Maayar ku-xigeenka Caynaba iyo sadex Xildhibaan oo absiga loo Taxaabay

0
105

Caynaba(Waaheen) ciidamadda Booliiska degmadda Caynaba ayaa xabsiga u Taxaabay Maayar ku-xigeenka magaaladda Caynaba iyo sadex xildhibaan oo kale, kuwaas oo lagu Eedaynayo inay Fal danbiyeed ku kaceen.

Badhasaab ku-xigeenka gobolka Saraar oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay masuuliyiintaasi la dagaalameen Maayarka Caynaba oo dad barakacayaal ah u qaybinaya xoolo mucaawino ah oo loogu talogalay.

Badhasaabku waxa uu sheegay xadhigoodu in uu yahay mid sharci ah oo ka dhashay dagaal ay ku qaadeen Maayarka, waxaanu sheegay qof kasta in uu sharcigu qabanayo haddii uu fal danbiyeed galo.

Sadexda Xildhibaan ayaa la geeyey Maxkamadda, waxaana lagu soo celiyey Saldhiga si danbigooda loo baadho.

Khilaaf xoogan ayaa beryahanba ka dhex aloosnaa xildhibaanada golaha deegaanka Caynaba, kaasoo ay dadweyuhu muddo badan cabasho ka muujinayeen.