisay Dad Oromo Ah Oo Gaadhaya Sadex Kun Oo Ruux

Hargeysa(Waaheen):-Dawladda Itoobiya ayaa ku eedaysay Jamhuuriyadda Somaliland inay baro-kicin ku samaysay dad badan oo Oromo ah oo Somaliland jooga, ka dib rabshadihii dhawaan ka dhex dhacay Soomaalida Itoobiya iyo Oromada.

Wasiirka warfaafinta Itoobiya Dr. Ngeri Lencho oo Isniintii doraad saxaafadda kula hadlay Addis Ababa, ayaa sheegay inay Somaliland si sharci darro ah u  baro-kicisay dad ka badan saddex kun oo ruux oo Orromo ah, markii ay rabshadahaasi dhaceen.

Wasiirka Warfaafinta Itoobiya, wuxuu sheegay in bulshada Oromada ee ku sugan Somaliland iyo kililka shanaad ee Itoobiya la beegsaday, isaga oo aan wax faahfaahin ah ka bixin eedahan.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad

Cali Shire oo ay wakaaladda wararka ee Bloomberg wax ka weydiisay eedaha ay Itoobiya u jeedisay dalkiisa, ayaa sheegay inuu baadhis ku soo samaynayo, ka dibna jawaabi doono.

VideosWararka

Madaxweynaha Maraykanka Oo Ku Hanjabay Talaabo Milatari Oo Lagu Xalin Karo Xasarada Kuuriyada Waqooyi

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay in uu tallaabo milatari ku xalliyo xasaradda Kuuriyada Woqooyi, waxaanu  xukuumadda Pyongyang uga digay cawaaqib xumo ka dhalata xasaraddaasi.

 

Waxa uu sheegay in tallaabada noocaasi ah aanay  ahayn mid uu Mareykanka doorbidayo balse ay tahay mid uu qaadayo haddii lagama maarmaan ay noqoto.

Madaxweyne Trump ayaa sidoo kale weerar dhanka afka ah ku qaaday hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi, Kim Jong-un, oo uu ku eedeeyay in uu u dhaqmayo si xun isla markaana uu sameynayo waxyaabo aanay  ahayn in la sameeyo.

Trump ayaa hadalkan ka jeediyay shir jaraa’id oo si wada jir ah isaga iyo ra’iisalwasaaraha Spain Mariano Rajoy ay ugu qabteen Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo.

 

TacsiVideosWararka

Gudoomiyaha Kulmiye Oo Dhambaal Tacsi Ah U Diray Ehelada Iyo Shacabka Uu Ka Baxay Marxuun Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle

Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo ka wakiil ah hay’adaha xisbiga ee Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, garabyada xisbiga, laamaha gudaha iyo dibadda iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga KULMIYE waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Talyaanle  oo ku geeriyooday dalka Hindiya xalay oo taariikhdu tahay 26/09/2017.

Marxuum Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Talyaanle waxa uu ka mid ahaa haldoorkii Somaliland ee ka shaqeeyay midnimada iyo qaangaadhka Siyaasadeed ee Somaliland. wuxuu uu ka mid ahaa siyaasiyiinta ehlu sharafka ah ee odaytinima leh.

Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu ku sifeeyay Marxuum Cabdiraxmaan Maxamed Talyaanle  siyaasi astaan u ahaa difaaca iyo qarannimada Jamhuuriyada Somaliland una soo shaqeeyay dadkiisa iyo dalkiisa.

Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, ehelka iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

 

Xafiiska warbaahinta xisbiga KULMIYE

 

Radio Waaheen

Haweenka Sacuudiga oo loo ogolaaday in Gawaadhida ay Kaxeeyaan

Boqorka Sacuudiga boqor Salman ayaa soo saaray Digreeto u ogolaanaysa haweenka Sacuudiga in ay gawaarida kaxeeyaan markii ugu horeysay.

Arrintan ayaa waxa si wayn ugu farxay dadkii u ololaynayay muddada dheer in haweenka loo ogolaado in ay gawaarida kaxeeyaan.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa ah dalka kali ah ee caalamka aan haweenka loo ogolayn in ay gawaarida kaxeeyaan.

Ilaa waqti xaadirkan ,ragga oo kali ah ayaa loo ogol yahay Laysinka darawalnimada islamarkana haweenka lagu arko iyaga oo gawaari kaxaynaya waxa ay halis ugu jiraan in la xiro ama la ganaaxo.

