Maxan Ku Doortay Musharaxa Xisbiga Kulmiye Muse ? 

Iyadoo mar walba ay taariikhdu tahay markhaatiga ugu wayn ee doodaha ayaa waxad ogtihiin in #Muuse taariikhiyan ahaa qof naftiisa usoo huray #Somaliland wakhti badana galiyay sidii ay cagaheeda ugu istaagi lahayd, Haday tahay Nabadayntii, Hubka-dhigistii, Asaaski Ururada, Doorashooyinkii Iyo guud ahaanba wacyigii laso maray oo uu ka ahaa shaqsiyad firfircoon kartina badan, waxa kalo uu #Muse_Biixi yahay shaqsiga kaliya ee an dalka ka bixin qoyskiisuna dagana 27-kii sanno ee Somaliland jirtay !

Hadaba aan uso daadago maxan ka filaya Musharax Muse ?

1- Ku dhaqanka sharciga : waxan aminsanahay inu ku adkaan doono ku dhaqanka shuruucda ino qoran oo ay naafeeyaan dhaqanka barbar socda ee keentay la jiifiyaana banaanta.
2- Cadaalada dadka : waxan filaya inu yahay shaqsiga ugu haboon ee fahmi qaab saami qaybsi oo dadkani helaan madama uu yahay qofka dhaqan ahaan ugu aqoonta badan kunaso dhex jiray.
3- Waxsoo saarka : Waxan ogahay inuu yahay shaqsi aaminsan in dalku ku horumari karo dadkiisu inay gacma ka shaqeeyaan wax soo saarna yeeshan dhanka beera iyo xirfadahaba.
4- Kaabayaasha dalka : waxan filaya in uu culays badan saari doono kaabayaasha dhaqaalaha dalka sida wadooyinka, dekedaha, Gagooyinka diraayada iwm.
5- Nabada Mandaqada : waxan filaya in aqoontiisa ciidan-nimo ay fure u noqon doonto adkaynta nabada dalka iyo la shaqaynta dalalka jaarkaba.
6- Siyaasada dibada : waxan filaya inuu abuuri doono saaxiibo cusub uuna iibin doono qadiyada dalkan.

Waxan inta ii dheer qorshayaasha Xisbiga #Kulmiyeee laso bandhigi doono dhawaani inay noqon doonaan kuwo si dhaba idiinkusii tafsiira waxa uu hirgalin doono hadii la doorto Musharax Muse.

Aad ban idiinku mahadcelinaya asxaabtayday waxanan rajaynaya inad ila qaadan doontan fikirkayga #Xisbiga_Kulmiye.

Mohamed Ahmed
Hargeisa/Somaliland.

Filed in: Articles, Waaheen News

You might like:

Madaxweynaha Somaliland oo ka qaybgalay Xaflada Qalin-jebinta Jaamacada Golis Fara-ceeda Burco Xadhigana ka Jaray Dhismaha Miiska Saraakiisha ee Ciidanka Qaranka Togdheer
TACSI:-Murashax Cirro oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Ku Timi Marxuum/Xildhibbaan Xasan Cawaale
TACSI MADAXWEYNE: Marxuum Xasan Cawaale IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
TACSI GUDDOOMIYAHA kULMIYE: Marxuum Xasan Cawaale Caynaan: IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Ololihii Doorashada Madaxtooyadda ee Sadexda Xisbi oo saaka si rasmi ah uga bilaabmay Hargeysa iyo UCID oo saaka u leh dabaal-dega
Madaxweynaha Somaliland Oo Goob-joog U Ahaa Heshiis Taariikhi Ah Oo Dhex Maray Somaliland Iyo Khaatumo, Waxaanu Madaxweynuhu Khudbad Ka Jeediyey Madashii Kulanku Ka Dhacay Oo ahayd Caynaba Iyo Nuxurka Heshiiska Ka Soo Baxay Shirka
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.