Shuraako oo maanta Hargeysa ka furaysa kulanka sanadlaha ah ee Maal-gashiga iyo Horumarinta Somaliland

0
184

Shirkan ayaa Waxa ka soo qayb galaya wufuud, shirkaddo Maalgashadayaal Caalami ah

Hargeysa(Waaheen) Hay’adda Shuraako oo sanad walba kulan balaadhan oo lagu falanqeeyo mashaariicda Horumarka qabata ayaa maanta Daah-furaysa kulan cusub oo lagag hadli doono fursadaha Maal-gashi ee Somaliland gaadhsiin kara Horumar.

Kulanka Shuraako oo ka furmi doonta Hotelka Maansoor ee magaaladda Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galaya wufuud caalami ah oo ka kala socota Dawladdaha dunida iyo shirkaddaha Caalamiga ah ee Maal-gashada mashaariicda kala duwan.

Shuraako waxay Kulankan diirada ku saari doontaa mashaariic kala duwan oo ay ka mid yihiin Gnaacsiga, Beeraha, Kaluumaysiga, Tamarta, kuwaas oo loo fikiri doono sidii loo horumarin lahaa, maadaama Shuraako iyo Daneeyayaasha Maalgashigu ku hawlan yihiin sidii ganacsiga Somaliland loo horumarin lahaa.

Shuraako waxay wadashaqayn dhaw leeyihiin shirkaddo waaweyn oo bixiya fursado maalgashi, kuwaas oo Yoolkoodu yahay sidii ay u dhiirigalin lahaayeen jiilka da’yarta ah ee ganacsigoodu kobcayo si ay u taageeraan, isla markaana uga midho dhaliyaan hamigooda.

Kulanka Shuraako ku Daahfurayso maanta oo socon doona saddex cisho waxa ka qayb qaadan doona wasaaraddaha Ganacsiga, Macdanta iyo Tamarta iyo Rugta Ganacsiga Somalilad, waxaana lagu soo bandhiigi doonaa fursadaha maalgashi ee sanadkan loo baahan yahay.

Agaasimaha Shuraako Anthony Pelz ayaa munaasibada furitaanka uga mahadnaqaya dhamaan Taageerayaashooda, isagoo ku soo dhawyn doona Hargeysa iyo shirka Caalamiga ah ee ay ku qabanayaan.