Ammaanta iyo soo dhawaynta loo jeediyay tillaabadan ayaa ka imanaysa gudaha Sacuudiga iyo caalamka intiisa kale.

Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in ay tahay tillaabo wanaagsan oo loo qaaday hormarinta xuquuqda Dumarka.

Sahar Nassif oo u ololayn jirtay in Dumar loo ogolaado in ay gawaarida kaxeeyaan ayaa BBC u sheegtay in ay si aad ah ay ugu faraxsan tahay go’aankan islamarkana markii ay maqashay ay damaashaad samaysay.

“Waxa aan hadda doonayaa in aan iibiso Gaarigii aan ku riyoon jiray,waxa uuna midibkiisa noqon doonaa madow iyo cagaar isku jira!”ayay si farxad leh u tiri Nassif

Maxaa hadaba xiga oo dhici doona?

Waxaa la dhisi doonaa guddi heer wasiiro ah oo tali ka baxiya arrintan muddo 30 maalmood gudahood ah.

Amarka boqorka ayaa la dhaqangalin doonaa 24 June 2018

Danjiraha Sacuudiga u fadhiya Mareykanka, Khaled bin Salman, ayaa xaqiijiyay in haweenka aysan ragga uga fasax qaadan doonin wadadi Gawaarida islamarkana ay Gawaarida ku wadi karaan meel kasta oo Sacuudiga ka tirsan.

Waddo sidee ah ayaa loo maray isbadalkan?

Kooxaha u dooda xuquuqda aadnaha ee Sacuudiga ayaa sanooyiin badan u ololeyn jiray in haweenka loo ogolaado in gaadiidka ay kaxeeyaan.

Haweenka kaxeeya gaadiidka ayaa xabsiga la dhigi jiray ,waxaana lagu eedeeyn jiray in ay sharciga jabiyeen.

 

Radio WaaheenWararka

Nin la cararay Xaaska Sarkaal sare oo ka tirsan Boko Haram

Maxamed waxaa lagu qasbay in uu u dagaalamo kooxda Boko Haram balse markii danbe ayaa waxa u suuragashay in uu koooxda ka soo baxsado.

Maxamed ayaa waxa la kulmay wariye ka tirsan BBC oo uu uga sheekeeyay sida ay ugu suuragashay in uu ka soo goosto Boko Haram.

Waxa uu sheegay in xaaska mid ka mid ah abaanduulayaasha Boko Haram ay ku qancisay in ay isla baxsadaan.

Maxamed waxa uu Boko Haram ku biiray saddex sano ka hor isaga oo ku sugnaa magaalada uu ka soo jeedo ee Banki.

Waxa uu magaaladaasi ku lahaa dukaan yar oo lagu iibiyo lugana hagaamiyo taleefoonada gacanta.

 

Maxamed ayaa waxaa u yimid kooxda Boko Haram oo isku dayay in ay ku qasbaan in uu ku soo biiro balse wuu ku gacan seyray wuxuuna u cararay magaalo kale oo ku taalla xuduuda Cameroon.

 

Balse nin ay saaxibo ahaayeen ayaa ku qanciyay in uu dib ugu soo laabto magaalada Banki si uu ganacsigiisa u sii wato waxaana loo balanqaaday in wax waliba ay caadi ahaan doonaan.

Markii uu Maxamed dib u laabtay ayaa saaxibkii wuxuu ku qasbay in uu ku biiro kooxda Boko Haram.

“Wuxuu igu qasbay in aan qaado qorigiisa,” ayuu yiri.

“Waan ogaa in uu ka tirsanaa Boko Haram. Ma doonayn in aan ku biiro balse ma jirin wado kale oo ii furnayd, waan ogaa in uu i dilayo haddii aan diido,” ayuu yiri Maxamed.

Wuxuu sheegay in ay weerari jireen tuulooyiinka balse isaga uu ka soo horjeeday arrintaa naftiisana u baqay.

“Waxaan ku wareegi jirnay tuulooyiinka, waxaan ka soo afduubaynay haweenka si aan u guursano.” ayuu yiri.

Maxamed ayaa sheegay in marki hore ee uu ku biirayay kooxda, ciidamada la siin jiray mushaar, markii danbe ee laga saaray magaalooyiin badan ay lacagtaasi dhamaatay.

