madaxweynaha oo xafiiskiisa ku qaabile 7-da Xubnood ee uu ka kooban yahay Komishanka Doorashooyinka Somaliland

Madaxweynaha JSL mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabile 7-da Xubnood ee uu ka kooban yahay  Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

 Komishanku waxay Madaxweynaha warbixin faah-faahsan ka siiyeen habsami u socodka hawlihii diwaan-gelinta, kaadh-qaadashada iyo u diyaar garowga qabsoomida Doorashada Madaxtooyada 13.11.2017. Komishsnku waxay Madaxweynaha si mug iyo miisanba leh ugaga mahad naqeen sida hagar la’aanta ee ay Xukuumadiisu hiil,  hoo iyo dhaqaaleba ula garab is taagtay hawlaha baaxadda leh ee ay KDQ ummadda u hayaan. Sidoo kale waxay Madaxweynaha  u sheegeen inay iyaga Kkomishan ahaan ka go’an tahay inay Idamka ALLAH Doorashada Madaxtooyada ku qabsoonto xilligii loogu tala galay 13.11.2017.

 KDQ waxay xisbiyada tartamaya ugu baaqeen inay Murashaxiintooda ku soo gudbiyaan  muddo 45 xisho ka hor maalinta loo qoondeeyey doorashada.

 Madaxweynaha waxa kulankan ku wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka, Wasiirka Warfaafinta, Wasiir ku xigeenka Madaxtooyada, Afhayeenka Madaxtooyada iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha. Kulankaasi wuxuu ku soo gaba gaboobay Guul iyo is afgarad. Isagoo madaxweynuhuna ku dhiirigeliyey hawsha qaran ee ay hayaan Allena uga baryey inuu ku asturo una dhib yareeyo hawlaha doorashada.

 

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Daawo: Musharaxa Wadani Oo ka hadlay Natiijada Doorashada
Wasaarada Warfaafinta oo Xayiraadii ka qaaday Tv-ga Kalsan
Daawo: “Eryal Tv Waxaanu Leenahay Beenta aad sheegaysaa Biyo isaga dara” Afhayeenka Wadani
Daawo: Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay Arimaha Doorashadda
Daawo: Musharax Cirro oo ka Hadlay wixii ka soo baxay Kulankii Komishanka
Daawo: Komishanka Doorashooyinka oo ka hadlay shirkii labada cisho ee Hogaanka Waddani
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.