Berbera: Dhalinyaro Tahriib ah oo lagu qabtay iyo xukuumadda oo Xeebaha Buluxaar iyo Ceel-garde ciidamo dhigtay

0
64

Berbera(Waaheen) Badhasaabka gobolka Saaxil ayaa sheegay inay ciidanka Booliisku qabteen dhalinyaro Reer Burco ah oo magaaladda Berbera lagu qarinayey, kuwaas oo ay magafayaal doonayeen inay Dooni ka saaraan Xeebaha Ceel-garde iyo Buluxaar.

Badhasaabka Gobolka Saaxil waxa uu sheegay inay koox magafayaal ahi bar kulan ka dhigteen magaaladda Berbera si ay khad cusub oo Tahriib ah uga bilaabaan xeebaha gobolka ooh ore uga fayoobaa Tahriibka.

Badhasaabku waxa uu sheegay inay baadi-goobayaan Magafihii dhalinyaradan doonayey in uu Tahriibiyo, sidoo kale; waxa uu iftiimiyey inay ciidamo dhigeen xeebaha Berbera oo dhan si looga hortago dhibta Tahriibka.

Dhalinyarada la xidhay oo dhan 24 isla markaana ka soo jeeda Gobolka Togdheer waxa uu Badhasaabku sheegay inay Maxkamad horgayn doonaan isla markaana sharciga marin doonaan.

Tahriibka Dhalinyarada ayaa kolba waji cusub yeelanaya, waxaanay kolba Magafayaashu furayaan khad cusub oo aan hore loogu baran, si uu ganacsigooda dadku u noqdo mid aan istaagin, maadaama halaaga dhalinyaradaasi iyaga u yahay faa’iido.

Dhawaan waxa lagu dilay gobolka gabilay Oromo Tahriib ah, kuwaas oo magafayaashu ka dhoofayaan xeebaha Somaliya.