Hirdanka Labada Xisbi Ee Facebook!

Waxaan yaqiinsaday in toddobaadyadan u dambeeyay uu si aad isu soo taraysa u kordhay is xajiimaynta, isu baanista, faanka, haaraanka iyo weerarka aan joogsiga lahayn ee facebook ku dhex maraya taageereyaasha labada xisbi ee xafiiltanku ka dhaxeeyo ee KULMIYE iyo WADDANI.

Taageereyaashan qaarkood, waxa siiqada sheekadooda laga dareemayaa reernimo, kuwo kale waxaad garanaysaa inay garaado goys ku yihiin dacaayada. Qaar waxaad dareemaysaa inay dhaqaale ku qabaan hawshan ay hayaan, kuwo kalena waxaad fahmaysaa in cagaha loo geliyay. Waxase jira kuwo isu biyo dhiijinaya si ay kuraas ama xilal uga qabtaan dawlad dhalan doonta.

Dadkan is naqdiyayaa, ma aha taageereyaal iyagu si fool-ka fool ah wax iskaga sheegaya ee mid waliba waxa uu durayaa murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga ka soo horjeeda. Qaarna amaanta Murrashaxa ay janteen, ayay isku hawlayaan inay sida kiniinka u liqsiiyaan dadka badan ee aan siyaasadda sidaasba u sii xaalaynaynin markay ka rajo dhigeen inaanay nolashooda saameyn togan ku yeelanaynin.

Waxaan u fahmay in gulufka aan xabad joojinta lahayn ee ka socda baraha bulshadu uu yahay, mid ajandeyaashiisa lagu soo go’aamiyo xarumaha dhexe ee xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI.

Waxa kaloo aan is weydiiyaa,in ciyaar xumada ka socota facebook, ay ka mid tahay qodobbada sii kala fogeeya hormuudka siyaasiyiinta labada xisbi oo iyaguna aan waxba isu hambaynin saacadaha ay makarafoonka helaan.

Beryahan ma arag kaadir xisbi oo ummada u laqimaya xisbigoodu wuxuu ummada u qabanayo. Waxase aad badan kuwo ku odhanaya dawladnimadu waxay ku xidhan tahay iyadoo xisbigayaga duubka madaxtinimada loo xidho.

Haddaba, miyaanay habboonayn inay hadalka shaandhada innaga mariyaan oo ay innoogu beddelaan inay soo bowsdaan barnaamij siyaasadeedka xisbigoodu diirrada saarayo ee uu ku galayo doorashada, ka dibna inala wadaagaan.

Maxay inoogu mashquulin waayeen inay ka doodaan sicir-bararka iyo sarrif bararka Dalka ka jira ee sameeyay Bulshada.

Filed in: Articles

You might like:

Madaxweynaha Somaliland Oo Shacbiga Burco Kala Qaybgalay Isu-soo Baxa Ololaha Doorashada Madaxtooyada Dardaaran Dhaxal-gal Ahna U Laqimay Kumanaan Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye Ka Mid Ah
KULMIYE oo Maalinta Koowaad ee Ololihiisa Doorashada Ku Daah-furay Mawjado Isu Soo Baxyo ah
Dowladda federaalka oo shir isugu yeedhay Madaxda maamul goboleedyada
Dhismaha Jidka Hormarra Cusbitaalka Adna oo Hakad Ku Yimid Iyo Dawladda Hoose oo aan Wax Tafaasiil ah Ka Bixinin
Madaxweynaha Somaliland oo ka qaybgalay Xaflada Qalin-jebinta Jaamacada Golis Fara-ceeda Burco Xadhigana ka Jaray Dhismaha Miiska Saraakiisha ee Ciidanka Qaranka Togdheer
TACSI:-Murashax Cirro oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Ku Timi Marxuum/Xildhibbaan Xasan Cawaale
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.