Gudoomiye Cirro oo Gaadhay Dalka Sucuudiga

Jiddah (Waaheen):- Murashaxa Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa gaadhay Magaalada Jiddah ee Dalka Sacuudiga

Image may contain: 3 people, people smiling, people standing and indoor

 

Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi oo safarkan uu ku wehelinaayay wiilkiisa Maxamed Cabdiraxmaan Cabdillaahi wuxu safarkiisu ku aadan yahay gudashada cibaadada rabbi ee Xajka, waxaana ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Jiddah, halkaas oo qaybta VIP-da ay ku soo dhaweeyeen Xoghayaha arrimaha carabta Ambassador Axmed Aadan Dagaal (Safiina) iyo xubno kamid ah waxgaradka Jaaliyada Somaliland ee Sacuudiga

 

Murashaxa Xisbiga WADDANI waxa loo galbiyay Huteelka loo sii diyaariyay, waxaana la filayaa inuu maalmahan khayrka leh ee 10-ka bisha Dulxaj uu gudan doona acmaasha Xajka.

Image may contain: 2 people, people standing and indoor

Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa ka hor intaanu maanta ka anbabixin Waddankiisa Somaliland wuxuu si taariikhi ah u sii dhammeeyay oo uga odayeeyay khilaafkii cakirnaa ee Golaha Wakiilada.

Image may contain: 4 people, people smiling, people standing and indoor

Image may contain: 2 people, people sitting and indoor

Image may contain: 2 people, people sitting and indoor

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Madaxwaynaha Cusub Ee Somaliland Oo Magacaabay Golihiisa Wasiirada + Magacyadooda
Daawo: Khudbadii uu Daahir Riyaale Kaahin ka Jeediyey Xilwareejintii Madaxtooyada
Daawo: “Xilka Qaranka Waa loo kala Saraynayaa balse Sharcigaa Saraynaya” Muuse Biixi
Daawo: Nuxurka Khudbadii u dambaysay ee Madaxweyne Siilaanyo
Cali Khaliif Galaydh oo Sheegay in Khaatumo Diyaar u tahay Somaliland lawada leeyahay
“Anigu Waligayba Waan Dhici Jiree Tani waxa ay ku Fiicnayd Cabdiraxmaan Ciro” Guddoomiyaha Ucid
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.