Xafiiskii Magaalada Nasiye Ee Xisbiga WADDANI Oo Xukuumadda Iyo Xisbiga KULMIYE albaabada u laabeen

masuuliyiintii ku sugnaydna Jeelka Ayaa Loo Taxaabay.

Xisbiyada Qaranku sharci ayay ku dhisan yihiin, sida KULMIYE xaqa ugu leeyahay inuu goob kasta iyo Gobol kasta xafiisyo ka furto ayay WADDANI iyo UCID na xaq ugu leeyihiin.. Waxa la yaab leh in Maanta Xisbiga KULMIYE oo adeegsanaaya awood ciidan uu albaabada u laabo Xafiiskii Xisbiga WADDANI ku laha Magaalada Nasiye oo kamid ah degaanada hoos yimaada Gobolka Togsheer, sidoo kale afar xubnood oo Xisbiga WADDANI ka tirsan oo ah masuuliyiintii Xisbiga ee magaaladaas ayaa Xabsiga ku jira oo Ilaa hadda xidhan .

Sababta qudha ee sidaa loo sameeyay waxa weeye Casuumad uu Geel ku qalay Maayarka Burco Maxamed Muraad oo La keenay Murashaxa Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi. Ilaa xalay ilaa Maanta Maayarku gawaadhidii Dawladda Hoose ee Burco ee ay ahayd in khashinka lagaga guro Burco ayuu la wareegaayay Tuulooyinka Baliweyn iyo Hawdka xuduudka isagoo raba inuu helo dad u camira Magaalada Nasiye si uu u raali galiyo Muuse Biixi oo uu ugu sheego in Jifadiisa hoose ee Rer Biniin la socoto, waa mid kamid ah sheekadii daabulka tulooyinka ee maalmahanba lagu sabaayay Laguna seexinaayay Muuse Biixi, waaxa nasiib darro ah in Maayarkii loo doortay wax qabashada adeegii bulshada Burco wada degan, uu sidaa u fekero, waa dhaqanada guracan ee dalkeena ka hano qaaday ee u baahan in la suuliyo mustaqbalka haddii Alle idmo, Insha Allah WADDANI ayaa suulin doona ..

Habkaas foosha xun ee iskarogooyinkii Dawladda Hoose uu dadka ugu soo guraayo, isagoo ka faa’iidausanaaya ummad iska tabaalysan oo badankoodi xooluhu ka baxeen waxa yar ee uu meesha ku qalay ee cashuurtii dadweynaha Degamada Burco lagaga uruuriyay uu kaga badalanaayo Sawir kooda oo been abuur iyo riwaayad Nin sharaxan loo dhigaayo ah, wuxuu fool xumadaas dul saaran ku daray inuu xafiiskii Xisbiga iyo masuuliyiintii Xisbiga WADDANI Ciidan Boolisa loo dalbado oo xabsiga lagu guro. Dhammaan calamadihii Xisbiga ee degaanadaas sudhnaana ciidan ayaa loo adeegsaday waana laga wada rogay si aanu Muuse Biiixi u arkin ma waxbay tarayaan mise way khiyaamaynayaan, talabadaasi waa sharci darro waanu canbaaraynaynaa Xisbiga WADDANI ma aqbali doono in xarumihiisa tageerayashiisa iyo masuuliyiintiisa laysku dayo in cabudhin lagu hor joogsado..

Falkaas iyo kii Gabilay ee aad ogtihiin in Gurigii Xisbiga wali ciidan haysto, waxaanu annagu u haysanaa oo u aano ah oo lagala xisaabtami doona oo dumadiisa ay tahay Murashaxa Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi. Sidii gobonimada lahayd ee Muuse Biixi looga soo dhaweeyay Oodweyne wuu ogyahay, Ceerigaabo ayuu u baahnyahay waa degaankiisi meel kasta, aynu dhaqanka tartanka ilaalino ummaddana yaan caadifadeeda la kicinin si xalaala ha loo tartamo haddii sharcigu shaqayn waayo KULMIYE cidina kama jilicsana isaga ayay tahay inuu ammaanka ilaaliyo oo masuuliyadi ka saarantahay maadaama oo uu xukunkii hayo, isaga KULMIYE iyo Murashaxooda iyo Xubnaha Wasiirada iyo Maayarada ay ahayd inay Ummadda u dhaxeeyaan ee horboodaya waxay u dhaqmayaan sidii Mucaaridka, waxaanu leenahay sharcigu ha shaqeeyo.

Muniir Axmed Cigaal
Kaaliyaha Warbaahinta.

 

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Hannaankii wax lagu dooran jiray ma hayno
Faa’iidada Ay Qaranka U Leedahay Wakaalada Xabkaha Iyo Faleemka Somaliland
Dowladda iiraan oo ku guulaysatay tijaabada gantaal nooca satellitka
Cilmi-baadhayaashii Nigeria oo kala bar la dilay
Daawo: Madax dhaqameedka Beesha Ciise oo Baaq Adag diray
Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Sacad Cali Shire oo Booqday Ciidanka Dab-demiska
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.