Day Archives: September 23, 2017

VideosWararka

Iiraan oo tijaabisay gantaal cusub

Dowladda Iiraan ayaa waxa ay si guul ah u tijaabisay gantaal cusub oo riddadiisu ay meel dhexaad tahay, arrintaas oo ay ku muujinayso sida ay u diiddan tahay hadalkii ka soo yeeray Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Tijaabada gantaalka Khoramshahr, oo dhirirkiisu uu gaarayo ilaa 2,000 km, ayaa waxaa lagu baahiyay TV-ga qaranka. Ma ay cadda marka tijaabada la sameeyay.

Madaxweyne Trump ayaa Salaadadii waxa uu ku dhaleeceeyay Qaramada Midoobay in barnaamijka gantaallada ee Iiraan iyo heshiiskii nukliyeerka ee 2015 dalkaas lala galay.

Hasayeeshee Jimcihii Madaxweynaha Iiiraan, Xasan Ruuxaani, ayaa sheegay in Iiraan ay difaac ahaan u ballaarin doonto awooddeeda milateri.

Gantaalka Khoramshahr ayaa marka hore lagu soo bandhigay dhoolatus milateri oo Jimcihii lagu qabtay magaalada Tehraan. Waxa uuna gantaalkan awoodaa inuu xambaaro bambooyin nooco kala duwan leh, sida lagu sheegay TV-ga qaranka ee Press TV.

Mareykanka ayaa bishii July ku dhawaaqay cunaqabatayn cusub oo uu Iiraan ugu soo rogay barnaamijkeeda gantaallada ridada dheer iyo waxa uu ugu Mareykanku ugu yeeray taageerada ay Iiraan u fidiso ururrada Argagixisada.

VideosWararka

Khayre: ‘Cunaqabateynta hubka ayaa dhibaato nagu haysa’

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, oo khudbad ka jeediyay Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay guulo muhiim ah ka gaartay dagaalka ka dhanka ah ururka Al-Shabaab, cunaqabateynta hubka ee saaran dalkase ay xaddidayso in laga guul gaaro ujeeddadaas.

Waxa uu sheegay in argagixisada ay weli tahay mid ka mid ah caqabada cakiran ee haysta dalkiisa, iyadoo cawaaqibka ka dhashayna laga dareemay buu yiri caalamka oo dhan.

Waxa uu sheegay inay muhiim tahay in la mideeyo dadaallada ku aaddan sidii looga hortegi lahaa aafadaas.

Waxa uu intaas ku daray in loo baahan yahay in la sameeyo “dadaalkasta oo aan ku dhimayno koboca iyo galaangalka ururrada argagixisada caalamiga ah sida ISIS iyo Al-qaacidah kuwaas oo aan ognahay inay saameyn ku leeyihiin argagixisada gudaha.” Ayuu yiri Khayre.

“Waa in la laba laabaa dadaallada lagu sameynayo faragelinta ka dhanka ah kooxahaasi oo kale.” Ayuu ku sii daray.

Soomaaliya ayuu sheegay inay gaartay guulo wax ku ool ah oo ay ku yaraysay awoodda Al-Shabaab.

Hasayeeshee waxa uu sheegay in cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ay si weyn u xaddidayso in guul laga gaaro ujeeddadaas.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayuu sheegay inay sii wadi doonto sidii ay ugala shaqeyn laheyd Golaha Ammaanka iyo dhinacyada kalaba sidii cunaqabateynta hubka dalka looga qaadi lahaa.

Radio Waaheen

Shiinaha Oo Xadidaya Ganacsiga Uu La Leeyahay Waddanka Waqooyiga Kuuriya

Shiinaha (Waaheen):- Dowlada Shiinaha ayaa xadidaysa xidhiidhka ganacsiga shidaalka ee ay dowladda Waqooyiga Kuuriya la leedahay. Waxaa sidoo kale la joojinayaa iibka dharka ee dalkaasi Waqooyiga Kuuriya laga soo iibsado.

Joojinta iibinta dharka ayaa xukuumada Waqooyiga Kuuriya waxay ku noqonaysaa dhabarjab weyn .

Tillaabadani ayaa ka dambaysay cunaqabatayn horleh oo Qaramada Midoobay ay saartay dalkaasi Waqooyiga Kuuriya.

 Shiinaha ayaa saaxiib soo jireen ah la ahaa Waqooyiga Kuuriya, balse tijaabooyinka hubka ee Pyongyang ayaa arrimahani sababay

War ka soo baxay wasaarada ganacsiga ee Shiinaha ayaa sheegaya in tilaabooyinkani ay hirgeli doonaa bisha Octobar kowdeeda.

Waqooyiga Kuuriya waxaa sidoo kale ay kala fogaanayaan wadanka Maraykanka oo weerar afka ah ay hadda isku hayaan.

