UK oo 2040-ka laga mamnuucayo gawaadhida cusub ee ku shaqeeya shidaalka

Dowladda Britain ayaa lagu wadaa in ay ku dhawaaqdo qorshe dalka looga mamnuucayo gawaarida cusub ee ku shaqeeya baasiinka iyo naaftada laga billaabo sanadka 2040-ka, waxaana arintan ay qayb ka tahay dedaalada lagula tacaalayo wasakheynta hawada.

Wasiirada ay arrintan khuseyso ayaa lagu wadaa in ay 255 milyan oo geniga istarliinka ah u qoondeeyaan sidii wax looga qaban lahaa qaaca baabuurta naaftada ku shaqeeya. Lacagtan ayaa qeyb ka ah saddex bilyan oo geniga istarliinka ah oo loo qorsheeyay in wax looga qabto wasakheynta hawada.

Dowladda Britain ayaa la filayaa in ay dhawaan shaaciso qorshaheeda la tacaalidda wasakheynta hawada, taa oo u janjeerta dhanka isticmaalka baabuurta korontada ku sahqeeya ka hor inta aysan dhammaan muddada kama dambeysta ah ee ay maxkamadda sare u qabatay in ay qorshahaasi ku soo bandhigto.

kooxaha u ololeeya arrimaha deegaanka ayaa sheegaya in tallaabadani ay dowladda qaadeyso ay tahay mid wanaasgan oo muujineysa mustaqbal wanaagsan balse wali loo baahan yahay in wax badan laga ogaado qorshahani.

Kaddib muran dheer oo dhanka sharciga ah ayaa dowladda lagu khasbay in ay la timaado qorshe ay wax uga qabaneyso heerka qiiqa sunta ah ee gawaaridu ay hawada ku sii daayaan, waxaana garsoore maxkamadeed uu qaatay aragtida hawlwadeenada dhanka deegaanka oo ku doodayay in qorshaha hadda jira ee dowladda uusan ahayn mid gaarsiisan heerka Midowga Yurub uu ku xakameeyo wasakheynta hawada.

wasiirada ay arrintan khuseyso ayaa ka cabsanayay in loo arko in ay ciqaabayaan darawaliinta baabuurta ku shaqeeya naaftada, kuwaasi oo ay sheegeen in ay baabuurtaasi iibsadeen kaddib amrkii dowladda ay ku dhiirigelisay oo ay sheegtay in uu yaryahay qiiqa kaarboonka ee ka baxaya baabuurtani.

Ururka ay ku midoobeen shirkadaha baabuurta sameeya iyo kuwa ka ganacsada ayaa sheegaya in ay muhiim tahay in laga baaqsado in gebi ahaanba la mamnuuco baabuurta ku shaqeeya naaftada, arrintaa oo ay sheegeen haddi lagu dhaqaaqo in ay waxyeelo weyn u geysanayso wax soo saarka shirkadahani.

Go’aanka dowladda UK ayaa ku soo beegmayo xilli ay jiraan astaamo muujinaya in dadku ay baabuurta naaftada iyo baasiinka ku shaqeeya ka doorbidayaan baabuurta korontada ku sahqeeya.

Filed in: Radio Waaheen, Waaheen News

You might like:

Madaxweynaha Somaliland oo ka qaybgalay Xaflada Qalin-jebinta Jaamacada Golis Fara-ceeda Burco Xadhigana ka Jaray Dhismaha Miiska Saraakiisha ee Ciidanka Qaranka Togdheer
TACSI:-Murashax Cirro oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Ku Timi Marxuum/Xildhibbaan Xasan Cawaale
TACSI MADAXWEYNE: Marxuum Xasan Cawaale IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
TACSI GUDDOOMIYAHA kULMIYE: Marxuum Xasan Cawaale Caynaan: IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Ololihii Doorashada Madaxtooyadda ee Sadexda Xisbi oo saaka si rasmi ah uga bilaabmay Hargeysa iyo UCID oo saaka u leh dabaal-dega
Madaxweynaha Somaliland Oo Goob-joog U Ahaa Heshiis Taariikhi Ah Oo Dhex Maray Somaliland Iyo Khaatumo, Waxaanu Madaxweynuhu Khudbad Ka Jeediyey Madashii Kulanku Ka Dhacay Oo ahayd Caynaba Iyo Nuxurka Heshiiska Ka Soo Baxay Shirka
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.