Maraykanka oo duqayn ku laayey qaar ka mid ah Al shabaab

Moqdisho (Waaheen):- War saxaafadeed uu soo saaray taliska ciidamda Mareykanka ee Africa (AFRICOM) Jimcaha maanta ayaa lagu sheegey in iyadoo iskaashi lala yeelanayo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ciidamada Mareykanka qaadeen weerar xagga cirka ah oo qorsheysanaa, kaas oo lagu beegsaday Al-Shabaab Khamiistii abbaaro 2:45 Duhurnimo xilliga Soomaaliya. Waxana weerarkaasi ku dhintay hal argagixiye, sida lagu sheegey war saxafaadeedka.

Image may contain: one or more people

 

Howl-galka ayaa ka dhacay meel u dhow magaalada Baraawe oo 270 KM u jirta caasimadda Muqdisho. Mareykanka ayaa holwgalkani fuliyay iyadoo la raacayo awaamiirtii madaxweynaha Mareykanka uu bishii March sanadkan soo saaratay, kuwaas oo u ogolaanaya ciidamada inay ku beegsan karaan al-Shabaab iyadoo taageero laga helayao ciidamada Soomaaliyeed deegaannada ay ku xooggan yihiin kooxdaasi.

 

War-saxaafadeedka oo aan lagu sheegin magaca xubinta ay ciidamada Mareykanka beegsadeen, ayaa waxa sidoo kale lagu xaqiijiyay in ciidamada Maraykanka ay sii wadi doonaan inay adeegsadaan wax kaste oo macquul ah si loo difaaco Ameerikaanka islamarkaasina looga taqalluso halista kooxda.

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Daawo: Musharaxa Wadani Oo ka hadlay Natiijada Doorashada
Wasaarada Warfaafinta oo Xayiraadii ka qaaday Tv-ga Kalsan
Daawo: “Eryal Tv Waxaanu Leenahay Beenta aad sheegaysaa Biyo isaga dara” Afhayeenka Wadani
Daawo: Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay Arimaha Doorashadda
Daawo: Musharax Cirro oo ka Hadlay wixii ka soo baxay Kulankii Komishanka
Daawo: Komishanka Doorashooyinka oo ka hadlay shirkii labada cisho ee Hogaanka Waddani
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.