Cali Khaliif Galaydh oo Heshiis la galay maleeshiyaadka Buuhoodle

0
256

Buuhoodle(Waaheen) Cali Khaliif Galaydh ayaa soo af-jaray khilaaf u dhaxeeyey isaga iyo maleeshiyooyin Buuhoodle goolaaftan ka waday muddooyinkii u danbeeyey.

cutubyo ka tirsan maleeshiyaadkaasi ayaa salaan sharaf ku siiyey duleedka Buuhoodle Cali Khaliif iyo kooxda la socotay.

muuqaal muujinaya kulanka Heshiika ay ku wada gaadheen ayaa la soo dhigay baraha Bulshada, kaasoo lagu sheegay in is faham laga gaadhay xurguftii u dhaxaysay.

maleeshiyooyinka Cali la heshiiyey ayaa ka xanaaqay wadahadaladii uu la soo galay Somaliland, waxaanay ku hajabeen inaanu Heshiiskaasi ku metelin Cali Reer Buuhoodle.