Baashe Maxamed Faarax oo ku Guulaystay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda

0
202

Hargeysa(Waaheen) Baashe Maxamed Faarax ayaa ku guulaystay in uu noqdo guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiiladda Somaliland.

Fadhigii golaha Wakiiladda ee saaka oo ay ku tartamayeen jagadii uu C/raxmaan Cirroi beeniyey labada mudane ee Baashe Maxamed Faarax iyo C/raxmaan Talyanle ayaa ku soo gabagabawday in uu Baashe Hal cod kaga guulaysto Talyanle.

Doorashada maanta ee guddoomiyaha golaha Wakiiladda ayaa ahayd mid adag oo ay Xukuumadda iyo Mucaaradku si weyn ugu soo diyaar garoobeen, iyadoo tan iyo intii Cirro iscasilay olole balaadhani ka dhex socday golaha iyo guud ahaan saaxadda siyaasadda Somaliland.

Xukuumadda Somaliland ayaa shalay shan iyo afartan xildhibaan xasuuntay, halka Mucaaradkuna ama xisbiga Wadani isna uu dhinicisa olele kale ka waday.

Isku dhawaanshaha labada mudane ayaa waxa keenay doorashad guddoomiye ku-xigeenka koowaad, taasoo sababtay is xulafaysi ay la kala safteen labada musharax ee maanta la kala doortay, inkasta oo dib loo dhigay doorashadii ku-xigeenka Koowaad oo ay u sharaxan yihiin mudanayaal badan.

Doorashada maanta ayaa la saadaalinayaa inay hordhac u tahay ta Madaxweynaha oo la filayo inay u adkaan doonto sida tan wakiiladda oo kale.