Ninkan ayaa markii danbe loo magacaabay in uu ilaalo gaar ah u noqdo mid ka mid ah abaanduulayaasha sarsare ee Boko Haram, wuxuuna aad u dhexgalay arrimaha hoose ee Boko Haram.

Wuxuu sheegay in uusan aqoon halka ay ka imanaysay lacagta ay kooxda haysto.

Wariyaha BBC ee la kulmay ayuu u sheegay in uusan waligii la kulmin hogaamiyaha Boko Haram, Abubaker Shekau.

Maxamed ayaa markale loo xilsaaray in uu ilaalo ka noqdo bahyarta abaandulaha Caisha oo aan ahayn magceeda saxda ah.

Sidey ku soo baxsadeen

Maxamed iyo Caisha oo imika ku sugan saldhig ay leeyihiin militariga Naajeeriya, waxay ka sheekeeyeen sida ay ku soo baxsadeen.

Caisha ayaa sheegtay in abaanduulaha uu baray isticmaalka hubka iyo sida wax loo toogto.

“Saygeyga wuu ogaa in aan doonayo in aan baxsado, waana taa sabab uu ilaaladiisa ugu sheegay in ay i ilaaliyaan meel waliba oo aan aado,” ayay tiri.

Balse Caisha ayaa wax ka duwan raggii ilaalin jiray ku aragtay maxamed, waxayna sheegtay in uu ahaa nin wanaagsan oo naxariis badan.

Waxa ay ka dib go’aansatay in ay ku qanciso in ay baxsadaan.

 

Waxa ay bilaabeen in ay qorsheeyaan sidii ay u baxsan lahaayeen balse Maxamed ayaa si aad ah u baqayay.

Wuxuu maxamed aaminsanaa in haddii ay isu dhiibaan militariga ay la kulmi doonaan ciqaab adag.

Hase yeeshee Caisha ayaa BBC laanta Hausa ka dhagaysatay in cafis loo fidinayo dadka ka soo goosta Boko Haram.

Waxa xilli habeen ah la arkay Caisha iyo Maxamed oo kulmaya, wuxuuna abaanduulaha ka shakiyay in uu xiriir ka dhaxeeyo. Wuxuu amray in labadoodaba gacmaha loogu xiro xarig adag.

Laakiin Caisha waxaa u suuragashay in xarigii gacmaha uga xirnaa uu dabco ayna iska furto, ka dib waxay xarigii ka furtay Maxamed wayna baxsadeen.

“Aad Ayaan u garanayay dhulka waxaan soo dhex marnay keymaha”, ayuu yiri Maxamed.

Waxa ay ugu danbayntii soo gaareen goob ay jid-gooyo u taallay militariga Nigeria, wayna isu dhiibeen ciidamada.

Tan iyo intii ay ciidamada isu soo dhiibeen, waxay sheegeen in si wanaagsan loola dhaqmay.

 

Radio WaaheenVideosWararka

Qalbac dheeman ah oo lagu kala gatay $53 milyan

Qalbac dheeman ayaa magaalada London lagu kala iibsaday adduunka lacageed oo gaaraya $53 milyan oo doolar

Ninka lagu magacaabo Laurence Graff oo ah guddoomiyaha shirkadda GraffDiamonds ayaa iibsaday dheemankan oo la sheegay in uu yahay kan labaad ee adduunka ugu weyn inta gacanta lagu hayo.

Dheemankan ayaa waxaa soo heshey shirkadda Canada laga leeyahay Lucara Diamond Cord, waxayna kasoo qoday dalka Botswana labo sano ka hor.

Dheemankan ayaa waxaa lagu magacaabaa “Lesedi La Rona” oo micnaheedu yahay “Illeyskeenii” marka laga soo turjumo afka Tswana ee looga hadlo dalka Bowswana.

Waxa uu la egyahay kubbada teeniska oo kale, waxaana la sheegay in uu yahay mid aad nadiif u ah oo sidii dhalo oo kale wax looga dhex arki karo.

Qalbacan ayaa la galin doonaa hawl dheeraad ah oo lasii kala qeybin doonaa si looga sameeyo waxyaabo kale sida ay shirkadda sheegtay.

Dheemankii kan ka horeeyay waxaa laga heley dalka Koonfur Afrika sanadkii 1905-tii, kaas oo lagu magacaabi jiray Cullinan Diamond.

Laurence Graff ayaa dheemankan ku tilmaamay dheemanka adduunka ugu weyn ee cayriinka ah.