Xukuumadda oo Xabsiga dhigtay Xildhibaan Saleebaan Cali Koore iyo koox uu watay oo Rabshay Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiiladda

Waxay Barxadda gudaha ee Golaha Wakiiladda ka dhex rideen xabad rasaas ah oo Golaaftan ahayd

Hargeysa(Waaheen) Xukuumadda Somaliland ayaa shalay Xabsiga dhigtay xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali Koore, kadib markii uu xafiiskiisa ku weeraray Guddoomiayaha cusub ee loo doortay Golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax.

Xildhibaanka waxa lala xidhay laba nin oo la socday oo ilaalo u ahaa, kuwaas oo midkood xabad Rasaas ah ka dhex riday Barxadda Golaha Wakiiladda, kadib markii ay ilaalada Guddoomiye Baashe ka soo saareen xafiiska guddoomiyaha.

Wax khasaare ah oo dhacay ma jiraan, hase yeeshee xildhibaano goob joog ahaa ayaa warbaahinta u sheegay in uu Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali Koore xafiiska guddoomiyaha Rabshad ka dhex sameeyey, isagoo weerar afka ah ku qaaday guddoomiye Baashe oo ay ku tartamayeen guddoomiyanimada, balse maalmo ka hor uun uu uga tanaasulay, kadib markii ay Ergo ka soo jeeda Guddoomiye Baashe ka codsatay Saleebaan in uu uga hadho, taasoo uu aqbalay.

Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa inkasta oo uu ka hadhay Tartanka, hadana waxa uu la saftay Xildhibaan Talyanle oo Hal Cod lagaga Guulaystay, wallow imika uu Diidan yahay Natiijaddii uu marka hore aqbalay.

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon ayaa ka hadlay arrintan ayaa xaqiijiyey xadhiga Xildhibaanka iyo labada Nin ee kale, waxaanu ugu baaqay cid kasta oo sharci darro ku kacda in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Laascaanood oo Noqotay Magaalagada ugu Korontada Jaban Somaliland
Khilaaf la xidhiidha Xajka oo ka dhaxeeya Sucuudiga iyo Qadar
Tixda Miski W. Q: Rashiid Sheekh Cabdillaahi Xaaji Axmed(Gadhweyne)
Ujeedada Safarka Wasiir Ingiriis Ah Oo Maanta Hargeysa Imanaya
Maxkamada Gobolka Hargeysa Oo Xayiradii Ka Qaaday Mareegta Suradnews.Com
Fadhigii Saaka Ee Golaha Wakiilada Oo Kooram La,aan U Furmi Waayey Iyo Xildhibaanada Oo Mar Labaad Fasax La Galiyey
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.