Kiniisadda La Furay: Weydiin Ku Socota Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland!

Ma jecli in aan gef iyo gardarro ula tago culimada, waxaanay ka mid yihiin dadka aan xurmada ugu hayo kaalintooda aqooneed iyo doorka ay kaga jiraan baraarujinta iyo toosinta ummadda. Laakiin Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed waa Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, sidaas awgeed ayaa ay u tahay in aan ugu gudbiyo wixii madmadaw igaga jiro ee la xidhiidha awoodaha maamulka dalka, gaar ahaan waxyaabaha saamaynta ku leh diinta.

Mudane Wasiir, waxa aad sheegtay in aan kiniisad cusub laga dhisaynnin Hargeysa ee la wadwado mid hore u jirtay. Haddii ay diinta Islaamku inaga reebtay in aynu duminno goobaha aynu heshiiska kula galnay dadka ehlu-kitaabka ah sida Kiristaanka iyo Yuhuudda, goorma ayay shacbigeennu oggolaadeen in Hargeysa laga furo kiniisad?

Xilliga la furay kiniisaddan waxa dalka gumeysanayay rag ka soo duulay qaaradda Yurub, waddankana waxa ay ku haysteen qori-caaradii. Dad aan xorriyad haysani miyaa ay heshiis la geli karaan qofka addoonsanaya ee madiidinka ka dhigtay? Mise xilligii uu baxayay ayaa uu inaga saxeexay in wax-ka-beddel lagu samayn karin waxyaabaha, goobaha iyo dhaqannada uu ka tegay?. Haddii ayba ku duntay amar Alle oo albaabbada loo laabay 1988kii, miyaanay qurxoonayn in ay sidaas ku bannadnaato? Waa shar uu Ilaahay inaga xidhay’e, maxaa laga dheefayaa furitaankeeda?

Maadaama oo ay kiniisaddu tahay goob cibaado, saw gaalada uma furna in ay diintooda ku faafiyaan halkaas, sida aynu diinta Islaamka ugu faafinno masaajiddada ku yaalla dacallada dunida?. Sidee ayaa loo ogaan karaa haddii kobtaas la keeno baadderiyo faafiya diinta Kiristaanka, maxaa se lagaga hortegayaa in ay caqiiqadooda faafiyaan? Keliya ma waxa loo oggol yahay in ay ku cibaadaystaan dadka soo-galeetiga ah ee haysta diinta Kiristaanka, mise waxa ay u furan tahay dadka Somaliland iyo Soomaalida haysta diinta Kiristaanka?

Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmedow, weli ma tegin dhul ay gaaladu ka taliso, waxa se igu maqaalo ahi in dadka baahani ay tagaan kiniisadaha, isla markaana looga dawaro. Weliba qaar ka mid ah dadkaas ayaa ku andacooda in ay Islaamnimada ka baxeen si loogu kaalmeeyo. Mudane Wasiir, sidee ayaa uu falkaasi saamayn taban ugu yeelanayaa ummadda saboolka ah ee Somaliland.

Mudane Wasiir, waxa Hargeysa lagu xidhay Juun 2016ka lix dhallinyaro ah oo lagu eedeeyay in ay ka baxeen Diinta Islaamka, laakiin waxa aan ogaaday in uu warkaasi wanjal iyo been-abuur ahaa. Waxaanan qaar ka mid ah barbartaas kula tukaday xabsigii gefka iyo gabbood-falka loo geeyay. Markii ay laba bilood iyo dheeraad xidhnaayeen ayaa la sii daayay iyada oo milgahooda, maamuuskooda iyo milladdoodaba lagu gefay. Ilaahay inaguma keena’e haddii ay dadka qaarkood ka baxaan diinta Islaamka oo ay magan-gelyo weydiistaan kiniisadda ay gaaladu gacanta ku hayso, maxaa inooga meel yaalla?

Ugu dambayntii Mudane Wasiir, waxa aan ogaa adiga oo Masaajidka Cali Mataan ka bogaadiyay xisbiga UCID oo 2010kii ku ololeeyay in uu dalka ku xukumayo Diinta Islaamka, haddii uu guulaysto. Adiga oo aan KULMIYE ka tirsanayn, u ololayn, dhaqaalena ku bixin ayaad heshay Wasiir aan dhicin oo la kowsaday xukuumadda Axmed-Siilaanyo. Waxyaabo badan oo dulmi ku ahaa diinta Islaamka oo dhacay toddobadaas gu’, wasaaraddaadu kama ay qaadin tallaabadii ku habboonayd. Ma la odhan karaa ku-biiritaankaaga nidaamka dimuqraaddi ahi waxa uu debcsanaan ku keenay aragtidaadii tognayd ee aad kaga dhiidhiyi lahayd waxyaabaha lidka ku ah diinta Islaamka?

Siciid Maxamuud Gahayr

saedmgahair@hotmail.com

Filed in: Articles, Videos

You might like:

Madaxweynaha Somaliland oo ka qaybgalay Xaflada Qalin-jebinta Jaamacada Golis Fara-ceeda Burco Xadhigana ka Jaray Dhismaha Miiska Saraakiisha ee Ciidanka Qaranka Togdheer
TACSI:-Murashax Cirro oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Ku Timi Marxuum/Xildhibbaan Xasan Cawaale
TACSI MADAXWEYNE: Marxuum Xasan Cawaale IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
TACSI GUDDOOMIYAHA kULMIYE: Marxuum Xasan Cawaale Caynaan: IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Ololihii Doorashada Madaxtooyadda ee Sadexda Xisbi oo saaka si rasmi ah uga bilaabmay Hargeysa iyo UCID oo saaka u leh dabaal-dega
Madaxweynaha Somaliland Oo Goob-joog U Ahaa Heshiis Taariikhi Ah Oo Dhex Maray Somaliland Iyo Khaatumo, Waxaanu Madaxweynuhu Khudbad Ka Jeediyey Madashii Kulanku Ka Dhacay Oo ahayd Caynaba Iyo Nuxurka Heshiiska Ka Soo Baxay Shirka
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.