Saddexda Xisbi Qaran oo Ololahooda Kaadh-qaadashada Sool iyo Sanaag ka sii bilaabay Saaxil iyo Togdheer

Ganaaxii Komishanku ku daray Xeerka Anshaxa oo aan waxba Dabrayn

Hargeysa(Waaheen) Madaxda Saddexda Xisbi Qaran oo ku sii jeedda Goboladda Sool iyo Sanaag ayaa olole Laxaadleh ka sii bilaabay goboladda Saaxil iyo Togdheer, halkaas oo wufuuda ay kala hogaaminayaan Musharaxiintoodu looga sameeyey xafladdo balaadhan.

Muuse Biixi, C/raxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe oo ay hareero taagan yihiin siyaasiyiinta ugu Miisaanka culus xisbiyadooda ayaa dadweynaha soo dhaweeyey mid walbaaba uga dalbaday inay musharaxa ay wataan soo saaraan Doorashada, iyadoo mid kasta dadweynaha u bandhigay Musharaxoodu inuu yahay ka kaliya ee u qalma in uu dalka hogaami karo marxaladda lagu jiro.

Xisbi kastaa wuxuu shaashada fagaarayaasha soo dhigay siyaasiyiin isku dhafan fikir ahaan iyo hayb ahaanba, taasoo musharax kastaa dadweynaha ka iibinayo taageeradda uu ka haysto gobol kasta, maadaama in badan lagu Eedeeyo in musharax kastaa taageero ka raadsado beeshiisa oo kali ah.

Loolanka ama taageero raadiskan oo ah kii ugu danbeeyey ee lagu so oaf-jarayo Kaadh-qaadashada ayaa noqonaya wareegii ugu danbeeyey ee dadweynaha lagu guubaabinayey inay kaadhadhka Cod-bixinta qataan, si ay usoo saaraan Madaxweynaha Dalka ninka noqonaya.

Inkasta oo Komishanka Doorashooyinku ku ganaaxeen ololaha noocan ah xisbiyadda Wadani iyo Kulmiye, hadana waxa muuqata inaanay dhagaysan baaqyadii loogu digayey, waxaana sababta arrintaas lala xidhiidhinayaa Xeerka Anshax ee aya dhigteen in Ganaaxa ku jiraa uu yahay mid yar oo ay si fudud isaga bixin karaan Axsaabtu.

Kaadh-qaadashadii Saaxil iyo Awdal waxa la eedayn jiray labada Xisbi ee Kulmiye iyo Wadani, hase yeeshee musharaxa UCID baa si toos ah looga dhex arkay doorkan, isagoo isu soo bax balaadhan loogu sameeyey Burco, taasoo ka dhigan meel uu ku hadhaa inaanay u muuqan.

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Laascaanood oo Noqotay Magaalagada ugu Korontada Jaban Somaliland
Khilaaf la xidhiidha Xajka oo ka dhaxeeya Sucuudiga iyo Qadar
Tixda Miski W. Q: Rashiid Sheekh Cabdillaahi Xaaji Axmed(Gadhweyne)
Ujeedada Safarka Wasiir Ingiriis Ah Oo Maanta Hargeysa Imanaya
Maxkamada Gobolka Hargeysa Oo Xayiradii Ka Qaaday Mareegta Suradnews.Com
Fadhigii Saaka Ee Golaha Wakiilada Oo Kooram La,aan U Furmi Waayey Iyo Xildhibaanada Oo Mar Labaad Fasax La Galiyey
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.