Fadhiyadii Golaha Wakiilada Oo Kooram La,aan U Qabsoomi La Iyo Dhaliilaha Dul Hoganaya Shir Gudoonka

Hareysa(Waaheen):-Mudanayaasha golaha wakiiladda somaliland iyo shir gudoonkooda ayaa ku guul daraystay sadexdii todobaad ee u dambeeyey inuu sii socda kal fadhiga 34aad ee golahaasi.

Inta badan mudanayaasha golaha wakiilada iyo shir gudoonka golahaasi ayaan ka soo xaadirin xarunta baarlamaanka taas oo keentay in fadhi kasta oo goluhu lahaa uu gaadhi waayo kooramkii xildhibaanada ee loo baahna in lagu furo.

Laga soo bilaabi bilawg

Tan iyo bilowgii bishan July oo ku beegnayd markii uu mudaneyaashu kasoo noqdeen fasax dheer oo ay ku jireen waxaa golaha u suurto geli waayay in fadhiyada kal-fadhigoodan 34aad  uu sharciyan si rasmi ah u gudo geli kari waayo waajibaadkooda, taasoo sababta ugu weyni tahay iyadoo subax walba uu kooramka fadhiga goluhu ku furmayo  uu buuxsami waayo, isla markaana uu hoggaankii golaha iyo badiba mudaneyaasha taabacsani kasoo xaadiri waayaan fadhiyada sidaasina lagu kala dareero.

Kalfadhiga 34aad ee golaha ayaa tan iyo markii uu furmay 1dii bishan aynu ku jirno ee July waxaa aan kasoo xaadirin guddoomiyaha golahaasi ahna murashaxa xisbiga WADDANI MD. Cadbiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo isaga uu sharcigu siinayo in uu goob joog ahaado furitaanka kalfadhiyada golihiisa, haddii cudurdaar la’aan uu ku maqan yahay, sidaasi oo ay tahayna waxaa Md. Cirro iyo badiba xildhibaanno xisbiga WADDANi ka tirsan oo taabacasan guddoomiyuhu ay  toddobaadyadii u dembeeyey shaqadii iyo waajibaadkii  loo igmaday ay kaga mashquuleen dano gaar ah iyo hawlo kaambayn oo khuseeya xisbiga WADDANi, iyaga oo sida laga war qabo safarro  ololeysan ku maraya deegaannada ay kaadh qaybintu kasocotay ee gobollada Hargeysa iyo togdheer.

furitaankii kal fadhiga golaha oo  uu shirguddoominayay guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golahaasi Md.  Baashe Maxamed Faarax kaaso o mudaneyaasha loogu qaybiyey ajendaha kal fadhigooda, si ay uga soo doodaan ansixintiisa ayaa fadhigiisii labaad oo ay kasoo xaadireen 42 mudane waxa lagu meel mariyey  ansixintiisa kadib markii ay soo lafo gureen qoddobada uu huwanyahay.

Haddaba wixii ka dembeeyey fadhigii labaad ee kalfadhigaas oo ku beegnaa July 2, 2017  kaasoo lagu ansixiyey ajandahoda waxaa shaqadii goluhu gashay hakad iyada oo ay meesha ka baxeen hoggaamintii fadhiyada iyo dhego nuglaantii looga baahnaa mudaneyaasha  waxaana tiraba dhawr maalmood oo shirguddoonku isku dayay in fadhigu furmo uu ku suuro geli waayay kooram la’aan awgeed.

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Hannaankii wax lagu dooran jiray ma hayno
Faa’iidada Ay Qaranka U Leedahay Wakaalada Xabkaha Iyo Faleemka Somaliland
Dowladda iiraan oo ku guulaysatay tijaabada gantaal nooca satellitka
Cilmi-baadhayaashii Nigeria oo kala bar la dilay
Daawo: Madax dhaqameedka Beesha Ciise oo Baaq Adag diray
Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Sacad Cali Shire oo Booqday Ciidanka Dab-demiska
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.