Xoghayaha Golaha Wakiilada Oo lagu eedeeyey In Uu Isdabo Mariyey Doorashadii Shalay Ee Golahaasi Iyo Maxkamad La Saari Doono

0
59

Hargeysa(Waaheen):- Xildhibaan Siciid Warsame Gaane oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa waxaa uu cadeeyey in xoghayaha golaha wakiiladu uu shalay isdabo mariyey codadkii ay kala heleen labadii Musharax ee u tartamaayey xilka gudoomiyaha golahaasi

Xildhibaanka ayaa cadeeyey in isdabo marintaas uu sameeyey Xoghayuhu cadeymahooda la hayo isla markaana maxkamad lala tiigsan doono oo aan lagaga hadhi doonin