Xildhibaankii Saddexaad Oo Muddo 24 Sacadood Ah Iminka Iska Casilay Xisbiga Kulmiye

0
62

Hargeysa (Waaheen):- Xildhibaan Cabdilaahi Axed Yuusuf oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ee laga soo doorto gobalka Awdal oo goor dhaweyd warbaahinta la Hadley waxaa uu shaaciyey in uu ka baxay xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Xildhibaankan ayaa waxaa uu iscasilaadiisa ku sababeeyey khilaafkii ka dhashay doorashadii gudoomiyaha golaha wakiilada , waxaana uu cadeeyey in uu isagu doorashadaasi u codeeyey Xil Cabdiraxmaan Talyanle