Dawlada Talyaaniga oo u Diiday Markab Sida Muhaajiriin in uu ku Soo Xidho Dekadaheeda

Lampedusa(Waaheen)  Markab u kireysan hay’adda dhakhaatiirta aan xudduudda lahayn ee MSF oo siday dad muhaajiriin ah ayaa loo diiday in uu ku xirto dekadda jasiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga.

Markabka ayaa doonayay in dadkaasi muhaajiriinta ahi uu ku dejiyo halkaa balse waxaa laga hor istaagay in uu dekadda ku xirto.

Tallaabada loogu diiday markabkaasi in uu ku xirto dekadda ayaa qayb ka ah siyaasadda Talyaaniga ee ka dhanka ah qulqulka muhaajiriinta.

Ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa markabkaasi oo siday 127 qof oo muhaajiriin ah oo laga soo badbaadiyay badda.

MSF ayaa waxa ay ka mid tahay hay’adaha samafalka ee diiday in ay saxiixaan xeer cusub oo ay soo saartay dowladda Talyaaniga.

Talyaaniga sheegaya in joogitaanka hay’adahai ay dhiirigelinayso dadka ka soo tahriibaya dalka Liibiya.

Haseyeeshee hay’adahani ayaa ku doodaya in xeerkaasi uu lid ku yahay hawlgalladooda bani’aadaniumada, waxa ayna sheegayaan in ay u hoggaansamayaan oo kaliya shuruucda caalamiga ah.

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Madaxweynaha Somaliland Oo Shacbiga Burco Kala Qaybgalay Isu-soo Baxa Ololaha Doorashada Madaxtooyada Dardaaran Dhaxal-gal Ahna U Laqimay Kumanaan Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye Ka Mid Ah
KULMIYE oo Maalinta Koowaad ee Ololihiisa Doorashada Ku Daah-furay Mawjado Isu Soo Baxyo ah
Dowladda federaalka oo shir isugu yeedhay Madaxda maamul goboleedyada
Dhismaha Jidka Hormarra Cusbitaalka Adna oo Hakad Ku Yimid Iyo Dawladda Hoose oo aan Wax Tafaasiil ah Ka Bixinin
Madaxweynaha Somaliland oo ka qaybgalay Xaflada Qalin-jebinta Jaamacada Golis Fara-ceeda Burco Xadhigana ka Jaray Dhismaha Miiska Saraakiisha ee Ciidanka Qaranka Togdheer
TACSI:-Murashax Cirro oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Ku Timi Marxuum/Xildhibbaan Xasan Cawaale
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.