MaqaalloRadio WaaheenVideosWararka

Qiso m ka dhacday dalka mareykanka dhakhaatiir iyo dad badanna kusoo islaameen

Waa Qiso mardhow dhacday oo dalka mareykanka aad loola yaabay dhakhaatiir iyo dad badanna kusoo islaameen.

2 Haweena oo Mareykan ah ayaa isku mar umulay, midi waxey Dhashay Wiil, Tan kalena Gabar, Khalad ka Dhacay kalkaalisooyinka ayaa sababay in lakala garan waayo mida Dhashay wiilka iyo Tan Gabadha Dhashay.

Mid walibana waxay ku andocootay inay iyadu Dashay wiilka, intaa ka Dib waxay Takhaatiirtu Baareen Dhiiga DNA-ga, Nasiib darro waxay Natiijadii Noqotay mid aad isugu Dhaw, Taasoo arinka kusii cakirtay Takhaatiirtii, mana aysan awoodin Helida Xal Dhaama.

si kastaaba Ha ahaatee arinkii wuxuu gaaray muslimiinta, Muslinkana waxay Sheegeen Hadii Sheekadu halkaas soo gaartay cid aan iyaga ahayn oo Xalin kartaa ineysan jirin, Takhaatiirtii isbitalka oo Fadeexad iyo culeys weyn Dareemayay waxaa Lagu soo xirey Wadaado Diinta islaamka ku xeeldheer waxayna Labadii Dakhtar ku Dhaheen wadaadka, Miyeydaan Nagu Oran jirin Wax kasta diinteenaa Xal u ah, Wadaadkii wuxuu Yiri waa Sidaas oo ilaahey Baa kitaabkiisa ku yiri, ما فرطنا في الكتاب من شيء #Wax_Aan_Quraanka_uga_tagnay_ma_jirto” ee Maxaa idin Haleelay.

Takhaatiirtii waxay soo dulmareen Qisadii, Wadaadkii wuxuu Yiri: waa arin Sahlane Waxàad baaritaan ku Sameysaan Dhibcaha Caanaha mid kasta oo labada Hooyo ah, midii caanaheedu uu Culays iyo Nafaqo badnaado ayaa Dhashay wiilka, Midii Caanaheedu uu Khafiif noqdona Gabadha, Ilaahey baa Quraankiisa ku Yiri لِلذَّكَرِ مِثْلُ حَظِّ ٱلأُنْثَيَيْن oo ah “in Labka uu la mid Yahay Qeybta Labo Dhedig”. Waxaa Gaaladii istacajab ku Noqotay in awooda iyo Nafaqada Caanahii midi ay Noqotay Laba jibbaar, Sidaasoo ay ku Yaqiinsadeen mida wiilka Dhashay.

Dadka aqoonta u saxiibka ah Takhaatiirtaas oo kale ayaa Had iyo goor soo islaama kolka ay la kulmaan Mucjisooyinka Qur’aanka, waa hadii aanay ku jirin Xiqdi iyo canaad ay u Qabaan Islaanimada, waana arin aan dunida ku cusbayn oo ilaa waligiis soo jirey, Gaaladii hore kolkay arini la ciirciirto waxay xalkeeda u raadin jireen Rasuulladii ay beeniyeen kuna jeesjeesayeen, marka loo xaliyana Badankoodu Halkooda bay ka miisi jireen Gaalnimadooda.

Farxad-geli Muslimiin Badan.
Jazaakkallaah.

VideosWararka

QOFKU MARKA UU DALKIISA U SOO SHAQEEYO WAA TUSAALAHA KOOWAAD EE MUWAADINIMADA.

John.F.Kennedy waxa uu ahaa sarkaar duuliye diyaaradeed waxa uu ka qayb galay dagaalkii koowaad ee aduunka wuxuuna ka mid ahaa Madaxweynayaasha soomaray Dalka Maraykanka kuwa ugu caansan,Dalka Maraykanka oo Role model u ah Caalamka maanta marka la eego dhinac walba xaga siyaasada,awooda military iyo waliba xaga dhaqaalahaba waxa soo maray 9 madaxweynayaal oo askar ahaa kana qayb galay dagaalo badan oo dalka maraykanku galay,marka qof dalkiisa u soo dagaalamay uu madaxweyne isu soo taago, shacabka Maraykanku si hagar la,aana bay codkooda u siiyan, waxayna niyada ku hayaan in qofka naftiisa u hudhay dalkiisa aanu wax kale kala lex jecloonayn, hadaba waxa layaabay Qaar ka mida shacabka reer Soomaliland oo hadh iyo habeen ku seexda askartooda u heegan ilaalinta nabadooda ay hadana dhaleeceeyaan miyaanay niyad jab ku ahay in muwaadinka askariga ah ee nabadaada ilaalinaaya oo ah ka dawladnimada ugu qaalisan aad ku tidhaahdo ma gaydid inaad madaxweyne noqotid,waa arin runtii layaableh.