Iiiran: Gabadh Wariye ah oo ka soo dhex muuqatay Sawiro Diinta Lid ku ah oo la cambaareeyey

Gabadh ka mid ah wariyayaasha ka howlgala dalka TV-ga qaran Iraan oo lagu magacaabo Azadeh Namdari ayaa waxa si kulul loogu canbaareeyay baraha bulshada .

Canbaaraynta ka dhanka ah Azadeh Namdari ayaa timid ka dib markii uu soo baxay muuqaal muujinaya wariyahan oo cabaysa khamri islamarkana aan xijaabnayn xili ay fasax ku joogtay dalka Switzerland.

Cabidda Khamriga ayaa waxa mamnuucday diinta islamka sidoo kale Iraan waa ka mamnuuc islamarkana waa sharci in haweenka ay xirtaan xijaabka.

Namdari ayaa aad loogu yiqiinay in ay xirato dharka muslimiinta waxa ayna ahayd mid xijaabka xirata.

Azadeh Namdari ayaa mar lagu soo daabacay wargayska Vatan-e Emruz iyada oo xiran xijaab, waxaan cinwaan looga dhigay: “Alle ayaa mahad leh,waxa aan xirtaa xijaabka.

Azadeh Namdari oo sawirkan mar lagu baahiyay iyada oo xijaaban wargayska Vatan-e EmruzLahaanshaha sawirkaVATAN-E EMRUZ
Image captionAzadeh Namdari oo sawirkan mar lagu baahiyay wargayska Vatan-e Emruz

Dadka isticmaala baraha bulshada ayaa waxa ay haweenaydan wariyaha ah ku tilmaameen in ficilkeeda uu yahay mid munaaqfuqnimo ah.

Azadeh Namdari oo ka jawaabaysa eedeeymaha loo soo jeediyay ayaa muuqaal kale oo ay soo dhigtay baraha bulshada waxa ay sharaxaad ka bixisay sababta aysan muuqaalkaasi u xijaabnayn.

Waxa ay sheegtay dadka muuqaalka la baahiyay kula jira ay ahaayeen dad ka mid ah qoyskeeda oo aan sharciyan loo baahnayn in ay ka xijaabato.

Waxa ay sidoo kale ay sheegtay in markii muuqaalkan laga qaadayay uu xijaabka ka dhacay islamarkana si kadis ah loo qaaday muuqaalka.

Wax sharaxaad ah kama aysan bixin arrinta ku saabsan cabitaanka khamriga oo uu muujinayo muqaalkan la baahiyay.

Filed in: Radio Waaheen

You might like:

Madaxweynaha Somaliland oo ka qaybgalay Xaflada Qalin-jebinta Jaamacada Golis Fara-ceeda Burco Xadhigana ka Jaray Dhismaha Miiska Saraakiisha ee Ciidanka Qaranka Togdheer
TACSI:-Murashax Cirro oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Ku Timi Marxuum/Xildhibbaan Xasan Cawaale
TACSI MADAXWEYNE: Marxuum Xasan Cawaale IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
TACSI GUDDOOMIYAHA kULMIYE: Marxuum Xasan Cawaale Caynaan: IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Ololihii Doorashada Madaxtooyadda ee Sadexda Xisbi oo saaka si rasmi ah uga bilaabmay Hargeysa iyo UCID oo saaka u leh dabaal-dega
Madaxweynaha Somaliland Oo Goob-joog U Ahaa Heshiis Taariikhi Ah Oo Dhex Maray Somaliland Iyo Khaatumo, Waxaanu Madaxweynuhu Khudbad Ka Jeediyey Madashii Kulanku Ka Dhacay Oo ahayd Caynaba Iyo Nuxurka Heshiiska Ka Soo Baxay Shirka
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.