Talyanle oo Dacwad u gudbiyey Maxkamadda Sare ee JSL

 

Hargeysa(Waaheen) Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle ayaa shalay dalab dacwadeed u gudbiyey maxkamadda sare ee Somaliland, si ay uga garnaqdo muranka ka dhashay guddoomiyenimada golaha Wakiillada.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Somaliland Aadam Xaaji Cali ayaa VOA u sheegay in ay shalay ka qabteen dalabkaas, isla markaana ay maxkamad ahaan dersayaan codsigaa, si ay u hubiyaan in dacwadi ka dhalanayso oo la furo iyo in aanay ka dhalanayn.

Dacwadda uu C/raxmaan Talyanle u gudbiyey ayaa ah in tiradii ka soo baxday Natiijaddii guddoomiyanimada golaha wakiiladda oo uu kula tartamay Baashe Maxamed Faarax oo ay kala heleen tiraddii golaha fadhiday 38 iyo 39 Cod, taasoo uu markii hore u hanbalyeeyey, balse uu Imika u arko in wax Hal Cod la is dhaafiyey.

Dacwadan oo ah tii noceeda ah ayaa la filayaa inay Maxkamaddu Go’aan ka soo saarto, maadaama Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani iyo Xukuumadda talada haysa ee Xisbiga Kulmiye uu khilaaf xoogani ka dhex taagan yahay.

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay xukuumadda ahaan inay ka war sugayaan jawaabta Dacwadda uu Xildhibaan Talyanle u gudbiyey Maxkamadda, isagoo cid kasta oo wax tabanayasa ugu baaqay in sharciga la ixtiraamo.

Dacwaddaas waxa gudbinteeda Mudane Cabdiraxmaan ku wehelinayay garyaqaanno, xubno xildhibaanno ah iyo sidoo kale xubno ka tirsan Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Madaxweynaha Somaliland Oo Shacbiga Burco Kala Qaybgalay Isu-soo Baxa Ololaha Doorashada Madaxtooyada Dardaaran Dhaxal-gal Ahna U Laqimay Kumanaan Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye Ka Mid Ah
KULMIYE oo Maalinta Koowaad ee Ololihiisa Doorashada Ku Daah-furay Mawjado Isu Soo Baxyo ah
Dowladda federaalka oo shir isugu yeedhay Madaxda maamul goboleedyada
Dhismaha Jidka Hormarra Cusbitaalka Adna oo Hakad Ku Yimid Iyo Dawladda Hoose oo aan Wax Tafaasiil ah Ka Bixinin
Madaxweynaha Somaliland oo ka qaybgalay Xaflada Qalin-jebinta Jaamacada Golis Fara-ceeda Burco Xadhigana ka Jaray Dhismaha Miiska Saraakiisha ee Ciidanka Qaranka Togdheer
TACSI:-Murashax Cirro oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Ku Timi Marxuum/Xildhibbaan Xasan Cawaale
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.